Friday, 26 June 2015

26th June: the ill-fated day

On 26th June 1960, blue light flag with a five edged white star was raised in Hargeisa. It was the first time flag was flying on independent Somali soil since European partition of Africa. Within five days Hargeisa united with Mogadishu. 55 years later, tonight Hargeisa and Mogadishu are welcoming 26th June differently.  The blue light flag is no longer in Hargeisa. The exact spot the British flag was lowered and “the blue flag” replaced is now a mosque.

History will tell what happened in the last 55 years. At the night of 26th June 1960, the men and women who were celebrating and hoping unity of all Somalis in the Horn never expected this moment. What went wrong is a long story with diverse and contradictory versions.   

The ecstasy of independence and euphoria of instituting state intended to pioneer unity of Somalis are now regret to the people in Hargeisa, and hope for the citizens in Mogadishu who lack functioning government and would like to enjoy 26th June if peace would permit. The status of the two is clearly different. Their interpretation of history is also opposing.

I am one of the citizens of Somaliland who are in a dilemma. Shall I congratulate the rest of my fellow citizens on the 55th anniversary of 26th June? Or shall I ignore it? The answer depends on what you imagine when you hear the date.


Nevertheless, I wish for all Somalilanders to exercise their fundamental freedoms and rights equally. The essence of having state is the promotion, respect and realization of human rights irrespective of the colour of the flag, nature of government, border lines and political orientations. 

Monday, 15 June 2015

Shiico iyo Sunni: kala qayb sanaanta diimeed

In yar dabadeed markii Nebi Muxamad (CSW) uu dhintay, dadka Muslimiinta ah waxa dhex maray muran salka ku hayey is-maan dhaaf siyaasadeed. Intii Nebigu noolaa si cad umuu sii tilmaamin cidda hogaan u noqonaysa Muslimiinta marka uu dhinto. Sidoo kale Quraanka iyo Xadiisku ma sheegin qaabka loo dooranayo/xulanayo qofka ama cidda hogaanka u qabanaysa Muslimiinta. In ksata oo muranka iyo kala aragti duwanaanshuhu bilaabmay markii Abokor la doortay ba, hadana muu xoganayn tan iyo intii laga gaadhayey markii la dilay Cusmaan.

Dilka Cusmaan wuxuu daaha ka fayday khilaaf xoogan oo markii danbe la fogaaday Muslimiintii midaysnayd markii Nebigu (CSW) la joogay.  Markii Nebigu noolaa arin kasta waxa la waydiin jiray Nebiga oo isla markaaba jawaab bixin jiray hadii uu hayo ama waxyiga sugi jiray oo kadib ka war celin jiray. Hadalka Nebiguna wuxuu ahaa waxyi Eebe. Sidaasdarteed, ma jirin cid xaq u lahayd inay su’aal ka keento ama si kale u fasirato. Tusaale ahaan marka ayaad Quraan ah oo soo degtay asxaabtu u fasirato siyaabo kala duwan, waxay ula tegi jireen Rasuulka oo siin jiray tafsiirka saxda ah. Dhinacyadii kala aragtida duwanaana way aqbali jireen.

Dilkii Cusmaan kadib waxa la doortay Cali Binu Abi Daalib (oo nebiga inma adeerna ahaayeen, inantiisana qabay). Waxa jiray asxaab aan ku faraxsanayn amiirnimada Cali. Khilaafkaa qaarkiis wuxuu ku salaysnaa sida uu ka yeelay dadkii dilay Cusmaan. Khilaafka u wayni se wuxuu dhacay markii Mucaawiye oo badhasaab ka ahaa Suuriya markii Cusmaan xilka hayey uu diiday khaliifnimada Cali kalana hortegay mucaaridnimo hubaysan. Waxa la safatay Mucaawiye Caasha Bintu Abi Bakar oo ahayd xaaskii Nebiga (CSW).

 Kala jabkaasi wuxuu keenay dagaal hubaysan oo dhex maray labada dhinac. Balse Cali wuxuu qaatay in wada hadal iyo dhex-dhexaadin (garqaadis) lagu dhameeyo xaalka. Cid ayaa loo saaray si ay ugu garnaqdo labada dhinac. Go’aanna way soo saareen. Qaar ka mid ah asxaabtii la socotay Cali ayaa ka cadhooday in garnaq lagu dhameeyo xaalka. Waxay ku doodeen inaan aadanuhu awood u lahayn inuu garqaado balse Ilaahay wax kala xukumo, sidaasdarteed inuu ku qaldanaa Cali inuu yeelo dhex-dhexaadinta banii aadamka. Waxay ka dalbeen Cali inuu toobad keeno oo ka noqdo ogolaanshaha go’aanka garnaqa. Cali taas wuu diiday, iyana way ka goosteen. Waxa loo bixiyay khawaarij (kuwii goostay) oo loogu bixiyay inay ka goosteen Muslimiinta intooda kale. Kooxdii ku soo hadhay Cali ee la sii safatay waxa loo bixiyay “Shiicatul Cali” (kooxdii Cali).

Ugu danbayntii Cali waa la dilay, xukunkiina waxa la wareegay Mucaawiye. Khawaarijta iyo kooxdii Cali (Shiico) way ka soo hor jeedeen xukunka Mucaawiye. Mucaawiye wuxuu aasasay boqortooyadii Ummawiyiinta. Nidaamkiina wuxuu isku bedelay boqortooyo. Madaxdii isaga danbaysay xukunka oo uu ka mid ah Mucaawiye waxay ku kaceen cadaadis iyo waxyeelo badan. Kolkaas baa culimadii Diintu is-waydiisay waxa ay tahay in laga yeelo. Kuwii ka soo horjeeday oo ay ka mid ahaayeen Khawaarijtu waxay ku doodeen in marka ninka madaxda ahi sameeyo dembi, habayaraadee, uu gaaloobayo. Sidaasdarteed, ay tahay waajib inaan la adeecin. Culimadii taageersanayd xukunku waxay ku difaaceen in banii aadamku aanu lahayn awood iraado (free will) oo Alle qadaray waxa dhacaya. Sidaasdarteed, inaan loo raaci karin ifka inta la joogo falalka uu samaynayo oo ku yimi qadarka Eebe. Waxa doodaas danbe ka soo horjeestay koox ku dooday in banii aadamku leeyahay awood buuxda (free will). Waxa qoladan danbe la odhan jiray Qaddariyiin.

Sidaasawgeed, kala qaybsanaantii u horeeysan ee dhex martay Muslimiintu waxay ku salaysnayd cidda xilka hogaanka qabanaysa iyo waxa laga yeelayo. Koox siyaasadeed kastaa si ay ugu hesho qiil doodeeda waxay addilo ka raadisay Quraanka iyo Xadiiska. Labadii koxood ee u horeeyey waxay ahaayeen Shiicada (oo ah Shiicatul Cali oo la soo gaabiyay) iyo Khawaarijta. Shiicadu waxay kaga duwanaatay inta kale inay ku doodaysay in xukunka ay leeyihiin imaamyo oo Cali uu xaq u lahaa dagaalka lagu qaadayna uu ahaa baadil. Intaas dabadeed waxa soo baxay kooxo kale ay ka mid ahaayeen Muctaziliinta. Aragtida Muctazaliinta, Mutakalimiinta iwm waa arin qormo gaar ah u baahan waayo iyagu mawduucyo xiisa badan ayay ku sal leeyihiin.

Inkasta oo aragtida hore ku bilaabantay muran siyaasadeed, hadana dhinacyadu ma heshiin. Taasina waxay dhashay inay sii kala fogaadaan oo aanay waxba isku darsan. Waxayna u xuub siibteen firqooyin is diidan. Waxa sii kal durkiyay kuwii xukunka isaga danbeeyey oo mid waliba firqada uu la safto maahee kuwa kale cadaadinayey mararka qaarna gumaadayey.

Sidaas oo ay tahay, erey bixinada caan baxay ee ay ka mid yihiin Shiico ama Sunni bilawgii wax la qaatay may ahayn. Sunnigu gaar ahaan ma ahayn firqo xoog wayn. Balse waxay markii danbe noqotay firqada ugu balaadhan ee jirta. Aragti ahaan xagga siyaasadda waxay qaateen in afar khaliif ay jireen (Abi Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali) iyaga oo diiday aragtida Shiicada ee Imaamnimada. Waxay sidoo kale ka soo horjeesteen aragtida fogaatay ee Khawaarijta. Sunnigu markii hore, sida aan hore u sheegay, ma ahayn erey bixin uu ogaa Nebiga iyo asxaabtiisa tooni. Maanta hadaad la hadashid qof Shiico ah wuxuu kuula hadlayaa sidii oo Shiicadu tahay magac Nebigu bixiyay. Waxa la mid ah Sunniga. In qof ku doodo anigu midna ma hi waxaaba laga yaaba inay dadka qaar ula muuqato gaalnimo waayo weli ismay waydiin Sunni ama Shiico waxay tahay.  

Waxa jiray firqooyin kale oo dhawr ah oo ay ka mid yihiin kuwa aan sare ku sheegay. Haseyeeshee, firqooyinkii kale way taag dareeyeen oo in kasta oo qaarkood wax ka sii nool yihiin, hada waxa xoogan Sunniga iyo Shiicada.

Ujeedada qoraalkani maaha inaan faaqido waxay ku kala duwan yihiin Sunniga iyo Shiicadu, balse waxaan u dan leeyahay inaan iftiimiyo in halka ugu horayntii lagu kala tegay ahayd aragti siyaasadeed oo markii danbe cagaha la gashay feker diimeed u digo rogtay firqaysi balaadhan.
Dadka hada nooli wax badan iskuma mashquuliyaan inay dersaan taariikhda hore. Shiicadu waxay isu haystaan inay iyagu yihiin kuwa saxda ah inta kalena baadi tahay oo ay ka baydhay wadadii saxnayd ee Islaamka. Sunniyiintuna si taas la mid ah ayay qaateen. Maadama oo qofku marka uu yar yahay uu ku barbaaro hal wado (firqo), isaga taas uun baa weligiis la quman.

Maanta oo boqolaal sano laga joogo markii Muslimiintu kala baydheen, weli is-diidka Shiicada iyo Sunniga waxa xudun u ah siyaasad. Taas macneheedu maaha inay ka midaysan yihiin dhamaan aragtiyaha caqiido. Kama midaysna. Xitaa kooxina gudeheeda ma midaysna. Shiicadu wax badan bay ku kala duwan tahay. Sunniguna waa is hayaa dhexdiisa oo qaarkood baa aad u kala fog.

Dadka Soomaalida ah inta la xasuusan yahay, waxay ahaayeen Sunni. Waa jirtaa dood u baahan baadhis gaar ah oo sheegaysa in markii Faadimiyiintu haysteen Masar ay soo gaadhay Shiicanimadu Soomaalida. Si kasta oo ay tahay, Soomaalidu waxay haysataa hal wado oo ah Sunni. Sidaasdarteed, war badan kama hayaan, shaqadoodana ma ahayn arimaha Shiicada. Tusaale ahaan markaad yarayd maad aqoon Shiico iyo Sunni toona. Waxaad se ahayd Muslim. Wadamada Islaamka badankooda, gaar ahaan Carabtu sidaas way ka duwan yihiin. Dagaal qadhaadh ayaa soo dhex maray Sunniga iyo Shiicada. Hadba boqorrada Muslimiinta u talin jiray waxa ku xoognayd qolo. Marba kii xoog waynina kuwa kale ayuu cadaadin jiray. Taasi waxay beertay colaad dheer iyo is-aaminaad la’aan ku sal leh siyaasadda iyo xukunka.

Kuwa xag jirka ah ee ka tirsan Shiicada iyo Sunniga waxay dadka u bahalo geliyaan kuwa kale. Waxay gaadhaan heer ay ku tilmaaamaan gaalo. Arinkani gaar ahaan wuxuu laba kac leeyaa marka xasarad siyaasadeed jirto, ileyn cid u dagaalanta ayay koox waliba u baahan tahay e. Soomaalidu fidnadaas waa ka badqabtay. In dhib ugu filani gudeheeda ayay ka jirtay, mar ay boqorraddi Kiristanka ahaa ee Itoobiya is-laayaan iyo mar ay dhexdooda is dilaanba.

Bariga dhexe waxa ka taagan loolan siyaasadeed ay kala hor boodayaan Sucuudiga iyo Iiraan. Xaqiiq ahaan diin iskuma hayaan ee waxay isku diidan yihiin siyaasad, khayraad iyo awood. Kooxaha Sucuudiga u shaqeeyaa waxay ka shidaal qaataan hadba fekerka siyaasadeed ee boqortooyadu u soo laqinto si danaha reer boqorka Sucuudiga loo ilaaliyo.

Hadaba, si gumaadka ay dawladda Sucuudigu uga gaysanayso Yemen loogu qiil raadsho, maaro diimeed loogu helo diyuuradaha sida aan kala sooca lahayn u duqaynaya dumar iyo caruur Muslimiin ah (oo intooda badani Sunni ah), waa in fadwo la soo saaraa odhanaysa Shiicada Yemen waa gaalo ama gaaladaa ka dhow. Tani waxba kama duwana kala safashadii culimada Muslimiintu la kala safteen kooxihii xukunka isku hayey. Taasina halkay geeysey oo gayaysiisay Muslimiinta maanta waa ognahay. Sucuudigu iska daa inuu weeraro e, hadal xun kuma odhan karo Israel, ciidan u soo gurmadana uma soo diri karo Soomaaliya, Muslimiinta lagu xasuuqay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe garab ma siin karo, kuwa Burma lagu dhibayna uma hadli karo.

Waydiinta iga yaabisay habeen dhowayd oo aan maqlay wadaado iskaga dabo maray cayda iyo maagga Shiicada, waxay ahayd sababta ay u doonayaan inay ugu soo raraan Geeska Afrika dagaalka iyo fidnada ka taagan Barriga Dhexe.


Ugu danbayntii, waa run biyo kama dhibcaan ah inaan dadka Muslimiinta ah dani ugu jirin is kala qaybin iyo qoqob tooni. Ma jirto dheef ay dadka Soomaalida ah guud ahaan iyo Jamhuuriyadda Somaliland tooni ka korodhsanayaan fidmada iyo is-firqaysiga rogay Carabta. 

Saturday, 30 May 2015

Yuusuf Garaadow Somaliland horay u jawaabtay

Tafatirihii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, mudan Yuusuf Garaad Cumar, ayaa qoraal uu uga dhigan cinwaan Somaliland jawaab ayaa ku waajibtay, kaga hadlay go’aan ay dawladda Somaliland ku diiday dad u dhashay Soomaaliya oo ka soo cararay dhibta ka jirta Yemen. Qof ahaan markaan arkay dad tabaalaysan oo ka dul qaylinaya markab dushii way iga naxisay. Waxaan ka mid ahaa dadka kumanaanka ah ee reer Somaliland ee ka horyimi falka dawladdooda kana codsaday inay ka noqoto. Qoraalka se Yuusuf wuu iga cadhaysiiyey.
Wuxuu si cad isaga indho tiray oo u xaqiray dadaalka ay dadka reer Somaliland u galeen sidii dawladdu uga noqon lahayd go’aankaas. Dawladuna iyada oo ka duulaysa cadaadiska shacabka inay aqbashay.
Waxa uu marag cad u yahay sida aan siyaasiyiinta Soomaaliyi ugu nixin shacabkooda. Hadda ka hor bay ahayd markii si isdaba jooga ah oo daan daansi ah wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliyi ay uga hadleen arinka dadka qaxoontiga ah iyaga oo u hadlaya inay maamulaan Berbera. Yuusufna si la mid ah ayuu u hadlay. Waxa se haboonaan lahayd in ay ka xishoodaan inay siyaasad ku dheehaan dadkooda dhibaatadu ugu haysato dunida oo dhan sababta oo ah siyaasad xumadda iyo nidaamka guracan ee ay wadaan.
Waxan xusuusin lahaa Yuusuf Garaad in Berberi aanay ka mid ahayn Soomaliya. Waxad maanka gashataa in sababta aan u ogolaanay ee ugu dagaalanay in dadkaas loo ogolaado inay yimadaan Berbera inaanay ahayn Soomaalinimo ee ay tahay aadantinimo. Waxad ogsoonataa inaan annaga (Somaliland) ahaan Soomaali kale noo sheegi karin Soomaalinimada iyo in la isugu naxariisto waayo weligeed Soomaali arxan nooma gelin. Hadii ay kula tahay bar madow oo aan la ilaabi karin dhacdada socotay wax ka yara 48 saacadood, waxan ku xasuusin lahaa in Soomaali u heshiisay oo ay burburisay Somaliland. Bar madowna aanay u arag Soomaalidii kale.
Hadii ay kuu qudh qudhsami wayday oo aan indhahaagu arag, mudane Yuusuf Garaad, is-garabtaaga iyo halganka aanu u galnay dadka aad iska dhigayso inaad u hadlayso, waxad xusuusataa inaanay jirin sabab Somaliland raaligelin u bixiso. Inkasta oo aad iska dhigtay inaad u doodayso, hadana waxan shaki ku jirin inaad colaad ku hurinaysid. Soomaalinimada Xamar ogtahay waxa haboon inay iyadu isku nabad geliso marka hore. Soomaalinimadu annaga waxba noomay goyn, agtayadana waxba kama goyso. Waxa keliya ee shaqeeyaa waa aadantinimada. Waana taas midda loogu naxariistay shacabka dhiban. Adiga iyo siyaasiyiinta kale ee Xamar waxan idin kula talin lahaa inaad ka daysaan shacabkiina dhibta. Ugu yaraan kuwa ku tabaalaysan Yemen ee aydaan waxba u qaban karin hadaladda dadka u gargaaraya ku dirya inaad iska daysaan.
Ma jiro xeer ka dhexeeya Soomaalida kale iyo Somaliland oo ay isugu naxariisato. Annaga oo ah dal madax banaan oo xaq u leh in qof kasta oo soo gelayaa uu qaato dal-ku-gal (fiise), hadana dadka Soomaalida waanu ka daynay. Waxayna ku joogaan Somaliland iyaga oo kumanaan ah. Haa, Somaliland lama aqoonsana. Balse, ogow cidina kuma dirqiyi karto inay samayso wax aanay rabin.
Taariikhdu Yuusufow ma qormayso ee way qorantay. Somaliland na jawaabi kuma waajibine, Soomaaliya ayay ku waajibtay ina ka jawaabto xasuuqii ay gaysatay sideedanaadkii (1980s).
 Ugu danbayn, waxaan carrabka ku adkaynayaa in aniga iyo inta badan dadka reer Somaliland ay aad uga cadhoodeen falka ay samaysay dawladda Somaliland. Sinabana aanan ku taageri karin. Si taas la mid ah, waxaanan qaadan karin faro gelinta iyo hadalada xanafta leh ee siyaasiyiinta Xamar. 

Wednesday, 15 April 2015

THE DEADLOCK OF SOMALILAND AND SOMALIA TALKS

Centre for Policy Analysis, a nonprofit think thank based in Hargeisa, issued briefing paper on the negotiations between Somaliland and Somalia. Below is a link of the full report.

http://www.somalilandsun.com/images/PDF/CPA_Breifing_paper_no_1.pdf

Saturday, 11 April 2015

Dhaqanku suugaanta keliya maaha

Ereyga dhaqan isticmaalkiisa iyo faah faahint aalaa laga bixiyaa waa mid majaro habaabin ah. dadka ereygan mar walba ka hadlaa waxay u qaateen si gaaban oo aan u taagnayn micnaha dhabta ah ee uu leeyahay. Taas malaha waxa keenay inaaynaan isku hawlin in dhawrka erey ee Ingiriisiga ah ee aynu u wada naqaan “dhaqan” in ereyo kala duwan loo bixiyo. Ilama aha in loo waayay, balse burburka ku dhacay dadka Soomaalida ah ayaa wax badan ina il duufiyay. Tusaale ahaan ereyada, custom, tradition, behaviour, habit, waxa marka laga dhigayo af Soomaali dadku u qaateen inay dhamaantood la micno yihiin dhaqan. Taasina waa arin aan sax noqon karin.Ma ahi qof bartay afka (linguistic) ama si gaar ah u dersay af Soomaaliga (sida dad badan oo aan barinaba isugu hawleen), balse waxa ii muuqata inaan intaas loo wada qaadan karin hal erey.

Ujeedada qoraalkaygu se halkaas maba daarna. Qoraalkan gudihiisa waxan ereyga “dhaqan” uga jeedaa inuu la micno yahay ereyga Ingiriisiga ah ee “culture”.

Waxad mar walba arkaysaa dad ka hadlaya dhaqanka oo uga hadlaya in dhaqanku yahay oo keliya suugaanta. Sidaasdarteed, waxay dadka ku wacdiyaan in la barto suugaanta oo la ilaaliyo. Waxay mararka qaar ku lamaaneeyaan afka. Waxan u arkaa in arinkaasi qalad wayn yahay wax yeelo wayna gaysanayo. Sababta aan sidaas ugu doodayaa maaha inaan leeyahay suugaanta yaan la baran, haseyeeshee waxa cad in hadii dhaqanka lagu soo koobo suugaanta qudha inay lumayso micnaha dhabta ah ee dhaqanka iyo hodontinimada dhaqanka Soomaalida.

Culimada sida gaarka ah u barta culuumta la xidhiidha dhaqanka, waxay u qeexaan dhaqan (culture) siyaabo kala duwan.  Dhaqanku waa arin aad u balaadhan oo ay ka mid yihiin aqoonta, waxyaabaha dadku aaminsan yihiin, fanka, edebta, xeerka, hab nololeedka iyo wax kasta oo qofku ka barto bulshada uu ka tirsan yahay (Sir Edward B. Tylor). Kroeber, Kluckhohn   iyo T. Schwartz iyo qaar kale oo badanina si yaabo kala duwan oo ka siman in dhaqanku yahay arin balaadhan oo aan fududayn ayay u qeexeen.  

Waa cilmi iyo caadadii oo inaad hesho hal qeexid keliya ma dhici karto. Balse mid kasta oo aad si gaar ah u eegtid qeexidahaas waxad ka fahmaysaa in suugaantu ay ka mid tahay uun arimaha badan ee dhaqanku koobsado.  

  Maxaa ka xun hadii suugaanta uun lagu koobo dhaqanka?

Waa su’aasha markaba maskaxdaada ku soo dhacaysa. Hadii suugaanta lagu koobo dhaqanka waxa meesha ka baxaya arimihii kale ee muhiimka ah ee ay ahayd in bulshadu ilaashato, is barto siina kobciso. Waana ta hada ina haysata. Dagaalka ku socda dhaqanka Soomaalidu badankiisu kume jiheysana suugaanta. Wuxuu ku jiheeysan yahay taariikhda, hab nololeedka, hab maamuleedka, aqoonta iyo sida loo soo saaaro iyo waxa aqoon loo yaqaan, iwm. Tan danbe waxa laga yaabaa inaan dad badani dareensanayn balse waa ta u daran. Waxa dadka Soomaalida ah iyo guud ahaan dadka Afrikaanka ah la aaminsiiyay in waxa aay yaqaaniin aqoon ahayn ee ay reer Galbeedka taas u daba fadhiistaan.

Si kasta oo aad u eegtidba, waxa guntu noqonaysaa dadka ku hawlan arimaha suugaanta ama dhaqanka dib ha ugu noqdaan oo ha hubiyaan in isku dayga inay wax taraan inaanu dhalin waxyeelo kale.

Guuleed Axmed Jaamac
Hargeysa Somaliland

Thursday, 26 March 2015

Open Letter to the Government and people of the Kingdom of Sweden

I am writing from Hargeisa, the capital of the Republic of Somaliland. I am Somaliland citizen who is outraged by recent disrespectful and ungrateful press release issued by the government of Somalia where it condemned Sweden over diplomatic row between Sweden and Saudi Arabia.  

The government of Somalia does not represent the people and the government of Somaliland. Somaliland is a sovereign country that has its own foreign ministry. Somaliland and Somalia united in 1960 to form Somali Republic. That union came into an end in 1991 when Somaliland restored its independence from Somalia. Since then Somaliland has been administering its internal and external affairs. 
  
The disgraceful statement from Somalia does not translate the view of the Somali people. Somalis do not have gratitude to the Saudi Kingdom. The military oppression in 1970s and 1980s, and the subsequent civil war forced many Somalis to flee from their country. Saudi Arabia forcefully returns the Somali refugees back to dangerous places. The expulsion of Somalis who run away for their lives back to the war zone shows the ruthlessness and the heartlessness of the Kingdom of Saudi Arabia. Many Somalis languish in Saudi prisons and many more are exploited. Saudi Arabia’s brutality and cruelty are also felt in Somaliland and Somalia. It imposed embargo in Somali livestock at a time of need. Livestock contributes 60% of the GDP in Somaliland.  

I know and appreciate the generous hand and assistance Sweden extends to the Somalis. Sweden does not only welcome and support Somali refugees, but you also provide humanitarian assistance to both Somaliland and Somalia. Sweden cannot be compared with Saudi Arabia.  

Although I may not agree with some of the remarks of Minister Margot Wallstrom, the human rights abuses of Saudi Arabia cannot be ignored. Saudi Arabia does not symbolize Islam. Hence I expect Sweden not to associate Saudi actions with Islam. 

 I reiterate that we, the Somalilanders, do not share Somalia with the same thought on the issue. We have our own government and foreign policy. The Somalilanders are grateful people. I hope the Kingdom of Sweden will support Somaliland’s quest of recognition. International recognition will free us from Somalia’s irresponsible behaviour. We will be able to side with the democratic countries that respect human rights.   

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Thursday, 5 March 2015

Waa maxay cilmaaniyaddu?

Hordhac
 Doorka diintu ku yeelanayso arimaha siyaasadeed ee dalalka Muslimka ah waxay ahayd dood taagan oo si wayn u kala qaybisa siyaasiyiinta ku hirdama xukunka wadamada Muslimiinta ah. Dooda fekerkani wuxuu dunida Islaamka ka furmay kadib guuldaradii iyo jabkii soo gaadhay dawladdi xooganayd ee dhul badan oo Muslimiinta ah ka talin jirtay ee xarunteedu ahayd halka iminka loo yaqaan Turkiga. Hilaad ahaan waxay ku beegan tahay kadib dagaalkii koowaad ee dunida. Dagaalkaasi saamayn aad u culus buu ku yeeshay dunida Islaamka. Jabka dawladii markii danbe ku caan baxday Cusmaaniyiinta waxa doorka u wayn ku lahaaa Carabta oo duufaano colaado ah ku kiciyay si toos ahna ula saftay wadamadii reer galbeedka (Ingiriiska iyo Faransiiska gaar ahaan) ee dagaalka kula jiray Cusmaaniyiinta. Waa taariikh kale oo dheer oo aynaan u socon inaynu halkan ku faaqidno.
Jabkii dawladdii Cusmaaniyiintu wuxuu geyaysiiyay Muslimiinta in intii ka hadhay gumaystihii reer Yurub ee aanu hore u haysan inuu wada qabsado. Reer Yurub waxay la yimaadeen aragti ku cusub dunida badankeeda gaar ahaan dunida Muslimiintu ku nooshahay. Aragtidaas oo ah in diinta ama diimaha dadku haystaan iyo siyaasadda la kala fogeeyo (Zuckerman, 2009). Reer Yurub fekerkan waxa ku keenay cadaadis iyo dulmi ay badeen boqortooyooyinkii u talin jiray iyo wadaadadii diinta Masiixiga oo is-garabsanaya (Smith). Wadadada kiniisaddu waxay dad waynaha u sheegi jireen inaan xukunka boqortooyada lagu kicin oo ay yihiin dad Eebe doortay oo ay tahay in la adeeco awaamiirtooda. Garo oo khayraadka dadka ee boqortooyadu boobaysay ayay qaybtooda lahaayeen wadaadadu, waynayn iyo xushmayn wayna way haysteen. Waagaas dadka si xun ayaa loo gumaysan jiray, xukunkuna mid cadaalad daro, is adoonsi iyo dulmi ku salaysan buu ahaa.
Cilmaaniyadda iyo Yurub
Dad waynihiii reer Yurub way kaceen, boqortooyadiina afkay dhulka u dareen. Meelaha qaar sida Faransiiska waabay laayeen, meelaha qaarna waxa lagu qasbay inay ogolaadaan inay xukunka wareejiyaan iyagana la nabad geliyo. Balse dadwaynihii reer Yurub waxa ku adkaatay inay laayaan ama baabiiyaan kiniisadda waayo waa diintay aaminsanaayeen. Dabadeed si ay uga gaashaantaan inaan mar danbe labadu (waa kuwa xukunka haya iyo culimadu) aanay isu garabsan oo aan diinta loogu adeegsan in lagu barakeeyo xukun qalafsan, waxay go’aansadeen in kiniisadu arin gaar ah noqoto oo aanay soo gelin siyaasadda iyo arimaha dawladda. Waxay markaa noqotay qofkii Eebe caabudayaa yeelkii, balse diintu yay soo gaadhin dawladda.  
Sadex arimood ayaan ku soo koobayaa tiirarka u wayn ee cilmaaniyadda. Waa ta kowaad e, shuruucda dawladda lagu dhaqayo lagama soo qaadan karo diinta oo ma noqonayaan wax loo nisbeeyo waxyi, balse waa in dadku iyaga oo adeegsanaya caqligooda ay samaystaan sharciga. Waa ta labaade, astaamaha iyo muqadsisaadka diiniga ah lama geyn karo oo kama muuqan karaan dawladda dhismayaasheeda. Waa ta sadexaad e, dawladdu ma dhiirigelin karto ama ma badhi taari karto diin qudha. Taas oo ah inaan lacagta cashuur bixiyaha la gelin arin diin quseeysa oo ay ka mid tahay dugsiyada diinta lagu barto. Sadexdaas rukun dawladuhu way ku kala duwan yihiin heerka ay ka dhaqaan. Balse ta hore ee ah inaan sharcigu noqon mid diimeed waa ta u wayn wadamada reer galbeedka.

Cilmaaniyadda iyo diin la’aanta (atheism)
Cilmaniyadu lama mid ah diin la’aanta “atheism” (Zuckerman, 2009) . Cilmaaniyadu way ogoshahay in qofku haysto diin. Balse diin la’aantu (mulxidnimo) waa in qofku ku doodo inaan Ilaah jirin oo diintu uun iska tahay caado dadku qaateen. Markaa qofkaasi diin oo dhan buu diidaa. Halka cilmaanigu haduu doono kiniisadda ama masjidka ama meeshii kale ee wax lagu caabudo uu tago. Balse uu diidan yahay inay dawladda soo gasho diintu. Waxa la yidhaahdaa: diin laawe oo dhami waa cilmaani, balse cilmaani kastaa diin laawe maaha.
Muslimiinta iyo Cilmaaniyadda
Dhamaan wadamada Muslimiinta marka laga reebo Iraan iyo Sucuudiga waa cilmaani. Iraan waa dal xukunkiisa u raaca diinta. Halka Sucuudigu la midka yahay boqortooyooyinkii Yurub ka jiri jiray ee boqortooyada iyo wadaadadu intay is-garabsadaan ay umadda inteeda kale cadaadshaan.
Sidaas oo ay tahay, wadamo badan oo Muslimiin ah waxa mudo dheer ka soo jiray dhaqdhaqaaqyo diini ah oo u taagan in diinta lagu xukumo dalka (Esposito). Waxa tusaale u ah dhaqdhaaqyada fekerka Wahaabiga ku tirsan sida Taalibaan oo mar ka talin jiray Afghanistan, al Shabaab, Daacish iyo al Qaacida iyo kuwo aan dagaalamin balse si nabad ah uga dhex ololeeya dalalkooda, iyo Ikhwaanu Muslimiinka oo dalal badan kar jira.
Kacdoonkii Carabta ee ay u bixiyeen Guga Carabta wuxuu muujiyay in tartanka ka dhexeeya cilmaaniyiinta iyo kuwa ka soo horjeeda uu u janjeedhsaday in dadku khaatiyaan iska taageen siyaasiiinta cilmaaniyadda. Taas waxa badan keeda keenay keligiitalisnimo iyo xukun qalafsan oo wadama Muslimiinta badankooda lagu dhaqo. Waxa se dadka shaki badan ku abuuray falalka Daacish oo soo xasuusiyay Taalibaan iyo al Shabaab.
Gebogebo
Inkasta oo aanan qoraalkan ugu talo gelin inaan dhinac raaco ama dood gaar ah taageero balse aan uga dan leeyahay inaan tuso uun halka xaal marayo, hadana waxa xaqiiq ah in Musliminta dhexdooda labada dhinacba (waa cilmaaniyiinta iyo kuwa ka soo horjeedee) aanay si qoto dheer u fekerin oo aanay xor ka noqon aragtida reer galbeedka. Taas waxan uga jeedaa in cilmaaniyiinta muslimiinta ahina ku mashquulsan yihin dabagalka raadka reer galbeedka, halka kuwa ka soo horjeedaana ay sidoo kale ku mashquulsan yihiin baabiinta raadka reer galbedka. Labada midna isma waydiin inuu hoos u eego arinkan oo si miyir qabta u faaqido. Dacaayadda iyo in koox ba kooxda kale dadwaynaha u bahalo geliso ayuun bay isku hawleen. Dadwaynuhuna dhexdooda ayuu ku dawakhay.


Monday, 23 February 2015

Waxan ahay muwaadin reer Somaliland ah oo hadana Soomaali ah

Eebe markuu i uumayay talo igama waydiin. Ra’yigayga ma ahayn halka aan ku dhashay, cidda aan ka dhashay iyo goorta aan dhashay tooni.  Waalidkay igalama tashan diinta ay tahay inaan qaato iyo sida ay tahay inaan Eebe u caabudo toona. Waxan ku dhashay qaaradda Afrika. Qaaradu way balaadhan tahay e Eebe wuxuu ku beeray waalidkay Geeska Afrika. Dadka Geeska degeni waa kala jaad e, wuxuu iga dhigay Soomaali. Soomaali badane waxaan ka dhashay reer Somaliland. Waalidkay Waa Muslimiin. Anna waxan ku barbaaray diinta Islaamka.
  Inaan ahay Soomaali oo hadana ahay Somalilander is diidi mayso. Haday se dadka qaar taasi ku adag tahay inaay fahmaan, in yar aan isku dayo inaan sharaxo. Soomaalidu dal maaha. Waa umad degan dalal badan. Soomaaliga Jibuuti joogaa waa Somali. Balse muwaadin ahaan waa reer Jibuuti. Kama codayn karo Gaarisa. Waxa sidaas la mid ah Soomaaliga reer Jigjiga ama Kismaayo oo aan xaq u lahayn in Soomaalinimadu u gayso inuu wasiir ka noqdo Jamhuuriyadda Jibuuti. Tani wax adag maaha sababta oo ah waxay ka dhigan tahay qofka carbeed ee u dhashay Qadar waa reer Qadar ee Sucuudi maaha, Yemani na maaha. Bal eeg oo u fiirso Afrika iyo qoomiyadaha sida Soomalida dalal badan degan.
Siilaanyo madaxwaynaha dadka Soomaaliyeed ma aha. Gudoomiyaha dhalinyarada Jibuuti, ma aha gudoomiyaha dhalinyarada Soomaaliyeed. Haa, xaalku sidaas Xamar waa ka duwan yahay. Gudoomiyaha xabaglayaasha jooga Xamar wuxuu yidhaahdaa waxan ahay gudoomiyaha xabaglayaasha Soomaaliyeed: Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu sheegtaa Madaxwayanaha Soomaalida: gudoomiyaha dadka laxaadka la’ ee xaafad Xamar ku taal joogaa wuxuu ku tiraabaa “waxan ahay gudoomiyaha curyaamiinta Soomaaliyeed”. Hadaba, reer Xamarku ma waaxanay aqoon Soomaali waxay tahay? Miyay kula tahay Xasan Shiikh Maxamuud laga bilaabo Jibuuti ilaa Gaarisa isagu inuu xukumo?
Qaybta afka Soomaaliga ku hadasha ee BBC da ayaa iyana u baahan in la faham siiyo cidda ay tahay Soomaalida ay la hadasho.
Jacaylka dadkaygu u qabo Soomaalinimada waxa calaamad u ah magaca dalka, Soomaaliland. Hada Puntland lama bixin, shakaroonland ma door bidin, sida Jibuutina Hargeysa lamaanu bixin. Soomaalinimada kamaanan cararin. Si sidaas la mid ah na cidna marti ugama nihin. 
Xamar dhulka ay u taliso waxa la yidhaahdaa Somalia. Dadka u dhashayna Somalian. Wixii intaas ka badan ee aad sheegataan waa deel qaaf, maag iyo Soomaali kala dilid. Dadka Soomaaliyeed way badan yihiin. Wixii ay iyaga oo heshiis ah isku darsadaan ama goostaan inay wadaagaan mooyee, wiixi kale cid waliba gaarkeed ha u haysato.
Ugu danbayntii, waxan ahay Somalilander u han wayn dalkiisa, kuna faraxsan umadda uu ka dhashay.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Thursday, 12 February 2015

Wacad jacayl iyo waayaha colaadeed

Sanqadha hubka culus oo baxaysa ayuu mar qudha ka booday sariirtii uu hurday. Wuxuu hore u maqlay oo uu arki iray maaha. Onkod maaha oo ka culus xilliguna gu iyo dary toona maaha. Riyo ayay ula eekoonaatay. Balse xaqiiqsay in ay dhab tahay. Dagaalka jabhaddu soo qaaday ma ahayn mid ay hore dadka magaalada degeni u sii ogaayeen. Sidaasdarteed, magaaladu way buuxday. Wuxuu haab haabto oo hal haleel u xidho dharkii, wuxuu u cararay qolaalka kale si uu hubiyo in reerka intiisa kale nooshahay. Waa la is tooyday. Abiihii, Warsame, isaga awelba horuu jabhadda u aaday oo war iyo wacaal looma hayn. Maxamed oo ka wayni se xaas buu lahaa oo waxa lagu ogaa gurigiisa oo ku yaal Goljano. Isgaadhsiin lagu war doonaa ma jirto. Canbaro si aan kala go’ lahayn bay ugu barooranaysaa inankeeda curad. Waxa hada u cadaatay in dhinaca koonfureed iyo galbeed dagaalka badankiisu ka socdo.
Mudo yar dabadeed waxay qaadan karayeen bay ula carareen dhinaca biyo shiine. Naftu orod bay kugu aamintaa. Guure isaga waxaas oo dhan waxa kaga wayn Ubax. Ubax waxay degen tahay Jameeco wayn. Waa xagga ciidamada dawladdu sida arxan darada ah ay uga soo afuuufayaan hubka noociisa kala duwan. Waa rasaas aan loo meel dayayn. Waa rasaas aan bar-tilmaameed ciidan lahayn. Ileyn shacabka laftiisa ayaa la soo shiishayaa.
Ciddii ku noolayd dhinaca koonfureed war lagama hayo. Dadkii ay u suurawday inay u soo cararaan xagga woqooyi war aan fiicnayn bay u wariyeen Guure oo qofkii uu arkabo waydiinaya waxay ku nooshahay Jameeco-wayn. Waa xeelad ciidan oo dawladdu waxay doonaysaa inay difaacato gegida diyaaradaha. Tan waxay qayba haan ugu baahan tahay si ay u sii sheegato inay iyada magaalada maamusho. Waxay sidoo kale ugu baahan tahay in diyaaradaha magaalada duqaynayaa ay helaan garoon ay ka haadaan.
Wuxuu jeclaan lahaa Guure in ciidanka jabhaddu hore u guulaysato oo uu soo ogaado waxay ku nooshahay Ubax. Waa se dagaal iyo caadadiiye, xabaddu way dami wayday. Laba habeen markay ku baryeen Biyo Shiine oo Maxamed iyo reerkiisiina la helay waxa la goostay in la sii qaxo. Canbaro waa qof wayn oo waxa u muuqatay inaan dagaalkani dhaqso u soo dabar go’ayn. Waxay isku canaanatay haday raaci lahayd dadkii sanad hortiiba ka huleelay guryohoodii ay jeclaayeen. Waa se goor aan canaan iyo is-hiif waxba tarayn. Guure isagu ma ogola in la guuro. Balse talo gacan uguma jirto. Hooyadii iyo walaalkii oo ka wayn bay ka go’daa.
Aroortaas iyada oo weli dagaalkii ka socdo magaaladii ayaa waxa dhinaca magaalada ka yimi Siciid oo ay inma adeer yihiin Warsame. Markuu Maxamed arkayba wuxuu ku taabtay warka naxdinta badan. Inkasta oo Hargeysa inteeda badani durba bur burtay dadka waxa dhintay aanay tiro lahayn, dhaawaca dhirta hoosteeda lagu dawaynayo ee aan loo hayn dawo lagu baanto iyo dhakhaatiir toonana aanay tiro lahayn, hadana in Maxamed loogu waramo in aabihii ku geeryooday dagaalkii u horeeyey ee magaalada lagu soo galay waxay ku ahayd tumaati waran oo wadnaha lagala eegtay. Aabahaa raac lahaydee, habeenkuu jabhadda u talaabayey jooji lahaydee. Maxamed talaa ku ciirtay. Durba qoyskii warku wada gaadh. Wax baroorta iyo wax ooyaba, hoos uun bay codka u dhigayeen. Taagga baas waxay ka xishoonayeen qoysaska deriskooda ah ee mid tan la mid ah ama mid ka daraniba haleeshay.
Canbarro iyadu canaan bay isla taagtay buulka yar ee ay geedka hoostiisa ka waabteen hortiisa. Waxay ku hiiftay inay aamusaan. Waxay si geesinimo leh ugu tiir-tiirsay in aabohood shihiiday oo uu u dhintay difaaca dadkiisa la xasuuqayo. “Uma qalmo inaad oydaan. Dhimashada wuu ku talo galay. Waa shihiid. Iga aamusa” ayay ugu goodisay caruurteedii.
Barqadaas ayuu go’aansaday Guure oo 17 jir ahi inuu ku noqdo magaalada oo dhinac ka noqdo dadaalka loogu jiro in magaaladii uu ku dhashay lagaga xoreeyo arxan laawayaasha. Weliigi qori inuu rido iska daaye ma qaadan. Kumaba hamiyin. Sanadka kowaad ee dugsiga Faarax Oomaar buu ahaa. Hamigiisu wuxuu ahaa inuu noqdo nin caan ah oo aqoontu biyo dhigtay.
Wuxu dood la galo hooyadii iyo walaalkiiba, ugu danbayntii wuxuu u dhaqaaqay xagii Hargeysa. Canbarro haday joojin karayso ma ogolaateen. Odaygeedii uun baa hada loo soo sheegay. Wiilkay ugu jeclayd inamada inuu ku noqdo isla goobtii la dhigay Warsame waa qiiro iyo arin naxdin leh. Waa se qof calool adag. Iyadaaba holanaysa inay dagaalka gasho. Maxayse ka yeelaysa todobada kale ee caruurta ah ee ay dhashay iyo labada inankeedu dhalay. Maxamedna kama danbayn Guure waxba. Iskumaysa arag faramaha balaadhay ee dagaalka.
Guure wuxuu dagaalka ka galay aagga ku beegan Idaacadda Hargeysa. Waa meeshuu ku dhashay ee uu kubadda ku cayaari jiray. Qori baad ka ridi weligii kama fekerin. Kuwo badan oo ka mid ah asxaabtiisii baa la mid ah oo iyana dagaalka ku jira.
Wixii maalintaas ka danbeeyey wuxuu noqday wiil geesi sooma jeeste ah oo hogaamiyayaasha jabhaddu tirsadaan. Goobo badan buu dagaalka ka galay. Jabhaddu sanadkaas dib bay uga noqotay Hargeysa oo hamigeedii guushu ma rumoobin. Balse Guure dibin qaniin iyo weji aan arxan lahayn baa ka soo hadhay. Waxaan maskaxdiisa ka bixin sidii loo galay magaaladii quruxda badnayd ee uu ku barbaaray. Weligeed tolay dib ma ugu noqonaysaa siday ahaan jirtay buu is waydiiyaa. Hadana waxa maskaxdiisa ku soo dhacda horta ma laga xorayn karaa faqashta qabsatay.
Ubax maskaxdiisa kama bixin. Xitaa dilka, dhiigga, dhaawaca, haraadka, gaajada iyo darxumada kale ee ku habsatay in yar oo mad madow ah kama gelin Guure sawirka quruxda badan ee ku jira maskaxdiisa. Mar kasta Ubax kama ag foga. Waa dhiirigeliyaha naftiisa tusa guul iyo farxad uu kula noolaado Ubax markuu dalka xoreeyo. Waa astaan niyad samida. Hadii shidaalku quudiyo injiinka gaadhiga, isaga waxa maankiisa quudsha quruxda Ubax.
Marbuu se hurdada saqda dhexe ka soo boodaa isaga oo qaylinaya. Wuxuu werwer ka qabaa in Ubax iyo qoyskeedii ka badbaadeen duqayntii Hargeysa. War uma hayo. Ma se niyad xuma.
Dagaalkii labaad ee lagu xoreeyey dalka, Guure wuxuu soo galay Hargeysa isaga oo wata hurin dhan. Markan waa kow iyo labaatan jir. Balse isagu wuxuu isu haystaa afartan jir. Eebe ku guulee. Hargeysa oo dunsan oo qubuure ummado hore lagu aasay u eeg buu ku soo noqday. Waa ba se faraxsanaa. Xoriyadaa kala macaanayd qurxda iyo daaraha dhadheer.
Wuxuu toydaba waxa loo sheegay in Ubax iyada badqabta ay ka baxday Hargeysa. Balse meel ay jaan iyo cidhib dhigtay cid uga waranta waa. Waa hadal iyo caadadiise, qofba wax u sheeg. Warkuse waa is dhaamaaye kii ugu wanaagsana wuxuu ahaa Cali Gaab oo ay deris ahaayeen Ubax. Wuxuu weriyay in Ubax iyo qoyskoodu xeryaha qaxoontiga Itoobiya gudeheeda ay iska dhibeen oo ay rajo ka qabeen inay u baxeen dalalka fog fog.
Guure wuxuu goostay inuu baadi doono Ubax. Wuxuu u huleelay xagaas iyo Dulcad oo halkii ugu danbaysay ee lagu sheego Ubax ahayd. Lacag uu gaadiid ku raaco muu haysane lug buu kaga baxay Hargeysa. Wuxuu dharaaro sii socdoba wuxuu ku gaadhay nabad.
Waxsan umay sheegin dadkii ku hadhay Dulcad ee uu ugu tegay. Jeclaan lahaayee in warkaasi beenoobo. Ubax iyo qoyskeedu waxay cago dhigteen dhul waynaha Maraykanka. Wax lagu xidhiidhiyo haatuf kaa wargeeyaana ma jiro. Allow yaa Ubax u sheega in hadii lug lagu tegi karo, inuu ugu iman lahaa Maraykanka. Beriguu se iskuulka dhigan jiray jiquraafiga ayuu ku bartay oo waa garawsan yahay intuu jiro.
Dib buu u soo huleelay oo tobiyihii horuu soo qaaday. Markii hore yuhuun buu lahaayoo wuu dheeraynayey. Iminksa waa caga jiid. Gabal baas baa u dumay.
Wuxu Hargeysa iska dhex lugeeyaa isaga oo aad moodo inuu waalan yahay. Maskaxdiisu se feker bay ku maqan tahay. Ubax ma ku soo dooni oo maruun ma ku soo raadin. Mise nolosha nabad qabta iyo barwaaqada Maraykan bay ku dhex dabaalaynaysaa oo dib kuu soo xusuusan maayso? Waa su’aalaha maskaxdiisu had iyo goor ku mashquulsan tahay. Codkii macaanaa iyo hadaladii rajada lahaa ee ay goor walba ugu balan qaadi jirtay inay weligeed la jirayso ayaan ka sal guurin maskaxdiisa.
Waa aduun iyo xaalkiiye goor galab ah oo maalintuna sabti tahay isaga oo maraya fooqa inma Cumar Xaashi agtiisa meel dunsan oo madfac hore u baabiiyey ayaa bambo lagu aasay oo ah kuwa dadka loo dhigo la qaraxday. Guure waxa ugu miyir danbaysay isaga oo si heedo daw ah ugu beedhay meesha dunsan iyo sanqadhii waynayd ee qaruxu sameeyey. Dhawr maalmood dabadood buu soo kacay isaga oo sariir jajaban dul jiifa oo hooyadii dul taagan tahay. Alle waa ka nabad kiciyay wuxuu se ku waayay lugta iyo gacanta midig. Halkaas buu ku laxaad waayay.
Si uu qutal daruuriga u helo Guure wuxuu bilaabay inuu noqdo tuur-ku-qaad. Waa qadaa ma dhergaan. Wixii Alle ka siiyo buu ka quutaa.  Sanooyin badan dabadeed mar dalkii hore u kacay oo kuwa Alle wax siiyay dib u dhiseen dalkii, isagu wuxuu sii watay inuu iska xoogsado. Dadku wax caaya iyo wax nabad geliyaba way isugu jiraan. Dalka wuxuu u soo galay in yar baa xasuusan. Isagu mar waa cadhoodaa, marna wuxuu isku qanciyaa waa makas e ha u joojin. Saw Hargeysi xor maahaa.
Guur iskama deyin. Waayo kama ba quusan Ubax. Inantii qurux badanba wuxuu u haystaa Ubax. Balse ka gadmi maysoo markuu indha kaga bogto waa gartaa inaanay ahayn. Rajo beel maaha. Sanaduhu se waa is gurayaan. Dadku waa ku canaantaan inuu guursado oo wax iska reebo. Isaga se wacad buu hore u galay. Inuu oofiyaa ka go’an.
Dharaar dharaaraha Eebe uuntay ka mid ah isaga oo dusha ku sita xoogga alaab ah oo ka samaysan calanka Somaliland ayaa koox dhawr qof ka koobani joojisay. “Hooyo calankan inoo iibi” baa mid yar oo toor ahi yidhi. Guure wuu soo hakayday. Ileyn waa nin gacan qudha lehe, wuu fadhiistay si uu alaabta dhulka u dhigto oo uu fursad ugu helo inuu kala guro. Kor uma eegin dadka dul taagan.
Waa afar qof. Hooyo, aabe iyo wiil iyo gabadh ay dhaleen. Hooyadii baa tidhi “maxaad ku falaysaa sawtuu guriga inoo yii calanka Maraykanku. Let’s go.” Hadalkaasi Guure waa ka cadhaysiiyey. Waa marka hore dhaqaale soo geli lahaa oo uu filanayay buu  iska hortaagay. Marka labaadna calankan wixii loo soo galay buu ogyahay oo hadalkaas oo kale meel Alle ogahay buu damqaa. Waa se nin waayuhu baray dulqaad oo jawaabtiisu degdeg maaha. Wuu sare kacay. Markaasuu eegay inantii hadalka tidhi. Mise waa quruxley Eebe u uumay si la yaab leh. Inkasta oo da’du wax ka bedeshay oo waagii ugu danbaysay ay ka soo wareegtay todoba iyo toban sano, hadana waa aqoonsaday. Waa Ubax oo car iyo beyl la. Af kala qaad bay ku noqotay. Hadal baa ka soo yeedhi waayay. “Hooyo ninka maxaa ku dhacay.” Kii yaraa baa ku hadaaqay. Ereyga “hooyo” ayaa wax walba kaga daran Guure. Hadii dhulku ka yeeli lahaa wuxuu jeclaan lahaa inuu la go’.
Ubax lafteedu waa garatay. Sidaas se ulama wayna Guure. “Sorry poor man. Maxaa kugu dhacay. Magacaagii horta muxuu ahaa?” Ayay tidhi. Arag in tuu u golongolay ee dad iyo bahalba uga tegay awgeed aanay la qabin waayaha. Garawsay in wacadka uu isaga keligii uun hayey. Wuxuu se isku hiifay sida uu uga daba dhacay hadaanu isu mashquuliyeen in maanta lugtiisa iyo gacantiisu u bad qabi lahaayeen. Sidaasna aanay ugu jees jeesteen. Yaa se celin kara sanadaha tegay?



 Guuleed Axmed Jaamac
Hargeisa Somaliland

Friday, 6 February 2015

Xuquuqda Aadanaha Vs Amniga Qaranka: Kee Mudan Hal Milyan iyo Qof Dembiile ah

Dawladdii Dhexe ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxay burburtay sannadkii 1991ki. Bulshadii Soomaaliyeed ee dalkeedu burburay dunida inteeda kale way ilawday. Qaarkood xilligaas waa isku tashadeen sida Somaliland, halka qaar kalena dagaalo ay ka sii curteen, sida Somalia.
Dunidu way ka aamustay ka dib markii uu guuldarraystay hawlgalkii Maraykanku hoggaaminayey ee Qaramada Midoobayna ku jirtay ee loogu magac daray “Soo Celinta Rajada”. Taasi waxay keentay in dunidu faraha ka qaado Somalia. Macaluul, colaado iyo falal dembiyeedyo abaabulan ayaa gudaha dalka ka socday laakiin dunidu dareen may siin. Kumanaan qof ayaa ku dhimanayey maalin walba dagaalo sokeeye, dumar badan ayaa la kufsanayey, kumanaan ciyaal ah ayaa la askaraynayey iyada oo dhammaan falalkaasi haddii ay ka dhici lahaayeen meel aan ahayn Somalia la samayn lahaa farogelin degdeg ah iyo in la maxkamadeeyo saraakiisha ku lugta leh sida dalal badan oo caalamka ah ka dhacday.
Waxaase indhaha caalamku u soo jeesteen Somalia markii duruufaha xasilooni darro ee gudaha ka jiray ay halis geliyeen amnigii caalamka sida budhcad badeed iyo kooxaha xagjirka ah. Labadaasiba waxay si weyn u taabteen amniga dunida iyo dhaqaalaha caalamka.
Haddaba jawaabta labadaas laga bixiyey waxay noqotay in lala dagaalamo oo keliya kooxaha ku lugta leh islamarkaana wadamada deriska ah loo ogolaado inay gudaha soo faro geliyaan. Nasiib darro wax xal ah taasi ma keenin. Sida ay baahisay hay’adda xuquuqal insaanka u dooda ee Human Rights Watch weli waxaa ka socda Somalia ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga haweenka oo xataa gaadhay in ciidamada nabad ilaalintu ay hab abaabulan uga ganacsadaan jidhka haweenka iyaga oo ka faa’iidaysanaya duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira.
Somaliland iyadu way ka badbaaday xasilooni darradaa Somalia ka jirta. Way la dagaalantay kooxaha dembiilayaasha abaabulan, waxay qaadatay nidaamka is xukun habka dimoqraadiga ah. Waxa la ansixiyay dastuur ilaaliya xuquuqda aadanaha, waxana la qabtay doorashooyin is-daba joog ah oo dadku fursad u heleen inay u codeeyaan cida xukumaysa. Laakiin dhammaan tallaabo kasta oo Somaliland u qaadday dhinaca dimoqraadiyadda iyo ilaalinta amniga gobolka jawaabteedu waxay noqotay in lagu abaal mariyo go’doomin caalami ah.
Kadib weeraradii dhacay sannadkii 2001 ee lagu bartilmaameedsaday daarihii ganacsiga dalka Maraykanka waxay dhalan-rogmay shuruucdii wadamada dunida ee muhiimadda siinayey xuquuqda aadanaha. Waxaana soo kor maray in mudnaanta la siiyo ammaanka. Taasi waxay keentay in la soo saaro shuruuc aan tixgelin badan siinayn nolosha dadka iyo xuquuqda aadanaha toonna laakiin ku foogan amniga guud. Taasina waa sababta keentay in bangiyadu ay aad uga baqaan nooc kasta oo lacag diris ah waayo waxaa ka dambeeya shuruuc faraysa inay aqoonsadaan cidda lacagta diraysa iyo cidda loo dirayo.
Haddaba Xawaaladuhu waxay noqdeen cidda samata bixisay dadkii Soomaaliyeed ee la illaaway. Sida dalalka kale ee Afrikaanka ah dadka qurba joogta ah ayaa lacag badan u soo dira qoysaskooda danyarta ah ee dalkooda ku nool. Nasiib darro xilligan waxaa la joojiyey xawaaladihii (dalka Maraykanka) taasina waxay halis gelinaysaa kumanaan qof. Waxaa malaayiin qof oo xawaaladaha ku tiirsan loo ciqaabayaa hal qof oo dembiile ah. Way dhacaysaa in qof ku dhex dhuunto laakiin kee xaq mudan malaayiin qof oo la dayacay oo aan haysan dawlad oo ku nool goobo colaado ka jiraan in loo ciqaabo qof dembiile ah?
Taasi miyaanay dhiirigelin u noqon karin cidda la leeyahay waa dembiilayaal ee awgood dadkan loo go’doomiyey in fikradooda dadka danyar ahi u dhega nuglaadaan? Waxaan beesha caalamka u soo jeedinaynaa inay tixgeliyaan xuquuqda dadka danyarta ah ee aan la siyaasadayn. Waxaan codsanaynaa in la taageero baaqii Senator Keth Elison ee xataa Madaxweyne Obama saxeexay ee ahaa in loo qiil dayo hannaanka lacag dirista Somalida gaar ahaan in la fududeeyo shuruucda la xidhiidha dhinaca lacag dirista.
Waxaan dunida leenahay meel cidlo ah ha kaga tegina dadka Soomaaliyeed ee ku eega indho naxariis leh, haddiise lagu guul darraysto in la dhawro xuquudooda aasaasiga ah ee ah inay nooladaan, waxay bulshada danyarta ah baraysaa inaan dunidu run ka sheegayn ilaalinta xuquuqda aadanaha, hase ahaatee ay tahay la jiifiyaana bannaan.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland