Saturday, 30 May 2015

Yuusuf Garaadow Somaliland horay u jawaabtay

Tafatirihii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, mudan Yuusuf Garaad Cumar, ayaa qoraal uu uga dhigan cinwaan Somaliland jawaab ayaa ku waajibtay, kaga hadlay go’aan ay dawladda Somaliland ku diiday dad u dhashay Soomaaliya oo ka soo cararay dhibta ka jirta Yemen. Qof ahaan markaan arkay dad tabaalaysan oo ka dul qaylinaya markab dushii way iga naxisay. Waxaan ka mid ahaa dadka kumanaanka ah ee reer Somaliland ee ka horyimi falka dawladdooda kana codsaday inay ka noqoto. Qoraalka se Yuusuf wuu iga cadhaysiiyey.
Wuxuu si cad isaga indho tiray oo u xaqiray dadaalka ay dadka reer Somaliland u galeen sidii dawladdu uga noqon lahayd go’aankaas. Dawladuna iyada oo ka duulaysa cadaadiska shacabka inay aqbashay.
Waxa uu marag cad u yahay sida aan siyaasiyiinta Soomaaliyi ugu nixin shacabkooda. Hadda ka hor bay ahayd markii si isdaba jooga ah oo daan daansi ah wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliyi ay uga hadleen arinka dadka qaxoontiga ah iyaga oo u hadlaya inay maamulaan Berbera. Yuusufna si la mid ah ayuu u hadlay. Waxa se haboonaan lahayd in ay ka xishoodaan inay siyaasad ku dheehaan dadkooda dhibaatadu ugu haysato dunida oo dhan sababta oo ah siyaasad xumadda iyo nidaamka guracan ee ay wadaan.
Waxan xusuusin lahaa Yuusuf Garaad in Berberi aanay ka mid ahayn Soomaliya. Waxad maanka gashataa in sababta aan u ogolaanay ee ugu dagaalanay in dadkaas loo ogolaado inay yimadaan Berbera inaanay ahayn Soomaalinimo ee ay tahay aadantinimo. Waxad ogsoonataa inaan annaga (Somaliland) ahaan Soomaali kale noo sheegi karin Soomaalinimada iyo in la isugu naxariisto waayo weligeed Soomaali arxan nooma gelin. Hadii ay kula tahay bar madow oo aan la ilaabi karin dhacdada socotay wax ka yara 48 saacadood, waxan ku xasuusin lahaa in Soomaali u heshiisay oo ay burburisay Somaliland. Bar madowna aanay u arag Soomaalidii kale.
Hadii ay kuu qudh qudhsami wayday oo aan indhahaagu arag, mudane Yuusuf Garaad, is-garabtaaga iyo halganka aanu u galnay dadka aad iska dhigayso inaad u hadlayso, waxad xusuusataa inaanay jirin sabab Somaliland raaligelin u bixiso. Inkasta oo aad iska dhigtay inaad u doodayso, hadana waxan shaki ku jirin inaad colaad ku hurinaysid. Soomaalinimada Xamar ogtahay waxa haboon inay iyadu isku nabad geliso marka hore. Soomaalinimadu annaga waxba noomay goyn, agtayadana waxba kama goyso. Waxa keliya ee shaqeeyaa waa aadantinimada. Waana taas midda loogu naxariistay shacabka dhiban. Adiga iyo siyaasiyiinta kale ee Xamar waxan idin kula talin lahaa inaad ka daysaan shacabkiina dhibta. Ugu yaraan kuwa ku tabaalaysan Yemen ee aydaan waxba u qaban karin hadaladda dadka u gargaaraya ku dirya inaad iska daysaan.
Ma jiro xeer ka dhexeeya Soomaalida kale iyo Somaliland oo ay isugu naxariisato. Annaga oo ah dal madax banaan oo xaq u leh in qof kasta oo soo gelayaa uu qaato dal-ku-gal (fiise), hadana dadka Soomaalida waanu ka daynay. Waxayna ku joogaan Somaliland iyaga oo kumanaan ah. Haa, Somaliland lama aqoonsana. Balse, ogow cidina kuma dirqiyi karto inay samayso wax aanay rabin.
Taariikhdu Yuusufow ma qormayso ee way qorantay. Somaliland na jawaabi kuma waajibine, Soomaaliya ayay ku waajibtay ina ka jawaabto xasuuqii ay gaysatay sideedanaadkii (1980s).
 Ugu danbayn, waxaan carrabka ku adkaynayaa in aniga iyo inta badan dadka reer Somaliland ay aad uga cadhoodeen falka ay samaysay dawladda Somaliland. Sinabana aanan ku taageri karin. Si taas la mid ah, waxaanan qaadan karin faro gelinta iyo hadalada xanafta leh ee siyaasiyiinta Xamar. 

1 comment:

  1. S/c Gulaid waxaan kula qabaa in dad badan oo Somaliland ka soo jeedaa aad uga damqadeen dhacdadii ka dhacday Berbera. Waxaanse is leeyahay oo kaaga feker duwan ahay jawaabtan aad siisay Yusuf Garaad dhawr qodob oo ay ugu horayso in wax ka badan bini-aadatimo ay inaga dhexeyso dadka Soomaaliyeed. Waxaan is leeyahay marka laga yimaado bini-aadiminada, dadka Soomaaliyeed waxa inaga dhexeeya Islaamnimo, Soomaalinimo iyo xigtanimo intaba. Waxaan is leeyahay Soomaalidu waa inaga xigaan cid kasta oo aduunka guud saaran, xataa haddii aan siyaasadda iyo maamulka ku kala tagno. Waxaan kale oo qabaa dhibkii loo geystay Somaliland dadkeeda 1980skii waxa geystay maamulkii wakhtiga talinayey oo dad badan oo Somaliland u dhashay qayb ka ahaayeen. Marna shacabka Somaliyeed gaar ahaan kuwa muqdisho degani wax dhib ah oo ay u geysteen shacbiga Somaliland meel taariikhdu ku sheegtay ma garanayo. Waxay taariikhdu werisay in jabhaddii USC ee Caydiid iyo Jabhaddii SNM ay wada shaqaynayeen, ilaa USC ay muqdisho ka saartay Siyaad Barre umay suurta gelin SNM inay xoreeyaan goboladdii waqooyiga. Waxan is leeyahay in wixii maamulku Siyaad geysanayey oo Muqdishoba ka dagaalantay in loo aaneeyo shacab Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii Muqdisho waa arrin aan cadaalad ahayn, waana taariikh aan sax ahayn. Waan kugu raacsan ahay in aan la siyaasadayn dad masaakiin ah oo xabad ka soo cararay, isla markaana aan arrintooda aan si xun looga faa'iidaysan iyadoo cid gaar ah lagu xumaynayo.

    ReplyDelete