Saturday 28 November 2015

CAQABADAHA DHAQAALAHA SOMALILAND by Jama Ahmed Jama

Image: Google

HORDHAC
Jamhuuriyada Somaliland waa midka mida dalalka kuyaal Geeska Afrika  iyo gacanka Cadmeed oo ah goob ka mida goobaha ugu straatejisan ganacsiga caalamka halkaas oo marin u ah inta badan gaadiidka bada iyo cirkaba ee  isaga kala goosha bariga iyo galbeedka aduunka  kuwaasoo sida shixmadaha ganacsi. Marka laga yimaado goobta wanaagsan ee uu ku yaalo dalku waxa kale oo uu hodonku yahay  khayraad farobadam oo ay ka mid yihiin Xoolaha, Macdanta, Kaluunka, Beeyada iyo beeraha.
 Wax soo saarka dhaqaale ee Somaliland (GDP) waxa lagu qiyaasaa $1.5 billion, 30% Dhaqaalaha somaliland wuxu ka soo galaa xoolaha halka 20% ay ka soo galaan Tukaamda jumlada iyo tafaariiqda 8%  beeraha, 6% handida maguurtada ah. Dadka reer Somaliland waxa lagu qiyaasaa 3.5million, halka Shaqo la aanta Somaliland lagu qiyaasay inay shaqo la a yihiin Raga  28%  Dumarka 17% ( 15 to 24Jir . Hargeisa Borama Burao) (New World Bank GDP and Poverty Estimates for Somaliland, 2014)

Taariikhda Dhaqaalaha Somaliland 1991-2000
Kadib dagaalkii qadhaadhaa ee xukunka lagaga tuuray xukuumadii milateriga ahayd ee uu hogaaminayey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, waxaa burbur lixaadlihi soo gaadhay dhaqaalaha Somaliland oo gebi ahaanba laga soo bilaabay xaga hoose. Dagaalka ka sokow dawladda Siyaad Barre oo ahayd shuuciyad waxay baabiisay lahaanshihii gaarka ahaa taas oo sababtay faqri wayn markii dawladdu ka baxday meesha.
Mudo kadiba waxaa si fiican u hirgalay ganacsi xoogan oo xaga dhoofinta xoolaha ah. oo loo dhoofinyo xoolo tiro badan dalalka Carbeed. Ganacsigaa oo ay si fiican ugu diirsadeen dadkii dagaalada kasoo doogay  una  noqday il soo kabasho ayna shaqooyin iyo dakhli  farobadan ka heleen dad faro badan si toos ah iyo si dadbanba .
Dhamaadkii sagaashanaadkii waxay ahayd markii xoolihii ugu tirada badnaa laga dhoofiyey dekeda Berbera tan iyo intii Somaliland gooni isu taageeda la soo noqotay
Sanadkii 1997 waxaa laga dhoofiyey dekeda Berbera xoolihii ugu badnaa ee sanadkaa aduunka laga dhoofiyo hal deked 2.8 Million (Neef)  ayna kasoo xerootay hanti lagu qiyaasay $84.4 million,  xoolahaa oo kala yimi  Togdheer Burco Yiroowe  20-25%  Sool iyo Sanaag 15-20% deegaanka Somalida ee Ethiopia 45-50% halka qayb kalena ay ka timi Badhtamaha iyo Koonfurta Somalia 10-15 (Holleman, 2002)
Marka laga yimaado shaqada iyo dakhligu kasoo galayey dhoofinta xoolaha wakhtigaa wax sidoo kale dakhli wanaagsani uga soo xaroon jirey dawlada Somaliland tiirka labaad ee dhaqaalaha Somaliland oo ah lacagta ay ka soo xawilaan dadka reer Somaliland ee ku nool dalka dibadiisa, kaas oo ay lacag badani kasoo gasho dalka.

Taariikhda Dhaqaalaha Somaliland 2000 iyo wixii ka danbeeyey
Kadib markii dalka Sucuudigu ku soo rogay cunaqabatayn  xoolaha Somaliland September dhexdeedii 2000 wax  si weyn looga dareemay guud ahaan dhaqaalaha Somalilad gaar ahaan dadkii sida tooska iyo sida dadbanba dakhligu uga soo geli jirey iibinta iyo dhoofinta xoolaha, kuwaaso oo isugu jirey dadkii xoolo dhaqatada ahaa kuwii ganacsatada xoolaha iyo kuwii u dhaxeeyey ba.
Isbedelkan dhaqaale oo ahaa mid weyn maadaama oo Somaliland waxa keliya ee ay ku tiirsanayd ay ahayd dhoofinta xoolaha  waxu  sababtay:
1.      Dad badani inay ku shaqo waayeen.
2.       Qaar badan oo xoolo dhaqato ahaa magaalada soo galaan.
3.      Shilinka Somaliland uu hoos u dhac ku yimi.
4.       Dakhligii kasoo geli  jirey Dawlada dekedana oo yaraaday.
5.      Ka ganacsiga dhuxusha oo badatay.
Wakhtigaa wixii ka danbeeyey waxaa kaalin lexaad leh ka qaatay nolosha iyo dhaqaalaha Somalilandba lacagta ay soo diraan dadka ku noolaa dalka dibadiisa taas oo u bedeshay dooorkii xoolaha, lagagana badbaaday dhibaato dhaqaale oo weyn oo ku habsan lahayd dadkii tamarta daraa ee dagaalada kasoo doogey.
Mudadaa wixii ka danbeeyey ganacsiga Somaliland  oo u badan cuntooyinka, qalabka dhismaha, dharka wwm dhamaantoodba laga soo dhoofiyo dalka dibadiisa hadba marka ka danbaysa wuu  sii horu marayey. Iyadoo ay soo kordheen shirkado isgaadhsiineed, kuwo dhisme iyo kuwo kale oo badan.
Hadaba waxaa marwalba biyo kama dhibcaan ah inay Dalka ka jirto  shaqo la’aan baahsan, taasoo laga dareemayo meel kastoo ka mida geyiga Somaliland ,da ayartii jamacadaha kasoo baxayna ay bilaa camal yihiin maqaaxiyaha fadhiyaan qaarkoodna kaba googoosteen dalka si ay u raadsadaan nolol dhaanta tan ay ku nool yihiin maanta oo ay uga dhex muuqan weydey inay ku gaadhi karaan mustaqbalkay higsanayeen. 
Caqabadaha Dhaqaalaha Somaliland
1.      Saylad La aanta Khayraadka  kala duwan ee Dalaka sida xoolaha, kaluunka, beeyada iyo kuwa kale ee ceedhinba

A.    Xoolaha
Midka mida caqabadaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha Somaliland haystaa  waa saylad la aanta xoolaha  oo ah khayraadka ugu badan ee dalka wakhtigan la joogo Somaliland. Tan iyo markii Sucuudigu mamnuucay xoolaha Somaliland waxa dalka soo wajahday dhaqaale xumo weyn taasoo keentay shaqo la aan iyo in ay joogsato lacag adag oo dalka kasoo geli jirtey dhoofinta xoolaha taasoo dib loogu maal gelin jirey dalka islamarkaana dad badanina shaqo iyo dakhli  ka heli jireen.

B.     Kaluunka
Sidoo kale kaluunka oo ah mid ka mida cuntooyinka caalamka loogu isticmaalka badan yahay oo dalka Somaliland hodon ku yahay ayaa nasiib daro aanay jirin hal wadan oo caalamka ama Africa ah oo loo iib geeyo. Iyada oo dalka Ethiopia oo shacabkiisu gaadhayo sagaashan milyan aanay lahayn bad. Sidaasdarteed na uu noqon karo saylad wayn oo loo iib geeyo kallunka ay sida wayn ugu baahan yihiin.
C.    Beeyada
Beeyadu waa midka mida khayraadka qaaliga ah ee uu hodonku yahay dalku hadii suuq loo helona dakhli wanaagsan iyo shaqooyiba ka soo gelilahaayeen dala

2.      La aanta Bangiyada Ganacsiga
Bangiyada ganacsigu waa laf dhabarta  abuurida iyo maal gelinta ganacsiyo cusub oo  hirgala. Maqnaanshaha bangiyo ganacsi oo dhamaystirani waxay dib u dhac weyn ku noqotay abuurista ganacsiyo waaweyn iyo yaryarba isugu jira oo dalka laga hirgelinlahaa oo s haqooyin abuuri lahaa dhaqaalaha dalkana kor usoo qaadi lahaa.
3.       Jilicsanaanta kaabayaasha dhaqaalaha
Kaabayaasha dhaqaalahu sida wadooyinka, dekedaha , korontada  iwm waxay lagama maarmaan u yihiin hirgelinta iyo ka shaqaysiinta ganacsiga. Ssida aynu wada ogsoonahay caqabad weyn ayaa ka jirta dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland taasoo dib u dhac ku keetay maal gashiga gudaha iyo ka debedaba .
GEBOGEBO
Si looga baxo dhaaqaale xumaanta iyo fakhriga Somaliland waxa loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto qodobadaa aan kor kusoo xusay iyadoo la iskaa shanayo dawlad iyo shacaba.
TALO SOO JEEDIN:
1.      In dawladu dedaalkeeda arimaha debeda oo dhan isugu geyso sidii ay khayraadka dalka ugu helilahayd saylado loo iibgeeyo.
2.      In dawladu buuxiso doorka bangiyada ganacsiyad ayna miisaaniyad sanad walba ugu darto qayb lagu maal gelinayo ganacsiyo cusub oo dalka  ka hirgala  iyada oo amaahinaysa lacagta dadka fekredaha ganacsiga ee wanaagsan haya, iyo inay ku sii kabaan ganacsiyadii hore u jirey.
3.      In dawladu sii dardar geliso hawlaha ayka wado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadada Ceergaabo,  koronto jabana ay u diyaariso si wershadahu u isticmaalaan .
4.      Inay dawladu tayayeeso xoolaha, kor uqaado caafimaadkooda sidoo kalena ka haqab tirto goobaha biyaha iyo baadka ayka heli lahaayeen.

Jama Ahmed Jama
jdafac12@gmail.com
Dhaqaale-yahan, Hargeisa Somaliland

Refrence

Holleman, C. F. (2002). The Socio-economic Implications of the Livestock Ban in Somaliland. Nairobi .

New World Bank GDP and Poverty Estimates for Somaliland. (2014, Janurry 29). p. 1.

Saaxiibadaydii xabsiga


Sawirka: Google images

Waayaha nolosha iyo geedigeedu maalinba meel buu kugu tuuraa. Mar ba dad baad la rafiiq tahay oo aad wax wadaagtaan. Isku dhowaanshaha iyo saaxiibtinamada waqtigu keeno ee aan kala doorashada lahaynina way ka wayn tahay kuwa kale oo dhan.  

Ma ilaawo, maankayga na kama bixin asxaabtii xabsiga. Sagaal iyo toban maalmood oo aan xidhaa, todoba iyo toban ka mid ah waxaan la xidhnaa asxaab kala duwan oo kala da’ ah. Aniga marka la iga reebo way xukunaayeen. Asxaabta aan ka hadlayaa maaha kuwii ku jiray xabsiga oo dhane waa sagaal qof oo igula jiray qolkii yaraa ee aan ku qaatay saacado badan. Waxbaan wada cunnay, sheekaan wadaagnay, laandhuu ama shax baanu wada cayaarnay, kaftan iyo haasaawe ayaanu is waydaarsanay. Waa isku dhowaansho cajiib ah waayo waa hal qol oo dhawr mitir isku jira meesha aan ku wada jirnay 22 saacadood maalin walba. Laba saacadood oo qoraxda loo baxo markaaad ka reebto.

Ma ilaawo odaygii hadalka wanaagsanaaa. Hal hays waxa u ahayd oo uu mar walba odhan jiray diintaa macaan, Nebigaa nuur leh. Dadkii xabsigu waxay naanays uga dhigeen Nebigaa nuur leh. Nin cibaado badan buu ahaa. Ma ilaawo ninkii maxaabiista qaybta aan ku jirnay (block C) madaxda u ahaa; nin gadh wayn oo qosol badan, sheeko badan oo kaftan badan. Ma cadhoodo dacaayadda dadka na ma joojiyo. Waa xariif oo si fiican buu xabsiga uga war hayaa. Shan Sanadood baa lagu xukumay oo inteeda badan wuu qaatay. Mase aha markii u horsay ee uu soo galo xabsiga. Waxa yaab ahayd sida uu u yiqiin Quraanka. Korkuu ka hayay in badan oo ka mid ah. Tafsiirkana wuu yiqiin. Waxaan xusuustaa habeen uu dusha nooga wada tafsiiray Suuratal Yuusuf. Wuxuu aad ugu tuun tuunsaday asxaabul sijni (ileyn anagaa ahayne).

Ma ilaawo ninkii madaadalada. Majaajileeste dhalad ah buu ahaa. Aad buu dadka ugu qoslin jiray. Maxaa lagugu soo xidhay markaad tidhaahdo wuxuu ku jawaabi jiray “lacagtaydaa ii soo xidhay”. Haduu fanka ku biiro waxaan filayaa inuu suuqa ka saari lahaa Sooraan iyo Jawaan.  
Ma ilaawo labadii saaxiib ee dhalinyaradda ahaa. Mid baa se aad iigu sawiran. Si uu waqtiga isu dhaafiyo wuxuu isku mashquulin jiray inuu ka shaqeeyo xabsiga. Nin xoog wayn oo da’ yar buu ahaa.

Haseyeshee, marka aan xabsiga xusuusto hal nin baan ka werweraa oo maskaxdayda ku abuura walaac. Anigaa isku canaanta oo waxaan is idhaahdaa wax ma u qabatay. Waa 62 jir gadh dheer oo cas leh. Waa ehlu cibaado oo marna wuu tukanayaa marna Quraan buu akhristaa. Imaamka qolkuu ahaa. Qof walba salaadda ayuu u kicin jiray. Ma ogola inuu qolka ku jiro qof aan tukan. Sheekadiisu waa xikmad iyo waayo uu soo maray.

Waa ninka keliya ee markii aan xabsiga ka soo baxay aan baadhay kiiskiisa. Waxaan doontay xukunadii iyo dhokumentiyadii maxkamadaha. Cali Salaad waa reer Xingalool (bariga Sanaag). Mudo dheer buu ku noolaa Hargeysa. Balse Somaliland, Hargeysa iyo caddalaadu ba way dulmeen. Dulmiga ku dhacay waxaan Ilaahay ka baryaa inaanu ku qaadin oo dusha ka saarin dadka intiisa kale. Quraan ruugga, cibaadada miidhan ah ee gardarada lagu haysto inaan Ilaahay inoogu cadhoon baan ka baryaa.

Cali gar Islaan iyo mid kale tooni dusha kama saarto waxa lagu haysto. Ilaahay baa Quraankiisa ku yidhi qofna qof kale dembgiiisa ma qaado. Dembi cid kale loo haysto oo la isla ogol yahay in cid kale loo haysto ayaa isaga la saaray. Kaas buu u xidhan yahay. Weliba wuxuu xidhnaan doonaa mudo aan cayinayn.

Cidda haystaa waa cid magac iyo sharaf badan leh. Waa cid ixtiraam bulshada ku leh. Waa cid la qadariyo. Sidaasdarteed, way adag tahay in laga horyimaado. Dabinno iyo xadhko isku xidhan buu galay.

Cali waxa lagu haystaa in nin uu dhalay lacag ka dhacay niman ajnabi ah oo uu kaga dhacay dal kale. Inankiisu waa 40 jir. Waaba is leeg yihiin. Waa nool yahay oo waa xay xooggiisa iyo laxaadkiisa qaba. Halka uu joogana waa la yaqaan. Laguma haysto Cali inuu dhaca la sheegay qayb ka ahaa iyo inuu hantida waxa ka helay toona. Hadana waxa lagu xukumay sadex sano oo xadhig ah iyo kala badh lacagtii loo haystay inankiisa. Lacagtu mid yar maaha. Waa 5, 00 000 Doolar.
Cali doodiisu waa cadahay. “Diinta Islaamku ima saarin waxa ninkaas qaan gaadhka ahi qabo, waaba hadii uu qabo ileyn kama doodin oo maxkamad lama keenine. Sharciga Somaliland iyo ka aduunkuna ima saarin. Maxaa la igu haystaa?”

Waxa loo haystaa cudhaadh. Waxa la haysanayaa Cali inta inankiisii imanayo oo bixinayo lacagta aanu iska difaacin ee marag iyo cadayn la horkeenay aanay dusha ka saarin.  

Wuxuu ku xidhan yahay xabsi laga yaabo inaad maalin walba adoo qoslaya iska hor martid. Balse isagu murugo ayuu ugu xidhan yahay. Xabsi uu tirsanayo ma jiro oo ma yaqaan intuu xidhnaanayo waayo dhaqanka qalafsan ee qayrul sharciga ah ee Somaliland ka jira ayaa ah in qofka la haysto inta uu bixinayo waxa loo haysto. Si cad buu u mamnuucay xeerka caalamiga ahi in qof lacag loo xidho. Waxa la yidhaahdaa adoonsiga daynta (debt servitude). Quruumihii hore ayaa dadka xabsiga ku hayn jiray inta laga bixinayo lacagta ama daynlaha ayaa yeelan jiray oo adoon ka dhigan jiray.

Waxaaan hubaa in Cali Salaad uu jeclaan lahaa in dadka reer Somaliland ee dareenka wadaniyadeed, Muslinimo iyo banii aadantimo lihi ay u hadlaan. Qasab maaha inaad ku qanacdo hadalkayga, baadhitaan shaqsi ah samee waayo qoraalada maxkamaduhu waa wax la heli karo. Kadib waad la tashan kartaa qareeno iyo culimo si aad u eegtid in waxa Cali lagu haystaa ay tahay gar.

 Khayr baan u rajaynayaa saaxiibadayda xabsiga ee ku jira qolka cidhiidhiga ah ee ay mamnuuca ka tahay buugga, qalinka iyo wax kasta oo la akhriyaa ee hadana isk faraxsan ee iska sheekaysta.


Guleid Ahmed Jama

Wednesday 25 November 2015

Maxaa u sabab ah khilaafka soo noqnoqday ee xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland

Hordhac

Sanadkii 2001 markii dadwaynaha reer Somaliland afti ku ansixiyeen dastuur dhigaya mabaadida dimoqraadiyadda waxay Somaliland u dhaqdhaqaaqday sidii ay u yagleeli lahayd nidaam dawladeed ku sal leh dimoqraadiyad ay hogaanka siyaasadda u hayaan xisbiyo siyaasadeed (Jhazbhay, 2009). Ka hor aftida dastuurka, madaxda dalka waxa soo xulli jiray ergooyin qabiiladu soo dirteen oo shir wayne ay ku kulmaan ku dooran jiray madaxweyne iyo ku xugeenkiisa iyo labada aqal ee Baarlamaanka. Dimoqraadiyaddu waxay u baahan tahay xisbiyo adag oo waari kara (JANDA, 2005). Geediga lagaga guurayo hab beeleedka ee loo naq raacay xisbiyo la biday inay dhaami doonaan beelo si toos ah u soo xusha hogaanka, waxa uu dad badan u ahaa guul wayn oo ay ku hamiyayeen. Waxa se jiray dad waagaas ka qabay shaki inay suurtagal noqon karto in Somaliland doorasho qaban karta. Sidaasdarteed, hawlaha badankooda waxa lagu galay si degdeg ah.

December 2002 ayaa markii u horaysay tan iyo 1969 dadwaynaha reer Somaliland waxay u dareereen codbixin ay ku kala xulanayeen lix urur siyasaadeed oo sida qorshuhu ahaa sadexda ugu codka badani noqon doonaan xisbiyadda siyaasadda ee dalka (Jama, 2009). Waxa ku soo baxay xisbigii talada dalka hayey ee Ururka Dimoqraadiyadda Umadda Bahowday (UDUB), Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) iyo ururka kulmiye. Sadexdaas urur oo da’ ahaanna u kala waynaa sida ay u kala horeeyaan waxaay laga bilaabo ku dhawaaqistii natiijada doorashada noqdeen xisbiyada rasmiga ah  ee dalka.

Haseyeeshee, jirintaanka sadexda xisbi waxa muran wayn geliyay siyaasiyiin dood ka keenay turjumadda iyo fahamka dastuurka Somaliland oo dhigaya in dalku yeelanayo sadex xisbiyo iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer 14/2001. Fahamkii hore loo haystay wuxuu ahaa in sadexdii xisbi ee ku soo baxay doorashadii 2002 ay noqonayaan xisbiyada abidkood jira. Halka siyaasiyiinta qaar ku doodeen inay tahay in hadba la furo ururada siyaasadda oo sadexda ugu codka badani ay noqdaan xisbiyo siyaasadeed. Sadexdii xisbi ee hore u jiray way ku kala aragti duwanaayeen doodaas. UDUB iyo UCID way ka soo horjeesteen furitaanka ururo hor leh halka Kulmiye u arkayey in furitaanku haboon yahay. Guushii xisbiga Kulmiye talada dalka ku qabtay 2010 waxay horseeday in mar labaad la furo ururada siyaasadeed oo ay ku baratamaan doorashadii 2012 iyada oo la go’aamiyay in tobankii sanoba hal mar la furo.

Maxaa xisbiyada sadex loogu xadiday

Waydiintu waxay tahay maxaa keenay in hadii dalku yahay dal dimoqraadi ah oo tartanku furan yahay loo cayimay tirada xisbiyada? Nidaamkii dimoqraadiyadeed ee lixdanaadkii (1960-1969) ayaa laga bartay in hadii ay bataan tirada ururada siyaasaddu inay xoojinayso qabyaaladda oo ay abuurmayaan ururo tiro badan oo ku salaysan jifooyin hoose (Bulhan, 2008). Dabadeedna bulshadu ay aad u kala qaybsamayso meeshana ay ka baxayso xasilooni siyasadeed. Si taas loogu maaro helo, waxa la garwaaqsaday inay haboon tahay in la koobo si qabyaalada loo yareeyo ama meesha looga saaro. Somaliland waxay ku hamiyaysay in laba arimood ay ka durkiso ama ka fogayso xisbiyada siyaasadda; qabyaaladda iyo diinta. Ta danbe waxa looga gol lahaa in caqiidada ummadda midaysa aan la gelin khilaaf iyo in laga hortaggo in firqooyinka diimeed ay ururo is diidan oo col isku ah samaystaan.

Qabiilka iyo xisbiyada

Qabiilkii rajadu ahayd in xisbiyadu dawo u noqdaan ayaa afduubay xisbiyadii siyaasadeed. Isla bilowgiiba, ururadii siyaasadeed waxay noqdeen kuwo ka shidaal qaata beelo. Beel waliba waxay samaysatay urur siyaaseed. Sadexdii xisbi waxay noqdeen madal ay ku bahoobaan beelo. Aragtidii laga lahaa inay dawo u noqdaan beelnimada may rumayn inkasta oo ay ku qasabtay in dhawr beeloodba ku midoobaan hal xisbi. Taas oo xoogaa ka sahlan aafadii lixdanaadkii.

Dhaqan siyaasadeed

Dhaqan siyaasadeedkii xisbiyadu markaas wuxuu noqday beelnimo ama qabyaalad. Wax walba oo xisbigii fulinayo iyo barnaamijkiisa siyaasadeed waxaa tiir dhexaad u noqday qabiil.

Khilaafka xisbiyada dhexdooda

Maxaa keena khilaafka ka dhex dhesha xisbi dhexdii? Ugu horayn waxa haboon in la isla fahmo in khilaafku aanu ahayn wax xun islamarkaana aan laga hortegi karin aanayna haboonayn in la isku dayo in khilaafka la cidhib tiro (Lipsky & Ariel C. Avgar, 2010). Khilaafku waa wax nolosha dadka ka mid ah oo qayb laxaad leh ka cayaara horumarka bulshada. Waxa intaas dheer in khilaafku yahay mid ka mid ah astaamaha siyaasadda meel walba oo ay dunida tahay ba.
Dhibaatada Somaliland haysataa markaas maaha jiritaanka khilaafka ee waa maaro u helid la’aanta iyo maqnaanshaha nidaam, shuruuc, habraacyo iyo dhaqan tolmoon oo lagu xalliyo khilaafka. Maxay yihin dhibaatooyinka ka dhex jira xisbiyada ee keena in aan xisbigu heshiin?

1. Aragti la’aan
Qeexidda iyo tilmaanta xisbiyada aad ayaa loogu kala aragti duwan yahay (Bawn et al., 2012). Balse waxa sal u ah mid walba wadaagista aragti ay wada leeyihiin xubanha ka wada tirsan xisbiga (Ball & B. Guy Peters, 2000). Qeexidaas iyo mid kasta oo kale oo aqoonyahanku ku tilmaamaan xisbi waa mid aanay sina u buuxin karayn xisbiyadda Somaliland. Maaha dad ay aragti midaysay oo feker wadaagga. Waa ashqaas u ooman kursi iyo xukun oo ay isku keentay rabitaanka ama caashaqa ay u qabaan inay xukunka gaadhaan ama ay haystaan. Waxa mideeyaa waa dan shaqsi ama kooxeed. Sidaasdarteed, mar walba oo ay is hirdido danaha is diidan ee inta kuwada jirtay xisbiga waxa aan shaki ku jirin inay ku kala tegayaan waayo ma jirto xanjo isku haysta.

 2. Jiritaan la’aan
Marka laga yimaado af ahaan ama hadal ahaa, maaha xisbiyada Somaliland kuwo leh jiritaan. Ma laha xubno leh aqoonsi (ID Cards) oo ka tirsan xisbiga. Ma laha xafiisyo tuulo, degmo iyo xitaa gobol. Xafiisyada waxay kiraystaan marka olole soo dhow yahay. Maqnaanshaha xubnimo (membership) waxay ka dhigtay xisbiyada Somaliland wax aan jirin oo hadana jira. Xisbi waxa shardi u ah inuu leeyahay dad ka tirsan oo la yaqaan. Waa xubnahaas cidda aasaaska u ah ee hadhow ergooyinka shirwaynaha soo dirsata.

Maadama oo aanay jirin xubno, mar kasta oo la doono in la qabto shirwayne muran baa dhasha sababta oo ah waxa aan la isla aqoon cidda ergada soo dirsanaysa iyo qaabka ay u soo dirsanyso midna. Waxa markaas cid walba u cad in kooxdii gacanta ku haysa qaban qaabada shirku inay awood badan u leedahay inay ciday doonto ka dhigto ergo. Taasina waxay sababtaa khilaaf aan sinaba loogu maaro helayn.

Xitaa waxaan cadayn oo aan la aqoon xubnaha golaha dhexe ee xisbiyada. Tusaale ahaan mid ka mid ah xisbiyada Somaliland shirwaynihii u danbeeyey ee uu yeeshay muu dooran xubno gole dhexe ah ee wuxuu doortay tiro. Waxa gacanta loo taagay tirada uu noqon doono golaha dhexe. Sidaadarteed, hadii ay is yidhaahdaan shiriya golaha dhexe labgaran maayo kuwa ay yihiin. Mid kale oo ka mid ah xisbiyada xubnaha golaha dhexe ma cayinna oo waa daba furan. Sidaasdarteed, waa la soo geli karaa oo tiradu kor uun bay isaga socotaa.

3.  Sharci la’aan
Xeerka maamula xisbiyada guud ahaan oo ah Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer. 14/2001 waa xeer si xun u qoran, kooban, af ahaan aan la fahmi karin islamarkaana madmadowga ku jiraa ka badan yahay inta cad. Sababta u wayn ee uu caynkaas u yahay waxay tahay inaan marna loo qorin si degen iyo iyada oo laga fekarayo danta guud. Mar walba waxa loo qoray si dhaqso ah iyada oo ay wax yari ka hadhsan tahay doorasho oo xaalku ka gaadhsii buu ahaa. Waxa intaas dheer in danaha is diidan ee siyaasiyiintu ay si gurracan ugu adeegsadaan inaan xeerku noqon mid waxtar leh oo iyaga dabra.

Xeerarka xisbiyadu leeyihiin iyana waa kuwo la mid ah xagga qaab qoraalka iyo nuxurkaba xeerka guud. Waxay se dheer yihiin inay iskaba sahlan tahay in la bedelo. Hadba kooxda markaas joogta ayaa si aayar ah isaga bedelaysa oo ku darsanaysa ama ka goonaysa waxay rabto. Sidaasdarteed, wax jira oo dad kala saari kara maaha.

4. Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Anxisinta Axsaabta Qaranka
Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ayaa sharcigu awood u siiyay inay korjoogteeyaan xisbiyada oo ay hubiyaan inay sharciga raacaan. Nasiib darro gudidani maaha mid shaqaysa oo xilkeeda gudata. Waxa intaas u dheer in Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasaddu uu ka dhigay mudada jiritaankooda laba sanadood keliya. Wiixi intaas ka danbeeya wuxuu waajibiyay in la qiimeeyo in la cusboonaysiiyo jiritaanka Gudida iyo in xilkaas loo raro Gudida Doorashooyinka. Hada Gudida waqtigoodii wuu dhacay loomana cusboonaysiin. Hadana magac ahaan way sii shaqeeyaan oo mushahar bay ka qaataan Qaranka inkasta oo aanay sharci ahaan jirin oo ay dhiteen waa hore.

5. Siyaasad la’aan
Xisbiyadda siyaasaddu ma laha siyaasad iyo habraacyo qoran oo la raaco. Ma yaqaaniin xubanha iyo madaxda xisbiyadu meesha ay u socdaan iyo sida ay wax u wadaan midna. Waxa lagu wadaa xisbiyada in laga tashado uun timaadada.

6. Sharciga oo aan lagu dhaqmin
Dhibaato kale oo ay kala siman yihiin Somaliland inteeda kale waa sharciga oo aan lagu dhaqmin. Markaas wixii u yaal, haba liitee, maaha mid la raaco oo ixtiraam iyo qadarin leh.

7. Keligii talisnimo iyo lahaansho
Inkasta oo dalku dimoqraadi yahay (ugu yaraan sharci ahaan), hadana xisbiyadu kuma dhaqmaan dimoqraadiyad ee qof baa tuurta u rita awoodda xisbiga. Inta badan culayska xisbiguna wuxuu ku dhacaa qofkaas oo dabadeed u qaato in xisbigu yahay hanti uu isagu iska leeyahay mar hadii hanti iyo dadaal inta badani isaga kaga baxday. Sidaas awgeed, xisbiyadii waxay yeesheen astaan lahaansho gaar ahaaneed. Sidii shirkadaha ayaa markaas waxa awoodda u badan leh qofka saamiga u badan leh. 

8. Dulqaad la’aan
Dulqaadku waa quruxda iyo ruuxda siyaasadda. Waa astaan cajiib ah oo la’aanteed aan siyaasaddu macno wayn yeelaneyn. Siyaasiyiinta Somaliland malaha dulqaad siyaasadeed. Ma xamilaan dabaylaha iyo culaysyada siyaasdeed ee yimaada. Taasina waxay keentaa in si sahlan ay madaxa isula galaan una kala tagaan.

Gebogebo

Xisbiyada siyaasadda iyo nidaamka dawladeed ee Somaliland midna ma dhisin sharci iyo nidaam xubnaha xisbiyadu ku kala bixi karaan. Inta maaro loo helayo dhibaatooyinka sare ku xusan, way sii socon doonta in khilaafka ka dhex dhasha xisbi uu keeno inay kala tagaan madaxda xisbigu oo loo maaro waayo. Si loo saxo khalalaadka jira na, waxa lama huraan ah inay jirto rabitaan siyaaseed oo lagu doonayo in xididka la abaaro ee aan la isku mashquulin faraca.

 Guleid Ahmed Jama, LL.B, PGDip, MA (candidate)

 Tixraac

Ball, A., & B. Guy Peters. (2000). Modern Politics and Government. Palgrave Macmillan.

Bawn, K., Martin Cohen, David Karol, Seth Masket, Hans Noel, & John Zaller. (2012). A Theory of Political Parties: Groups, Policy Demands and Nominations in American Politics. Perspectives on Politics, 10(03).

Bulhan, H. (2008). Politics of Cain. Maryland: Taysan International Publishing.

Jama, I. (2009). Somaliland Electoral Law. Somaliland Law Series.

JANDA, K. (2005). Political Parties and Democracy in Theoretical and Practical Perspectives. National Democratic Institute for International Affairs.

Jhazbhay, I. (2009). Somaliland an African Struggle for Nationhood and Interntational Recognition (1st ed.). Midran South Africa: Institute for Global Dialogue and the South African Institute of International Affairs.


Lipsky, D., & Ariel C. Avgar. (2010). The Conflict Over Conflict Management. Cornell University ILR Shcool.

Saturday 14 November 2015

Gorfayn kooban oo ku saabsan weerarkii Paris

Weeraro haybsan oo si xirfad sare leh loo soo abaabulay ayaa habeenkii Jimcaha ee Sabtidu soo galaysay (13 Nov) lagu qaaday caasimadda dalka Faransiiska. Hawlgalku wuxu ahaa mid siyaabo kala gaar ah isla hal mar u qaaday falal kala duwan oo isugu jiray is-qarxin, rasaasayn iyo af-duub. Wuxuu ahaa weerarkii ugu waynaa ee ilaa hadda Daacish ku qaado Yurub dhexdeeda. Waxa ku dhintay dad shacab ah oo aan hubaysnayn dagaalna ku jirin.

Qaabka loo qaaday weerarka wuxuu muujiyay kaarto wayn oo ay awood u yeelatay Daacish inay weerar caynkan oo kale ah ka fuliso dal Yurub ku yaal. Waxa su’aalaha la is waydiinayaa yihiin xagee baa lagu soo tabobaray dagaal yahanadan? Sidee bay awood ugu yeesheen inay si habaysan uwada xidhiidhaan iyada oo aanay dareemin sirdoonka Faransiisku?

 Inkasta oo Yurub u toog haysay gacan ka hadal kaga yimaado Daacish, hadana ma ahayn weerar farsamadan sare lihi mid la filayay.

 Waxa loo aqoonsaday inuu ahaa weerarkani kii ugu xumaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 2004 markii la weeraray khadka tareenada ee caasimadda Spain. Waana weerarkii ugu xumaa ee Faransiiska soo maraa tan iyo tagaalkii labaad aduunka.

 Maxaa loo bar tilmaameedsay Paris?
Sababaha keenay in Daacish ay bartilmaameed sato Paris waxa loo kala qaadi karaa kuwo gudaha ah iyo kuwo debedda ah.

Sababaha gudaha ah
Faransiisku waa dalka ugu Muslimiinta badan qaarada Yurub. Dadka Muslimiinta ah ee dalkaas degani waa kuwo nolol hoose oo aan muuqan ku nool wax waynna ka tirsada nidaamka. Waxa la qiyaasaa in 70% dadka xabsidaya Faransiiska ku jiraa ay yihiin Muslimiin. Xabsiyada dhexdooda ayaa dad badani ku bartaan aragtida xag jirnimada ah.

 Waxa ku sahlan Faransiiska qul qulka hubka iyo helidiisa. Ciidamada ammaanka laftoodu miisaaniyadda lagu bixiyaa maaha mid sidaas u buuran. Labadii sano ee u danbeeyeyna waxa ku socday dib u habayn si ay awood ugu yeeshaan inay iska celin karaan falalka argagixiso.

Dhalinyaro badan oo Muslimiin ku nool Yurub ah ayaa ku biira Daacish oo aragtidooda la dhacsan. Wararka hordhaca ah ee ilaa hada la helayo waxay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mid ah dadkii weerarka qaaday oo la cadeeyey cidda uu yahay la aqoonsaday inuu yahay Faransiis. Taasina waxay sii xoojinaysaa werwerka Yurub oo dhami ka qabto in muwaadiniintooda aadaysa Suuriya iyo Ciraaq ay dib ugu soo noqdaan Yurub oo ka geystaaan weeraro.

 Sababo debedda ah
Faransiisku wuxuu hormood wayn ka yahay dagaalka lagula jiro Daacish. Duqayn ayuu ka geystaa inta badan Ciraaq isaga oo dhowaan ku sii fiday Suuriya. Wuxuu sidoo kale hawlgallo ka fuliyaa Faransiisku dalalka Maali iyo Liibiya.

  Daacish guud ahaan waxay bartilmaameedsanaysaa Yurub sidaadarteed waxay weerar ku qaadi kartaa hadba dalkii ay u aragto inuu dagan yahay.

Maxaa ka dhalanaya weerarkan
Weerarkani wuxuu ku abuuray walaac wayn dadka Muslimiinta ah ee degan wadamada Yurub kuwaas oo horeba cadaadis uga haystay siyaasiyiinta iyo dadka midigta fog ah oo nacayb u qaba soo galootiga iyo Muslimiinta. Waxa suurtagal ah in weerarkani fursad siiyo siyaasiyiinta midigta fog ah inay xukunadda dalalka Yurub qabsadaan.

Waxay sidoo kale keeni kartaa in jawaab cadho ku salaysan ay ka bixinayaan dawladaha reer galbeedka oo sii xumayn karta xaalaadda.

Waxay tusaale u tahay in dagaalka ka dhanka ah Daacish aanu ahayn mid farsamo miyir ku salaysan ku socda islamarkaana xalku aanu ahayn dagaal balse uu ku jiro xal siyaaseed oo loogu maaro helo dhibaatooyin dhawr ah oo ka jira Barigga Dhexe.

Guleid Ahmed Jama
Centre for Policy Analysis
www.centerforpolicy.net
Email: cpa.hornofafrica@gmail.com