Tuesday, 13 December 2016

Xisbi qabileed mise xisbi siyaasadeed

Mudo dheer horteed odaygii caan baxay ee reer Hindiya Mahatma Gandhi ayaa ku daray siyaasadda aan mabda’ lahayn todoba inkaarood oo uu ku tilmaamay inay yihiin dilaa.  

Somaliland, oo markii hore ku bilawday hab dawladeedkeeda waagii ay dib ula soo noqotay xorriyadda 1991, qaab qabiil ah oo aan la kala qarsan, waxaay ku taamtay inay mar uun ka baxdo siyaasad qabiil ku dhisan. Rabitaanku wuxuu ahaa inaan dadka loo kala qaybin beelo, cidda kursiga ku fadhidaana aanay noqon cid ay soo diratay beel. Taas bedelkeeda rajadu waxaay ahayd in dadka wixii isku aragti ah ee wadaaga mabda’ guud inay dhinac wada maraan. Dabadeed iyaga oo isku duuban ay cod ka raadsadaan dadwaynaha iyaga oo ku qancinaya in aragtidoodu ay ka wacan tahay kuwa kale oo ay u roon tahay shicibka.

Haseyeeshee, taasi ma rumoobin. Doorashooyinkii waxa lagu galay hanaan qabiili ah iyada oo aan la kala qarsan. Xisbiyadii la is lahaa meel dhaanta beelnimada ayay noqonayaan waxaay iskugu soo biyo shubteen garoon ay ku ciyaaraan beeluhu. Balse mar hadii xisbiyadii siyaasadeed lagu soo koobay sadex, waxa qasab noqotay in xisbi walba ay ku midoobaan wax ka badan hal reer.
Xubnihii xisbiyada ee ay ahayd inay noqdaan kuwo wax wadaaga waxaay noqdeen laba. 1. Xubno beesha ama beelaha xisbigaas leh ka tirsan oo u xusul duuban in qofka ay isku reerka yihiin uu kursiga ku fadhiisto. 2. Qaar dano shaqsi ka dhex raadinaya oo mustaqbalkooda siyaasadseed ama dhaqaale galay inay taageeraan xisbigaas inkasta oo laga yaabo inaanay la reer ahayn.
Taageerayaashiina sidaas si la mid ayay u kala qaybsameen.

Mar hadii aanay jirin dadwayne si guud cod looga raadinayaa ee arinku reernimo ku biyo shubtay, xisbiyo isku sheegii iskuma hawlin inay la yimaadaan barnaamijyo.

Inkasta oo anay sidaas u wada sahlanayn arinku oo ay jiraan dad ku jira xisbiyada oo leh aragti ka durugsan midka aynu halkan ku tilmaanay, hadana guud ahaan xisbiyadii Somaliland waxaay noqdeen xarumo qabiileedyo.

Cid walba oo caqli lihi waa og tahay inaan nidaamka caynkaas ahi aanu meel roon u wadi karin una wadin Somaliland. In la qaado talaabooyin lagu miyirsanayo oo dib inta loo fadhiisto la isku waydiinayo halka ay ka murkacatay weli looma hollan.

Waxaan se qabaa in ugu horayn ay muhiim tahay in qof waliba aqoonsado qaladka socda oo uu dib uga joogsado. U codaynta,orodka iyo xiiqa aad ugu jirto xisbi reereed aad ogtahay hadhow inaanu wax tarayn, musuq iyo hantida dadka oo la boobo, eex iyo qaraabo kiil uu la iman doono, waxaay iila muuqataa inay tahay qalad wayn oo aad dalka iyo naftaada ka gelayso. 

Dad badan baa naftooda ku qanciya "dee dadku ba way ku jiraane ma keligay baa gaar u bixi kara. Dadkoo dhan baa qabiil ku codeeya kuna ololeeya ee maxaa iga reebay?" Taariikhdu doodaas way beeninaysaa. Hadhow na waan hubaa in badani way isku canaan doonta. 


Nidaamka siyaasadeed ee dalku ma saxna, xisbiyadeenu way ka fog yihiin kuwo wanaag soo wada. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Saturday, 19 November 2016

Faqiir qarash badan: “Laankaruusar gado, galaydana soo bari.”

Qofka caadiga ah ee sida hagaagsan u fekeraa wuxuu isku eegaa waxa soo gala iyo wuxuu qarash ahaan bixiyo. Hadii uu bishii helo boqol doolar, wuxuu u qorsheeyaa inaan qarashkiisu ka badan boqolkaas. Kuwa sii ba caqliga fiicani waxaay maanka ku hayaan inay wax ka dhigtaan, haday suurtagal tahay.

Si midhaas la mid ah qofka caadiga ahi xoogaga soo galo si miyir qabta oo uu ka fekeray buu u isticmaala. Wuuxu iska ilaaliiyaa inuu daa daadiyo. Qofka lacagta ku ciyaara Soomaalidu magac bay u bixisaa, waxna uma dhigmaan noloshana meel kama gaadho.

Dawladaha waxa maamula dad. Dadka dawladaha maamulaa qorshay dejistaan. Waxaay ka fekeraan waxa soo gala inaanay wax ka badan gelin. Waxaay sidoo kale qorsheeyaan sida ugu haboon ee ay shilin walba u isticmaali karaan. Kee bay tahay inuu galo waxbarasho, caafimaad, ciidan iwm. Keebay tahay inuu galo gaadiid, biyo, cunto, shaqo abuur, iwm. Waxa loo eegaa baahida jirta iyo sida ay u kala mudan tahay.

Dalka hayntiisu yar tahay (waa faqiire) waxa haboon inuu u fekero sidii qof faqiir ah. Nasiib xumadu waxaay tahay- waaba masiibee- marka qofku isaga oo faqiir ah uu doono inuu u noolaado sida taajirka. Doqon weeye. Doqonimadaasi waxaay masiibo tahay marka hantidaas yar ay maamulayaan cidaan aanay taabanayn faqrigaasi. Lagaba yaabee inuu isagu rabo inuu ka tanaado.

Bal hada u fiirso inta miisaaniyadda dawladda ku baxda shidaal iyo gawaadhi aan faa’iido u lahayn danyarta iyagu bixiyay lacagta la siiyay gaadiidkaas. Waa gaadiid raaxo oo uu ku tamashlaynayo qof.
Waxa cid lagu kalsoon yahay waa aan fogayn ii sheegtay nin madax ah oo diiday gaadhigii loogu talo galay xafiiskii loo soo magacaabay. Wuxuu yidhi anigu shaqsi ahaan waan ka sareeyaa inaan raaco gaadhi noocan oo kale ah. Marka waa in loo dalbaa gaadhi tobanaan kun oo doolar qiimihiisu yahay.

Dad badan baa marar aan yarayn is waydiiyay tirada badan ee madaxda dawladda ee qarashka aan yarayni ku baxo. Shilimaadka dalka soo galaa ma badna. Sida loo maamulaana maaha mid laga fekeray oo lagu saleeyey nolosha dadka leh ee loogu talo galay in wax loogu qabto.




Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Saturday, 12 November 2016

Guusha Trump fursad bay u noqon kartaa Somaliland

Madaxwaynaha dhowaan la doortay ee Maraykanka Donald Trump intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu si xun oo ka baxsan anshaxa uga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay xuquuqda dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay.

Trump waxa sidoo kale ka muuqatay aqoon darro wayn oo uu u leeyahay siyaasadda, gaar ahaan siyaasadda arimaha debedda. Inkasta oo uu dhinac maray madaxda xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga, hadana waxaan shaki ku jirin inaan Trump ka wada tegi doonin siyaasadda udub dhexaadka u ah Jamhuuriga.

Markii sanadkii 2008 uu doorashada ku guulaystay Barack Obama oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga aad bay dadyowga madow u soo dhoweeyeen. Dadkaas waxa ka mid ahaa shacabka Somaliland iyo dunida Muslimka ah. Haseyeeshee, Obama wuxuu ka geystay dunida Islaamka layn badan, gaar ahaan duqaynta loo adeegsado diyaaraha aan duuliyuhu wadin.

Dhinaca Somaliland, maamulka Obama wuxuu gadoomiyay Somaliland isaga oo ka sii jeestay. Wuxuu soo af-jaray siyaasadii marinada badnayd ee Maraykanku doonayay inuu kula dhaqmo dadka Soomaalida. Wuxuu si aan kala hadh lahayn isu dabo taagay dawladda Muqdisho.

Falalka caynkaas ahi waxaay hoos u dhigeen meeqaamka Somaliland ku lahayd dunida. Waxana midaas sii xoojiyay doorashadii 2010 ka dhacday Somaliland oo ay ku guulaysatay dawlad cusub oo qaadatay siyaasad arimo debedeed oo jaah-wareersan.

Maamulkii ka horeeyey Obama ee xisbiga Jamhuurigu wuxuu la lahaa Somaliland cilaaqaad aad u fiican. Waxa Somaliland soo booqday madax heer sare ah oo ay ka mid ahayd Jendayi Frazer oo ahayd ku xigeenka Xogahaya Arimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika. Xogo marar badan soo baxaay ayaa waagaas tibaaxay in wasaaraddii arimaha gaashaandhiga saraakiil ka tirsani ay doonayeen inay ka shaqeeyaan in Somaliland la ictiraafo.

Nasiib darro, arimahaas waxa soo af jaray maamulka Obama. Hada oo la doortay madaxwayne ka soo jeedaa Jamhuuriga, waxaan shaki ku jirin in Somaliland ay u furantay fursad muhiim ah oo ay tahay inay ka faa’iidaysato. Waxaayna u baahan tahay Somaliland inay la timaado istiraajiyad ay ku dersayso hab dhaqanka Trump.  Waxaana daruuri ah in si dhow loo derso cidda uu u magacaabo Xoghayaha Arimaha Debedda iyo ku xigeenada ka hoos shaqeeya kuway yihiin siiba kuwooda u qaabilsan Afrika.

Sidaas oo ay tahay waxaa iyana aan la dafiri karin in Trump uu yahay shaqsi aan la saadalin karin oo wuxuu doono yeele ah, markaad eegtid hab dhaqankiisa iyo hadalada qalafsan ee aan ka fiirsiga lahayn ee uu hadh iyo habeen la soo taagnaa intuu tartanka ku jiray.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Thursday, 20 October 2016

Nabadda iyo caddaaladda

Dagaalkii dhiigga badani ku daadatay ee maatada lagu uur dooxay wuxuu ka soo gebo-geboobay Somaliland 1991 kii markii dawladdi Maxamed Siyaad Barre laga baacsaday dhulka Somaliland. Jabhadii dalka qabsatay iyo wax-garadkii reer Somaliland waxaay go’aansadeen in lagu dadaalo sidii nabad loo heli lahaa oo looga bixi lahaa dagaalka.

Nasiib darro, waxaan xisaabta lagu darsan waxa laga yeelayo dadkii gaystay dembiyada ka dhanka ah banii adantinimada, dembiyada dagaal iyo xasuuqa. Waagaas waxa isna dhamaaday dagaalkii qaboobaa. Farxad iyo rajo fiican bay dunido filanaysay. Kadib ayaa jab badani dhici doonaa. Aduunkuna ma noqon mid amaan ah, sidii la filayay. Xasuuqii Rwanda iyo dagaalo kale oo badan ayaa dhacay.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanuhu waxaay isku dayeen in la helo caddaalad caalami ah oo lagu soo oogo dacwado hogaamiyayaasha laaya dadkooda. Rwanda iyo Yugoslavia ayaa loo sameeyo maxkamado u gaar ah. Markii danbena Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa la aasaasay.
Nasiib darro dhinaca dhulka Soomaalida midaasi ma dhicin. Maxkamado caalami ahna looma samayn, dalka gudihiisana kuwo lagama samayn.

Dadka iyo dawladihii Somaliland waxaay ku fashilmeen inay abuuraan maxkamad u gaar ah oo qaada dembiyadii la galay ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha. Hadii caddaalad caynkaas ah la samayn lahaa kuwo badan ayaa aduunku dib u soo celin lahaa si loo maxkamadeeyo.

Inta badan wadamada dagaaladu ka dhacaan nabadda ayaa laga door bidaaa caddaalada. Taasina waxaay keenta in kuwo dembiyo xun xun gaystay ay baxsadaan ama xil sii hayaan. Waxaay sidoo kale keentaa in dagaaladu soo noq noqdaan mar hadii aan xisaabtan jirin.


Weli waa suurtagal in la sameeyo maxkamad u gaar ah dembiyadii dhacay waagii Siyaad Barre dalka haystay. Waxaayna tani digniin u noqon doontaa hogaamiyayaasha Somaliland si ay u ogaadaan inaan la iskaga hadhi doonin wixii dembi ah ee lagalo. Waxaay sidoo kale u tahay naruuro dad aad u badan oo sanado badan sugayay inay maruun helaan caddaalad oo kuwii dhagarta geystay la soo taago maxkamad.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Monday, 3 October 2016

Midabada badan ee Somaliland


Somaliland waa dal yaab badan. Somaliland rasmi ahaan kama mid ah wadamada dunida. Cidina ma aqoosana. Dadwaynaha ku nooli waa mid aad u yar. Dadka badiyaa waxaay ku sheegaan ilaa 3.5 oo miliyan (sadex iyo badh milyan). Dhulkiisu waa mid qalalan oo ay ku yar yihiin biyuhu. Dhaqan ahaan wax beerashadu kuma badna. Waxaay aad u dhaqdaan xoolaha. Magaaladda u wayni waa Hargeysa oo dadka degan lagu qiyaaso wax ka yar hal milyan.

Sidaas oo ay tahay waa dal dhan oo shaqaynaya, leh dawlad, iyo nidaam. Waxa laga soo unkay dambaska. Sanadkii 1991kii markii ay dhacday dawladii madaxwaynihii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, waxa magaalooyinka Somaliland lagu soo noqday iyaga oo burburay oo dhulka lala simay. Ku dhowad sadex sanadood oo dagaal aan kala go’ lahayn ah darteed, magaalooyinkii iyo noloshii ku hoos jirtay way burburtay.

Maanta oo laga joogo 25 sanadood, qiimaynta aad saari kartaa waa mid aan sugnayn. Dhinac markaad ka eegtid horumar iyo nolol horusocod ah ayaa kuu muuqnaya. Dad ay ka go’an tahay inay dhistaan dalkooda oo ay ka shaqeeyaan noloshooda ayaad arkaysaa. Hooyo aroortii u kalahaysa sidii ay u soo xoogsan lahady si ay wax u tarto qoys danyar ah oo ay dhashay, nin kaaryoone riixaya si uu quutal daruuriga uga soo saaro, mid bir tumaya, iyo mid wax kale ku fooggan ba dadku dantooda ayay ka shaqaynayaan. Cashuurna way bixiyaan si kasta oo ay noloshu ugu adag tahay.

Sidaas oo ay tahay hadana, waxa dhex socda qalalaad aad u culus oo hantaaqo wayn ku ah dadaalka dan yarta. Kuwa wax is biday ee aqoonta leh ayaa halis ku ah in Somaliland sii jirto ama gaadho halka ay u socoto.

Culimada Islaamka ee diinta ku tegay waxaay mudo badan dadka uga digayeen in jacaylka aduunyadu uu halis badan yahay. Waxaay markaas dadka ugu yeedhi jireen inay xagga Waynaha u noqdaan oo ay cabsidiisa badiyaan.

Waxa la isku raacsan yahay in kuwa aduun raadisku madax maray hadii aan loo samayn dabar iyo xadhko xidha aanay dhergayn. Dhereg la’aantoodu waxaay keentaa inay cunaan tiirarka bulshadu ku taagan tahay. Sida xarka ayay u jilciyaan ilaa ay bulshada dhulka afka u daraan.

Markaas waxa bulshada isku haya oo ay ugu horayso caddaaladda, is-jacaylka, wax wada qaybsiga, sinaanta, isku xukunka sharciga intuba waa ku cadow kuwa aduun jacaylku indho tiray. Iyagu waxyaalo dhawr ah ayay cudur daar ka dhigtaan oo nafohooda u sheegaan ama dadka. Haseyeeshee jiritaanka umadda ayay ka soo horjeedaan.

Waxa aan shaki ku jirin in hadii aan kuwa lacagta badan haysta iyo kuwa awoodda haya aan la kala ilaalin oo aan loo dejin sharci adag oo bulshada inteeda kale ka celiya, in bulshada badankeedu ku dulmanaan doonto dabadeed ay hadhow kici doonaan iyaga oo ah duufaano aan la celi karin, la iska caabiyin karin. Markaas bay burburaan wax walba oo hore u jiray. Waa casharo taariikhda ku suntan. Xitaa qisooyinka Quraanka ayaa lagu sheegay inaan dulmigu raagi karin wax lagu tanaado oo dan guud wax u tartana aanu noqon karin. Markaas baa dadka looga digay, tusaalayaalna loogu soo qaatay quruumu jiray waayo badan hortood. Haba fogayn, hada u fiirso aduunka waxa ka dhacaya.

Sidaasdarteed, waxa taladu tahay in si loo siman yahay la iskugu xukumo sharciga loona raaco sida uu u yaal, in qofkii hanti badan leh ama awood badan leh ama awood badan ka agdhoowi aanu ka dheeraan dadka, kana yeelan mudnaan. Eebe ba dadka ma kala sarraysiin. Ma yasin qaarkood. Kuwa caawa Hargeysa ku gaajoonaya iyo kuwa ku dheregsan Eebe hortii waa siman yihiin, waloow taajirku yasayo, walow ka markaas xoogga gacanta ku hayaa uu mar walba isla saxan yahay. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


Midabada badan ee Somaliland


Somaliland waa dal yaab badan. Somaliland rasmi ahaan kama mid ah wadamada dunida. Cidina ma aqoosnana. Dadwaynaha ku nooli waa mid aad u yar. Dadka badiyaa waxaay ku sheegaan ilaa 3.5 oo miliyan (sadex iyo badh milyan). Dhulkiisu waa mid qalalan oo ay ku yar yihiin biyuhu. Dhaqan ahaan wax beerashadu kuma badna. Waxaay aad u dhaqdaan xoolaha. Magaaladda u wayni waa Hargeysa oo dadka degan lagu qiyaaso wax ka yar hal milyan.

Sidaas oo ay tahay waa dal dhan oo shaqaynaya, leh dawlad, iyo nidaam. Waxa laga soo unkay dambaska. Sanadkii 1991kii markii ay dhacday dawladii madaxwaynihii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, waxa magaalooyinka Somaliland lagu soo noqday iyaga oo burburay oo dhulka lala simay. Ku dhowad sadex sanadood oo dagaal aan kala go’ lahayn ah darteed, magaalooyinkii iyo noloshii ku hoos jirtay way burburtay.

Maanta oo laga joogo 25 sanadood, qiimaynta aad saari kartaa waa mid aan sugnayn. Dhinac markaad ka eegtid horumar iyo nolol horusocod ah ayaa kuu muuqnaya. Dad ay ka go’an tahay inay dhistaan dalkooda oo ay ka shaqeeyaan noloshooda ayaad arkaysaa. Hooyo aroortii u kalahaysa sidii ay u soo xoogsan lahady si ay wax u tarto qoys danyar ah oo ay dhashay, nin kaaryoone riixaya si uu quutal daruuriga uga soo saaro, mid bir tumaya, iyo mid wax kale ku fooggan ba dadku dantooda ayay ka shaqaynayaa. Cashuurna way bixiyaan si kasta oo ay noloshu ugu adag tahay.

Sidaas oo ay tahay hadana, waxa dhex socota qalalaad aad u culus oo hantaaqo wayn ku ah dadaalka dan yarta. Kuwa wax is biday ee aqoonta leh ayaa halis ku ah in Somaliland sii jirto ama gaadho halka ay u socoto.

Culimada Islaamka ee diinta ku tegay waxaay mudo badan dadka uga digayeen in jacaylka aduunyadu uu halis badan yahay. Waxaay markaas dadka ugu yeedhi jireen inay xagga Waynaha u noqdaan oo ay cabsidiisa badiyaan.

Waxa la isku raacsan yahay in kuwa aduun raadisku madax maray hadii aan loo samayn dabar iyo xadhko xidha aanay dhergayn. Dhereg la’aantoodu waxaay keentaa inay cunaan tiirarka bulshadu ku taagan tahay. Sida xarka ayay u jilciyaan ilaa ay bulshada dhulka afka u daraan.

Markaas waxa bulshada isku haya oo ay ugu horayso caddaaladda, is-jacaylka, wax wada qaybsiga, sinaanta, isku xukunka sharciga intuba waa ku cadow kuwa aduun jacaylku indho tiray. Iyagu waxyaalo dhawr ah ayay cudur daar ka dhigtaan oo nafohooda u sheegaan ama dadka. Haseyeeshee waa jiritaanka umadda ayay ka soo horjeedaan.

Waxa aan shaki ku jirin in hadii aan kuwa lacagta badan haysta iyo kuwa awoodda haya aan la kala ilaalin oo aan loo dejin sharci adag oo bulshada inteeda kale ka celiya, in bulshada badankeedu ku dulmanaan doono dabadeed ay hadhow kici doonaan iyaga oo ah duufaano aan la celi karin, la iska caabiyin karin. Markaas bay burburaan wax walba oo hore u jiray. Waa casharo taariikhda ku suntan. Xitaa qisooyinka Quraanka ayaa lagu sheegay inaan dulmigu raagi karin wax lagu tanaado oo dan guud wax u tartana aanu noqon karin. Markaas baa dadka looga digay, tusaalayaalna loogu soo qaatay quruumu jiray waayo badan hortood. Haba fogayn hada u fiirso aduunka waxa ka dhacaya.

Sidaasdarteed, waxa taladu tahay in si loo siman yahay la iskugu xukumo sharciga loona raaco sida uu u yaal, in qofkii hanti badan leh ama awood badan leh ama awood badan ka agdhoowi aan ka dheeraan dadka, kana yeelan mudnaan. Eebe ba dadka ma kala sarraysiin. Ma yasin qaarkood. Kuwa caawa Hargeysa ku gaajoonaya iyo ka ku dheregsan Eebe hortii waa simam yihiin, waloow taajirku yasayo.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


Tuesday, 27 September 2016

Hargeisa Regional Court sentences people including a court clerk for bribery charges

On 22nd September 2016, Hargeisa Regional Court sentenced a court clerk to four years of imprisonment for bribery charges.

The presiding judge pronounced the judgment with emphasize that the courts will not tolerate attempts of bribery.

The court sentenced the court clerk in abstentia to four years of imprisonment. Three other people were sentenced from two years to one year and six months of imprisonment for solicitation and paying bribery, respectively.

According to the charges, the clerk collected four thousand US dollars from two people who were party in a civil suit at the court. He promised to pay the money to a judge in order to rule on their favour. He gave 870 USD to a middleman and has taken the rest.

According to the records, the men who paid the bribery complained to the court. Apparently, they did not realize that they were incriminating themselves in an involvement of a criminal activity. The prosecution filled a criminal case and summoned the two men as witnesses. They testified before the court the payment of four thousand US dollars to court clerk in order to bribe a judge. The clerk was not at the court. According to the judgment, he fled to Mogadishu to scape justice. Legally, they have a right to appeal against the conviction to the higher court.

The court found two men guilty of paying bribery whereas the clerk was convicted for receiving bribery. The fourth man was found guilty for pretending to have influence with a public officer.
The chairman of Hargeisa Regional Court who also presided over the case, said that this is the first time a court in Somaliland convicts court official for bribery.

The public welcomed this move and hoped to send a strong message. Corruption is one of the deadly criminal activities that undermine the development and justice in the underdeveloped world.

The Chief Justice, Adam Haji-Ali Ahmed, promised fighting corruption in the judiciary and repeatedly asked the people to report if any court official demands bribery. Adam Haji-Ali Ahmed, former director of Institute of Peace and Conflict Studies of University of Hargeisa, and chairman of Somaliland Non-state Actors Forum (SONSAF), came to office mid last year.   

Guleid Ahmed Jama

Lawyer  

Wednesday, 21 September 2016

Yaa dawladda Somalia dacwadda ku metelaya?

1.      Wakiiladda dawlada

a.       Cali Siciid Fiqi oo ah Safiirka Somalia u fadhiya Biljamka, Wakiil
b.      Mona Al-Sharmani oo ah la-taliyaha sharci ee Madaxwaynaha Somalia, ku-xigeen wakiil

2.      Qareenada ka hor doodaya Maxkamadda

a.       Mr. Paul S. Reichler, Qareen Maraykan ah  oo ka dooda Maxkamadda Sare ee Maraykanka,
b.      Mr. Alain Pellet, Macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga University of Paris Ouest, Nanterre-La Défense, hore xubin iyo gudoomiye uga ahaa Gudida Xeerka Caalamig ah (International Law Commission), xubin a ah Machadka Xeerka Caalamiga ah (Institut de droit international),
c.       Mr. Philippe Sands, Q.C., Macallin jaamacadeed dhiga xeerka caalamiga ah oo wax ka dhiga University College London, qareenna ka ah London,
d.      Mr. Lawrence H. Martin,  Qareen Maraykan ah  oo ka dooda Maxkamadda Sare ee Maraykanka,
e.       Ms Alina Miron, Macallin jaamacadeed oo xeerka caalamiga ah ka dhiga University of Angers,
f.       Mr. Edward Craven, oo qareen ka ah London,
g.      Mr. Nicholas M. Renzler, Qareen Maraykan ah  oo ka dooda Maxkamadda Sare ee Maraykanka,

           3.      La-taliyayaal
a.       Mohamed Omar, La-taliyaha saree e Madaxwaynah Somalia 
b.      Ahmed Ali Dahir, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somalia 
c.       Yusuf Garaad Omar, Safiirka iyo Wakiilka Joogtada ah ee Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay  
d.      Admiral Farah Ahmed Omar, Janan hore uga tirsanaa Ciidankii Badda Somalia hadana ah gudoomiyaha Research Institute for Ocean Affairs, oo fadhigeedu yahay Mogadishu,
e.       Daud Awes, Af-hayeenka Madaxwaynaha Somalia  

f.       Abubakar Mohamed Abubakar, Agaasimaha Arimaha Badda ee Wasaaradda Arimaha Debedda ee Somalai  

Dood afeedkii ay Somalia ka hor jeedisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Salaasaddii shalay ahayd waxa Somalia ka hor akhriday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda dood afeed jawaab celin u ah dood afeed Kenya Isniintii ka hor jeedisay Maxkamadda. Taas oo ku saabsanayd dacwad is-hortaag ah oo Kenya ka gudbisay arji dacwad furasho oo Somalia ka furatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Somalia waxaay doodeeda ku bilawday hadal guud oo ay ku guud martay in inkasta oo Somalia dhibaato wayni haysato, hadana inay ka soo kabanayaan oo u socdaan dhinaca horumarka. Waxaay uga mahad celiyeen Kenya iyo cid kasta oo caawimo u gaysatay.

Somalia waxaay ku dooday in sababta ay Kenya u keentay is-hortaaggu uu yahay inay cabsi ka qabto oo ay ogtahay in laga gar helayo hadii nuxurka dacwadda la galo. Waxaay sheegtay in qareenada Kenya doonayaan inay ku riixaan Somalia wado hadallo aan dhamaad lahayn cid ka garnaqaysaana aanay jirin si ay ugu keenaan in Somalia ay tanaasul u samayso Kenya.

Somalia waxaay sheegtay inanay ku soo degdegin maxkamadda ee ay isku dayday inay xal ugu hesho qaab wada hadal ah, balse in laga quus gooyay habkaas kadib markii Kenya ay diiday inay ka soo qaybgasho wareegii sadexaad ee wada hadalka. Iska daa inaanu ku heshiino xadayne ee waxaanu ku heshiin waynay habka loo xadaynayo, ayay tidhi Somalia.

Somalia waxaay ku dooday inaan is-afgaradkii 2009kii dhexmaray Somalia iyo Kenya aanu ahayn mid jideeynaya in wado kale lagu xalliyo khilaafka.

Somalia waxaay sharaxday in is-afagardku aanu ahayn heshiis loogu dan lahaa in lagu xalliyo khilaafka ka dhexeeya labada dhinac ee ku saabsan xadka bada.

Qareenada Somalia waxaay ku doodeen in duruuftii lagu galay is-afgaradku ay muujinayso inaan dhinacyadu marna ugu talo gelin in is-afgaradku uu noqdo hab lagu xalliyo khilaafka.

 Waxaay Somalia sheegtay inaan is-afgardku (MoU) ahayn mid iska hortaagaya dhinacyada in dacwadooda lagu qaado Maxkamadda.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


Monday, 19 September 2016

Dood afeedkii Kenya maanta ka horjeedisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Maanta waxa bilaabantay dood afeed ay Jamhuuriyadda Kenya ka hor akhriday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Dood afeedkan waxaay ku saabsanayd dacwad is-hortaag ah oo Kenya ka gudbisay arji dacwad furasho oo Somalia ka furatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Taas oo ku saabsanayd xadka badda u dhaxaysa labada dal.

Dooda Kenya waxaay ku qotontay in is-afgaradka (MoE) dhexmaray Kenya iyo Somalia uu keenayo in muranka labada dal aan lagaga garniqi karin Maxkamadan.

 Kenya waxaay ku nuux nuuxsatay doorka ay ka qaadatay naba dhisidda Somalia iyo magan gelyada ay siisay qaxoontiga Somalia. Waxaay sheegtay in ciidamo nabadda ilaaliya ay u dirtay Somalia oo ay ku hawlan tahay sidii ay Somalia nabad u heli lahayd. Sidaasdarteed, waxaay ku dooday in eedda Somalia ee ah in Kenya ay ka faa’iidaysanayso xaaladda Somalia ay tahay arin qaldan oo ixtiraam xumo ku ah dadka iyo dawladda Kenya ee waxa badan u huray taageeradda Somalia.

 Hordhacaas ka dib, Kenya waxaay soo gudbisay doodeeda sharci oo ay u kala saartay dhawr qaybood. Qayb waxaay si guud ugu soo bandhigtay is-hortaageeda. Qaybna waxaay kaga hadashay sharcinadada is-afagardka (MoE) oo ay ku nuux nuuxsatay inuu yahay qoraal sharci oo leh raad sharci. Waxayna ku dooday in Somalia ay iska indho tirayso sharcinimada is-afgaradka iyo in Somalia ay kala hadashay oo ay mawqifyo iska soo horjeeda ka qaadatay. Waxaay qareenada u doodayay Kenya awoodda saareen inay tixraac sharci ugu helaan in is-afgaradkaasi yahay mid qabanaya Somalia islamarkaana ka reebay khilafka labada dhinac in Maxkamadani qaado. Waxaay sidoo kale u eegeen is-afagardka xeerarka caalamiga ah.

Qayb kale waxaay ku doodeen qareenada Kenya inaan laga quusan in maaro loogu helo khilaafka haba wada hadal ah. Kenya waxaay sheegtay inaan labada dhinac yeelan wada hadal micne leh oo u dhigma in laga quus gooyo. Waxaayna sheegtay in la yeeshay dhawar shir farsamo oo aan marna hoos loogu daadegin iyo in muranada caynkan oo kale ah sanado badan ay socoto wada hadalkeedu.
Guntii, dood afeedkan bilawga ah ee Kenya wuxuu awoodda saarayay in is-afgaradkii dhexmaray 2009 Somalia iyo Kenya uu yahay mid sharci ah oo sababaya inaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu aanay awood u lahayn inay qaado dacwadan ee ay jiraan habab kale oo uu sheegay is-afgaradku iyaga oo ku sharaxay doodooda habkaas,

 Maalinta berri ah (Salaasadda) ayaa Somalia doodeeda ka hor jeedin doonta Maxkamadda. Doodani waxaay socon doontaa ilaa jimcaha.


Halkan ka eeg faalo ku saabsan nooca ay tahay dacwadan labada dal u dhexeeysaa.
http://guleidjama.blogspot.com/2016/09/xog-ku-saabsan-dacwadda-badda-ee-ka.html

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin