Thursday 12 January 2017

Waayo Damul Jadiid?

Doorashadii Xamar ka dhacday 2012, Baarlamaanka Somalia wuxuu u doortay madaxwayne nin aan hore loo aqoon. Guusha Xasan Shiikh Maxamuud waxaay ku soo kordhisay fagaarayaasha siyaasadda lagaga sheekeeyo (fadhi ku dirir baa lagu naanaysaa badankoodee) ereyga Damul Jadiid. Dad badan oo aan aqoon u lahayn waxa looga jeedo ayaa isticmaala. Waxa tan soo kiciyay iyada oo hadana ay doorasho ka socoto Xamar. Xasan Shiikh Maxamuud oo ay dad badani ku tiriyaan inuu yahay Damul Jadiid ayaa mar kale sharaxan. Ma hubo anigu inuu ka tirsan yahay.

Waxaan jeclaystay inaan si kooban uga jawaabo su’aasha ah: waayo Damul Jadiid? Taariikh dheer iyo falaqayn qoto dheer uma jeedo, balse si kooban aan u iftiimiyo si dadku u wada fahmaan.
Urur diimeedyada caanka ka ah dunida Islaamka waxa ka mid ah urur waynaha Ikhwaanul Muslimiin (Muslim Brotherhood). Ikhwaanku dunida Muslimka ah qaybo badan oo ka mid ah wuxuu ku leeyahay laamo kala duwan oo leh magacyo kala duwan. Inkasta oo ururkii u horeeyey ee Soomaali leedahay oo Ikhwaan noqda uu ahaa Waxda al shabaab al Islaamiya, hadana ururka sida rasmiga ah u metala Ikhwaanka Somalia waxa la yidhaahdaa Islaax oo la abuuray 1978.

Sanado ka hor ayaa khilaaf soo dhex galay xubnihii Islaax. Rag ka da’ yar odayadii Islaax sameeyey ayaa caariday hogaankii ururka oo ay u arkeen inuu gaabiyay. Waxaay la baxeen dhiigga cusub (Damul Jadiid) oo ay uga jeedaan dhiigga cusub ee Islaax. Rasmi ahaan waxaay isu yaqaaniin inay weli yihiin garabka saxda ah ee Islaax. Halkii qaar kalena ay u arkaan niman ka baxay oo ka baydhay Islaax.

Sidaasdarteed, Damul Jadiid waa urur diimeed ku abtirsada oo la dhacsan aragtida Ikhwaanul Muslimiinka.

Sidan aan kor ku sheegay uma jeedo inaan hoos ugu dhaadhaco taariikhda Ikhwaanka oo xaqiidii ka adag kana qoto dheer koobniinkan oo aan uga gol leeyahay inaan faham guud ka bixiyo Damul Jadiidka lagu dawakhay dharaarahan danbe.

Waxaan rajaynayaa inaad hada dabadeed aqoonsan doontid in waxa loo yaqaan Damul Jadiid uu yahay urur diimeed Ikhwaan ah ee aanu wax kale ahayn.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin