Tuesday 11 April 2017

Warbixin cusub oo sheegtay in tahriibayaasha lagu adoonsado dalka Liibiya















Sawirka waxa leh IOM

 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ayaa sheegtay in dadka Afrikaanka ah ee ku taga tahriibka Liibiya loo iibiyo adoomo ahaan, qaar lagu qasbo shaqo, kuwo kalena loo gaysto tacadi xagga galmada ah.

Qofa waxa adoon ahaan loogu iibiyaa ilaa shan boqol oo doolar, sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (International Organization for Migration).

Hay’adu waxaay sheegtay inuu Liibya ka jiro suuq dadka lagu kala iibsado. Dadkaas oo ay ku shaqaystaan dadka iibsada; waxbay u dhisaan, beerahana way ku qotaan.

Adoonsigan casriga ah ee ka jira Liibiya wuu sii xoogaysanayaa. Dadka ku dhinta inta la hayo ama lagu shaqaysanayo ayaa lagu aasaa xabaalo aan la calaamadin iyada oo qoysaskoodu aanay ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Warbixinta naxdinta leh ee ay soo saartay hay’adu ayaa ah mid dhiilo wayn xanbaarsan oo ay tahay in dadka Soomaalida ah lagu baraarujiyo khatarta wayn ee ka jirta dalka Liibiya. 

Warbixinta oo dhamaystiran ka eeg bogga Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka: 
https://www.iom.int/news/iom-learns-slave-market-conditions-endangering-migrants-north-africa

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.


Saturday 8 April 2017

Xadhig ma la iibsan karaa?

 Mararka qof la xukumo su’aalaha dadku is waydiiyaan waxa ka mid ah xadhig ma la iibsan karaa? Waxaan jeclaystay inaan arinkaas iftiimiyo sharciyan.

Horta ma jiro xadhig habayaraadee la iibsan karaa. Xadhigu madax furasho qofka loo haysto maaha. Haseyeeshee marka qofka lagu xukumo xadhig aan ka badnay hal sano, garsooraha xukumay qofka waxa u banaan marka uu codsado ka la xukumay ee uu qiimeeyo inuu ugu bedelo mudada xadhiga ganaax.

Tusaale ahaan hadii qof lagu xukumay lix bilood. Qofkuna aanu bulshada halis ku ahayn, qaabka uu dembiga u galay aanay muujinayn arxan xumo iyo bahalnimo, ama qofkuba buko wuxu garsooruhu ugu bedeli karaa xukunkii lixda bilood ahaa ganaax.

Hadii aan soo koobo:
1.      Xadhig marna lama iibsan karo;
2.      Xadhiga ka yar hal sano waxa lagu bedeli karaa, hadii garsooruhu yeelo, ganaax;
3.      Qasab kuma aha garsooraha inuu xadhiga ka yar sanadka ku bedelo ganaax;
4.      Awood uma laha garsooruhu xadhig ka badan hal sano (haba noqdo hal sano iyo maaline) inuu ku bedelo ganaax.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Saturday 1 April 2017

Dimoqraadiyadda reer magaalka

Gudida Qaran ee Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay tirada dadka is diiwaangeliyay si ay cod kooda ka dhiibtaan doorashooyinka la filay inay Somaliland ka dhacaan. Waxaay Gudidu sheegtay in 873, 331 oo qof ay ku jiraan diiwaanka. Waxaay se sheegtay in tiradaasi hor-u-dhac tahay oo ay suurtagal tahay inay hoos u dhacdo marka kaadhadhka cod bixinta loo qaybiyo dadka is diiwaangeliyay.

Tirada Gudidu sheegtay waxaa muujisay laba arimood oo muhiim ah. Kow, in dadka xiisaha u qabay inay codeeyaan ay yaraayeen, hadii la bar bar dhigo tirooyinkii doorashooyinkii hore isu diiwaangeliyay. Inkasta oo dad badani qabaan in tirooyinkii hore aanay sax ahayn oo dhawr jeer dad badani is diiwaangeliyeen. Waxa la filayaa in nidaamka hada la isticmaalay uu taas ka hortegay.

Laba, in dadka miyiga degan ee is diiwaangeliyay ay aad u yar yihiin. Gobol walba tirada u badan ee is diiwaangelisay waa magaalooyinka, gaar ahaan caasimadaha gobolada. Hadii taas la barbar dhigo qiyaasaha tiro koob ee laga hayo dadka Somaliland, waxa muuqata in codaynta ay ku badan yihiin reer magaalku.

Hadaba, Somaliland waxa ka jira is dheelitir la’aan xagga reer miyaga iyo reer magaalka ah. Tusaale ahaan nidaamka waxabarasho uma saamaxayo qofka reer miyiga ah, gaar ahaan reer guuraaga, inuu wax barto. Umana qaabaysna hanaan tirada lagu darsaday baahiyaha ay qabaan reer guuraagu. Waxa sidaas la mid ah dhamaan adeegyada dawladeed ee la bixiyo.

Xitaa dadka ururada bulshada rayidka ah maamulaa ma dhaadsana ama way iska indho tiraan reer guuraaga iyo baahiyohooda. Waxa markaas abuurantay arin uu dastuurka Somaliland ka digay.

Qodobka 11(2) ee dastuurka Somaliland wuxuu leeyahay “iyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo”.

Waxa marka haboon oo ay tahay in la sameeyo dib u qaabayn guud oo sal iyo baar leh oo dib loogu eego hanaanka adeeg bixineed, qaababka, iyo siyaasadaha dawladeed si og oo xisaabta ku darsata reer miyiga.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Raysal Wasaaraha dalka dunida ugu musuq maasuqa badan oo sheegay inuu ku jihaadayo musuqmaasuqa












Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre

Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaaraha Somalia, oo dhowaan baarlamaankiisu u ansixiyay inuu hogaamiyo xukuumadda dalka qalalaasaha badani ka jiro ayaa wacad ku maray inuu dagaal aan kala hadh lahayn la geli doono musuq maasuqa.

Khayre oo ka hadlayay xaflad u xilka kula wareegayay wasiir ka cusub ee maaliyadda, ayaa carrabka ku adkeeyey dhibaatada baahsan ee musuq maasuqu leeyahay. Wuuxu uga digay madaxda dalkiisa inay ku kacaan falal musuq ah isaga oo sheegay inaay bilaaban tay xiligii xisaabtanku.

Warbixinta sanad laha ah ee hay’adda Transparency International ka soo saarto heerka musuq maasuqo ka joogo dunida, waxa sanado badan lambarka koowaad ka gelaysay Somalia oo ku suntan in la iska boobo si aan xisaab lahayn hantida dalka Somalia oo ka mid ah kuwa dunida ugu faqiirsan.
Somalia oo ay la daa degtay colaad raagtay, waxa dhowaan loo doortay madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku ololeeyey inuu is bedel keeni doono. Wuxuu u cumaamaday kursiga fulinta Xasan Cali Khayre oo aan wax badan hore looga aqoon.

Hanjabaadda Khayre haday run noqoto waxa aan shaki ku jirin in is bedel ku iman doono Somalia. Musuq maasuqu wuxuu saamayn xun ku leeyahay amniga iyo hawl socodka dawladeed. Hadii ay madaxda iyo shaqaalaha dalku ku hawlan yihiin gacan toglayn iyo wax is dabo marin, waxa sii xumaata xaaladda.

Sidaasdarteed, hadalka Khayre oo aniga aad ii soo jiitay yidi diilo ayuu u noqon karaa Somalia.
Dawladaha Afrika iyo kuwa soo koraya guud ahaan waxa dhaqaalohooda iyo maamulkooda la daadegay boobka hantida. Waxaa la isku raacsan yahay hadii dawladahaasi aanay wax ka qaban musuqa inaanay suurtagal ahayn in hore dalalkaasi u socdaan.


Haseyeeshee, dagaal kasta oo lala galo musuq maasuqa waxa jebin kara hadii kuwa sheegaya inay dagaalka ku jiraan ay iyaga iyo kuwa ka ag dhowi boobka bilaabaaan. Sidaasawgeed bay lama huraan u tahay in Raysal Wasaare Khayre iyo Madaxwayne Farmaajo ay iska bilaaban hufnaanta oo ay tusaale fiican oo lagu dayan karo u noqdaan madaxda ka hoosaysa.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin