Monday, 25 November 2013

Doorka Wahaabiyiintu ku leeyihiin siyaasadda Geeska Afrika


1.      Hordhac

Ereyga Wahaabi laftiisa ayaa iiga baahan faah-faahin intaanan gelin dulucda qoraalkayga. Waayo, cidda aan doorkeeda ka hadlayo waa inaan sheegaa waxay tahay.

Dadka badankiisu waxay isticmaalaan xagjir, Islaamiyiin iyo asal raac. Anigu se waxan aalaa door bidaa Wahaabiyiin. Waa koox diimeedyo laga soo afuufo Sucuudi Careebiya oo inta badan dunida Islaamka khalkhal iyo fadqalalo kula dhex jira. Kooxahan oo iyaga laftoodu sii kala farcama waxa ku abtirsada al Qaacida, al Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah. Waxa sidoo kale jira, kuwo afkaar ahaan ka debecsan oo iyagu door bida in aan la isticmaalin xoog. Balse waxay ka midaysan yihiin ujeedada iyo yoolka ay u socdaan. Kooxda danbe waxay isugu jiraan kuwo ka daalay dagaalka oo hore ugu guuldaraystay sida hadhaagii al Itixaad iyo kuwo aan ka qayb qaadan dagaaladda.

Wahaabi waxay magaca ahaan ka timi Shiikh Sucuudi ah oo noolaa qarnigii 18aad, Maxamed Cabdiwahaab. Ma ahayn Shiikh kutub badan qoray oo aad loo xigto cilmigiisa. Wuxuu se soo jiitay kuwa xaraf raaca ah (literal interpretation) ee u turjuma Diinta Islaamka sida kakan. Kuwaas oo ka dhigtay Shiikhan manhaj. Inkasta oo aan Shiikhu kuba wacdiyin ficilada ay hada sameeyaan, hadana tafsiirkiisa adage ee aan waaqiciga ahayni wuxuu keenay inay kooxo badan oo takfiiri  ah abuurmaan. Cabdiwahaab wuxuu ahaan shiikh ku dhow qoyska Ala Sacuud ee aasaasay Sucuudi Careebiya. Sidaadarteed, waxa buunbuuniyay qoyska ka arimiya Sucuudiga.

2.      Wahaabiyiinta iyo Geeska Afrika

Kooxaas Wahaabiyiinta ahi waxay soo galeen dhulka Soomaalida badhtamihii qarnigii tegay (qarnigii 20aad). Waxay se ku xoogaysteen intii ay burburtay dawladii Maxamed Siyaad Barre. Wahaabiyiintu door wayn kumay lahayn dagaaladii ay kula jireen dadku keligii taliskii Siyaad Barre inkasta oo iyaga iyo Siyaad col ahaayeen. 1988 kii markuu dagaalka qadhaad ee dadka shacakba ah kula jireen Siyaad Barre ka socday Somaliland, ururkii Al Itixaad oo ahaa kooxda midaysa in badan oo ah Wahaabiyiintu waxay ku fadwoodeen inaan xubnohoodu ka qaybgelin dagaalkaas. Sababaha taas keenayay waa badnaayeen, waxase qaby ahaan ahayd in inta u badan ee xubnaha maamulayey Al Itixaad ay isku beel ahaayeen madaxwaynihii dalka ka talinayay oo ay sidaasdarteed, u arkeen inaanay haboonay inay ka so horjeestaan.

Waxa taas marag madoon u ah in 1991 dii markii ciidamadii Maxamed Faarax Caydiid ay iskaga horyimaadeen ciidamamo beeleedyo degaanada Jubooyinka, Al Itixaad waxay la safatay beelihii ka soo horjeeday Caydiid.

Kobaca iyo xoogaysiga Wahaabiyada waxa badhi taageeray taag darro xoog wayn oo ku timi Suufiyadii oo ay afduubeen dad aan aqoon lahayn oo qabriyada ku wareega. Kuwaas oo dhaqan kooda aanu sinaba u ahayn kii suubanaa ee Suufiyadii soo badbaadisay Soomalida.

3.      Altixaad

Al Itixaad waxa la aasaasasay 1983 dii kadib markii laba koox diimeed oo lakala odhan jiray Waxda (oo ka jirtay goboladii woqooyi ee hada ah Somaliland) iyo Al ahli/Jamaacal Islaamiya (oo ka jirtay goboladii koonfureed ee hada ah Somaliya) ay midoobeen, lana baxeen magaca cusub ee Al Itixaad al Islaam.

Xubnaha Itixaadku waxay qaateen dhabada Wahaabiyada (Salifiyada). Wahaabiyiintu si hoose ayey u abuuraayeen mana lahayn wax door ah oo muuqda ka hor buburkii Siyaad Barre dawladiisii.

Markii laga saaray dalka Siyaad Barre ayay bilaabeen dagaalo hubaysan. Ugu danbayntiina way ku jabeen. Dagaaladaas oo ka dhacay Woqooyi Bari Soomaliya (Puntland), Jubooyinka, Gedo iyo gobolka Soomalidu degto ee Ethiopia.

4.      Wejiga Cusub ee Wahaabiyiinta jabkii Itixaad kadib

Markii ay jabeen Itixaaadku waxa u bilaabmay waa cusub, wayna kala jabeen. Kala tagoodu ma ahayn mid ka dhashay guuldarada, balse maadama oo waxa mideeya mar walba ahaa siyaasad, qaabka loo maamulayo xarakooyinkooda iyo cidda maamulay ayaay isku hayeen. Bisayl la’aan iy sal fudady dartii, may ahayn urur si wanaagsan oo habaysan u shaqeeya. Sidaasdarteed, Al Itixaad waxay go’aamiyeen inay dagaalka faraha ka qaadaan dadkana dhexgaalaan oo ay sugaan fursad kale.

 Al Itixaad waxay u kala jabtay sadex urur oo hor leh. Kow, Al Ictisaam oo itna badan xubnihi Itaxaad ay galeen iyada oo sida muuqata ay doonayeen inay bedelaan magacii hore ee ceebaha badan iyo dagaalada shacabku ku le’deen lugta ku lahaa. Al Ictisaam waxba kagama duwan feker ahaan Al Itixaad, wuxuu se qaatay magac cusub si dad mar kale loogu dago. 

Laba, Salafiya Jihaadiya oo markii hore ka tirsanaa Al Ictisaam, balse markii danbe ka go’ay. Kooxdani waxay u badan tahay dhalinyaro arday u ahaa Ictisaam oo aan aqoon badan u lahayn Diinta, balse ah kuwo tababaran oo xagga ciidanka ku xoogan. Waa dhalinyaro aan la dhicin fekerka Ictisaam ee ah in si hoose oo dad isku eekaysiin ah lagu raadiyo xukunka. Waxayna Salafiya Jihaadiya door bideen dagaalkii macalimiintooda Ictisaam bareen.

Sadex, Salafi Jadiid waa kuwo feker ahaan ka horyimi in dagaal lagu gaadho ujeedada Wahaabiyiiinta. Waxayna ka soo horjeesteen fekerka Al Ictisaam iyo Salafa Jihaadiya oo ah in dagaalka iy Jihaad waxa lagu raadiyo.

Doorkii Wahaabiyadu wuxuu xoogaystay marki Maxaakiimta Islaamiga ahi qabsadeen Xamar iyo in badan oo ka mid ah Somaliya. Maxaakiimtu waxay noqdeen dalad cusub oo kulmisa qaybaha kala duwan ee Wahaabiyada iyo Ikhwaanka (In kasta oo Al Islaax ugu yeedhay xubnohooda inaanay ka mid noqon Maxamadaha, hadana qaby badan ayaa gashay). Ma ahayn oo keliya cida ku jirtay Maxaakiimta ururadii ka farcamay Itixaad, balse waxa sidoo kale ku jiray Ala Shiikh iyo qaar kale.

Heshiiskii dhex maray Shiikh Shariif oo hogaamin jiray Maxaakiimta iyo dawaladii ku  meel gaadhka ahayd kadib Shiikh Shariif wuxuu ku guulaystay madaxtinimada Somaliya. Taasi waxay keentay in kuwo badan oo Wahaabiyiin ahi ay ka buuxsameen dawladii Shiikh Shariif.

Doorashadii lagu doortay Xasan Shiikh Maxamuud waxay iyana si firfircoon uga dhex muuqday Wahaabiyiinta.

Tan iyo markii ururkii Maxaakiimta Islaamig ah (Union of Islamic Courts) uu qabsaday Muqdisho, doorka ay ku leeyihiin Wahaabiyiintu Somaliya wuxuu mid xoogan oo si adkaanayay marba marka ka danbaysa.  

5.      Somaliland iyo Wahaabiyiinta

Dhinaca Somaliland, doorkoodu sidaas uma waynayn ka hor 2010kii. Waxay ku jireen xaalad ay is-qariyaan oo aanay si muuqata uga qayb qaadan siyaasadda dalka.

Balse mar walba waxay ku xidhnaayeen saaxiibadooda Somaliya. Hadii ay xagaas gacan sare ku leeyihiin guuxa Hargeysa wuu xoogaysanayey. Taas waxa marag u ah 2006 dii markii Maxaakiimtu ka doobinayeen Somaliya, dhigooda Hargeysi codkooda kor ayay u qaadeen.

Ta se u muhiimsani waxay ahayd in si furan oo aan qarsoodi ahayn ay markii u horeysay shirwayne ay ku qabsadeen Hargeysa laba urur diimeed oo caan ah. Kuwas oo kala ah Ictisaam iyo Islaax. Inkasta oo sharciga Somaliland mamnuucay urur diimeedyada, hadana dawladu waxba kama qaban, wasiirkii hore ee arimaha gudaha wuuba mahadiyay mar wax laga waydiiyay shirka Islaax.

Markii la furay ururada siyaasadda Somaliland waxa lagu dhawaaqay urur loo bixiyay Badbaado oo ay horboodayeen rag Wahaabiyiin ah. Ururkaasi, nasiibwanaag, kamuu gudbin isreeb reebkii hore. Wuxuu ku biiray Xisbiga Wadani oo ay ka ciyaaraan door wayn.

Wahaabiyiintu, marka laga yimaado siyaasadda, waxay awood buuxda ku leeyihiin ganacsiga iyo waxbarashda. Waxay gacanta ku hayaan caruurtii dalka oo ay ku shubaan afkaarahooda ad adaga. Dawladda Somaliland oo waajib ka saarnaa inay hubiso manhajka loo dhigo ubadka dalka ayaa ka gaabisay doorkaas. Sanadaha soo socda waxay soo saarayaan dugsiyadaasi kumanaan Wahaabiyiin ah. Sidaasdarteed, hadii markii hore Wahaabiyadu ahayd wax debedda laga soo waarido, beri dhow waxay noqonay aafo gudaha taal.

Arimahaasi waxay ku tusayaan sida ay u xoogaysteen kooxahaasi oo ay door wayn ugu yeelanayaan siyaasadda Somaliland halka ay xoog wayn ka yihiin Somaliya. 

Waxaad mooda in dhinaca Somaliland daacayadohoodu u shaqeeyeen. Waxay xukumaan masaajido badan. Taas oo u fudaydisay inay warkooda dhiibtaan. Haa waxay ka faa’iidaysanayaan xoriyaadka yaal Somaliland. Waxay isku qasaan Diinta iyo afkaarohooda. Shacabka Somaliland oo ixtiraama culimada ayay ugu dhuuntaan shaadhka culimadda.

6.      Gebo-gebo

Waa in la ogaadaa hadii Soomaalidu tiqiin wadaad aan waran qaadan oo kutub uun sita, goobaha lagu diriro iyo meesha lagu taliyona aan ka ag wareegin, maanta qori iyo banbo wadaad sita ayaa soo baxay, kursiga inuu gaadhona hamuun kulul u qaba oo diyaar u ah inuu sameeyo wax kasta oo ay ku kacay.

Waxaan habeen dhowaayd ka daawaday telefiishan af Soomaali ku hadla culimo ka cabanaysay manhaj cusub oo ay sheegeeen in Somaliya loo sameeyey kaas oo ay ku jirto afkaarihii Wahaabiyiinta. Madaxwaynaha Somaliya ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay urur diimeed la yidhaahdo “Damul-Jadiid”, inkasta oo aanu isagu si cad u qiran anna anan u hayn cadayn sheegashadaas kaabta. Damul-Jadiid waa farac ka go’ay Islaax oo isagu afkaar ahaan ka qabow Wahaabiyiinta. Balse waxa xaqiiq ah in si aan hore loo arag ay ugu kobceen Wahaabiyiinta iyo kuwa u beer jilicsani Somaliya, taasina ay shaki la’aan saamayn toos ah ku leedahay Somaliland iyo wadamada kale ee Geeska Afrika.

7.      Talo Soo jeedin

Waxan ku talin lahaa in dawladaha Geeska Afriki iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa afkaarahaas; in Somaliland xoojiso manhajkeeda wax-barasho ayna hubiso in wax ka duwan manhajkaas aan lagu dhigin dugsiyadeeda; in si buuxda loo wacyu-geliyo dadwayanaha iyo in la xoojiyo manhankii taag daraystay ee Suufiyada.