Sawirka waxa leh IOM
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan
socdaalka ayaa sheegtay in dadka Afrikaanka ah ee ku taga tahriibka Liibiya loo
iibiyo adoomo ahaan, qaar lagu qasbo shaqo, kuwo kalena loo gaysto tacadi xagga
galmada ah.
Qofa waxa adoon ahaan loogu iibiyaa ilaa
shan boqol oo doolar, sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (International
Organization for Migration).
Hay’adu waxaay sheegtay inuu Liibya ka
jiro suuq dadka lagu kala iibsado. Dadkaas oo ay ku shaqaystaan dadka iibsada;
waxbay u dhisaan, beerahana way ku qotaan.
Adoonsigan casriga ah ee ka jira Liibiya
wuu sii xoogaysanayaa. Dadka ku dhinta inta la hayo ama lagu shaqaysanayo ayaa
lagu aasaa xabaalo aan la calaamadin iyada oo qoysaskoodu aanay ogayn meel ay
jaan iyo cidhib dhigeen.
Warbixinta naxdinta leh ee ay soo
saartay hay’adu ayaa ah mid dhiilo wayn xanbaarsan oo ay tahay in dadka
Soomaalida ah lagu baraarujiyo khatarta wayn ee ka jirta dalka Liibiya.
Warbixinta oo dhamaystiran ka eeg bogga Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka:
https://www.iom.int/news/iom-learns-slave-market-conditions-endangering-migrants-north-africa
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.