Tafatirihii hore ee Laanta Afka
Soomaaliga ee BBC-da, mudan Yuusuf Garaad Cumar, ayaa qoraal uu uga dhigan
cinwaan Somaliland jawaab ayaa ku waajibtay,
kaga hadlay go’aan ay dawladda Somaliland ku diiday dad u dhashay
Soomaaliya oo ka soo cararay dhibta ka jirta Yemen. Qof ahaan markaan arkay dad
tabaalaysan oo ka dul qaylinaya markab dushii way iga naxisay. Waxaan ka mid
ahaa dadka kumanaanka ah ee reer Somaliland ee ka horyimi falka dawladdooda
kana codsaday inay ka noqoto. Qoraalka se Yuusuf wuu iga cadhaysiiyey.
Wuxuu si cad isaga indho tiray oo u xaqiray
dadaalka ay dadka reer Somaliland u galeen sidii dawladdu uga noqon lahayd go’aankaas.
Dawladuna iyada oo ka duulaysa cadaadiska shacabka inay aqbashay.
Waxa uu marag cad u yahay sida aan
siyaasiyiinta Soomaaliyi ugu nixin shacabkooda. Hadda ka hor bay ahayd markii
si isdaba jooga ah oo daan daansi ah wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliyi ay
uga hadleen arinka dadka qaxoontiga ah iyaga oo u hadlaya inay maamulaan
Berbera. Yuusufna si la mid ah ayuu u hadlay. Waxa se haboonaan lahayd in ay ka
xishoodaan inay siyaasad ku dheehaan dadkooda dhibaatadu ugu haysato dunida oo
dhan sababta oo ah siyaasad xumadda iyo nidaamka guracan ee ay wadaan.
Waxan xusuusin lahaa Yuusuf Garaad in
Berberi aanay ka mid ahayn Soomaliya. Waxad maanka gashataa in sababta aan u
ogolaanay ee ugu dagaalanay in dadkaas loo ogolaado inay yimadaan Berbera
inaanay ahayn Soomaalinimo ee ay tahay aadantinimo. Waxad ogsoonataa inaan
annaga (Somaliland) ahaan Soomaali kale noo sheegi karin Soomaalinimada iyo in
la isugu naxariisto waayo weligeed Soomaali arxan nooma gelin. Hadii ay kula
tahay bar madow oo aan la ilaabi karin dhacdada socotay wax ka yara 48
saacadood, waxan ku xasuusin lahaa in Soomaali u heshiisay oo ay burburisay
Somaliland. Bar madowna aanay u arag Soomaalidii kale.
Hadii ay kuu qudh qudhsami wayday oo aan
indhahaagu arag, mudane Yuusuf Garaad, is-garabtaaga iyo halganka aanu u galnay
dadka aad iska dhigayso inaad u hadlayso, waxad xusuusataa inaanay jirin sabab
Somaliland raaligelin u bixiso. Inkasta oo aad iska dhigtay inaad u doodayso,
hadana waxan shaki ku jirin inaad colaad ku hurinaysid. Soomaalinimada Xamar
ogtahay waxa haboon inay iyadu isku nabad geliso marka hore. Soomaalinimadu
annaga waxba noomay goyn, agtayadana waxba kama goyso. Waxa keliya ee shaqeeyaa
waa aadantinimada. Waana taas midda loogu naxariistay shacabka dhiban. Adiga iyo
siyaasiyiinta kale ee Xamar waxan idin kula talin lahaa inaad ka daysaan
shacabkiina dhibta. Ugu yaraan kuwa ku tabaalaysan Yemen ee aydaan waxba u
qaban karin hadaladda dadka u gargaaraya ku dirya inaad iska daysaan.
Ma jiro xeer ka dhexeeya Soomaalida kale
iyo Somaliland oo ay isugu naxariisato. Annaga oo ah dal madax banaan oo xaq u
leh in qof kasta oo soo gelayaa uu qaato dal-ku-gal (fiise), hadana dadka
Soomaalida waanu ka daynay. Waxayna ku joogaan Somaliland iyaga oo kumanaan ah.
Haa, Somaliland lama aqoonsana. Balse, ogow cidina kuma dirqiyi karto inay
samayso wax aanay rabin.
Taariikhdu Yuusufow ma qormayso ee way
qorantay. Somaliland na jawaabi kuma waajibine, Soomaaliya ayay ku waajibtay
ina ka jawaabto xasuuqii ay gaysatay sideedanaadkii (1980s).
Ugu danbayn, waxaan carrabka ku adkaynayaa in
aniga iyo inta badan dadka reer Somaliland ay aad uga cadhoodeen falka ay
samaysay dawladda Somaliland. Sinabana aanan ku taageri karin. Si taas la mid
ah, waxaanan qaadan karin faro gelinta iyo hadalada xanafta leh ee
siyaasiyiinta Xamar.