Wednesday, 15 April 2015

THE DEADLOCK OF SOMALILAND AND SOMALIA TALKS

Centre for Policy Analysis, a nonprofit think thank based in Hargeisa, issued briefing paper on the negotiations between Somaliland and Somalia. Below is a link of the full report.

http://www.somalilandsun.com/images/PDF/CPA_Breifing_paper_no_1.pdf

Saturday, 11 April 2015

Dhaqanku suugaanta keliya maaha

Ereyga dhaqan isticmaalkiisa iyo faah faahint aalaa laga bixiyaa waa mid majaro habaabin ah. dadka ereygan mar walba ka hadlaa waxay u qaateen si gaaban oo aan u taagnayn micnaha dhabta ah ee uu leeyahay. Taas malaha waxa keenay inaaynaan isku hawlin in dhawrka erey ee Ingiriisiga ah ee aynu u wada naqaan “dhaqan” in ereyo kala duwan loo bixiyo. Ilama aha in loo waayay, balse burburka ku dhacay dadka Soomaalida ah ayaa wax badan ina il duufiyay. Tusaale ahaan ereyada, custom, tradition, behaviour, habit, waxa marka laga dhigayo af Soomaali dadku u qaateen inay dhamaantood la micno yihiin dhaqan. Taasina waa arin aan sax noqon karin.Ma ahi qof bartay afka (linguistic) ama si gaar ah u dersay af Soomaaliga (sida dad badan oo aan barinaba isugu hawleen), balse waxa ii muuqata inaan intaas loo wada qaadan karin hal erey.

Ujeedada qoraalkaygu se halkaas maba daarna. Qoraalkan gudihiisa waxan ereyga “dhaqan” uga jeedaa inuu la micno yahay ereyga Ingiriisiga ah ee “culture”.

Waxad mar walba arkaysaa dad ka hadlaya dhaqanka oo uga hadlaya in dhaqanku yahay oo keliya suugaanta. Sidaasdarteed, waxay dadka ku wacdiyaan in la barto suugaanta oo la ilaaliyo. Waxay mararka qaar ku lamaaneeyaan afka. Waxan u arkaa in arinkaasi qalad wayn yahay wax yeelo wayna gaysanayo. Sababta aan sidaas ugu doodayaa maaha inaan leeyahay suugaanta yaan la baran, haseyeeshee waxa cad in hadii dhaqanka lagu soo koobo suugaanta qudha inay lumayso micnaha dhabta ah ee dhaqanka iyo hodontinimada dhaqanka Soomaalida.

Culimada sida gaarka ah u barta culuumta la xidhiidha dhaqanka, waxay u qeexaan dhaqan (culture) siyaabo kala duwan.  Dhaqanku waa arin aad u balaadhan oo ay ka mid yihiin aqoonta, waxyaabaha dadku aaminsan yihiin, fanka, edebta, xeerka, hab nololeedka iyo wax kasta oo qofku ka barto bulshada uu ka tirsan yahay (Sir Edward B. Tylor). Kroeber, Kluckhohn   iyo T. Schwartz iyo qaar kale oo badanina si yaabo kala duwan oo ka siman in dhaqanku yahay arin balaadhan oo aan fududayn ayay u qeexeen.  

Waa cilmi iyo caadadii oo inaad hesho hal qeexid keliya ma dhici karto. Balse mid kasta oo aad si gaar ah u eegtid qeexidahaas waxad ka fahmaysaa in suugaantu ay ka mid tahay uun arimaha badan ee dhaqanku koobsado.  

  Maxaa ka xun hadii suugaanta uun lagu koobo dhaqanka?

Waa su’aasha markaba maskaxdaada ku soo dhacaysa. Hadii suugaanta lagu koobo dhaqanka waxa meesha ka baxaya arimihii kale ee muhiimka ah ee ay ahayd in bulshadu ilaashato, is barto siina kobciso. Waana ta hada ina haysata. Dagaalka ku socda dhaqanka Soomaalidu badankiisu kume jiheysana suugaanta. Wuxuu ku jiheeysan yahay taariikhda, hab nololeedka, hab maamuleedka, aqoonta iyo sida loo soo saaaro iyo waxa aqoon loo yaqaan, iwm. Tan danbe waxa laga yaabaa inaan dad badani dareensanayn balse waa ta u daran. Waxa dadka Soomaalida ah iyo guud ahaan dadka Afrikaanka ah la aaminsiiyay in waxa aay yaqaaniin aqoon ahayn ee ay reer Galbeedka taas u daba fadhiistaan.

Si kasta oo aad u eegtidba, waxa guntu noqonaysaa dadka ku hawlan arimaha suugaanta ama dhaqanka dib ha ugu noqdaan oo ha hubiyaan in isku dayga inay wax taraan inaanu dhalin waxyeelo kale.

Guuleed Axmed Jaamac
Hargeysa Somaliland