Mudo dheer horteed odaygii caan baxay ee reer
Hindiya Mahatma Gandhi ayaa ku daray siyaasadda aan mabda’ lahayn todoba
inkaarood oo uu ku tilmaamay inay yihiin dilaa.
Somaliland, oo markii hore ku bilawday hab
dawladeedkeeda waagii ay dib ula soo noqotay xorriyadda 1991, qaab qabiil ah oo
aan la kala qarsan, waxaay ku taamtay inay mar uun ka baxdo siyaasad qabiil ku
dhisan. Rabitaanku wuxuu ahaa inaan dadka loo kala qaybin beelo, cidda kursiga
ku fadhidaana aanay noqon cid ay soo diratay beel. Taas bedelkeeda rajadu
waxaay ahayd in dadka wixii isku aragti ah ee wadaaga mabda’ guud inay dhinac
wada maraan. Dabadeed iyaga oo isku duuban ay cod ka raadsadaan dadwaynaha
iyaga oo ku qancinaya in aragtidoodu ay ka wacan tahay kuwa kale oo ay u roon
tahay shicibka.
Haseyeeshee, taasi ma rumoobin. Doorashooyinkii waxa
lagu galay hanaan qabiili ah iyada oo aan la kala qarsan. Xisbiyadii la is
lahaa meel dhaanta beelnimada ayay noqonayaan waxaay iskugu soo biyo shubteen
garoon ay ku ciyaaraan beeluhu. Balse mar hadii xisbiyadii siyaasadeed lagu soo
koobay sadex, waxa qasab noqotay in xisbi walba ay ku midoobaan wax ka badan
hal reer.
Xubnihii xisbiyada ee ay ahayd inay noqdaan kuwo wax
wadaaga waxaay noqdeen laba. 1. Xubno beesha ama beelaha xisbigaas leh ka
tirsan oo u xusul duuban in qofka ay isku reerka yihiin uu kursiga ku
fadhiisto. 2. Qaar dano shaqsi ka dhex raadinaya oo mustaqbalkooda siyaasadseed
ama dhaqaale galay inay taageeraan xisbigaas inkasta oo laga yaabo inaanay la
reer ahayn.
Taageerayaashiina sidaas si la mid ayay u kala
qaybsameen.
Mar hadii aanay jirin dadwayne si guud cod looga
raadinayaa ee arinku reernimo ku biyo shubtay, xisbiyo isku sheegii iskuma
hawlin inay la yimaadaan barnaamijyo.
Inkasta oo anay sidaas u wada sahlanayn arinku oo ay
jiraan dad ku jira xisbiyada oo leh aragti ka durugsan midka aynu halkan ku
tilmaanay, hadana guud ahaan xisbiyadii Somaliland waxaay noqdeen xarumo
qabiileedyo.
Cid walba oo caqli lihi waa og tahay inaan nidaamka
caynkaas ahi aanu meel roon u wadi karin una wadin Somaliland. In la qaado
talaabooyin lagu miyirsanayo oo dib inta loo fadhiisto la isku waydiinayo halka
ay ka murkacatay weli looma hollan.
Waxaan se qabaa in ugu horayn ay muhiim tahay in qof
waliba aqoonsado qaladka socda oo uu dib uga joogsado. U codaynta,orodka iyo
xiiqa aad ugu jirto xisbi reereed aad ogtahay hadhow inaanu wax tarayn, musuq
iyo hantida dadka oo la boobo, eex iyo qaraabo kiil uu la iman doono, waxaay
iila muuqataa inay tahay qalad wayn oo aad dalka iyo naftaada ka gelayso.
Dad badan baa naftooda ku qanciya "dee dadku ba way ku jiraane ma keligay baa gaar u bixi kara. Dadkoo dhan baa qabiil ku codeeya kuna ololeeya ee maxaa iga reebay?" Taariikhdu doodaas way beeninaysaa. Hadhow na waan hubaa in badani way isku canaan doonta.
Nidaamka siyaasadeed ee dalku ma saxna, xisbiyadeenu
way ka fog yihiin kuwo wanaag soo wada.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin