Monday 7 July 2014

Jibuuti ma cadowbaa mise saaxiib Somaliland

Waxa ayaamahan war-baahintu tebinaysay inuu xidhan yahay xadka u dhexeeya Somaliland iyo jamhuuriyadda yar ee dhinaca galbeed kaga beegan. Waxay tani keensanaysaa inaynu is waydiino Jibuuti cadow iyo saaxiib midkay u tahay Somaliland. Qoraalkan koobanna midkaas baynu isku dul taagaynaa.
 Dawladda dadkeedu na fara ku tiriska yihiin ee Jibuuti waxa u badan dadka dega Soomaali. Umadda Soomalida ah gaar kuwa Somaliland waxay u gurmadeen Jibuuti markay ku jirtay halgankii xoriyadda. Dadwaynaha Jibuuti iyo dawladoodu umay abaal gudin Somaliland markii sideetanaadkii shacabku kula jireen halganka dawladdi keligii taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Xadka Jibuuti uma furnayn dadka ka cararayay xasuuqii Faqashta. Waxa sidoo kale xusuusta reer Somaliland aan ka go’ayn dadaalkii dawladda Jibuuti u gashay sidii ay u baabiin lahayd jabhadii SNM. Waxay ahayd maalin ka mid ah kuwii ugu qadhaadhaa ee SNM soo mara markii madaxwaynihii Jibuuti Xasan Guuleed uu heshiisiiyay labadii madaxwayne ee Somaliya iyo Ethiopia si loo cidhib tiro jabhadii SNM.
Inkasta oo Jibuuti hagardaamo wayn u geysatay shacabka Somaliland dharaarahaas oo reer Somaliland si wayn ugu baahnaayeen in Jibuuti u hiiliso ama nabad geliso, hadana shacabka Somaliland wax aargoosi ah uma gaysan jamhuuriyadda aan xooga badan lahayn ee Jibuuti. Nasiib darro, Jibuuti weligeed ma joojin cadaawadda qaawan ee ay ku hayso shacabka la dersika ah ee Somaliland. Dawladii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal way ka warhaysay dibindaabyada Jibuuti. Xidhiidh labada dal ka dhexeeyayna ma jirin. Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jibuutina waxa joogay ciidan aad u badan oo Somaliland leedahay. Waayo Jibuuti waxay ahayd cadow wayn oo  Somaliland leedahay. Waxa marag ah in aaskii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wefti Jibuuuti u soo dirtay si ay uga qaybgalaan, dawladda Somaliland diyaaradii siday weftigaas hawada ayay ka celisay.
Markii xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo timid xukunka Somaliland, dawladda Jibuuti roog cas bay u dhigtay Axmed Siilaanyo. Waxay dad badan ula muuqatay in xidhiidhka labada dal is bedelayo. Balse dadka sida dhow ula socday arimaha waxay hubeen in aan Jibuuti ka toobad keeni doonin kana waantoobi doonin ficiladeeda guracan. Tan danbe ayaa rumooday.
In kasta oo dawladihii isaga soo danbeeyey Somaliland ay iska caabiyi jireen Jibuuti, waxa dhab ah in Jibuuti ay ka gacan sarayso dawladda hada xilka haysa oo jilbaha dhulka u dhigatay cadowga Somaliland.
Waxa intaas dheer in Ismaaciil Cumar Geele, madaxwaynaha Jibuuti, uu ka samaystay Somaliland taageerayaal. Lacagta faraha badan ee Jibuuti ku laaluushto dad badan oo reer Somaliland ah waxay aamusiisay cidii ka hor iman lahayd cadowtinimada Jibuuti. Waxayna si cad saamayn ugu leedahay Jibuuti siyaasiyiin reer Somaliland ah oo muxaafid iyo mucaaradba leh.
Jibuuti waxay mar walba olole uga gashaa fagaarayaasha diblomaasiyadeed sidii aanay Somaliland u helin ictiraaf, xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo bulshada caalamkuna u xumaado. Nasiibdarro, hadii aad kala garan waydo cadowgaaaga iyo saaxiibkaaga waa masiibo wayn.
Waxan kula talin lahaa shacabka Somaliland in aanay noqon kuwo iloowshiimo dhow oo aan caadifadda iyo indho sarcaadka kuwo Jibuuti ka dhex hadasho aanay ka qarin xaqiiqda dhabta ah. Waana in siyaasiyiinta iska fogeyn waaya cadowga Somaliland shacabku mariyaan abaalka ay xaqa u leeyihiin.