Saturday 1 April 2017

Dimoqraadiyadda reer magaalka

Gudida Qaran ee Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay tirada dadka is diiwaangeliyay si ay cod kooda ka dhiibtaan doorashooyinka la filay inay Somaliland ka dhacaan. Waxaay Gudidu sheegtay in 873, 331 oo qof ay ku jiraan diiwaanka. Waxaay se sheegtay in tiradaasi hor-u-dhac tahay oo ay suurtagal tahay inay hoos u dhacdo marka kaadhadhka cod bixinta loo qaybiyo dadka is diiwaangeliyay.

Tirada Gudidu sheegtay waxaa muujisay laba arimood oo muhiim ah. Kow, in dadka xiisaha u qabay inay codeeyaan ay yaraayeen, hadii la bar bar dhigo tirooyinkii doorashooyinkii hore isu diiwaangeliyay. Inkasta oo dad badani qabaan in tirooyinkii hore aanay sax ahayn oo dhawr jeer dad badani is diiwaangeliyeen. Waxa la filayaa in nidaamka hada la isticmaalay uu taas ka hortegay.

Laba, in dadka miyiga degan ee is diiwaangeliyay ay aad u yar yihiin. Gobol walba tirada u badan ee is diiwaangelisay waa magaalooyinka, gaar ahaan caasimadaha gobolada. Hadii taas la barbar dhigo qiyaasaha tiro koob ee laga hayo dadka Somaliland, waxa muuqata in codaynta ay ku badan yihiin reer magaalku.

Hadaba, Somaliland waxa ka jira is dheelitir la’aan xagga reer miyaga iyo reer magaalka ah. Tusaale ahaan nidaamka waxabarasho uma saamaxayo qofka reer miyiga ah, gaar ahaan reer guuraaga, inuu wax barto. Umana qaabaysna hanaan tirada lagu darsaday baahiyaha ay qabaan reer guuraagu. Waxa sidaas la mid ah dhamaan adeegyada dawladeed ee la bixiyo.

Xitaa dadka ururada bulshada rayidka ah maamulaa ma dhaadsana ama way iska indho tiraan reer guuraaga iyo baahiyohooda. Waxa markaas abuurantay arin uu dastuurka Somaliland ka digay.

Qodobka 11(2) ee dastuurka Somaliland wuxuu leeyahay “iyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo”.

Waxa marka haboon oo ay tahay in la sameeyo dib u qaabayn guud oo sal iyo baar leh oo dib loogu eego hanaanka adeeg bixineed, qaababka, iyo siyaasadaha dawladeed si og oo xisaabta ku darsata reer miyiga.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

No comments:

Post a Comment