Saturday 19 November 2016

Faqiir qarash badan: “Laankaruusar gado, galaydana soo bari.”

Qofka caadiga ah ee sida hagaagsan u fekeraa wuxuu isku eegaa waxa soo gala iyo wuxuu qarash ahaan bixiyo. Hadii uu bishii helo boqol doolar, wuxuu u qorsheeyaa inaan qarashkiisu ka badan boqolkaas. Kuwa sii ba caqliga fiicani waxaay maanka ku hayaan inay wax ka dhigtaan, haday suurtagal tahay.

Si midhaas la mid ah qofka caadiga ahi xoogaga soo galo si miyir qabta oo uu ka fekeray buu u isticmaala. Wuuxu iska ilaaliiyaa inuu daa daadiyo. Qofka lacagta ku ciyaara Soomaalidu magac bay u bixisaa, waxna uma dhigmaan noloshana meel kama gaadho.

Dawladaha waxa maamula dad. Dadka dawladaha maamulaa qorshay dejistaan. Waxaay ka fekeraan waxa soo gala inaanay wax ka badan gelin. Waxaay sidoo kale qorsheeyaan sida ugu haboon ee ay shilin walba u isticmaali karaan. Kee bay tahay inuu galo waxbarasho, caafimaad, ciidan iwm. Keebay tahay inuu galo gaadiid, biyo, cunto, shaqo abuur, iwm. Waxa loo eegaa baahida jirta iyo sida ay u kala mudan tahay.

Dalka hayntiisu yar tahay (waa faqiire) waxa haboon inuu u fekero sidii qof faqiir ah. Nasiib xumadu waxaay tahay- waaba masiibee- marka qofku isaga oo faqiir ah uu doono inuu u noolaado sida taajirka. Doqon weeye. Doqonimadaasi waxaay masiibo tahay marka hantidaas yar ay maamulayaan cidaan aanay taabanayn faqrigaasi. Lagaba yaabee inuu isagu rabo inuu ka tanaado.

Bal hada u fiirso inta miisaaniyadda dawladda ku baxda shidaal iyo gawaadhi aan faa’iido u lahayn danyarta iyagu bixiyay lacagta la siiyay gaadiidkaas. Waa gaadiid raaxo oo uu ku tamashlaynayo qof.
Waxa cid lagu kalsoon yahay waa aan fogayn ii sheegtay nin madax ah oo diiday gaadhigii loogu talo galay xafiiskii loo soo magacaabay. Wuxuu yidhi anigu shaqsi ahaan waan ka sareeyaa inaan raaco gaadhi noocan oo kale ah. Marka waa in loo dalbaa gaadhi tobanaan kun oo doolar qiimihiisu yahay.

Dad badan baa marar aan yarayn is waydiiyay tirada badan ee madaxda dawladda ee qarashka aan yarayni ku baxo. Shilimaadka dalka soo galaa ma badna. Sida loo maamulaana maaha mid laga fekeray oo lagu saleeyey nolosha dadka leh ee loogu talo galay in wax loogu qabto.




Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Saturday 12 November 2016

Guusha Trump fursad bay u noqon kartaa Somaliland

Madaxwaynaha dhowaan la doortay ee Maraykanka Donald Trump intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu si xun oo ka baxsan anshaxa uga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay xuquuqda dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay.

Trump waxa sidoo kale ka muuqatay aqoon darro wayn oo uu u leeyahay siyaasadda, gaar ahaan siyaasadda arimaha debedda. Inkasta oo uu dhinac maray madaxda xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga, hadana waxaan shaki ku jirin inaan Trump ka wada tegi doonin siyaasadda udub dhexaadka u ah Jamhuuriga.

Markii sanadkii 2008 uu doorashada ku guulaystay Barack Obama oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga aad bay dadyowga madow u soo dhoweeyeen. Dadkaas waxa ka mid ahaa shacabka Somaliland iyo dunida Muslimka ah. Haseyeeshee, Obama wuxuu ka geystay dunida Islaamka layn badan, gaar ahaan duqaynta loo adeegsado diyaaraha aan duuliyuhu wadin.

Dhinaca Somaliland, maamulka Obama wuxuu gadoomiyay Somaliland isaga oo ka sii jeestay. Wuxuu soo af-jaray siyaasadii marinada badnayd ee Maraykanku doonayay inuu kula dhaqmo dadka Soomaalida. Wuxuu si aan kala hadh lahayn isu dabo taagay dawladda Muqdisho.

Falalka caynkaas ahi waxaay hoos u dhigeen meeqaamka Somaliland ku lahayd dunida. Waxana midaas sii xoojiyay doorashadii 2010 ka dhacday Somaliland oo ay ku guulaysatay dawlad cusub oo qaadatay siyaasad arimo debedeed oo jaah-wareersan.

Maamulkii ka horeeyey Obama ee xisbiga Jamhuurigu wuxuu la lahaa Somaliland cilaaqaad aad u fiican. Waxa Somaliland soo booqday madax heer sare ah oo ay ka mid ahayd Jendayi Frazer oo ahayd ku xigeenka Xogahaya Arimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika. Xogo marar badan soo baxaay ayaa waagaas tibaaxay in wasaaraddii arimaha gaashaandhiga saraakiil ka tirsani ay doonayeen inay ka shaqeeyaan in Somaliland la ictiraafo.

Nasiib darro, arimahaas waxa soo af jaray maamulka Obama. Hada oo la doortay madaxwayne ka soo jeedaa Jamhuuriga, waxaan shaki ku jirin in Somaliland ay u furantay fursad muhiim ah oo ay tahay inay ka faa’iidaysato. Waxaayna u baahan tahay Somaliland inay la timaado istiraajiyad ay ku dersayso hab dhaqanka Trump.  Waxaana daruuri ah in si dhow loo derso cidda uu u magacaabo Xoghayaha Arimaha Debedda iyo ku xigeenada ka hoos shaqeeya kuway yihiin siiba kuwooda u qaabilsan Afrika.

Sidaas oo ay tahay waxaa iyana aan la dafiri karin in Trump uu yahay shaqsi aan la saadalin karin oo wuxuu doono yeele ah, markaad eegtid hab dhaqankiisa iyo hadalada qalafsan ee aan ka fiirsiga lahayn ee uu hadh iyo habeen la soo taagnaa intuu tartanka ku jiray.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin