Tuesday, 21 October 2014

Kacaankii 21kii October Dabadii Soomaalidii Meeday?

21kii October 1969 habeenkii la sii gelbiyay labaatankii October lana ibo furay 21kii October waa mid Soomaali meel ay joogtoba ay ka wada dheregsan tahay, midba si gaar ah ha ugu suntanaadee. October oo dharaartaas horteed dadka Soomalida dhexdeeda bil caadiya ka ahayd waxay noqotay maalinta malaha ugu caansan dharaaraha soo mara Soomali.
Ciidamadii Soomalida ee u darbanaa inay difaacaan qarankoodii Soomaaliyeed oo taasna ku mutaystay muxibiyo kalgacal waxay aroortaas afka dhulka u dareen dawladii rayidka ahayd ee dadka Soomaaliyeed soo doorteen, balse caanka ku noqotay musuqmaasuq, doorasho lagu shubto iyo eex. Sidaasdarteed, ciidankii aroortaas riday waxay Soomalidu ku soo dhowaysay sacab iyo heeso amaan ah. Yaab malaha oo hab maamuleedkii rayidka ahaa ayaa khaatiyaan la iska taagay wixii bedelaana dheeman uun baa loo arkayay iyo gurmad xagga Eebe ka yimi.
Heesihiii iyo amaantii sida ikhyaarka ah ku bilaaban tay waxay waagii danbe isku rogeen in qasab iyo xoog lagaga dhigo in dadku amaaanan waxa markii danbe loogu yeedhay kacaanka iyo hogaamiyihiisii amaaanta jeclaa ee Maxamed Siyaad Barre. Odayga oo dadka badankiisu ka hor afgenibigaas aan la aqoon waxa uu noqday caan. Dadka qaar waxay u yaqaaniin hogaamiye wadani ah oo majaraha u qabtay qaranka isaga oo fulinaya siyaasadihii kacaanka barakaysan. Hogaamiyahaas oo jabhado beelaysani iyaga oo raadinaya dano qabileed ay rideen. Dadka qaarna waxay u yaqaaniin hogaamiye habaar qaba ah oo umada Soomaaliyeed oo mid ah intuu xoog ku qabsaday xasuuq iyo layn ba’an u geystay. Labadan doodood waxay ku salaysan yihiin dabcan halkaad kaga noolayd Jamhuuriyadii Soomaalida ee odaygu mar ku amar ku taaglayn jiray.
Waxa se taas kaba sii daran, in burburkii dawladii Maxamed ay dadka qaarna u horseeday nabad iyo barwaaqo qaarna dab iyo holac dabintiisa loo maaro iyo aayo waayay. Markaa ha la yaabin qofka dhicidda Siyaad ay kow ugu ahayd dagaal iyo colaad. Hana dhibsanin ka xornimo iyo nabadi kow u ahayd maalintii Ina Barre dalka laga saaray. Odaygu waa magacya badnaa markaa ha ila yaabin hadaan dhawr magac oo kala jaad ah soo qaatay. Hooyaday waxay u taqaan Af-wayne.
21tan sano dabadeed markii uu dalka haystay waa laga caydhiyay dalkii uu haystay. Mooji waxa isaga tirada kow iyo labaatan daba dhigay e, kow iyo labaatanku farxad iyo murugay u ahayd isaga. Hada waa inaga hooseeyaa oo tuur tuurkiisu ku tiigaali mayno. Geeridiisa dabadeed dadka qaar markay magaciisa maqlaan Eebe ha u naxariisto bay yidhaahdaan qaarna Eebe cadaabta ha ku fogeeyo. Mid mahadiya iyo mid nacladaba waxay tani tusaale u tahay in Odaygu u yahay astaan kala fogaanshaha Soomaalida. Waa taariikh ninba meel ka akhriyaa oo aan isqaadanayn. Sidee markaas la isugu keeni karaa ninka Siyaad halyeey u yahay iyo ka uu dhiig yacab u yahay. Ninkii kii Af-wayne riday dagaal ooge u yahay iyo ka uu mujaahid hanuun san u yahay. Waa hal xidhaale ay tahay in Soomaalida qaarkeed oo aanay u dhaadhacsanayn inay garwaaqsato.
45 sano dabadeed 21kii October 1969 iyo 24 sano dabadeed 1991kii, waa sanadkii kacaanku dhashay iyo kii uu dhintay e, Soomaalidii uu u talin jiray Siyaad waxay maanta kala joogaan laba xaaladood oo kala tagan. Waa kuwo colaad iyo dhiig dhex dabaalanaya oo u taag la sidii ay mar uun uga bixi lahaayeen nolosha ay ku jiraan Siyaadna dib ha u soo noqdo haduu doono e. Iyo kuwo badhaadhe dhex jiifoo noloshu u roon tahay.

Waa aduun iyo xaalkiiyoo la yaab ma laha e aan is cadeyee (waa gebegobo qoraalkani) hadaad is waydiinaysay labada midkaan ku jiro akhriste, anigu Siyaad dabadii waa dheg dheer dhimatoo dhulkii nabad. Adse hadaad dhinaca kale tahay duco iga qabo in Eebe ka saaro belada iyo sharka, adna ha ka masuugin inaad aqoonsatid in labada kala duwan yihiin oo waayuhu aanu ku noqon doonin halkuu joogay 21kii October 1969. 

Monday, 6 October 2014

Falaqayn buugga, Xadka Riddada: Maxaa Ka Run Ah?

Buugga xadka ridda: maxaa ka run ah? Waxa qoray Siciid A. Ismaaciil. Buugani wuxuu ka dhaliyay bulshada Soomaalida ah dhexdeeda buuq iyo qaylo dheer sababta oo ah qaar ka mid ah wadaada loogu ixtiraamka badan yahay Soomalida dhexdeeda ayaa si adag u canbaareeyey ilaa xad ay gaadheen inay ku tilmaameen mid diinta ka soo horjeeda, qoraaguna inuu ku gefay diinta Islaamka.
Waxan fursad u helay inaan akhriyo buugan kadib markii nin aan saaxiib nahay ila soo wadaagay. Balse taas ka hor waxan dhegaystay culimo maagaysa qoraaga buuga. Markaan dhameeyey akhriska buuga waxan goostay inaan falayqan kooban ka qoro nuxurka buugaasi sido.
Sida ka muuqata cinwaanka buugga, qoraagu wuxuu awoodda saaray inuu ka jawaabo waydiinta ah inuu diinta waafaqsan yahay xadka lagu xukumo qofka ka baxa diinta Islaamka. Hadii aan soo koobana wuxuu ku doodayaa inaanu jirin xukun ay tahay in ifka la saaro qofka diinta ka baxa balse Eebe aakhiro ku xisaabinayo. Doodiisa wuxuu ku salaynayaa aayado Quraan ah iyo culimo Muslimiin ah oo la aragti ah qoraaga.
Taas ka sokow qoraagu wuxuu si qoto dheer u iftiimanayaa dood ay yar tahay in lagu arko dadka Soomalida ah dhex dooda. Caadiyan Soomalida waxa u caado ah in waxa wadaadku yidhaahdo sidiisa loo qaato gar iyo gar darroba. La isma waydiiyo in wadaadku waxa uu gudbinayaa tahay diintii Islaamka iyo inay tahay sida uu u fahmay diinta Islaamka. Sidaasdarteed, buugu wuxuu si xirfadaysan u carinayaa qofka Soomaaliga ah si uu u baraarugo oo uu awood ugu yeesho inuu kala saaro aragtida wadaadka iyo diinta.
Qoraagu wuxuu adeegsaday tixraac badan oo aayado quraan ah, axaadiis iyo kutub isugu jira. Waxa aan shaki ku jirin in qof kasta oo ka aragti duwan ama u arka waxa uu qoray inuu diinta ka soo horjeedo inuu qalin iyo buug qaato oo uu ku beeniyo buug leeg ama la mug ah ka uu qoray Siciid, islamarkaaana leh tixraaca ku xardhan buugan. Intii aan akhriyayey buug Soomaali qoray waa buuga ugu tixraaca badan ee aan arkay. Sidaasdarteed, qudbad la jeediyaa ma burin karto afkaarta iyo dooda buuggan ku jirta.
Inkasta oo aanan ku doodayn inaan raacsanahay ama durayo nuxurka qoraaga, hadana waxa ii cadaatay markaan akhriyay buuga in waxa ku qorani aanay ahayn wax cusub ama wax uu jeebkiisa kala soo baxay, balse inay tahay dood hore uga dhex taagnayd bulshada Islaamka. Markaas in isaga la dulsaaro eed gaar ahi waxay u dhigan tahay in ujeedadu tahay in loo diido dadka Soomalida ah inay akhriyaan buugaas waayo waxa run ah in qofka akhriyaa uu garawsanayo in waxa laga sheegayo buugga iyo waxa ku qorani aanay is-lahayn.
Taas waxa dheer in buugu uu iftiiminayo in mar walba dadka siyaasadda ku jira ama kuwa danaha gaarka ah lihi inay u adeegsadaan diinta ujeedadooda si ay ugu beer laxawsadaan bulshada Islaamka ah. Waxa taas cadayn u ah in al Shabaab iyo ururada la aragtida ahi ay u adeegsadaan diinta siyaasadohooda qalafsan. Markaas in aanay macquul ahayn inaad qof walba oo ku andacooda inuu diin kuu sheegayo inaad warkiisa raacdid.
Waxan hubaa in dad badan oo Soomaali ahi ay ka boodeen buugan iyo qoraaga ba, waxan se idinku boorin lahaa inaad horta akhridaan intaaydaan xukumin. Caqli maaha inaad qofka xukuntid adiga oo aan ogayn dembiga uu galay. Sidoo kale, waa in loo dulqaata aragtiyaha kala duwan iyo in dadku doodi karaan.
Buugani wuxu ibo furay dood qiime gaar ah u leh bulshada Soomalida ah oo aan inteeda badani aqoon u lahayn afka Carabiga. Taasina ay ku keentay inay qaataan wax walba oo wadaadka u fasirayaa u sheego.
Maaha abaalka qoraaga buugan in lagu xukumo inuu yahay diin laawe, balse waxay ahayd in laga hadal siiyo oo doodiisa la dhegaysto cidii diidanina durto. Qofka xaqa hayaa maaha inuu ka baqo cidda la doodaysa. Sidaasdarteed, waxa u furan wadaadada inay la doodaan qoraagan oo anay ka cabsoon oo ay buriyaan wuxuu ku dooday iyaga oo aan hafrayn, waa hadii ay hayaan waxay ku diidan yihiin oo asal leh.

Ugu danbayntii aniga ha igu xukumin inaan ku raacsanahay ama diidanahay qoraaga. Balse waxad ii qaadataa inaan ahay qof aaminsan in doodu furan tahay oo aan dadka lagu adoonsan afkaar gaar ah balse loo ogolaado inay diintoda bartaan oo ay ogaadaan afkaaraha kala duwan ee jira. Ugu danbayntii, anigu wax aqoon ah uma lihi qoraaga shaqsiyan, ismana naqaan.