Ereyga dhaqan isticmaalkiisa iyo faah
faahint aalaa laga bixiyaa waa mid majaro habaabin ah. dadka ereygan mar walba
ka hadlaa waxay u qaateen si gaaban oo aan u taagnayn micnaha dhabta ah ee uu leeyahay.
Taas malaha waxa keenay inaaynaan isku hawlin in dhawrka erey ee Ingiriisiga ah
ee aynu u wada naqaan “dhaqan” in ereyo kala duwan loo bixiyo. Ilama aha in loo
waayay, balse burburka ku dhacay dadka Soomaalida ah ayaa wax badan ina il
duufiyay. Tusaale ahaan ereyada, custom,
tradition, behaviour, habit, waxa marka laga dhigayo af Soomaali dadku u
qaateen inay dhamaantood la micno yihiin dhaqan. Taasina waa arin aan sax noqon
karin.Ma ahi qof bartay afka (linguistic) ama si gaar ah u dersay af Soomaaliga
(sida dad badan oo aan barinaba isugu hawleen), balse waxa ii muuqata inaan
intaas loo wada qaadan karin hal erey.
Ujeedada qoraalkaygu se halkaas maba
daarna. Qoraalkan gudihiisa waxan ereyga “dhaqan” uga jeedaa inuu la micno
yahay ereyga Ingiriisiga ah ee “culture”.
Waxad mar walba arkaysaa dad ka hadlaya
dhaqanka oo uga hadlaya in dhaqanku yahay oo keliya suugaanta. Sidaasdarteed,
waxay dadka ku wacdiyaan in la barto suugaanta oo la ilaaliyo. Waxay mararka
qaar ku lamaaneeyaan afka. Waxan u arkaa in arinkaasi qalad wayn yahay wax
yeelo wayna gaysanayo. Sababta aan sidaas ugu doodayaa maaha inaan leeyahay
suugaanta yaan la baran, haseyeeshee waxa cad in hadii dhaqanka lagu soo koobo
suugaanta qudha inay lumayso micnaha dhabta ah ee dhaqanka iyo hodontinimada
dhaqanka Soomaalida.
Culimada sida gaarka ah u barta culuumta
la xidhiidha dhaqanka, waxay u qeexaan dhaqan (culture) siyaabo kala duwan. Dhaqanku waa arin aad u balaadhan oo ay ka mid
yihiin aqoonta, waxyaabaha dadku aaminsan yihiin, fanka, edebta, xeerka, hab
nololeedka iyo wax kasta oo qofku ka barto bulshada uu ka tirsan yahay (Sir
Edward B. Tylor). Kroeber, Kluckhohn
iyo T. Schwartz iyo qaar kale oo badanina si yaabo kala duwan oo ka
siman in dhaqanku yahay arin balaadhan oo aan fududayn ayay u qeexeen.
Waa cilmi iyo caadadii oo inaad hesho
hal qeexid keliya ma dhici karto. Balse mid kasta oo aad si gaar ah u eegtid
qeexidahaas waxad ka fahmaysaa in suugaantu ay ka mid tahay uun arimaha badan
ee dhaqanku koobsado.
Maxaa ka xun hadii suugaanta uun lagu koobo
dhaqanka?
Waa su’aasha markaba maskaxdaada ku soo
dhacaysa. Hadii suugaanta lagu koobo dhaqanka waxa meesha ka baxaya arimihii
kale ee muhiimka ah ee ay ahayd in bulshadu ilaashato, is barto siina kobciso.
Waana ta hada ina haysata. Dagaalka ku socda dhaqanka Soomaalidu badankiisu
kume jiheysana suugaanta. Wuxuu ku jiheeysan yahay taariikhda, hab nololeedka,
hab maamuleedka, aqoonta iyo sida loo soo saaaro iyo waxa aqoon loo yaqaan,
iwm. Tan danbe waxa laga yaabaa inaan dad badani dareensanayn balse waa ta u
daran. Waxa dadka Soomaalida ah iyo guud ahaan dadka Afrikaanka ah la
aaminsiiyay in waxa aay yaqaaniin aqoon ahayn ee ay reer Galbeedka taas u daba
fadhiistaan.
Si kasta oo aad u eegtidba, waxa guntu
noqonaysaa dadka ku hawlan arimaha suugaanta ama dhaqanka dib ha ugu noqdaan oo
ha hubiyaan in isku dayga inay wax taraan inaanu dhalin waxyeelo kale.
Guuleed
Axmed Jaamac
Hargeysa Somaliland
No comments:
Post a Comment