Sunday, 1 April 2018

Qof ma la xidhi karaa?

 Laga yaabee inaad bilawga ga la yaabtid cinwaanka qoraalkan. Haseyeeshee, waxaan jecelahay inaan isku dayo inaan si kooban u fahamsiiyo qofka aan ahayn qareen, sababta qof loo xidhi karo, cidda xidhi karta iyo hanaanka loo xidhi karo. Arimahaas oo aad fahantaa waxaay wax wayn ka tari karaan inaad doonatid xaqaaga iyo inaad is garab taagtid qof dulman.

Xorriyadda (liberty)

Qofku wuxuu dhashaa isaga oo aan xidhnayn oo xor ah. Xaq aasaasi ah oo aan la qaadi karin ayuu qofku u leeyahay inaanu xabsi gelin. Sadexda xaq ee aadanuhu mudo dheer yiqiin, dad badanina aaminsan yahay inay ka dheegemeen xuquuqaha kale ayuu ka mid yahay. Kuwaas oo kala ah:

1.      Xaqa nolosha: diimaha oo dhan iyo aragtiyaha dadku way isku raacsan yihiin inaan qofna xaq darro loo dili karin. Diinta Islaamku aad bay u adkaysay. Wuxuu Eebe ku sheegay Quraanka in qofka qof dilaa uu la mid yahay inuu aadanaha oo dhan dilay.
Qodobka 24(1) ee Dastuurku wuxuu sheegayaa:
Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2.      Xaqa hanti-yeelashada: in qofku hanti yeesho oo loo nabad geliyo hantidiisa iyo tasarufaadka la xidhiidha waa xaq aasaasi ah. Qodobka 31aad ee Dastuurku wuxuu sheegayaa:

Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.

3.      Xorriyada qofka: inaan qof la xidhi karin oo aan xabsi la gelin karin oo aadanuhu dhashay isaga oo xor ah, waa xuquuq aasaasi ah. Diinta Islaamka meelna kama soo gasho in qof la xidho. Waa dhaqan aadanuhu bartay oo ay noloshu u keentay.

Xorriyadda inaan qof la xidhin waa asal (principle). Markaa in la xidhaa waa wax ka soo hadhay (exceptional). Sidaasdarteed, waa mamnuuc in qof laga qaado xorriyadiisa, hadii aanay jirin sababaha sharci islamarkaana aan loo marin hanaanka ama marinka sharci. Waxaan jecelahay inaan carabka ku adkeeyo in xorriyadda (inaan lagu xidhin) ay tahay midka asalka ah ee ay tahay in la ilaaliyo.
Qodobka 25(1) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa “qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.”

Waa side qaabka aan xeerka waafaqsanayn? Waxa sheegtay farqadda 2aad ee isla qodobkaas oo leh “ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.”

Qodobkani laba shardi ayuu dhigay in la helo ka hor intaan qof la xidhin, la baadhin ama la xayirin:
  1. Inuu dembi faraha kula jiro: tusaale ahaan qofkii oo qof dilaya; ama lacag boobaya iwm. Waa qofkii oo faraha kula jira markaas dembiga (red handed).  In tan la helaa way adag tahay sababta oo ah inta badan aadanuhu dembi kuma galo meel booliis ka dhow yahay ama booliiska oo arka ma galo. Waa doqonimo aan dembiilayaashu ku dhicin badiyaa.
  2.  In garsoore awood u leh uu soo saaray amar qabsho oo sababaysan. Hada eeg, marka hore waa in garsooruhu awood u leeyahay oo uu yahay mid sharci ahaan qaadi kara dacwadan. Sidoo kale waa inuu ku sheegaa sabab cad waxa uu qofka u xidhayo. Xeerka Habka Ciqaabtu wuxuu sii waajibiyaa in cidda amarka garsooraha fulinaysaa ay u akhrido qofka la xidhayo amarka garsooraha.

Labadan sababood ee aadka u adag waxa sharcigu u dhigay si aan qofka ciyaar ciyaar looga qaadin xorriyadda u Ilaahay siiyay.

Dastuurku intaas kagama uu hadhin ee wuxuu sheegay in ciqaabi ka dhalan karto hadii qof loo xidho sifo ka soo horjeedda mida ku dhigan qodobka aynu sare ku xusanay. Farqadda 3aad ee qodobka 25aad ee Dasturka wuxuu u dhigan yahay sidan: “Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.”

Maxaa dembi ah

Sababta qofka loo xidhayaa waa in lagu haysto inuu galay dembi. Marka garsooraha lagu qanciyo inay jirto cadayn ku filan oo muuijnaysa in qofkaasi dembi galay, ayuu soo saaraa amarka qabashada si loo xidho oo uu u wajaho caddaaladda. Hadaba maxaa dembi ah? Ma waxa masuulku u arko dembi? Ma waxa ay garsooraha ula muuqato dembi? Jawaabta su’aalaha waxa ka jawaabay qodobka 26(1) ee Dastuurka Somaliland oo leh:

Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

Mabada’ ku dhigan qodobkan waa rukun ka mid ah arkaanta uu ku taagan yahay xeerka ciqaabtu. Dembigu waa inuu yahay mid ku qoran xeer hore loo sameeyey oo qofku og yahay inuu dembi yahay. Xeerkaas oo uu sameeyey baarlamaanku sida ku cad qodobada 37 iyo 38aad ee Dastuurka.

Dhaqankii Siyaad Barre

Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee ciidanka ahayd qasab iyo qori caaradii ayay dadlka ku qabsatay. Sidaasdarteed si ay qof u xidho, u baadho, u xayirto ama wax kale ugu samayso umay baahnayn inay sharci u marto. Dalkuba dastuur ma lahayn. Taasi waxaay abuurtay dhaqan qalafsan oo dad badani ka barteen. Waxa kolkaas la mooday in shaadhka aad xidhan tahay noociisa ama jagada aad ku fadhidaa ay ku filan tahay inaad cid xidhi karto. Waa ta keentay in la isugu hanjabo waan ku xidhayaa.
Halkaas waxa ka muuqda kala duruga iyo is diidka dhaqankii Siyaad Barre iyo dastuurka umad aan xoog lagu haysan

Dacwad ciqaab ah iyo dacwad madani ah

Arin kale oo u baahan in la isla fahmaa wuxuu yahay kala duwananashaha fal celinta laga sameeyo qaladka dadku sameeyo. Qalad kasta oo qofku sameeyo ma keeno xadhig. Tusaale ahaan hadii mid dayn kaa qaato oo dabadeed ku meermeeriyo oo aad ka soo saari waydo xoogaagii aad ku lahayd, sharcigu kuu xidhi maayo ee wadooyin madani ah oo aad waxaaga ku heli karto ayuu abuuray. Waxa la mid ah hadii heshiis lagaaga baxo, hadii lagu caayo ama si uun sharaftaada meel looga dhaco. Intaba waxa jira hanaan aad ku ilaashan kartid ama ku doonan kartid xaqaaga ama kaga goosan kartid qofka ku dhibay, adiga oo aan xidhin. Dhamaantood waa habab madani ah.
Ciqaabtu way ka duwan tahay. Ciqaabtu waa wax uu si cad dembi uga dhigay xeerka dalku isaga oo daba dhigay ciqaabtiisa.   

Gebo-gebo

Inaan lagu xidhin oo aad xorriyadaada suuqa ku marto waa xaq aasaasi ah oo ay tahay in la ilaaliyo. Hadii xorriyadda lagaa qaadayo waa in lagaaga qaado sifada ku cad dastuurka ee aynu sare ku xusnay. Hadii taas laga baydho cidda ku xidhatay ayaa ku geftay sharciga oo ay tahay in ciqaabo.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland.

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


Thursday, 22 February 2018

Turjumaad shanta talo ee uu waawayn talooyinka ay soo jeedisay Transparency International si loola dagaalamo musuqmaasuqa

Waxan halkan ku turjumay shanta talo ee u waawayn ee ay soo jeedisay Transparency International oo soo saartay warbixin sanadeedkii ay ku qiimaysay heerarka musuqmaasuqu ka joogo dunida. waxaan qabaa hadii talooyinkan la raaco in wax wayn laga qaban karo.


Waa kuwan talooyinkii oo turjuman: 

Khibradda wayn ee aanu u leenahay annaga oo ka shaqaynay in ka badan boqol dal oo dunida oo dhan ayaa waxay muujinaysaa in dadka dhaq-dhaqaaqa (activists) iyo warbaahintu ay u yihiin muhiim la dagaalanka musuqmaasuqa. Sidaas darteed, Transparency International waxaay ugu yeedhaysaa bulshada dunida inay qaadaan talaabooyinkan soo socda si ay u xakameeyaan musuqmaasuqa:

1. Dawwladaha iyo ganacsatadu waa inay sameeyaan wax badan si ay u dhiirigeliyaan xorriyadda hadalka, warbaahinta madaxa-banaan, dadka siyaasada kaaga soo horjeeda (political dissent) iyo bulsho rayid ah oo furan (open) oo hawlaha ka qayb qaadata.

2. Dawladuhu waa inay yareeyaan nidaaminta ay ku sameeyaan warbaahinta, oo ay ka mid tahay warbaahintii hore iyo ta cusub ba, waana inay xaqiijiyaan in suxufiyiintu ay shaqadooda qabsadaan iyaga oo aan ka cabsanayn talaabo cabudhineed oo laga qaado ama gacan ka hadal loo gaysto. Intaas waxa dheer in deeq bixiyayaasha caalamiga ahi ay xisaabta ku darsadaan in xorriyadda saxaafaddu ay la xidhiido caawimada horumarineed ama gaadhista ururada caalamiga ah;

      3. Bulshada rayidka ah iyo dawladuhu waa inay kobciyaan shuruucda sida gaarka ah ugu qaabilsan helidda xogta (access to information). Helitaankani wuxuu gacan ka gaysanayaa in kor loo qaado daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka iyada oo sidoo kale hoos u dhigaysa fursadaha lagu samayn karo musuqmaasuqa. Haseyeeshee waxa muhiim ah in dawladuhu aanay keliya samayn shuruuc caynkaas ah, balse inay sidoo kale ay fuliyaan.     
     
     4.  Dadka hawlaha u dhaq-dhaqaaqa (activists) iyo dawladuhu waa inay ka faa’iidaystaan fursadda uu keenay Yoolalka Horumarka Waara ee ay Qaramada Midoobay dhigtay si loogu doodo loona riixo dib-u-habaynno laga sameeyo heerarka qaran iyo kuwa aduunka ba. Gaar ahaan dawladuhu waa inay xaqiijiyaan helidda xogta iyo ilaalinta xorriyadaha aasaasiga ah ayna waafajiyaan arimahaas heshiisyada caalamiga ah iyo dhaqamada ugu wanaagsan (best practices). 

      5. Dawladaha iyo ganacstadu waa inay marka hore sii shaaciyaan xogta la xidhiidha danta shacabka iyaga oo ku baahinaya xog bixiye furan oo la wada daalacan karo. Shaacinta xogta waxa ka mid ah in miisaaniyadaha dawladda, cidda leh shirkadaha, qandaraasyada dawladda, iyo maaliyadda xisbiyada loo ogolaado inay heli karaan suxufiyiinta, bulshada rayidka ah iyo bulshada ay saamaynayso si qaab waxtar leh loogu tilmaami karo hababka musuqmaasuqa ah.


Tuesday, 5 December 2017

Waa maxaay saraynta sharcigu?

 Saraynta sharcigu (supremacy of the law) waa laan ka mid ah waxa loo yaqaan isku xukunka sharciga (rule of law) oo ka soo horjeedda xukunka qofka kursiga ku fadhiya (rule of man). Isk xukunka sharcigu waa mabda muhiim u ah helidda dawlad wanaag, dhaqaale kora, iyo ilaalinta xuquuqda dadka. Hadaba, waa maxaay isku xukunka sharcigu? Anniga oo aan u galayn qeexidaha faraha badan ee ay leedahay iyo faah-faahin dheer toona, waxaan si kooban u soo qaadanayaa tilmaanta uu ka bixiyay filasoofarkii waynaa ee loo aaneeyo inuu bud u dhig u ahaa mabda’an. Waa John Locke.
Isku xukunka sharcigu waa in la helo laba arimood:

1. In sharciga loo siman yahay (equality before the law): ka kursiga ku fadhiya, ka lacagta haysta iyo dadka shacabka ah dhamaantood waa inay u siman yihiin sharciga oo uu si isku mid ah u qabanayo. Ka bilow xeerarka wado marista ilaa halka u saraysa, waa in sharciga loo siman yahay.
2. Saraynta sharciga (supremacy of the law): madaxda amaradooda iyo awoododa waa inuu ka sareeyo sharcigu. Waxaay jecel yihiin sharcigu maaha. Saraynta sharcigu waa in qanuunka yaal ee loo sameeyey si sharciga waafaqsan in uu yahay ka cid walba ka sareeya. Waxa ugu horeeya uguna mudan dastuurka oo ah sharciga u sareeya dalka ee aanay khilaafi karin madaxda amaradooda, falalka ay sameeyaan iyo shuruucda la sameeyo.

Isku xukunka sharcigu waa dabarka kuwa awoodda haya ka ilaaliya inay dadka ku kibraan iyo inay boobaan hantidooda, una isticmaalaan awodda si xun. Saraynta sharcigu maaha in dadka shacabka ah loo tamar iyo xoog sheegto waayo iyagu awalba awood ay sharci ku riixan may lahayn. Inta xoogga leh oo ay ka mid yihiin madaxda iyo ganacsatada ayaa sharciga si xun u adeegsata, isaga jiidha, ama lacag ku iibsata.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland.

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Monday, 27 November 2017

Goormay tahay sharci ahaan in madaxwaynaha cusubi xilka la wareego












Sawirka: Muuse Biixi Cabdi

Kadib markii 21ka bishan ay Gudida Qaran ee Doorashadu ugu dhawaaqday murashixii xisbiga talada haya inuu ku guulaystay xilka, waxa la filayaa waa goorta uu Muuse Biixi Cabdi la wareegi doono xilka madaxwaynenimo. Dastuurku wuu cadeeyey goorta ay tahay inuu xilka la wareego marka madaxwayne cusub la doorto. Balse waxa dhowaan nin aanu saaxiib nahaay i xasuusiyay qaladkii dhacay 2010 markii madaxwaynaha hada xilka hayaa uu xilka kala wareegay madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin. 

Hadaba, waa xilima waqtiga ay tahay in madaxwaynaha-doorani uu xilka kala wareego madaxwaynaha mudadu ka dhamaatay?

Sida ku cad qodobka 83 (3) ee dastuurka JSL madaxwaynaha cusub iyo ku xigeenkiisu waa inay xilka la wareegaan mudo bil ah gudeheed laga bilaabo maalintii doorashadu dhacday. Mudo xilkeedka madaxwaynaha hada xilka hayaa waxaay ku eeg tahay 13 ka December 2017. 

Sidaasdarteed, xil wareejintu waa inay dhacdaa 13 December ama ka hor. Kama se danbayn karto.

Hadii ay ka danbayso 13ka December waxa dhacaya madhnaansho xileed (vacuum) wiixi ka danbeeya 12 habeenimo ee 13 December ee ah waqtiga ay bilaabmayso 14 December sababta oo ah mudo xileedka Axmed Silaanyo waxay ku eegtahay 13 December. Wixii ka danbeeyana madaxwayne maaha, madaxwaynihii cusbaana xilkii lama wareegin. Dastuur ahaana lama samayn karo madhnaansho oo xili aan dalku madaxwayne lahayn inay jirto lama ogolaan karo. Waa sababta bil looga dhigay mudada u dhaxaysa xiliga doorashadu dhacayso iyo inta la wareejinayo xilka.

Sidaasdarteed, waa in laga feejignaado qalad wayn oo dastuuri ah. Xil wareejintu markaas waa inay dhacdaa 13 ka December ama ka hor. Sababta aan u idhi ka hor waxaay tahay in dastuurku yidhi “bil gudeheed.” Taas oo macneheedu yahay in maalin kasta oo bishaas ka mid ah xilka la wareejin karo. Waxa se ugu qurux badan 13 ka December maadama oo ay tahay maalinta u danbaysa mudo xileedka madaxwaynaha tegaya. Waa qalad wayn inay ka danbayso maalintaas.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland.

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Friday, 20 October 2017

Sanamka beenta ah, qabiil

Hal shay oo aan Somaliland aad ugu necebahay waa in wax walba lagu eego muraayadda qabiilka. Waa is bahdilid. Gumaystaha ayaa aad ugu nuux nuuxsaday sidii uu uga dhaadhicin lahaa Afrikaanka inaanay ahayn dad caqli leh oo u fekeri kara, u dhaqmi kara, si qofnimo iyo ilbaxnimo leh. Markaa wuxuu ku dooday in aragtida qofka madow ay tahay uun qoomiyadiisa iyo qabiilkiisa. Doodaasi waxaay u aragtaa qofka modow inuu yahay ruux hooseeya oo aan la mid ahayn cadaanka. Yasidaas bay dadkii waxbartay ee Afrikaanka ahaa qaateen. Bal eeg Somaliland tan haybta loo gumoobay ee adoonka loo noqday sanamka beenta ah ee reer hebel.

Qabiilku marka hore ba waa been la dhoob dhoobay iyo dad is urursaday ee arin run ah oo ku sal leh hayb sax ah iyo aabe guud oo dadka wada dhalay maaha. Odayga ama habarta lagu abtirsadaa waa been abuur la samaystay si loo helo wax ay ku midoobi karaan dadku. Beentii caynkaas ahayd waxaay gaadhay heer ay si toos ah u gumaysato maanka qofk oo u noqda adoon aan leexan karin.

Ninka cadi wuxuu ku dooday, oo ku qoray buug cilmi loo dhigto, inay sahlan tahay inaad fahamto Afrikaanka. Waayo? Waydii uun cidiisa, waad garanaysaa fekerkiisa. Yasidaasi maaha mid ku kooban in Afrikaanku ka dabo dhacay hayb markay siyaasad noqoto, balse waxaay meesha ka saaraysaa in aad u aragto qofka madow inuu yahay ruux aadane ah oo caqli, baahi, dano iyo xidhiidho leh oo gaadhi kara go'aano noloshiisa quseeya isaga oo aan ku qasbanayn sida ay u arkaan reer hebel/qoomiyad.

Habka fekerka caynkaas ahi waa mid qaldan. Afrikaanku (Somalilander ku) waa qof caadiya oo fekera, dano leh, kooxo ku jira, shabakado ka mid ah, deris leh, xidid leh, abti leh. Wuu yeelan karaa, waana inuu yeeshaa aragti u gaar ah iyo go'aan shaqsi ah oo ka duwanaan kara reer hebel.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.


Wednesday, 6 September 2017

Dooda Golaha Wasiiradda Somalia waa mid aan dastuurka iyo sharciga waafaqsanayn

Aamusnaan dheer kadib, dawladda Somalia waxaay ka hadashay nin la yidhaahdo Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo la sheegay in loo dhiibay Itoobiya. Dad badan oo Somali ah baa sababo iyo ujeedooyin kala duwan dartood uga hadlay dhiibista Cabdikariin. Canaan wayn baa dusha laga saaray xukuumadda Madaxwayne Farmaajo. In dawladi u dhiibto eedaysane dawlad kale maaha wax cusub iyo arin iskeed qalad u ah toona. Qaanuunka Somalia iyo ka caalamiga ah labaduba way ka hadlaan oo sharci cad baa ka yaal sida eedaysanayaal la isku waydaarsan karo.

Jawaabta ay hada bixisay dawladda Somalia waa dood aan sal ku fadhiyin sababo dhawr ah dartood. Waa marka hore, dawladda Somalia umay marin dhiibista Cabdikariim sifo waafaqsan dastuurka Somalia iyo Xeerka Habka Ciqaabta toona. Sidaasdarteed, xitaa hadii ay ahayd sax in la dhiibo Cabdikariin qaabka loo maray wuxuu ka dhigayaa sharci darro. Waxa waajib ku ahayd dawladda Somalia inay ixtiraamto sharciga u yaal dalka oo ay mariso qaanuunka habka ay dhiibtay Cabdikariim.

 Sida ku cad qodobka 36aad ee Dastuurka ku meel gaadhka ah ee Somalia, waa inuu jiraa marka hore heshiis dhex maray Somalia iyo Itoobiya. Heshiiskaas oo uu ansixiyay Baarlamaanka Somalia. Waxa Somalia eedaysane u celin kartaa oo keliya dal uu ka dhexeeyo heshiis caalami ah oo uu ansixiyay Baarlamaanku.

Sida ku cad qodobka 279 ee Xeerka Habka Ciqaabta Somalia, eedaysane waxa dal shisheeye loo dhiibi karaa oo keliya marka uu sidaas go’aamiyo gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka uu qofku joogo. Go’aanka dhoofinta ee Maxkamadda Rafcaanku soo saartay waxa qofku uga rafcaan qadan karaa Maxkamadda Sare. Taas macneheedu waxa weeye qof waxa dal kale u dhiibi kara oo keliya garsoorka marka uu dhegaysto xeer-ilaalinta iyo qofka la dhoofinayo oo fursad loo siiyo inuu is difaaco. Marka dhamaan rafcaanku dhamaado kadib ayaa qof la dhoofin karaa.

Sidaasdarteed, dhiibista Cabdikariin waxaay si toos ah uga soo horjeedda Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia iyo Xeerka Habka Ciqaabta Somalia. Waxaay sidoo kale gef ku tahay qaanuunka caalamiga ah.

Dawladda Somalia waa inay ixtiraamtaa sharcigeeda oo hadii ay doonayso inay la yeelato dal kale is waydaarsi eedaysanayaal, waa inay marka hore heshiis caynkaas ah ula gasha si waafaqsan dastuurka, kadibna waa inay u martaa hanaanka ku xusan Xeerka Habka Ciqaabta.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Guleid waa qareen ka hawl gala Jamhuuriyadda Somaliland.


Qoraalkani waa aragtidiisa gaarka ah oo aanu cidna ku metelin.

Tuesday, 22 August 2017

Xeerka Maxkamadda Distuuriga ah

Qodobka 101 ee Dastuurka Somaliland ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare tahay Maxkamadda Dastuurka. Shaqo ahaan way kala duwan yihin shaqada Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka. Dastuurku wax faah faahin ah kama bixinayo hab raaca loo marayo dacwadaha dastuuriga ah iyo sida ay u dhagaysanayso dacwadaha. Maadama oo dawladii hore ee Somalia ay ahayd dawlad keligii talis ah, waxaan sidoo kale jirin shuruuc hore ama dhaqan jiray oo arinkaas loo raaci karo. Sidaasdarteed, Maxkamadda Dastuuriga ah shaqadeeda iyo habraaceedu wuxuu noqday mid aan aqoon loo lahayn.

Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 24/2003, ayaa ah xeerka sida gaarka ah uga hadla garsoorka. Qodobka 6aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa ka hadla Maxkamadda Dastuuriga ah. Qodobku wuxuu si guud u sheegayaa waxyaabaha ay u xilsaaran tahay Maxkamaddu. Haseyeeshee waxaanu dejin hab raac u gaar ah oo loo maro dacwadaheeda. Taasina waxaay curyaamisay shaqada Maxkamadda Dastuuriga ah oo ku dhex milantay Maxkamadda Sare.

Maxkamadda Dastuuuriga ahi way ka duwan tahay ruux ahaan iyo ujeedo ahaanba maxkamadaha kale. Loomana raaci karo dacwadeheeda si la mid ah dacwadaha kale. Sidaasdarteed, waxa daruuri ahayd in la helo xeer u gaar ah Maxkamadda Dastuuriga ah. Nasiib darro Somaliland ma laha xeerkaas. Taasina waxaay jaah wareer ku riday qareenada, maxkamadda lafteeda, dadwaynaha iyo dawladda.

Maadama oo ay Somaliland tahay dal leh dastuur ah ka u sareeya dalka, waxa waajib ah in Xeer Dejintu ay samayso xeer u gaar ah Maxkamadda Dastuuriga ah. Xeerkaas oo faah-faahinaya hababka loogu soo gudbin karo dacwad, cidda u soo gudbin karta, qaabka ay u qaban karto ama u diidi karto, sida ay u go’aan qaadan karto iyo nooca uu yahay waxa ka soo baxaya Maxkamadda.
Hadii aad si dhow ugu fiirsato go’aanada ka soo baxay Maxkamadda tan iyo 2001 dii markii dastuurka la sameeyey, waa kuwo aan isku mid ahayn qaab ahaan iyo nuxur ahaan toona. Badiyaana way ka hooseeyeen halbeegga laga filan karo maxkamad caynkan oo kale ah. Sababaha qaaarkood waa aqoonta dastuur ee aad u hoosayso ee guud haaan bahda sharciga Somaliland ka haysta dastuurka iyo falsafadiisa oo aan la isku hawlin akhriskeeda iyo dersideeda iyo xaasaasiyadda siyaasadeed ee mar walba ku gadaaman dacwadaha caynkan ah, balse waxa rukun wayn u ah maqnaanshaha Xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah.


Sidaasdarteed, murashixiinta u tartamaysa madaxnimada Somaliland waa inay qorshaha ku darsadaan ina sameeyaan Xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah iyo in la helo qodob sharci oo ku waajibinaya guud ahaan garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah inay dhigtaan casharo si gaar ah loogu qaabeyey barashada falsafada iyo fiqiiga dastuurka iyada oo ay dawladdu u raadinayso ilo ka gacan siin kara oo fursadaas abuuri kara. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland oo ka hor dooday Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamadda Sare. 


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Sunday, 16 July 2017

Somaliland: doorashada ayaa ka muhiimsan murashixiinta








Astaamaha Kulmiye, Waddani iyo UCID

Reer Somaliland doorasho ayay u dareeri doonaan 13 November mase yaqaaniin waxaay ku kala duwan yihiin sadexda nin ee u tartamaya kursiga u wayn dalka yar ee aan weli la aqoonsan.

Siyaasadda Somaliland weligeed waxa hage u ahaa qabiilnimada. Siyaasiyiintu waxaay ku baratamaan taageerada reeraha. Iskuma na hawlaan siyaasado iyo barnaamijyo ay ku maamuli karaan dalka.

Mudadii u danbaysay waxa sii xoogaystay hadalada kakan ee dhex maraya taageerayaasha labada xisbi ee u wayn Somaliland. Inkasta oo aan la gaadhin xilligii ololaha doorasho loo geli lahaa, hadana waxa ka socda Somaliland olole aan rasmi ahayn.

Xisbiyadu iskuma hayaan wax kala duwanaansho aragtiyeed ah iyo mid ku saabsan barnaaamijyada ay qaban doonaan. Waxa ay ku kala duwan yihiin waa beelaha ay ka soo kala jedaaan murashixiinta iyo xulufaysiga reereed ee ay abuureen.

Waa dhayalsi aan sax ahayn hadii siyaasadda Somaliland lagu tilmaamo mid qabyaalad keliya ah. Balse qabiilku waa udub dhexaad. Waxa se mar walba jira dano kooxeed sida ganacsatada, ashqaas dano qofnimo leh iyo qaar kale.

Hadaba, dadka aadka u kala taageera xisbiyada Somaliland, gaar ahaan xagga baraha bulshada, waa dad ay da’doodu ka hoosayso 35 jir. Waxa haboonaan lahayd inay ku eegaan tartanka waxa ugu jira mustaqbalkooda oo aanay noloshooda ku hallayn siyaasiyiin ugu ordaya kursiga si ay u gaadhaan dano shaqsi ah.

Dhibaatooyinka badan ee Somaliland ka jira cidina wax kama qabanayso hadii aan la helin shacab codka ku dhiibta si xor ah iyaga oo ku sallaynaya cidda wax uga qaban karta baahiyaha jira.

 Dadku way ku qasban yihiin inay sadexda xisbi kala doortaan 13 November 2017, balse kuma qasbana inay isku nacaan oo ay ku abuuraan kala fogaansho iyo is diid aan micno ku fadhiyin.


Muhiimadda u wayni waa inay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah oo ku dhamaatan si nabad ah. Wax kasta oo intaas lidi ku ah waa in meel looga soo wada jeesto xisbi kata oo la yahay iyo hadii aan xisbi lagu jirin ba.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Tuesday, 6 June 2017

The disarmament in Mogadishu has flaws that will lead to failure

The government of Somalia started a disarmament in Mogadishu to collect weapons from militias. The exercise was taken to respond growing and intensifying security threats challenging the existence and operations of the newly formed government of Somalia.  The government proposed an initiate to stabilize Mogadishu, the seat of the government, which experiences attacks almost on daily basis.

Disarmament, demobilization and reintegration (DDR) are important steps for post-conflict situations. The three go hand in hand and cannot be separated. 

Disarmament involves collecting arms including heavy and light weapons form the civilians. It cannot achieve its goal if combatants are not controlled in demobilisation and reintegration process.  

Above all, disarmament should be carried out after a successful reconciliation. In Somalia, true and meaningful reconciliation has not been done. Hence the militias and clan leaders do not trust the government. Asking them to hand over their weapon in devoid of reconciliation is hard to achieve its purpose. That is why DDR shall be part of a wider peacebuilding process. The current scheme of the government lacks the basics of DDR.

DDR cannot be confined to Mogadishu. Mogadishu is the government seat and important place for the stabilization of Somalia. However, DDR should be part of a strong and viable plan that is intended to cover the entire country. Such plan should be put in place in open and inclusive consultations integrated with a bottom-up peacebuilding process.  

It is a grave mistake to consider the war in Somalia as one solely between violent extremists and government. The conflict of Somalia started long before al Shabaab emerged. Al Shabaab took advantage of a disintegration, chaos and anarchy. Addressing these serious and complex issues requires holistic approach.   

 Somaliland as a case study

The manner Somaliland controlled the militias and arms after it declared independence in 1991 can help Somalia. Somaliland refused to accept DDR. Instead it opted its own way compatible with the context and political realities. Instead of collecting arms from civilians, the government took a nationwide Nationalisation of arms and combatants. The militias were called to join the army with their weapon. In this way the government addressed two main challenges; clan tension and shortage of government soldiers.

 First, clans did not feel threatened because the government has not taken away the weapon from them, but it recruited the clan militias with their weapon into the army. Second, the government was able to get more soldiers and systematically eliminated rival armed groups.

Whether it chooses DDR or Nationalisation, the government of Somalia shall first and foremost make an authentic reconciliation in which justice is integral part.

Guleid Ahmed Jama, LL.B, MA
Hargeisa Somaliland


The views expressed in here are the author's own.

Saturday, 3 June 2017

Hub ka dhigista Muqdisho xal miyay tahay?

Maalmahan waxa caasimadda Somalia ee Muqdisho ka socday hawlgal la yidhi waxa lagu xasilinayaa magaalada oo dhibaato badan oo xagga amniga ahi haysto. Hawlgalku wuxuu ku wajahan yahay in hub ka dhigis lagu sameeyo dadka sida sharci darada ah ugu haysta hub gudaha magaalada. Dadka qaar ayaa cabasho ka muujiyay, mararna isku dhac hubaysan ayaa dhex maray dawladda iyo maleeshiyo hubka laga dhigayay.  

Somalia dagaalo midabo iyo ujeedooyin badan leh ayaa mudo dheer ka socday. Hub badan baa gacmaha qabiillo, ganacsato, ururo iyo ashqaas galay. Si hubkaas gacanta dawladda loogu soo celiyo laba hab oo waawayn ayaa la mari karaa.

1.      Hub ka dhigis (disarmament)

Hub ka dhigistu waa hab ku qasbaya cid kasta oo aan ka tirsanayn ciidamada dawladda inay gacanta hubka soo geliyaan dawladda. Shaki kuma jiro in hub ku jira cid aan dawladda ahayni inuu halis amni yahay, haseyeeshee hadii aad bilawdid inaad dadka hubka ka ururisid si qasab ah adiga oo aan samayn dib u heshiisiin waa arin halis kale leh.

Hub ka dhigistu waxaay guulaysan kartaa marka cidda hubka haysta iyo dawladda ay wada hadal galaan oo ay siyaasad ahaan heshiis yihiin. Somalia wax dib u heshiisiin ahi kama dhicin. 

Sidaasawgeed dadku isma aaminsana. Waa ta keentay in beelaha Xamar degaa ay shaki ka muujiyaan hubka dhigista oo ay u arkaan inaan gobolada kale ee dalka lagu baahin. Dagaalka Somalia lama kawsan al Shabaab ee wuu ka horeeyey. Waxaay Somalia dadkeedu isku dileen qabaa’il. Talaabada koowaad ee ay tahay dawladdu inay qaado waa inay dib u heshiisiin run ah oo hoosta ka soo unkatay ay samayso (bottom up).

Qorshe hub ka dhigis

Qorshaha hub ka dhigistu waa inuu noqdaa mid dalka oo dhan ku baahsan oo aan meel qudha ku wajahnayn. Guud ahaa dadka hubka haysta oo dhan waa in loo dejiyaa hanaan lagaga qaado hubka. Waa dhici kartaa inaan hub ka dhigistu hal mar wada bilaabmin. Balse ugu yaraan waa inuu jiraa qorshe buuxa oo dalkoo dhan ku baahsan.

2.      Qaramayn

Habka labaad ee muhiimka ah ee cid hub lagaga qaadi karaa waa qaramaynta. Qaramayntu waa hanaan ay ku guulaysatay Somaliland. Marka la eego isku eekaanshaha labada shacab, waxa lagu doodi karaa in Somalia ay u haboon tahay inay qaadato habka qaramaynta oo ay iska dayso hub ka dhigista.

Qaramaynta waxa sal u ah in hubka cidda haysta iyada iyo hubkeedaba lagu soo daro ciidanka dawladda halkii ay hubka uun ka soo wareejin lahayeen. Arinkani wuxuu dawo ka yahay cabsida ay qabaan cidda hubka haysta waayo weli waxaay haystaa hubkeedi oo lama faro maroojin sidaadarteeed ammaan ayay daramaysyaa. Waa midda kale e, dawladda waxaay u soo kordhisaa hub iyo ciidan cusub oo tiro badan. Habkani waa halis badan yahay hadii aanay jirin dib u heshiisiin keentay in kalsooni dawladda lagu qabo iyo inuu jiro qaab la isku dhexgeliyo ciidanka. Hadii guuto waliba ka koobnaato hal cid taasi maaha qaramayn ee waxa abuurmaya maleeshiyooyin aan dawladda ka amar qaadan markay doonaan.

Qaramaynta waxa lagu tijaabiyay Somaliland oo dadkii horkacay ay khibrad ku biirin karaan Somalia si maaro loogu helo labada arimood ee caqadada ah; 1. Ciidan aan dawladdu lahayn oo hub sita 2. Shacabka oo ka baqaya inay hubkooda iska dhiibaan.

Somalia labada hab kay qaadatoba waa inaanay iska indho tirin muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiintu. Inta badan siyaasiyiinta Somalia way iska indho tiraan colaadihii ka horeeyey al Shabaab oo waxaay u hadlaan una dhaqmaan sidii oo colaadu la bilaaban tahay kooxaha xagjirka ah. Runtu se waxaay tahay iyaga hortood baa Somalia la isku dilay.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.