Waxan si kooban isu dul taagayaa
qaybta afraad farqadda 9aad ee qoraalka ay ka soo wada saareen labada ergo ee Somaliland
iyo Somalia. Farqadaasi waxay u qoran tahay sidan (nuqulka Ingirisiga ah oo ka
asalka ah):
“We share the pain inflicted upon
the Somali people by the military regime in Somalia before the year 1991. We condemn
all the atrocities committed by that regime throughout all Somali people
particularly the people in Somaliland.”
Qaybta hore waxa lagu bilaabay “
Waxanu wadaagnaa xanuunka soo gaadhay dadka Soomaaliyeed ee uu u gaystay
nidaamkii ciidanka ahaa ka hor sanadkii 1991.”
Tani waxa ka soo baxay laba arimood:
1.
Labada
dhinac si isku mid ah ayay u wadaagaan xanuunka. Taas oo macneheedu yahay in ay
u siman yihiin oo aanay ahayn mid wax dulmay iyo mid la dulmay.
2.
In cidda
wax geysatay ay tahay nidaam (regime) ay ka wada tirsanaayeen dad reer
Somaliland ah iyo dad reer Somalia ah labadaba. Sidaas darteed, waxay ka saaray
meesha in reer Somaliyi iyagu geeysteen layntaas.
Qaybta danbe waxay u dhigan tahay “Waxanu
canbaaraynaynaa dhamaan atrocities (xagga danbe ayaan ku sharixi ereygane) uu ka
galay nidaamkaasi dhamaan dadka Soomaalida ah oo dhan gaar ahaan dadka ku nool
Somaliland.” Tan waxa ka soo baxay afar arimood;
1.
Labada
dhinac si siman ayay u canbaareeyeen taas oo macneheedu yahay maaha qiraal ay
Somalia qiratay qalad ay iyagu sameeyeen.
2.
Atrocities:
ereygan waxa weftigu u turjumeen “Cadawtinimo”. Kama foga miche ahaan. Atrocity
waa erey aan loo isticmaalin xeeraka caalamiga ah. Ma laha wax saamayn sharci ah.
Cida lagu eedeeyo atrocity macneheedu maaha inay ku geftay qodob sharci oo
xeerarka caalamig ah. Ta u muhiimsan ee Somaliyi u doorbiday ereyganina waa si
ay uga cararto ereyada muujinaya dembi dhacay sida xasuuq, layn, dembi dagaal
IWM, kuwaas oo isticmaalkood keeni lahaa saamayn sharci.
3.
Ta u
darani waa in la sheegay in waxyeeladaas loo gaystay guud ahaan dadka Soomalida
ah. Hadalkaas oo ahaa mid ay weligeedba isticmaali jireen siyaasiyiinta
Soomaaliya oo ku dooda in dhibta Somaliland sheeganaysaa ay tahay mid ay wada
qabeen dadka Soomalida ahi oo aanay jirin wax si gaar ah loogu geeystay. Ereyga
gaar ahaan (particularly) waxay u noqonay canbaaraynta oo waxa micneheedu yahay
waxanu si gaar ah u canbaaraynaynaa cadawtinimada loo gaystay dadka ku nool
Somaliland ee maaha micneheedu cadawtinimada gaarka ah ee loo gaystay
Somaliland.
4.
In Somaliland: oo ah ta u danbaysa waxay ku tahay Somaliland yasid wayn. Waxay u
dhigan tahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Somaliland. Lama isticmaalin particularly
the people of Somaliland.
Gebogebo
Farqadan 9aad waxa ka soo baxaya
laba arimood;
1.
In Somaliland
aay ku raacday Soomaliya inaanay jirin dhibaato gaar u soo gaadhay Somaliland
balse dhibtu tahay aafo guud oo dadka Soomliyeed si isku mid ah u soo gaadhay
oo ya tahay in markaas si isku mid ah loo canbaareeyo oo bartaas lagu dhaafo
2.
In wax
denbi ahi dhicin waayo waxan la isticmaalin ereyada muujinaya in dembi dhacay.