Friday 22 August 2014

Sadex astaamood oo ay wadaagaan Muqdisho iyo gobolka Sanaag

Laga yaabee inaad markaba is waydiiso sidee la isku barbar dhigi karaa gobol ka tirsan Somaliland oo ah dal nabad ah iyo caasimadda Somaliya oo dhawr iyo labaatan sanadood dagaal ka dhex taagnaa. Balse xaqiiqdu waxay tahay in gobolka Sanaag uu astaamo badan la wadaago Xamar.

Kow, waa marka hore e dawlad taag daran baa ka jirta Sanaag si la mid ah Xamar. Dawladnimadu si run ah uma gaadhsiisna Sanaag. Laba, saraakiisha ay dawladdu u diratay Sanaag oo ugu horeeyo badhasaabku waxay u afduuban yihiin qabaa’il. Sidaasdarteed, cidda sida dhabta ah uga talisa Sanaag waa beelo ee maaha dawladda. Waa ta sadexaad e, maadamaa oo anay ka jirin dawlad xoogan iyo nidaam sharciyeed oo shaqaynaya, waxuu hoy u noqday gobolku cadaalad darro. Garsoorka Sanaag, booliiska iyo maamulka gobolku intuba waxay ku suntan yihiin cadaalad darro iyo nidaam xumo.

Sadexdaas arimood ba waxa gobolka Sanaag uu kala siman yahay Muqdisho. Hadaba, su’aashu waxay tahay sadexdaas astaamood maxay tahay natiijada ka dhalataa? Jawaabta waxa si fudud looga eegi karaa nolosha ay ku sugan tahay Muqdisho: dagaalo sokeeye, dil iyo dawlad la’aan. Markaas hadii aan dawladda Somaliland wax ka qaban dhibaatada ka jirta Sanaag waxa aan shaki ku jirin in gobolka u wayn Somaliland ay soo wajihi doonto xaalad aan u roonayn gobolka iyo dalka intiisa kaleba.


Waxan maalmaha soo socda qalinka u qaatay in si taxane ah aan uga hadlo dhibaatooyinka ka jira gobolkaas iyo ashqaasta sida gaarka ah ugu guntay abuuridda nidaam xumo iyo hab siyaasadeed beelaysan. Taas oo ay ku ladhan tahay si xun u isticmaal awoodda dawladda. Ujeedada maqaaladani maaha in lagu waxyeeleeyo ashqaastaas balse waa in lagu hoga tusaaleeyo iyaga dawladda dhexena la tuso xaaladda dhabta ah ee ka jirta halkaas. Waxan sidoo kal filayaa in akhristayaashu ila wadaagi doonaan wixii xog ah ee ay hayaan. 

No comments:

Post a Comment