Saturday 12 April 2014

Ku socota dawlada Israel

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku taal cidhifka bari ee u janjeedha badda cas ee wajahaysa dhulka Carabtu degto. Waa gobolka loo yaqaan Geeska Afrika. Dalka Somaliland taariikhdiisu waa mid guun ah oo waayo dheer soo taxnayd dibna ugu noqonaysa kumanana sano ka hor. Gumaystihii Afrika qaybsaday waxa ku soo hagaagay Somaliland boqortooyada midawday (UK) oo mudo ku siman sideetan sano nala joogtay. Inkasta oo aan gumaysiga Afrikada kale aragtay aanan la kulmin hadana xiligaas waxanu ku tirinaa dharaarihii gumaystaha.
Markii gumaysigu ka tegay dhulkayaga 26 June 1960 kii waxannu noqonay dal madaxbanaan oo ka mid ah qaramada xorta ah ee dunida. Intii reer Yurub geyiga Soomaaliyeed joogeen waxa uu dhul Somaliland leedahay uu u gacan geliyay dalka aanu deriska nahay, iminkana isku wanaagsanahay ee Ethiopia. Talaabadaas waxannu ogaanay waa danbe. Cadhadii ka dhalatayna waxay nagu xanbaartay inaanu raadino midnimo Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogto. Sidaasdarteed, shan dharaarood dabeed waxanu ku biirnay Somaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray taariikhdu markay ahayd 1 July 1960kii.
Midnimadaasi ma waarin. Iska daa in laga gaadho hiyigii laga lahaayee waxay na baday waxaan qalinku qorin karin. Sidaasawgeed, 18 May 1991 kii ayaanu go’aansanay inaanu dib u soo ceshono dawladnimadii aanu kula midownay Soomaaliya. Tan iyo waagaas waxanu u heelanayn sidii aanu dunida ugu qancin lahayn inay ictiraafto qaranimadayada.
Waxannu leenahay dhul  xuduudiisu la da’ tahay Afrikada kale. Dadku waa joogto oo dhulka iyo dadka waa la isku yaqaan. Dawlad baanu leenahay aanu dooranno. Sidoo kale awoodda dawladu waa mid gaadhsiisan inay cid kale heshiis la gasho. Sidaasdarteed, shuruudiihii xeerarka caalamiga ah waanu buuxinay muran la’aan. Sidoo kale waxannu leenahay calan qurux badan oo noo gaar ah, lacagtayada oo ka duwan tii dalkii hore iyo ciidamo xoogan oo difaaci kara xadkooda, gacanna siin kara ciddi nala saaxiib ah ee cadow weeraro.
Dalkii aanu midnimada la galnay, Somalia, warkiisa waa haysaan oo dawladina kama jirto waana hoyga argagixisada Afrika iyada oo la saadaalinayo in xitaa Al Qaacidada Afgaanistaan joogtaa inay u soo cararto.
Cadowga noogu wayn ee qaranimadayada hortaagani waa wadamada Carbeed oo aanu diinna wadaagno derisna nahay. Geed dheer iyo mid gaaban waxay u fuuleen hagardaamadayada. Lacag badan bay haystaaan galaan galkooda diblomaasiyadeedna naga xoog wayn annaga.
Waxan warka ku hayaa inay idinka dhib badan idinku hayaan. Waxay markaas iila muuqatay inaynu leenahay cadow guud. Sidaasdarteed, waxa ila haboonaatay inaan idinka codsado inaad na ictiraaftaan. Waxannu nahay Qaran abaalka loo galo guda, cadawgiisana ka aarsada. Waxa odayadu ii sheegeen in ka hor dhibta Falastiin in Yuhuud badani joogtay Somaliland oo ganacsi ku lahayd. Markaas taariikhdaas waa soo celin karnaa. Laga yaabee inaad is waydiiso ma dal Muslim ah ayaa gargaar waydiisanaya Israel. Balse aan ku xusuusiyo in Yuhuuda iyo Kiristanku u siman yihiin Muslimiinta.

Mahad sanidin