Cududadda wayn
iyo horumarka aduunyo ee ay haystaan wadamada magac ahaan la isugu urursho reer
galbeed (western countries), waxaay keentay in dad badan oo ku noo dunida kale
ay si dadban ama toos ah u dabo galaan ama uga dhigtaan minqiyaaska nolosho oo
dhan dadka reer galbeedka ah. Marin habowga caynkaas ahi wuxuu si gaar ah ula
degay horumarkii ay gaadhi lahaayeen dawladaha Afrikaanka ah. Aragtida caan
baxday ee loo yaqaan casiriyeenta (modernity) waxay tilmaantaa in si dal u
horumaro ay tahay inuu taako taako ugu daydo reer galbeedka. Ku dayashadaasi
maaha oo keliya midka dhaqaale ama cilmi ee sidoo kale waa qaadashada dhaqanka
reer galbeedka; sida cuntada, dhar xidhashada, heesaha la dhegaysto iwm.
Doodaha diidan
aragtidan oo iyaga laftoodu kala jaad ah dartood ujeedaydu maaha inaan
qoraalkan gaaban ku gorfeeyo aragtiyahaas cilmiyeed ee salka balaadhan. Ku dayashada reer
galbeedku maaha dhamaanteed mid qofku si toos ah uga war hayo inta badan. Dad baa
si dadban uga daba dhacay reer galbeedka hadana aan is ogayn. Ceebi kuma jirto
waana wax lagu talin karo in horumarka dhaqaale iyo aqooneed laga faa’iidaysto
sida reer galbeedkuba uga fa’iidaysto aqoonta umadaha kale.
Ceebtu waxay
tahay in qofku ku indho beelo reer galbeedka oo qaaysta noloshiisu noqoto reer
galbeed. Waxa la yidhi nin indho la’ ayaa hal maalin wax arkay. Maalintaas waxa
uu arkay wuxuu ahaa bakayle. Wax kasta oo la sifeeyo wuxuu waydiiiyaa inta uu
ka leeg yahay bakayle.
Xuquuqal insaanka
oo ah mawduuca aan u dan leeyahay ma wax reer galbeedka u gaar ah baa? Jawaabta
su’aashani waxaynu si dhow u fahmi karnaa hadii aynu eegno caksigeeda oo ah
maqnaanshaha xuquuqal insaanka. Hadaad is waydiiso in qofka banii adamka ahi
aanu lahayn wax xaq ah ma wax wanaagsan baa? Qofka laga hadlayaa waa adiga;
akhristaha qoraalkan. Qof ma tahay oo xaq ma leedahay aanu lahayn dhagaxa,
gaadhiga, daayeerka, waraabaha, idaha iyo geela. Haa. Waan leeyahay waayo qof
ayaan ahay, ayay tahay jawaabta laga filan karo qofka caadiga ah.
Inkasta oo
cadaymo aad u badan loo hayo in ilaalinta xuquuqal insaaku aanu ahayn wax ay
iska leeyihiin reer galbeedku, hadana dad baa u qaatay in ereyada xuquuqal
insaan ay ba yihiin sheeko reer galbeed. Dadkaasi waxa laga yabaa inay
necbaansho u qabaan reer galbeedka. Balse waxaanay dhaadin inay yihiin dad ku
dayanaya reer galbeedka oo taako taako u daba socda. Waayo? Maxay ku keeneen
inay qiyaasta lagu eego xuquuqal insaanka ka dhigtaan reer galbeedka?
Waa jecel
yihiin reer galbeedku inay ka dhaadhiciyaan dadka kale in ilaalinta xuquuqal
insaanku tahay waxay iyagu hindiseen oo ay tahay in laga barto. Xaqiiqdu se
sidaas way ka duwan tahay. Waxa beeninaya taas adoonsigii dadka madow,
gumaysigii iyo sida loola dhaqmo dadka lagu hayo Guantanamo Bay.
Diinta
Islaamu waxay u soo degtay inay dadku ilaaliyaan xuquuqdooda. Waxay reebtay wax
kasta oo waxyeelo u gaysta qofka sharaftiisa iyo hantidiisa. Xuquuqda aadanuhuna
waxay ka dhalataa labadaas. Ilaahay Quraankiisa wuxuu ku sheegay inuu dadka
karaameeyey. Dheeraad ayuu banii aadamka siiyay aanay haysan noolaha intiisa
kale.
Wuxuu dadkiisa
faray caddaalad iyo inaanay isku xadgudbin. Markii Nebi Maxamed waxyigu ku soo
degay dunida Carbeed waxay ahayd meel sida loo kala xoog wayn yahay loo kala
xaq badan yahay. Nebigu (SCW) wuxuu ku baaqay sinaansho iyo inaan xoog lagu
kala sarayn. Wuxuu dadka ugu yeedhay inay is nabad geliyaan oo aanay ku tuman
kuwa taagta yar yar.
Aragtida dheer
ee Diinta Islaamku bartay umadda waxa ka faa’iidaystay dadyow aan ba Muslim
ahayn. Waxaa se lagu kari la’ yahay kuwii Muslimiinta ahaa.
Diinta
Islaamku waxay u taagan tahay xuquuqal insaanka. Hadii aad aaminsan tahay in ay
iska soo horjeedaan xuquuqal insaanka iyo diintu, xaqiiqdu waxay tahay inaad
qalad fahamtay Islaamka. Ha u qaadan Islaamku inuu yahay mid dadka amra isku
xoog sheegashada iyo is laynta. Xaasha. Diintu waxay dadka fartaa is nabad
gelinta, daryeelka kuwa baahan, gacan qabashada kuwa taagta daran, sinaanta iyo
caddaaladda. Xuquuqal insaankuna waa intaas.
Guleid Ahmed Jama