Waxan halkan ku turjumay shanta
talo ee u waawayn ee ay soo jeedisay Transparency International oo soo saartay
warbixin sanadeedkii ay ku qiimaysay heerarka musuqmaasuqu ka joogo dunida.
waxaan qabaa hadii talooyinkan la raaco in wax wayn laga qaban karo.
Khibradda wayn ee aanu u leenahay annaga
oo ka shaqaynay in ka badan boqol dal oo dunida oo dhan ayaa waxay muujinaysaa
in dadka dhaq-dhaqaaqa (activists) iyo warbaahintu ay u yihiin muhiim la
dagaalanka musuqmaasuqa. Sidaas darteed, Transparency International waxaay ugu
yeedhaysaa bulshada dunida inay qaadaan talaabooyinkan soo socda si ay u
xakameeyaan musuqmaasuqa:
1. Dawwladaha iyo ganacsatadu waa inay
sameeyaan wax badan si ay u dhiirigeliyaan xorriyadda hadalka, warbaahinta
madaxa-banaan, dadka siyaasada kaaga soo horjeeda (political dissent) iyo
bulsho rayid ah oo furan (open) oo hawlaha ka qayb qaadata.
2. Dawladuhu waa inay yareeyaan nidaaminta ay ku sameeyaan warbaahinta, oo ay ka mid tahay warbaahintii hore iyo ta cusub ba, waana inay xaqiijiyaan in suxufiyiintu ay shaqadooda qabsadaan iyaga oo aan ka cabsanayn talaabo cabudhineed oo laga qaado ama gacan ka hadal loo gaysto. Intaas waxa dheer in deeq bixiyayaasha caalamiga ahi ay xisaabta ku darsadaan in xorriyadda saxaafaddu ay la xidhiido caawimada horumarineed ama gaadhista ururada caalamiga ah;
2. Dawladuhu waa inay yareeyaan nidaaminta ay ku sameeyaan warbaahinta, oo ay ka mid tahay warbaahintii hore iyo ta cusub ba, waana inay xaqiijiyaan in suxufiyiintu ay shaqadooda qabsadaan iyaga oo aan ka cabsanayn talaabo cabudhineed oo laga qaado ama gacan ka hadal loo gaysto. Intaas waxa dheer in deeq bixiyayaasha caalamiga ahi ay xisaabta ku darsadaan in xorriyadda saxaafaddu ay la xidhiido caawimada horumarineed ama gaadhista ururada caalamiga ah;
3. Bulshada rayidka ah iyo dawladuhu waa
inay kobciyaan shuruucda sida gaarka ah ugu qaabilsan helidda xogta (access to
information). Helitaankani wuxuu gacan ka gaysanayaa in kor loo qaado
daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka iyada oo sidoo kale hoos u dhigaysa fursadaha
lagu samayn karo musuqmaasuqa. Haseyeeshee waxa muhiim ah in dawladuhu aanay
keliya samayn shuruuc caynkaas ah, balse inay sidoo kale ay fuliyaan.
4. Dadka hawlaha u dhaq-dhaqaaqa (activists)
iyo dawladuhu waa inay ka faa’iidaystaan fursadda uu keenay Yoolalka Horumarka
Waara ee ay Qaramada Midoobay dhigtay si loogu doodo loona riixo dib-u-habaynno
laga sameeyo heerarka qaran iyo kuwa aduunka ba. Gaar ahaan dawladuhu waa inay
xaqiijiyaan helidda xogta iyo ilaalinta xorriyadaha aasaasiga ah ayna
waafajiyaan arimahaas heshiisyada caalamiga ah iyo dhaqamada ugu wanaagsan
(best practices).
5. Dawladaha iyo ganacstadu waa inay marka
hore sii shaaciyaan xogta la xidhiidha danta shacabka iyaga oo ku baahinaya xog
bixiye furan oo la wada daalacan karo. Shaacinta xogta waxa ka mid ah in miisaaniyadaha
dawladda, cidda leh shirkadaha, qandaraasyada dawladda, iyo maaliyadda
xisbiyada loo ogolaado inay heli karaan suxufiyiinta, bulshada rayidka ah iyo
bulshada ay saamaynayso si qaab waxtar leh loogu tilmaami karo hababka musuqmaasuqa
ah.