Tuesday 15 December 2015

Xuquuqda insaanka iyo Islaamka

Cududadda wayn iyo horumarka aduunyo ee ay haystaan wadamada magac ahaan la isugu urursho reer galbeed (western countries), waxaay keentay in dad badan oo ku noo dunida kale ay si dadban ama toos ah u dabo galaan ama uga dhigtaan minqiyaaska nolosho oo dhan dadka reer galbeedka ah. Marin habowga caynkaas ahi wuxuu si gaar ah ula degay horumarkii ay gaadhi lahaayeen dawladaha Afrikaanka ah. Aragtida caan baxday ee loo yaqaan casiriyeenta (modernity) waxay tilmaantaa in si dal u horumaro ay tahay inuu taako taako ugu daydo reer galbeedka. Ku dayashadaasi maaha oo keliya midka dhaqaale ama cilmi ee sidoo kale waa qaadashada dhaqanka reer galbeedka; sida cuntada, dhar xidhashada, heesaha la dhegaysto iwm.
Doodaha diidan aragtidan oo iyaga laftoodu kala jaad ah dartood ujeedaydu maaha inaan qoraalkan gaaban ku gorfeeyo aragtiyahaas cilmiyeed  ee salka balaadhan. Ku dayashada reer galbeedku maaha dhamaanteed mid qofku si toos ah uga war hayo inta badan. Dad baa si dadban uga daba dhacay reer galbeedka hadana aan is ogayn. Ceebi kuma jirto waana wax lagu talin karo in horumarka dhaqaale iyo aqooneed laga faa’iidaysto sida reer galbeedkuba uga fa’iidaysto aqoonta umadaha kale.
Ceebtu waxay tahay in qofku ku indho beelo reer galbeedka oo qaaysta noloshiisu noqoto reer galbeed. Waxa la yidhi nin indho la’ ayaa hal maalin wax arkay. Maalintaas waxa uu arkay wuxuu ahaa bakayle. Wax kasta oo la sifeeyo wuxuu waydiiiyaa inta uu ka leeg yahay bakayle.
Xuquuqal insaanka oo ah mawduuca aan u dan leeyahay ma wax reer galbeedka u gaar ah baa? Jawaabta su’aashani waxaynu si dhow u fahmi karnaa hadii aynu eegno caksigeeda oo ah maqnaanshaha xuquuqal insaanka. Hadaad is waydiiso in qofka banii adamka ahi aanu lahayn wax xaq ah ma wax wanaagsan baa? Qofka laga hadlayaa waa adiga; akhristaha qoraalkan. Qof ma tahay oo xaq ma leedahay aanu lahayn dhagaxa, gaadhiga, daayeerka, waraabaha, idaha iyo geela. Haa. Waan leeyahay waayo qof ayaan ahay, ayay tahay jawaabta laga filan karo qofka caadiga ah.
Inkasta oo cadaymo aad u badan loo hayo in ilaalinta xuquuqal insaaku aanu ahayn wax ay iska leeyihiin reer galbeedku, hadana dad baa u qaatay in ereyada xuquuqal insaan ay ba yihiin sheeko reer galbeed. Dadkaasi waxa laga yabaa inay necbaansho u qabaan reer galbeedka. Balse waxaanay dhaadin inay yihiin dad ku dayanaya reer galbeedka oo taako taako u daba socda. Waayo? Maxay ku keeneen inay qiyaasta lagu eego xuquuqal insaanka ka dhigtaan reer galbeedka?
Waa jecel yihiin reer galbeedku inay ka dhaadhiciyaan dadka kale in ilaalinta xuquuqal insaanku tahay waxay iyagu hindiseen oo ay tahay in laga barto. Xaqiiqdu se sidaas way ka duwan tahay. Waxa beeninaya taas adoonsigii dadka madow, gumaysigii iyo sida loola dhaqmo dadka lagu hayo Guantanamo Bay.  
Diinta Islaamu waxay u soo degtay inay dadku ilaaliyaan xuquuqdooda. Waxay reebtay wax kasta oo waxyeelo u gaysta qofka sharaftiisa iyo hantidiisa. Xuquuqda aadanuhuna waxay ka dhalataa labadaas. Ilaahay Quraankiisa wuxuu ku sheegay inuu dadka karaameeyey. Dheeraad ayuu banii aadamka siiyay aanay haysan noolaha intiisa kale.
Wuxuu dadkiisa faray caddaalad iyo inaanay isku xadgudbin. Markii Nebi Maxamed waxyigu ku soo degay dunida Carbeed waxay ahayd meel sida loo kala xoog wayn yahay loo kala xaq badan yahay. Nebigu (SCW) wuxuu ku baaqay sinaansho iyo inaan xoog lagu kala sarayn. Wuxuu dadka ugu yeedhay inay is nabad geliyaan oo aanay ku tuman kuwa taagta yar yar.
Aragtida dheer ee Diinta Islaamku bartay umadda waxa ka faa’iidaystay dadyow aan ba Muslim ahayn. Waxaa se lagu kari la’ yahay kuwii Muslimiinta ahaa.

Diinta Islaamku waxay u taagan tahay xuquuqal insaanka. Hadii aad aaminsan tahay in ay iska soo horjeedaan xuquuqal insaanka iyo diintu, xaqiiqdu waxay tahay inaad qalad fahamtay Islaamka. Ha u qaadan Islaamku inuu yahay mid dadka amra isku xoog sheegashada iyo is laynta. Xaasha. Diintu waxay dadka fartaa is nabad gelinta, daryeelka kuwa baahan, gacan qabashada kuwa taagta daran, sinaanta iyo caddaaladda. Xuquuqal insaankuna waa intaas.

Guleid Ahmed Jama