Tuesday, 21 October 2014

Kacaankii 21kii October Dabadii Soomaalidii Meeday?

21kii October 1969 habeenkii la sii gelbiyay labaatankii October lana ibo furay 21kii October waa mid Soomaali meel ay joogtoba ay ka wada dheregsan tahay, midba si gaar ah ha ugu suntanaadee. October oo dharaartaas horteed dadka Soomalida dhexdeeda bil caadiya ka ahayd waxay noqotay maalinta malaha ugu caansan dharaaraha soo mara Soomali.
Ciidamadii Soomalida ee u darbanaa inay difaacaan qarankoodii Soomaaliyeed oo taasna ku mutaystay muxibiyo kalgacal waxay aroortaas afka dhulka u dareen dawladii rayidka ahayd ee dadka Soomaaliyeed soo doorteen, balse caanka ku noqotay musuqmaasuq, doorasho lagu shubto iyo eex. Sidaasdarteed, ciidankii aroortaas riday waxay Soomalidu ku soo dhowaysay sacab iyo heeso amaan ah. Yaab malaha oo hab maamuleedkii rayidka ahaa ayaa khaatiyaan la iska taagay wixii bedelaana dheeman uun baa loo arkayay iyo gurmad xagga Eebe ka yimi.
Heesihiii iyo amaantii sida ikhyaarka ah ku bilaaban tay waxay waagii danbe isku rogeen in qasab iyo xoog lagaga dhigo in dadku amaaanan waxa markii danbe loogu yeedhay kacaanka iyo hogaamiyihiisii amaaanta jeclaa ee Maxamed Siyaad Barre. Odayga oo dadka badankiisu ka hor afgenibigaas aan la aqoon waxa uu noqday caan. Dadka qaar waxay u yaqaaniin hogaamiye wadani ah oo majaraha u qabtay qaranka isaga oo fulinaya siyaasadihii kacaanka barakaysan. Hogaamiyahaas oo jabhado beelaysani iyaga oo raadinaya dano qabileed ay rideen. Dadka qaarna waxay u yaqaaniin hogaamiye habaar qaba ah oo umada Soomaaliyeed oo mid ah intuu xoog ku qabsaday xasuuq iyo layn ba’an u geystay. Labadan doodood waxay ku salaysan yihiin dabcan halkaad kaga noolayd Jamhuuriyadii Soomaalida ee odaygu mar ku amar ku taaglayn jiray.
Waxa se taas kaba sii daran, in burburkii dawladii Maxamed ay dadka qaarna u horseeday nabad iyo barwaaqo qaarna dab iyo holac dabintiisa loo maaro iyo aayo waayay. Markaa ha la yaabin qofka dhicidda Siyaad ay kow ugu ahayd dagaal iyo colaad. Hana dhibsanin ka xornimo iyo nabadi kow u ahayd maalintii Ina Barre dalka laga saaray. Odaygu waa magacya badnaa markaa ha ila yaabin hadaan dhawr magac oo kala jaad ah soo qaatay. Hooyaday waxay u taqaan Af-wayne.
21tan sano dabadeed markii uu dalka haystay waa laga caydhiyay dalkii uu haystay. Mooji waxa isaga tirada kow iyo labaatan daba dhigay e, kow iyo labaatanku farxad iyo murugay u ahayd isaga. Hada waa inaga hooseeyaa oo tuur tuurkiisu ku tiigaali mayno. Geeridiisa dabadeed dadka qaar markay magaciisa maqlaan Eebe ha u naxariisto bay yidhaahdaan qaarna Eebe cadaabta ha ku fogeeyo. Mid mahadiya iyo mid nacladaba waxay tani tusaale u tahay in Odaygu u yahay astaan kala fogaanshaha Soomaalida. Waa taariikh ninba meel ka akhriyaa oo aan isqaadanayn. Sidee markaas la isugu keeni karaa ninka Siyaad halyeey u yahay iyo ka uu dhiig yacab u yahay. Ninkii kii Af-wayne riday dagaal ooge u yahay iyo ka uu mujaahid hanuun san u yahay. Waa hal xidhaale ay tahay in Soomaalida qaarkeed oo aanay u dhaadhacsanayn inay garwaaqsato.
45 sano dabadeed 21kii October 1969 iyo 24 sano dabadeed 1991kii, waa sanadkii kacaanku dhashay iyo kii uu dhintay e, Soomaalidii uu u talin jiray Siyaad waxay maanta kala joogaan laba xaaladood oo kala tagan. Waa kuwo colaad iyo dhiig dhex dabaalanaya oo u taag la sidii ay mar uun uga bixi lahaayeen nolosha ay ku jiraan Siyaadna dib ha u soo noqdo haduu doono e. Iyo kuwo badhaadhe dhex jiifoo noloshu u roon tahay.

Waa aduun iyo xaalkiiyoo la yaab ma laha e aan is cadeyee (waa gebegobo qoraalkani) hadaad is waydiinaysay labada midkaan ku jiro akhriste, anigu Siyaad dabadii waa dheg dheer dhimatoo dhulkii nabad. Adse hadaad dhinaca kale tahay duco iga qabo in Eebe ka saaro belada iyo sharka, adna ha ka masuugin inaad aqoonsatid in labada kala duwan yihiin oo waayuhu aanu ku noqon doonin halkuu joogay 21kii October 1969. 

No comments:

Post a Comment