1.
Hordhac
Ereyga Wahaabi laftiisa ayaa iiga
baahan faah-faahin intaanan gelin dulucda qoraalkayga. Waayo, cidda aan
doorkeeda ka hadlayo waa inaan sheegaa waxay tahay.
Dadka badankiisu waxay isticmaalaan
xagjir, Islaamiyiin iyo asal raac. Anigu se waxan aalaa door bidaa Wahaabiyiin.
Waa koox diimeedyo laga soo afuufo Sucuudi Careebiya oo inta badan dunida
Islaamka khalkhal iyo fadqalalo kula dhex jira. Kooxahan oo iyaga laftoodu sii
kala farcama waxa ku abtirsada al Qaacida, al Shabaab iyo kooxaha kale ee
argagixisada ah. Waxa sidoo kale jira, kuwo afkaar ahaan ka debecsan oo iyagu
door bida in aan la isticmaalin xoog. Balse waxay ka midaysan yihiin ujeedada
iyo yoolka ay u socdaan. Kooxda danbe waxay isugu jiraan kuwo ka daalay
dagaalka oo hore ugu guuldaraystay sida hadhaagii al Itixaad iyo kuwo aan ka
qayb qaadan dagaaladda.
Wahaabi waxay magaca ahaan ka
timi Shiikh Sucuudi ah oo noolaa qarnigii 18aad, Maxamed Cabdiwahaab. Ma ahayn
Shiikh kutub badan qoray oo aad loo xigto cilmigiisa. Wuxuu se soo jiitay kuwa
xaraf raaca ah (literal interpretation) ee u turjuma Diinta Islaamka sida
kakan. Kuwaas oo ka dhigtay Shiikhan manhaj. Inkasta oo aan Shiikhu kuba
wacdiyin ficilada ay hada sameeyaan, hadana tafsiirkiisa adage ee aan waaqiciga
ahayni wuxuu keenay inay kooxo badan oo takfiiri ah abuurmaan. Cabdiwahaab wuxuu ahaan shiikh
ku dhow qoyska Ala Sacuud ee aasaasay Sucuudi Careebiya. Sidaadarteed, waxa
buunbuuniyay qoyska ka arimiya Sucuudiga.
2.
Wahaabiyiinta iyo Geeska Afrika
Kooxaas Wahaabiyiinta ahi waxay soo
galeen dhulka Soomaalida badhtamihii qarnigii tegay (qarnigii 20aad). Waxay se
ku xoogaysteen intii ay burburtay dawladii Maxamed Siyaad Barre. Wahaabiyiintu
door wayn kumay lahayn dagaaladii ay kula jireen dadku keligii taliskii Siyaad
Barre inkasta oo iyaga iyo Siyaad col ahaayeen. 1988 kii markuu dagaalka
qadhaad ee dadka shacakba ah kula jireen Siyaad Barre ka socday Somaliland,
ururkii Al Itixaad oo ahaa kooxda midaysa in badan oo ah Wahaabiyiintu waxay ku
fadwoodeen inaan xubnohoodu ka qaybgelin dagaalkaas. Sababaha taas keenayay waa
badnaayeen, waxase qaby ahaan ahayd in inta u badan ee xubnaha maamulayey Al
Itixaad ay isku beel ahaayeen madaxwaynihii dalka ka talinayay oo ay
sidaasdarteed, u arkeen inaanay haboonay inay ka so horjeestaan.
Waxa taas marag madoon u ah in 1991
dii markii ciidamadii Maxamed Faarax Caydiid ay iskaga horyimaadeen ciidamamo
beeleedyo degaanada Jubooyinka, Al Itixaad waxay la safatay beelihii ka soo
horjeeday Caydiid.
Kobaca iyo xoogaysiga Wahaabiyada
waxa badhi taageeray taag darro xoog wayn oo ku timi Suufiyadii oo ay afduubeen
dad aan aqoon lahayn oo qabriyada ku wareega. Kuwaas oo dhaqan kooda aanu
sinaba u ahayn kii suubanaa ee Suufiyadii soo badbaadisay Soomalida.
3.
Altixaad
Al Itixaad waxa la aasaasasay 1983
dii kadib markii laba koox diimeed oo lakala odhan jiray Waxda (oo ka jirtay
goboladii woqooyi ee hada ah Somaliland) iyo Al ahli/Jamaacal Islaamiya (oo ka
jirtay goboladii koonfureed ee hada ah Somaliya) ay midoobeen, lana baxeen
magaca cusub ee Al Itixaad al Islaam.
Xubnaha Itixaadku waxay qaateen
dhabada Wahaabiyada (Salifiyada). Wahaabiyiintu si hoose ayey u abuuraayeen
mana lahayn wax door ah oo muuqda ka hor buburkii Siyaad Barre dawladiisii.
Markii laga saaray dalka Siyaad Barre
ayay bilaabeen dagaalo hubaysan. Ugu danbayntiina way ku jabeen. Dagaaladaas oo
ka dhacay Woqooyi Bari Soomaliya (Puntland), Jubooyinka, Gedo iyo gobolka
Soomalidu degto ee Ethiopia.
4.
Wejiga Cusub ee Wahaabiyiinta jabkii Itixaad kadib
Markii ay jabeen Itixaaadku waxa u
bilaabmay waa cusub, wayna kala jabeen. Kala tagoodu ma ahayn mid ka dhashay
guuldarada, balse maadama oo waxa mideeya mar walba ahaa siyaasad, qaabka loo
maamulayo xarakooyinkooda iyo cidda maamulay ayaay isku hayeen. Bisayl la’aan
iy sal fudady dartii, may ahayn urur si wanaagsan oo habaysan u shaqeeya.
Sidaasdarteed, Al Itixaad waxay go’aamiyeen inay dagaalka faraha ka qaadaan
dadkana dhexgaalaan oo ay sugaan fursad kale.
Al Itixaad waxay u kala jabtay sadex urur oo
hor leh. Kow, Al Ictisaam oo itna badan xubnihi Itaxaad ay galeen iyada oo sida
muuqata ay doonayeen inay bedelaan magacii hore ee ceebaha badan iyo dagaalada
shacabku ku le’deen lugta ku lahaa. Al Ictisaam waxba kagama duwan feker ahaan
Al Itixaad, wuxuu se qaatay magac cusub si dad mar kale loogu dago.
Laba, Salafiya Jihaadiya oo markii
hore ka tirsanaa Al Ictisaam, balse markii danbe ka go’ay. Kooxdani waxay u
badan tahay dhalinyaro arday u ahaa Ictisaam oo aan aqoon badan u lahayn
Diinta, balse ah kuwo tababaran oo xagga ciidanka ku xoogan. Waa dhalinyaro aan
la dhicin fekerka Ictisaam ee ah in si hoose oo dad isku eekaysiin ah lagu
raadiyo xukunka. Waxayna Salafiya Jihaadiya door bideen dagaalkii
macalimiintooda Ictisaam bareen.
Sadex, Salafi Jadiid waa kuwo feker
ahaan ka horyimi in dagaal lagu gaadho ujeedada Wahaabiyiiinta. Waxayna ka soo
horjeesteen fekerka Al Ictisaam iyo Salafa Jihaadiya oo ah in dagaalka iy
Jihaad waxa lagu raadiyo.
Doorkii Wahaabiyadu wuxuu xoogaystay
marki Maxaakiimta Islaamiga ahi qabsadeen Xamar iyo in badan oo ka mid ah
Somaliya. Maxaakiimtu waxay noqdeen dalad cusub oo kulmisa qaybaha kala duwan
ee Wahaabiyada iyo Ikhwaanka (In kasta oo Al Islaax ugu yeedhay xubnohooda
inaanay ka mid noqon Maxamadaha, hadana qaby badan ayaa gashay). Ma ahayn oo
keliya cida ku jirtay Maxaakiimta ururadii ka farcamay Itixaad, balse waxa
sidoo kale ku jiray Ala Shiikh iyo qaar kale.
Heshiiskii dhex maray Shiikh Shariif
oo hogaamin jiray Maxaakiimta iyo dawaladii ku
meel gaadhka ahayd kadib Shiikh Shariif wuxuu ku guulaystay
madaxtinimada Somaliya. Taasi waxay keentay in kuwo badan oo Wahaabiyiin ahi ay
ka buuxsameen dawladii Shiikh Shariif.
Doorashadii lagu doortay Xasan
Shiikh Maxamuud waxay iyana si firfircoon uga dhex muuqday Wahaabiyiinta.
Tan iyo markii ururkii Maxaakiimta
Islaamig ah (Union of Islamic Courts) uu qabsaday Muqdisho, doorka ay ku
leeyihiin Wahaabiyiintu Somaliya wuxuu mid xoogan oo si adkaanayay marba marka
ka danbaysa.
5.
Somaliland iyo Wahaabiyiinta
Dhinaca Somaliland, doorkoodu sidaas
uma waynayn ka hor 2010kii. Waxay ku jireen xaalad ay is-qariyaan oo aanay si
muuqata uga qayb qaadan siyaasadda dalka.
Balse mar walba waxay ku xidhnaayeen
saaxiibadooda Somaliya. Hadii ay xagaas gacan sare ku leeyihiin guuxa Hargeysa
wuu xoogaysanayey. Taas waxa marag u ah 2006 dii markii Maxaakiimtu ka
doobinayeen Somaliya, dhigooda Hargeysi codkooda kor ayay u qaadeen.
Ta se u muhiimsani waxay ahayd in si
furan oo aan qarsoodi ahayn ay markii u horeysay shirwayne ay ku qabsadeen
Hargeysa laba urur diimeed oo caan ah. Kuwas oo kala ah Ictisaam iyo Islaax.
Inkasta oo sharciga Somaliland mamnuucay urur diimeedyada, hadana dawladu waxba
kama qaban, wasiirkii hore ee arimaha gudaha wuuba mahadiyay mar wax laga
waydiiyay shirka Islaax.
Markii la furay ururada siyaasadda
Somaliland waxa lagu dhawaaqay urur loo bixiyay Badbaado oo ay horboodayeen rag
Wahaabiyiin ah. Ururkaasi, nasiibwanaag, kamuu gudbin isreeb reebkii hore.
Wuxuu ku biiray Xisbiga Wadani oo ay ka ciyaaraan door wayn.
Wahaabiyiintu, marka laga yimaado
siyaasadda, waxay awood buuxda ku leeyihiin ganacsiga iyo waxbarashda. Waxay
gacanta ku hayaan caruurtii dalka oo ay ku shubaan afkaarahooda ad adaga.
Dawladda Somaliland oo waajib ka saarnaa inay hubiso manhajka loo dhigo ubadka
dalka ayaa ka gaabisay doorkaas. Sanadaha soo socda waxay soo saarayaan
dugsiyadaasi kumanaan Wahaabiyiin ah. Sidaasdarteed, hadii markii hore
Wahaabiyadu ahayd wax debedda laga soo waarido, beri dhow waxay noqonay aafo gudaha
taal.
Arimahaasi waxay ku tusayaan sida ay
u xoogaysteen kooxahaasi oo ay door wayn ugu yeelanayaan siyaasadda Somaliland
halka ay xoog wayn ka yihiin Somaliya.
Waxaad mooda in dhinaca Somaliland
daacayadohoodu u shaqeeyeen. Waxay xukumaan masaajido badan. Taas oo u
fudaydisay inay warkooda dhiibtaan. Haa waxay ka faa’iidaysanayaan xoriyaadka
yaal Somaliland. Waxay isku qasaan Diinta iyo afkaarohooda. Shacabka Somaliland
oo ixtiraama culimada ayay ugu dhuuntaan shaadhka culimadda.
6.
Gebo-gebo
Waa in la ogaadaa hadii Soomaalidu
tiqiin wadaad aan waran qaadan oo kutub uun sita, goobaha lagu diriro iyo
meesha lagu taliyona aan ka ag wareegin, maanta qori iyo banbo wadaad sita ayaa
soo baxay, kursiga inuu gaadhona hamuun kulul u qaba oo diyaar u ah inuu
sameeyo wax kasta oo ay ku kacay.
Waxaan habeen dhowaayd ka daawaday
telefiishan af Soomaali ku hadla culimo ka cabanaysay manhaj cusub oo ay
sheegeeen in Somaliya loo sameeyey kaas oo ay ku jirto afkaarihii
Wahaabiyiinta. Madaxwaynaha Somaliya ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay urur
diimeed la yidhaahdo “Damul-Jadiid”, inkasta oo aanu isagu si cad u qiran anna
anan u hayn cadayn sheegashadaas kaabta. Damul-Jadiid waa farac ka go’ay Islaax
oo isagu afkaar ahaan ka qabow Wahaabiyiinta. Balse waxa xaqiiq ah in si aan
hore loo arag ay ugu kobceen Wahaabiyiinta iyo kuwa u beer jilicsani Somaliya,
taasina ay shaki la’aan saamayn toos ah ku leedahay Somaliland iyo wadamada
kale ee Geeska Afrika.
7.
Talo Soo jeedin
Waxan ku talin lahaa in dawladaha
Geeska Afriki iska kaashadaan sidii loola dagaalami lahaa afkaarahaas; in
Somaliland xoojiso manhajkeeda wax-barasho ayna hubiso in wax ka duwan
manhajkaas aan lagu dhigin dugsiyadeeda; in si buuxda loo wacyu-geliyo
dadwayanaha iyo in la xoojiyo manhankii taag daraystay ee Suufiyada.
No comments:
Post a Comment