Saturday 20 August 2016

Janankii Samatar wuxuu ahaa buu la dhintay

















Waxa ku dhintay Maraykanka janaraal caan ka ahaa geyiga Soomaalida. Maxamed Cali Samatar wuxuu xilalkii u sareeyey dalka iyo ciidamada ka soo qabtay dawladii keligii taliska ahayd ee uu hogaaminayay askarigii macangaga ahaa ee qoriga caaradiisa ku af duubay taladii Jamhuuiryadda Soomaalida sanadkii 1969.

Samatar wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen, taliyaha ciidamada, wasiirka gaashaandhiga iyo raysal wasaare. Marka laga yimaado Siyaad Barre, Samatar wuxuu ahaa ninka ugu cudada wayn dawladii keligii taliska ahayd ee ka gaystay dhulkii ay xukumaysay xasuuqa, dembiyada dagaal iyo dembiyo ka dhan ah banii adantinimada.

Xilka uu hayo darteed iyo shaqsiyadiisa oo ahayd mid ay naxariistu ku yar tahay, Samatar wuxuu ahaa ninka bixiya amarada ciidanka Soomaaliya ee uu u talin jiray.

Sanadkii 1988kii wuxuu sanadkii ugu dhiiga badnaa islamarkaana ay sida baaxadda leh u furatay layn iyo xasuuq aan loo kala aabo yeelin oo laga gaystay dhulka Somaliland. Samatar wuxuu ahaa hogaamiyihii ciidamada waqtigaas. Wuxuuna ku qirtay waraysi uu bixiyay inuu amarkeeda lahaa duqayntii Hargeysa lagu burburiyay 1988.

Dagaalka aynu ka hadlayno ee uu hor boodayay ee taliyaha ka ahaa Samatar muu ahayn mid ay iska hor imanayeen ciidamo hubaysan, balse wuxuu ahaa layn si toos ah loo bartilmaameedsaday dadka shacabka ah, kufsi, jidh dil iyo dembi kasta oo ay geli karayeen. Waxa lagu laayay dhulka Somaliland tobonaan kun oo qof oo shacab ah.

Waxa laga gaystay duqayn waqtigaas aan hore loo arag baaxadeeda iyo dabeecadeeda toona.
Dibin daabyada iyo tiritirka uu qaybta ka ahaa Samatar ee ay samaysay dawladii uu ka mid ahaa waa mid ay ka marag kaceen waqtigaas hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqal insaanka kuwooda ugu caansan.

Balse maragga u wayni wuxuu jooga guri kasta oo Somaliland ah. Ma jiro guri aan dhibane u ahayn layntii dawladdii Siyaad Barre. Maraggu wuxuu ka soo ifo baxaa marka roobku da’o dhulka iyada oo lafihii dadkii isku xidh xidhnaa ee shacabka ahaa ee xabaalo wadareedka lagu riday ay ku yaalliin magaalooyinka Somaliland.


Samatar wuxuu dhintay si la mid ah Gaani, Gabyow iyo kuwa kale iyada oo aan maxkamad loo soo taagin wuxuu gaystay. Waxa se jira kuwo nool oo iyana weli ku raaxaysanaya dunida iyaga oo aan la horgeyn maxkamad. Waa in laga shaqeeyo sidii cadaaladda loo soo hortaagi lahaa dhamaan kuwii geystay dembiyada.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 

Saturday 13 August 2016

Cafis madaxwayne


















Wasiirka War-faafinta ee Somaliland ayaa maanta u sheegay war-baahinta in Madaxwayne Siilaanyo uu cafis u fidiyay siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilka ka haya Somalia.

Hadalka wasiirku wuxuu ku soo beegmay mar siyaasiyiinta  u dhashay Somaliland ee Xamar jooga ay ka qayliyeen qaabka loo qaybiyo saamiyada kuraasta siyaasadeed ee dalkaas, gaar ahaan Aqalka Sare ee Barlamaan la rajaynayo in la sameeyo. Waxaay siyaasiyiintaasi ku andacoodeen inay ka yar tahay xilalka loo gartay kuwii lixdankii oo ay iyagana ku tilmaameen mid aan u qalmin.

Waa arin wanaagsan siyaasad ahaan in cafis loo fidiyo si loogu soo jiido inay dib ugu soo noqdaan Somaliland oo ay ka waantoobaan siyaasadda ay hada ku foogan yihiin. Balse sharci ahaan cafiska madaxwaynuhu wuxuu u baahan yahay in uu noqdo mid sharci ku dhisan oo aanu noqon wax la mid ah hadal siyaasadeed warbaahinta loo sheego.

Qaabka loo soo saarayo cafiska madaxwaynaa, mudada uu soconayo iyo saamayntiisu intay ku eegtahay, cidda cafisku qabanayo iyo cidda aanu qabanayn waa inay tahay mid cad oo ku tilmaaman qoraal uu saxeexay madaxwaynuhu laguna faafiyay Faafinta Rasmiga ah.


Cafiska madaxwaynuhu wuxuu la mid yahay xukunka maxkamahada oo kale. Waa go’aan ka dul qaadaya qof dembi ay ahayd in lagu maxkamadeeyo. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin