Waxa ayaamahan war-baahintu tebinaysay inuu xidhan
yahay xadka u dhexeeya Somaliland iyo jamhuuriyadda yar ee dhinaca galbeed kaga
beegan. Waxay tani keensanaysaa inaynu is waydiino Jibuuti cadow iyo saaxiib
midkay u tahay Somaliland. Qoraalkan koobanna midkaas baynu isku dul taagaynaa.
Dawladda
dadkeedu na fara ku tiriska yihiin ee Jibuuti waxa u badan dadka dega Soomaali.
Umadda Soomalida ah gaar kuwa Somaliland waxay u gurmadeen Jibuuti markay ku
jirtay halgankii xoriyadda. Dadwaynaha Jibuuti iyo dawladoodu umay abaal gudin
Somaliland markii sideetanaadkii shacabku kula jireen halganka dawladdi keligii
taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Xadka Jibuuti uma furnayn dadka ka
cararayay xasuuqii Faqashta. Waxa sidoo kale xusuusta reer Somaliland aan ka
go’ayn dadaalkii dawladda Jibuuti u gashay sidii ay u baabiin lahayd jabhadii
SNM. Waxay ahayd maalin ka mid ah kuwii ugu qadhaadhaa ee SNM soo mara markii
madaxwaynihii Jibuuti Xasan Guuleed uu heshiisiiyay labadii madaxwayne ee
Somaliya iyo Ethiopia si loo cidhib tiro jabhadii SNM.
Inkasta oo Jibuuti hagardaamo wayn u geysatay
shacabka Somaliland dharaarahaas oo reer Somaliland si wayn ugu baahnaayeen in
Jibuuti u hiiliso ama nabad geliso, hadana shacabka Somaliland wax aargoosi ah
uma gaysan jamhuuriyadda aan xooga badan lahayn ee Jibuuti. Nasiib darro,
Jibuuti weligeed ma joojin cadaawadda qaawan ee ay ku hayso shacabka la dersika
ah ee Somaliland. Dawladii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal way ka warhaysay
dibindaabyada Jibuuti. Xidhiidh labada dal ka dhexeeyayna ma jirin. Xadka u
dhexeeya Somaliland iyo Jibuutina waxa joogay ciidan aad u badan oo Somaliland
leedahay. Waayo Jibuuti waxay ahayd cadow wayn oo Somaliland leedahay. Waxa marag ah in aaskii
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wefti Jibuuuti u soo dirtay si ay uga qaybgalaan,
dawladda Somaliland diyaaradii siday weftigaas hawada ayay ka celisay.
Markii xukuumadda cusub ee Axmed Siilaanyo timid
xukunka Somaliland, dawladda Jibuuti roog cas bay u dhigtay Axmed Siilaanyo.
Waxay dad badan ula muuqatay in xidhiidhka labada dal is bedelayo. Balse dadka
sida dhow ula socday arimaha waxay hubeen in aan Jibuuti ka toobad keeni doonin
kana waantoobi doonin ficiladeeda guracan. Tan danbe ayaa rumooday.
In kasta oo dawladihii isaga soo danbeeyey
Somaliland ay iska caabiyi jireen Jibuuti, waxa dhab ah in Jibuuti ay ka gacan
sarayso dawladda hada xilka haysa oo jilbaha dhulka u dhigatay cadowga
Somaliland.
Waxa intaas dheer in Ismaaciil Cumar Geele, madaxwaynaha
Jibuuti, uu ka samaystay Somaliland taageerayaal. Lacagta faraha badan ee
Jibuuti ku laaluushto dad badan oo reer Somaliland ah waxay aamusiisay cidii ka
hor iman lahayd cadowtinimada Jibuuti. Waxayna si cad saamayn ugu leedahay
Jibuuti siyaasiyiin reer Somaliland ah oo muxaafid iyo mucaaradba leh.
Jibuuti waxay mar walba olole uga gashaa
fagaarayaasha diblomaasiyadeed sidii aanay Somaliland u helin ictiraaf,
xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo bulshada caalamkuna u xumaado.
Nasiibdarro, hadii aad kala garan waydo cadowgaaaga iyo saaxiibkaaga waa
masiibo wayn.
Waxan kula talin
lahaa shacabka Somaliland in aanay noqon kuwo iloowshiimo dhow oo aan
caadifadda iyo indho sarcaadka kuwo Jibuuti ka dhex hadasho aanay ka qarin
xaqiiqda dhabta ah. Waana in siyaasiyiinta iska fogeyn waaya cadowga Somaliland
shacabku mariyaan abaalka ay xaqa u leeyihiin.