Wednesday 22 January 2014

Falaqayn qaybta afraad farqadda 9aad ee war-murtiyeedka Istanbuul


Waxan si kooban isu dul taagayaa qaybta afraad farqadda 9aad ee qoraalka ay ka soo wada saareen labada ergo ee Somaliland iyo Somalia. Farqadaasi waxay u qoran tahay sidan (nuqulka Ingirisiga ah oo ka asalka ah):  

“We share the pain inflicted upon the Somali people by the military regime in Somalia before the year 1991. We condemn all the atrocities committed by that regime throughout all Somali people particularly the people in Somaliland.”

Qaybta hore waxa lagu bilaabay “ Waxanu wadaagnaa xanuunka soo gaadhay dadka Soomaaliyeed ee uu u gaystay nidaamkii ciidanka ahaa ka hor sanadkii 1991.”

 Tani waxa ka soo baxay laba arimood:

1.      Labada dhinac si isku mid ah ayay u wadaagaan xanuunka. Taas oo macneheedu yahay in ay u siman yihiin oo aanay ahayn mid wax dulmay iyo mid la dulmay.

2.      In cidda wax geysatay ay tahay nidaam (regime) ay ka wada tirsanaayeen dad reer Somaliland ah iyo dad reer Somalia ah labadaba. Sidaas darteed, waxay ka saaray meesha in reer Somaliyi iyagu geeysteen layntaas.

 Qaybta danbe waxay u dhigan tahay “Waxanu canbaaraynaynaa dhamaan atrocities (xagga danbe ayaan ku sharixi ereygane) uu ka galay nidaamkaasi dhamaan dadka Soomaalida ah oo dhan gaar ahaan dadka ku nool Somaliland.” Tan waxa ka soo baxay afar arimood;

1.      Labada dhinac si siman ayay u canbaareeyeen taas oo macneheedu yahay maaha qiraal ay Somalia qiratay qalad ay iyagu sameeyeen.

2.      Atrocities: ereygan waxa weftigu u turjumeen “Cadawtinimo”. Kama foga miche ahaan. Atrocity waa erey aan loo isticmaalin xeeraka caalamiga ah. Ma laha wax saamayn sharci ah. Cida lagu eedeeyo atrocity macneheedu maaha inay ku geftay qodob sharci oo xeerarka caalamig ah. Ta u muhiimsan ee Somaliyi u doorbiday ereyganina waa si ay uga cararto ereyada muujinaya dembi dhacay sida xasuuq, layn, dembi dagaal IWM, kuwaas oo isticmaalkood keeni lahaa saamayn sharci.

3.      Ta u darani waa in la sheegay in waxyeeladaas loo gaystay guud ahaan dadka Soomalida ah. Hadalkaas oo ahaa mid ay weligeedba isticmaali jireen siyaasiyiinta Soomaaliya oo ku dooda in dhibta Somaliland sheeganaysaa ay tahay mid ay wada qabeen dadka Soomalida ahi oo aanay jirin wax si gaar ah loogu geeystay. Ereyga gaar ahaan (particularly) waxay u noqonay canbaaraynta oo waxa micneheedu yahay waxanu si gaar ah u canbaaraynaynaa cadawtinimada loo gaystay dadka ku nool Somaliland ee maaha micneheedu cadawtinimada gaarka ah ee loo gaystay Somaliland.

4.      In Somaliland: oo ah ta u danbaysa waxay ku tahay Somaliland yasid wayn. Waxay u dhigan tahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Somaliland. Lama isticmaalin particularly the people of Somaliland.  

Gebogebo

Farqadan 9aad waxa ka soo baxaya laba arimood;

1.      In Somaliland aay ku raacday Soomaliya inaanay jirin dhibaato gaar u soo gaadhay Somaliland balse dhibtu tahay aafo guud oo dadka Soomliyeed si isku mid ah u soo gaadhay oo ya tahay in markaas si isku mid ah loo canbaareeyo oo bartaas lagu dhaafo

2.      In wax denbi ahi dhicin waayo waxan la isticmaalin ereyada muujinaya in dembi dhacay.