Tuesday 13 December 2016

Xisbi qabileed mise xisbi siyaasadeed

Mudo dheer horteed odaygii caan baxay ee reer Hindiya Mahatma Gandhi ayaa ku daray siyaasadda aan mabda’ lahayn todoba inkaarood oo uu ku tilmaamay inay yihiin dilaa.  

Somaliland, oo markii hore ku bilawday hab dawladeedkeeda waagii ay dib ula soo noqotay xorriyadda 1991, qaab qabiil ah oo aan la kala qarsan, waxaay ku taamtay inay mar uun ka baxdo siyaasad qabiil ku dhisan. Rabitaanku wuxuu ahaa inaan dadka loo kala qaybin beelo, cidda kursiga ku fadhidaana aanay noqon cid ay soo diratay beel. Taas bedelkeeda rajadu waxaay ahayd in dadka wixii isku aragti ah ee wadaaga mabda’ guud inay dhinac wada maraan. Dabadeed iyaga oo isku duuban ay cod ka raadsadaan dadwaynaha iyaga oo ku qancinaya in aragtidoodu ay ka wacan tahay kuwa kale oo ay u roon tahay shicibka.

Haseyeeshee, taasi ma rumoobin. Doorashooyinkii waxa lagu galay hanaan qabiili ah iyada oo aan la kala qarsan. Xisbiyadii la is lahaa meel dhaanta beelnimada ayay noqonayaan waxaay iskugu soo biyo shubteen garoon ay ku ciyaaraan beeluhu. Balse mar hadii xisbiyadii siyaasadeed lagu soo koobay sadex, waxa qasab noqotay in xisbi walba ay ku midoobaan wax ka badan hal reer.
Xubnihii xisbiyada ee ay ahayd inay noqdaan kuwo wax wadaaga waxaay noqdeen laba. 1. Xubno beesha ama beelaha xisbigaas leh ka tirsan oo u xusul duuban in qofka ay isku reerka yihiin uu kursiga ku fadhiisto. 2. Qaar dano shaqsi ka dhex raadinaya oo mustaqbalkooda siyaasadseed ama dhaqaale galay inay taageeraan xisbigaas inkasta oo laga yaabo inaanay la reer ahayn.
Taageerayaashiina sidaas si la mid ayay u kala qaybsameen.

Mar hadii aanay jirin dadwayne si guud cod looga raadinayaa ee arinku reernimo ku biyo shubtay, xisbiyo isku sheegii iskuma hawlin inay la yimaadaan barnaamijyo.

Inkasta oo anay sidaas u wada sahlanayn arinku oo ay jiraan dad ku jira xisbiyada oo leh aragti ka durugsan midka aynu halkan ku tilmaanay, hadana guud ahaan xisbiyadii Somaliland waxaay noqdeen xarumo qabiileedyo.

Cid walba oo caqli lihi waa og tahay inaan nidaamka caynkaas ahi aanu meel roon u wadi karin una wadin Somaliland. In la qaado talaabooyin lagu miyirsanayo oo dib inta loo fadhiisto la isku waydiinayo halka ay ka murkacatay weli looma hollan.

Waxaan se qabaa in ugu horayn ay muhiim tahay in qof waliba aqoonsado qaladka socda oo uu dib uga joogsado. U codaynta,orodka iyo xiiqa aad ugu jirto xisbi reereed aad ogtahay hadhow inaanu wax tarayn, musuq iyo hantida dadka oo la boobo, eex iyo qaraabo kiil uu la iman doono, waxaay iila muuqataa inay tahay qalad wayn oo aad dalka iyo naftaada ka gelayso. 

Dad badan baa naftooda ku qanciya "dee dadku ba way ku jiraane ma keligay baa gaar u bixi kara. Dadkoo dhan baa qabiil ku codeeya kuna ololeeya ee maxaa iga reebay?" Taariikhdu doodaas way beeninaysaa. Hadhow na waan hubaa in badani way isku canaan doonta. 


Nidaamka siyaasadeed ee dalku ma saxna, xisbiyadeenu way ka fog yihiin kuwo wanaag soo wada. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin