Doorashadii Xamar ka dhacday 2012,
Baarlamaanka Somalia wuxuu u doortay madaxwayne nin aan hore loo aqoon. Guusha
Xasan Shiikh Maxamuud waxaay ku soo kordhisay fagaarayaasha siyaasadda lagaga
sheekeeyo (fadhi ku dirir baa lagu naanaysaa badankoodee) ereyga Damul Jadiid. Dad
badan oo aan aqoon u lahayn waxa looga jeedo ayaa isticmaala. Waxa tan soo
kiciyay iyada oo hadana ay doorasho ka socoto Xamar. Xasan Shiikh Maxamuud oo
ay dad badani ku tiriyaan inuu yahay Damul Jadiid ayaa mar kale sharaxan. Ma
hubo anigu inuu ka tirsan yahay.
Waxaan jeclaystay inaan si kooban uga
jawaabo su’aasha ah: waayo Damul Jadiid? Taariikh dheer iyo falaqayn qoto dheer
uma jeedo, balse si kooban aan u iftiimiyo si dadku u wada fahmaan.
Urur diimeedyada caanka ka ah dunida
Islaamka waxa ka mid ah urur waynaha Ikhwaanul Muslimiin (Muslim Brotherhood).
Ikhwaanku dunida Muslimka ah qaybo badan oo ka mid ah wuxuu ku leeyahay laamo
kala duwan oo leh magacyo kala duwan. Inkasta oo ururkii u horeeyey ee Soomaali
leedahay oo Ikhwaan noqda uu ahaa Waxda al shabaab al Islaamiya, hadana ururka
sida rasmiga ah u metala Ikhwaanka Somalia waxa la yidhaahdaa Islaax oo la abuuray
1978.
Sanado ka hor ayaa khilaaf soo dhex
galay xubnihii Islaax. Rag ka da’ yar odayadii Islaax sameeyey ayaa caariday
hogaankii ururka oo ay u arkeen inuu gaabiyay. Waxaay la baxeen dhiigga cusub
(Damul Jadiid) oo ay uga jeedaan dhiigga cusub ee Islaax. Rasmi ahaan waxaay
isu yaqaaniin inay weli yihiin garabka saxda ah ee Islaax. Halkii qaar kalena
ay u arkaan niman ka baxay oo ka baydhay Islaax.
Sidaasdarteed, Damul Jadiid waa urur
diimeed ku abtirsada oo la dhacsan aragtida Ikhwaanul Muslimiinka.
Sidan aan kor ku sheegay uma jeedo inaan
hoos ugu dhaadhaco taariikhda Ikhwaanka oo xaqiidii ka adag kana qoto dheer
koobniinkan oo aan uga gol leeyahay inaan faham guud ka bixiyo Damul Jadiidka
lagu dawakhay dharaarahan danbe.
Waxaan rajaynayaa inaad hada dabadeed
aqoonsan doontid in waxa loo yaqaan Damul Jadiid uu yahay urur diimeed Ikhwaan
ah ee aanu wax kale ahayn.
Guleid Ahmed
Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin