Jamhuuriyadda Somaliland
waxay ku taal cidhifka bari ee u janjeedha badda cas ee wajahaysa dhulka
Carabtu degto. Waa gobolka loo yaqaan Geeska Afrika. Dalka Somaliland
taariikhdiisu waa mid guun ah oo waayo dheer soo taxnayd dibna ugu noqonaysa
kumanana sano ka hor. Gumaystihii Afrika qaybsaday waxa ku soo hagaagay
Somaliland boqortooyada midawday (UK) oo mudo ku siman sideetan sano nala
joogtay. Inkasta oo aan gumaysiga Afrikada kale aragtay aanan la kulmin hadana
xiligaas waxanu ku tirinaa dharaarihii gumaystaha.
Markii gumaysigu
ka tegay dhulkayaga 26 June 1960 kii waxannu noqonay dal madaxbanaan oo ka mid
ah qaramada xorta ah ee dunida. Intii reer Yurub geyiga Soomaaliyeed joogeen
waxa uu dhul Somaliland leedahay uu u gacan geliyay dalka aanu deriska nahay,
iminkana isku wanaagsanahay ee Ethiopia. Talaabadaas waxannu ogaanay waa danbe.
Cadhadii ka dhalatayna waxay nagu xanbaartay inaanu raadino midnimo Soomaali oo
dhan meel kasta oo ay joogto. Sidaasdarteed, shan dharaarood dabeed waxanu ku
biirnay Somaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray taariikhdu markay ahayd 1 July
1960kii.
Midnimadaasi ma
waarin. Iska daa in laga gaadho hiyigii laga lahaayee waxay na baday waxaan
qalinku qorin karin. Sidaasawgeed, 18 May 1991 kii ayaanu go’aansanay inaanu
dib u soo ceshono dawladnimadii aanu kula midownay Soomaaliya. Tan iyo waagaas
waxanu u heelanayn sidii aanu dunida ugu qancin lahayn inay ictiraafto
qaranimadayada.
Waxannu leenahay
dhul xuduudiisu la da’ tahay Afrikada
kale. Dadku waa joogto oo dhulka iyo dadka waa la isku yaqaan. Dawlad baanu
leenahay aanu dooranno. Sidoo kale awoodda dawladu waa mid gaadhsiisan inay cid
kale heshiis la gasho. Sidaasdarteed, shuruudiihii xeerarka caalamiga ah waanu
buuxinay muran la’aan. Sidoo kale waxannu leenahay calan qurux badan oo noo
gaar ah, lacagtayada oo ka duwan tii dalkii hore iyo ciidamo xoogan oo difaaci
kara xadkooda, gacanna siin kara ciddi nala saaxiib ah ee cadow weeraro.
Dalkii aanu
midnimada la galnay, Somalia, warkiisa waa haysaan oo dawladina kama jirto
waana hoyga argagixisada Afrika iyada oo la saadaalinayo in xitaa Al Qaacidada
Afgaanistaan joogtaa inay u soo cararto.
Cadowga noogu wayn
ee qaranimadayada hortaagani waa wadamada Carbeed oo aanu diinna wadaagno
derisna nahay. Geed dheer iyo mid gaaban waxay u fuuleen hagardaamadayada. Lacag
badan bay haystaaan galaan galkooda diblomaasiyadeedna naga xoog wayn annaga.
Waxan warka ku
hayaa inay idinka dhib badan idinku hayaan. Waxay markaas iila muuqatay inaynu
leenahay cadow guud. Sidaasdarteed, waxa ila haboonaatay inaan idinka codsado
inaad na ictiraaftaan. Waxannu nahay Qaran abaalka loo galo guda, cadawgiisana
ka aarsada. Waxa odayadu ii sheegeen in ka hor dhibta Falastiin in Yuhuud
badani joogtay Somaliland oo ganacsi ku lahayd. Markaas taariikhdaas waa soo
celin karnaa. Laga yaabee inaad is waydiiso ma dal Muslim ah ayaa gargaar
waydiisanaya Israel. Balse aan ku xusuusiyo in Yuhuuda iyo Kiristanku u siman
yihiin Muslimiinta.
Mahad sanidin