Sawirka: Muuse Biixi Cabdi
Kadib markii 21ka bishan ay Gudida Qaran
ee Doorashadu ugu dhawaaqday murashixii xisbiga talada haya inuu ku guulaystay
xilka, waxa la filayaa waa goorta uu Muuse Biixi Cabdi la wareegi doono xilka
madaxwaynenimo. Dastuurku wuu cadeeyey goorta ay tahay inuu xilka la wareego
marka madaxwayne cusub la doorto. Balse waxa dhowaan nin aanu saaxiib nahaay i
xasuusiyay qaladkii dhacay 2010 markii madaxwaynaha hada xilka hayaa uu xilka
kala wareegay madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.
Hadaba, waa xilima waqtiga ay tahay in
madaxwaynaha-doorani uu xilka kala wareego madaxwaynaha mudadu ka dhamaatay?
Sida ku cad qodobka 83 (3) ee dastuurka
JSL madaxwaynaha cusub iyo ku xigeenkiisu waa inay xilka la wareegaan mudo bil
ah gudeheed laga bilaabo maalintii doorashadu dhacday. Mudo xilkeedka
madaxwaynaha hada xilka hayaa waxaay ku eeg tahay 13 ka December 2017.
Sidaasdarteed,
xil wareejintu waa inay dhacdaa 13 December ama ka hor. Kama se danbayn karto.
Hadii ay ka danbayso 13ka December waxa
dhacaya madhnaansho xileed (vacuum) wiixi ka danbeeya 12 habeenimo ee 13
December ee ah waqtiga ay bilaabmayso 14 December sababta oo ah mudo xileedka Axmed Silaanyo waxay ku eegtahay 13
December. Wixii ka danbeeyana madaxwayne maaha, madaxwaynihii cusbaana xilkii
lama wareegin. Dastuur ahaana lama samayn karo madhnaansho oo xili aan dalku
madaxwayne lahayn inay jirto lama ogolaan karo. Waa sababta bil looga dhigay
mudada u dhaxaysa xiliga doorashadu dhacayso iyo inta la wareejinayo xilka.
Sidaasdarteed, waa in laga feejignaado
qalad wayn oo dastuuri ah. Xil wareejintu markaas waa inay dhacdaa 13 ka
December ama ka hor. Sababta aan u idhi ka hor waxaay tahay in dastuurku yidhi “bil
gudeheed.” Taas oo macneheedu yahay in maalin kasta oo bishaas ka mid ah xilka
la wareejin karo. Waxa se ugu qurux badan 13 ka December maadama oo ay tahay
maalinta u danbaysa mudo xileedka madaxwaynaha tegaya. Waa qalad wayn inay ka
danbayso maalintaas.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Guleid
waa qareen ka hawl gala Somaliland.
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.