Monday 14 October 2013

Soomaalida iyo Nabadda Aduunka


Soomaali. Soomaalidu maaha dad ku cusub aduunka iyo nabadiisa. Waxa Eebe ku abuuray degaan muhiim u ah isku socodka dunida. Waxa Waynuhu dhaxal siiyay geyi leh khayraad badan oo waayada qaarkiis ahaa waxa ugu qaalisan ee la heli karayey. Taas ayaa u ahayd fure xidhiidhka qotoda dheer ee ay la lahaayeen dadyowgii dunida, kumanaan sano ka hor, hadii aanay malaayiin sano ka hor ahayn.

Muhiimada Soomaalidu lahayd waxa xudun u ahayd dhulka eegaya badda cas. Dhulkaas oo ka sokow inuu yahay marin biyood isku xidha dunida, u ah iridda laga galo Afrikada Bari iyo badhtamaha Afrika. Mar aanay jirin diyaarado hawada mara, badda ayaa ahayd marin ka keliya ee qaaradaha la isaga gudbo. Sidaasdarteed, cidii ku socoto ilaa gudaha Ethiopia waxa ku khasbanaayen inay maraan dhulka Soomaalida.

Dhoofka iyo gancsiga adoomaha ayaa isna ahaa ganacsi xoogan oo muhiimada dhulka Soomaalida kor u qaaday.

Haseyeeshee, Soomaalidu may ahayn dad sahlan oo si fudud looga fushan karo dano badan. May ahayn dad leh maamul dhexe oo u wada taliya. Sidaasdarteed, dhibaatada soo wajihi jirtay cid kasta oo doonta inay saamayn ku yeelato dhulkaas muhiimka ahi may ahayn mid yar.

Reer Yurub waxay kala kulmeen Soomaalida dagaallo kulul iyo layn ba’an ka hor intaanay soo qabsan iyaga oo ku soo dhuuntay heshiisyo ay la galeen beelaha. Heshiisyadii kala duwanaa ee tusaale ahaan Ingiriisku la galay beelaha Somaliland may ahayn mid iska dhacday. Tobonaan sano ayuu Ingiriisku imanayay dhulka Soomaliland si u sahimiyo una ogaado siday u nool yihiin. Taasi waxay ugu kacday qiimo badan. Dad badan ayaa lagaga laayay. Wuxuuna u yiqiin dhullkan meel ay degen yihiiin dad adag oo aan si sahlan loo qabsan karin.

Badda Casi may ahayn meel si fudud la isaga maro. Balse duulaanada ay Soomalidu ku qaadi jirtay mid socda ayuu ahaa. Tani waxay ku xasuusinay waxa hadda loo yaqaan budhcad badeedka ee reer Soomaliyi ka sameeyaan badaha Soomaalida.

Soomalidu waxay u ahayd welina u tahay laf dhabar nabadda aduunka. Berigi hore awoowayaasheen taas way ogaayeen. Inagu se maanta waxaynu isu aragnaa dad liita oo dunida aan qiimo badan ku lahayn.

Dhulka Soomaalidu degen tahay wuxuu ugu calaamad san yahay dunida meesha ugu muhiimsan. Soomaalidu waxay leedahay taarikh dheer. Taariikhdaas raadkeeda quruumo badan ayaan jeclayn oo mafiiq mariya si uu u tirtirmo. Dabcan buug badan ayuu ku xardhan yahay. Kuwo aynu hayno iyo kuwo aynaan hayn ba.

Dadka aan jeclayn taariikhda Soomalida ee tirtira waxa kow ka ah Carabta. Carabtu waxay la lahayd Soomalida xidhiidh dheer oo ay sabab u ahay derisnimada. Soomaalida oo ku noolayd dhul hodon ah waxay u arkaysay Carabta dad liita oo iyaga ka hooseeya. Balse markii Diinta Islaamku ka soo baxday dhul Carbeed, Soomaalidu kamay san taagin sidii Yuhuuda ee way aqbaleen Nebigii Carbeed (SCW).

Carabtu waxay dooneen inay si kale uga faa’iidaystaan Diinta oo ay kor u qaadaan Carabnimada. Dalal badan ayay taas kaga guulaysteen iyaga oo bedelay qoomiyado badan oo aan Carab ahay. Tusaale ahaan Afrikada Woqooyi.

Soomaalida oo waxa Carabi tahay tiqiin way sixi waayeen inay bedelaan. Qarniyo kadib waxay ku guulaysteen inay bedelaan abtirisiitna Soomaalida oo ay ku arooriyaan Carab. Haa. Taas waa ku guulaysteen. Ma wayna hadaad u eegtid dadyowga aan maanta luqadoodii ku hadal ee la dhalan rogay. Mana yara hadaad eegtid sida dhalinyaradeenii maanta ugu jaahwareersan yihiin abtirsiin aan ka badnayn kun sono oo ay ku abtirsadaan. Waxay iswaydiinayaan waqtigaas ka hor maxaanu ahayn?
Qalinkaa ila aaday meel kale e, waxan uga dan leeyahay Soomalida nabadda aduunka way uga muhiimsan tahay dalal badan oo isu haysta inay qiimo wayn leeyihiin, balse inagga ayaan taa garawosan. Soomaali waxan ula jeedaa inta ku hadasha afka Soomaliga, ha joogaan Jibuuti, Ethiopia, Somaliland, Kenya ama Somalia. Taariikhdaa hore Soomaalida Ethiopia, Jibuuti iyo ta Soomaaliland waxay ahaayeen isla hal mid keliya. Gumaystaha se kala qoqobay. Yeelkeed maanta midnimo durbaankeeda tumi mayno oo waxay dhasho soo aragnay. Waxaanse lama huraan ah in taariikhdeena iyo qiimaheena aynu dhuuxno oo aynu aragno xooga aynu leenahay.