Wednesday 6 September 2017

Dooda Golaha Wasiiradda Somalia waa mid aan dastuurka iyo sharciga waafaqsanayn

Aamusnaan dheer kadib, dawladda Somalia waxaay ka hadashay nin la yidhaahdo Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo la sheegay in loo dhiibay Itoobiya. Dad badan oo Somali ah baa sababo iyo ujeedooyin kala duwan dartood uga hadlay dhiibista Cabdikariin. Canaan wayn baa dusha laga saaray xukuumadda Madaxwayne Farmaajo. In dawladi u dhiibto eedaysane dawlad kale maaha wax cusub iyo arin iskeed qalad u ah toona. Qaanuunka Somalia iyo ka caalamiga ah labaduba way ka hadlaan oo sharci cad baa ka yaal sida eedaysanayaal la isku waydaarsan karo.

Jawaabta ay hada bixisay dawladda Somalia waa dood aan sal ku fadhiyin sababo dhawr ah dartood. Waa marka hore, dawladda Somalia umay marin dhiibista Cabdikariim sifo waafaqsan dastuurka Somalia iyo Xeerka Habka Ciqaabta toona. Sidaasdarteed, xitaa hadii ay ahayd sax in la dhiibo Cabdikariin qaabka loo maray wuxuu ka dhigayaa sharci darro. Waxa waajib ku ahayd dawladda Somalia inay ixtiraamto sharciga u yaal dalka oo ay mariso qaanuunka habka ay dhiibtay Cabdikariim.

 Sida ku cad qodobka 36aad ee Dastuurka ku meel gaadhka ah ee Somalia, waa inuu jiraa marka hore heshiis dhex maray Somalia iyo Itoobiya. Heshiiskaas oo uu ansixiyay Baarlamaanka Somalia. Waxa Somalia eedaysane u celin kartaa oo keliya dal uu ka dhexeeyo heshiis caalami ah oo uu ansixiyay Baarlamaanku.

Sida ku cad qodobka 279 ee Xeerka Habka Ciqaabta Somalia, eedaysane waxa dal shisheeye loo dhiibi karaa oo keliya marka uu sidaas go’aamiyo gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka uu qofku joogo. Go’aanka dhoofinta ee Maxkamadda Rafcaanku soo saartay waxa qofku uga rafcaan qadan karaa Maxkamadda Sare. Taas macneheedu waxa weeye qof waxa dal kale u dhiibi kara oo keliya garsoorka marka uu dhegaysto xeer-ilaalinta iyo qofka la dhoofinayo oo fursad loo siiyo inuu is difaaco. Marka dhamaan rafcaanku dhamaado kadib ayaa qof la dhoofin karaa.

Sidaasdarteed, dhiibista Cabdikariin waxaay si toos ah uga soo horjeedda Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia iyo Xeerka Habka Ciqaabta Somalia. Waxaay sidoo kale gef ku tahay qaanuunka caalamiga ah.

Dawladda Somalia waa inay ixtiraamtaa sharcigeeda oo hadii ay doonayso inay la yeelato dal kale is waydaarsi eedaysanayaal, waa inay marka hore heshiis caynkaas ah ula gasha si waafaqsan dastuurka, kadibna waa inay u martaa hanaanka ku xusan Xeerka Habka Ciqaabta.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Guleid waa qareen ka hawl gala Jamhuuriyadda Somaliland.


Qoraalkani waa aragtidiisa gaarka ah oo aanu cidna ku metelin.