Thursday 26 March 2015

Open Letter to the Government and people of the Kingdom of Sweden

I am writing from Hargeisa, the capital of the Republic of Somaliland. I am Somaliland citizen who is outraged by recent disrespectful and ungrateful press release issued by the government of Somalia where it condemned Sweden over diplomatic row between Sweden and Saudi Arabia.  

The government of Somalia does not represent the people and the government of Somaliland. Somaliland is a sovereign country that has its own foreign ministry. Somaliland and Somalia united in 1960 to form Somali Republic. That union came into an end in 1991 when Somaliland restored its independence from Somalia. Since then Somaliland has been administering its internal and external affairs. 
  
The disgraceful statement from Somalia does not translate the view of the Somali people. Somalis do not have gratitude to the Saudi Kingdom. The military oppression in 1970s and 1980s, and the subsequent civil war forced many Somalis to flee from their country. Saudi Arabia forcefully returns the Somali refugees back to dangerous places. The expulsion of Somalis who run away for their lives back to the war zone shows the ruthlessness and the heartlessness of the Kingdom of Saudi Arabia. Many Somalis languish in Saudi prisons and many more are exploited. Saudi Arabia’s brutality and cruelty are also felt in Somaliland and Somalia. It imposed embargo in Somali livestock at a time of need. Livestock contributes 60% of the GDP in Somaliland.  

I know and appreciate the generous hand and assistance Sweden extends to the Somalis. Sweden does not only welcome and support Somali refugees, but you also provide humanitarian assistance to both Somaliland and Somalia. Sweden cannot be compared with Saudi Arabia.  

Although I may not agree with some of the remarks of Minister Margot Wallstrom, the human rights abuses of Saudi Arabia cannot be ignored. Saudi Arabia does not symbolize Islam. Hence I expect Sweden not to associate Saudi actions with Islam. 

 I reiterate that we, the Somalilanders, do not share Somalia with the same thought on the issue. We have our own government and foreign policy. The Somalilanders are grateful people. I hope the Kingdom of Sweden will support Somaliland’s quest of recognition. International recognition will free us from Somalia’s irresponsible behaviour. We will be able to side with the democratic countries that respect human rights.   

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Thursday 5 March 2015

Waa maxay cilmaaniyaddu?

Hordhac
 Doorka diintu ku yeelanayso arimaha siyaasadeed ee dalalka Muslimka ah waxay ahayd dood taagan oo si wayn u kala qaybisa siyaasiyiinta ku hirdama xukunka wadamada Muslimiinta ah. Dooda fekerkani wuxuu dunida Islaamka ka furmay kadib guuldaradii iyo jabkii soo gaadhay dawladdi xooganayd ee dhul badan oo Muslimiinta ah ka talin jirtay ee xarunteedu ahayd halka iminka loo yaqaan Turkiga. Hilaad ahaan waxay ku beegan tahay kadib dagaalkii koowaad ee dunida. Dagaalkaasi saamayn aad u culus buu ku yeeshay dunida Islaamka. Jabka dawladii markii danbe ku caan baxday Cusmaaniyiinta waxa doorka u wayn ku lahaaa Carabta oo duufaano colaado ah ku kiciyay si toos ahna ula saftay wadamadii reer galbeedka (Ingiriiska iyo Faransiiska gaar ahaan) ee dagaalka kula jiray Cusmaaniyiinta. Waa taariikh kale oo dheer oo aynaan u socon inaynu halkan ku faaqidno.
Jabkii dawladdii Cusmaaniyiintu wuxuu geyaysiiyay Muslimiinta in intii ka hadhay gumaystihii reer Yurub ee aanu hore u haysan inuu wada qabsado. Reer Yurub waxay la yimaadeen aragti ku cusub dunida badankeeda gaar ahaan dunida Muslimiintu ku nooshahay. Aragtidaas oo ah in diinta ama diimaha dadku haystaan iyo siyaasadda la kala fogeeyo (Zuckerman, 2009). Reer Yurub fekerkan waxa ku keenay cadaadis iyo dulmi ay badeen boqortooyooyinkii u talin jiray iyo wadaadadii diinta Masiixiga oo is-garabsanaya (Smith). Wadadada kiniisaddu waxay dad waynaha u sheegi jireen inaan xukunka boqortooyada lagu kicin oo ay yihiin dad Eebe doortay oo ay tahay in la adeeco awaamiirtooda. Garo oo khayraadka dadka ee boqortooyadu boobaysay ayay qaybtooda lahaayeen wadaadadu, waynayn iyo xushmayn wayna way haysteen. Waagaas dadka si xun ayaa loo gumaysan jiray, xukunkuna mid cadaalad daro, is adoonsi iyo dulmi ku salaysan buu ahaa.
Cilmaaniyadda iyo Yurub
Dad waynihiii reer Yurub way kaceen, boqortooyadiina afkay dhulka u dareen. Meelaha qaar sida Faransiiska waabay laayeen, meelaha qaarna waxa lagu qasbay inay ogolaadaan inay xukunka wareejiyaan iyagana la nabad geliyo. Balse dadwaynihii reer Yurub waxa ku adkaatay inay laayaan ama baabiiyaan kiniisadda waayo waa diintay aaminsanaayeen. Dabadeed si ay uga gaashaantaan inaan mar danbe labadu (waa kuwa xukunka haya iyo culimadu) aanay isu garabsan oo aan diinta loogu adeegsan in lagu barakeeyo xukun qalafsan, waxay go’aansadeen in kiniisadu arin gaar ah noqoto oo aanay soo gelin siyaasadda iyo arimaha dawladda. Waxay markaa noqotay qofkii Eebe caabudayaa yeelkii, balse diintu yay soo gaadhin dawladda.  
Sadex arimood ayaan ku soo koobayaa tiirarka u wayn ee cilmaaniyadda. Waa ta kowaad e, shuruucda dawladda lagu dhaqayo lagama soo qaadan karo diinta oo ma noqonayaan wax loo nisbeeyo waxyi, balse waa in dadku iyaga oo adeegsanaya caqligooda ay samaystaan sharciga. Waa ta labaade, astaamaha iyo muqadsisaadka diiniga ah lama geyn karo oo kama muuqan karaan dawladda dhismayaasheeda. Waa ta sadexaad e, dawladdu ma dhiirigelin karto ama ma badhi taari karto diin qudha. Taas oo ah inaan lacagta cashuur bixiyaha la gelin arin diin quseeysa oo ay ka mid tahay dugsiyada diinta lagu barto. Sadexdaas rukun dawladuhu way ku kala duwan yihiin heerka ay ka dhaqaan. Balse ta hore ee ah inaan sharcigu noqon mid diimeed waa ta u wayn wadamada reer galbeedka.

Cilmaaniyadda iyo diin la’aanta (atheism)
Cilmaniyadu lama mid ah diin la’aanta “atheism” (Zuckerman, 2009) . Cilmaaniyadu way ogoshahay in qofku haysto diin. Balse diin la’aantu (mulxidnimo) waa in qofku ku doodo inaan Ilaah jirin oo diintu uun iska tahay caado dadku qaateen. Markaa qofkaasi diin oo dhan buu diidaa. Halka cilmaanigu haduu doono kiniisadda ama masjidka ama meeshii kale ee wax lagu caabudo uu tago. Balse uu diidan yahay inay dawladda soo gasho diintu. Waxa la yidhaahdaa: diin laawe oo dhami waa cilmaani, balse cilmaani kastaa diin laawe maaha.
Muslimiinta iyo Cilmaaniyadda
Dhamaan wadamada Muslimiinta marka laga reebo Iraan iyo Sucuudiga waa cilmaani. Iraan waa dal xukunkiisa u raaca diinta. Halka Sucuudigu la midka yahay boqortooyooyinkii Yurub ka jiri jiray ee boqortooyada iyo wadaadadu intay is-garabsadaan ay umadda inteeda kale cadaadshaan.
Sidaas oo ay tahay, wadamo badan oo Muslimiin ah waxa mudo dheer ka soo jiray dhaqdhaqaaqyo diini ah oo u taagan in diinta lagu xukumo dalka (Esposito). Waxa tusaale u ah dhaqdhaaqyada fekerka Wahaabiga ku tirsan sida Taalibaan oo mar ka talin jiray Afghanistan, al Shabaab, Daacish iyo al Qaacida iyo kuwo aan dagaalamin balse si nabad ah uga dhex ololeeya dalalkooda, iyo Ikhwaanu Muslimiinka oo dalal badan kar jira.
Kacdoonkii Carabta ee ay u bixiyeen Guga Carabta wuxuu muujiyay in tartanka ka dhexeeya cilmaaniyiinta iyo kuwa ka soo horjeeda uu u janjeedhsaday in dadku khaatiyaan iska taageen siyaasiiinta cilmaaniyadda. Taas waxa badan keeda keenay keligiitalisnimo iyo xukun qalafsan oo wadama Muslimiinta badankooda lagu dhaqo. Waxa se dadka shaki badan ku abuuray falalka Daacish oo soo xasuusiyay Taalibaan iyo al Shabaab.
Gebogebo
Inkasta oo aanan qoraalkan ugu talo gelin inaan dhinac raaco ama dood gaar ah taageero balse aan uga dan leeyahay inaan tuso uun halka xaal marayo, hadana waxa xaqiiq ah in Musliminta dhexdooda labada dhinacba (waa cilmaaniyiinta iyo kuwa ka soo horjeedee) aanay si qoto dheer u fekerin oo aanay xor ka noqon aragtida reer galbeedka. Taas waxan uga jeedaa in cilmaaniyiinta muslimiinta ahina ku mashquulsan yihin dabagalka raadka reer galbeedka, halka kuwa ka soo horjeedaana ay sidoo kale ku mashquulsan yihiin baabiinta raadka reer galbedka. Labada midna isma waydiin inuu hoos u eego arinkan oo si miyir qabta u faaqido. Dacaayadda iyo in koox ba kooxda kale dadwaynaha u bahalo geliso ayuun bay isku hawleen. Dadwaynuhuna dhexdooda ayuu ku dawakhay.