Inta aad aaminsan tahay inaad reer hebel
tahay, qabyaaladdu way jiraysaa. Qabyaaladdu waa sida xumadda oo u ah cudurka
calaamad (Symptom). Hadii aad isku daydo inaad xumadda dawayso oo aanad wajihin
cudurka keenay, waxa aan shaki ku jirin in cudurku aanu tegi doonin
islamarkaana si kasta oo aad isaga buuxiso xumad jebin, waa shaki la’aa in weli
cudurku ku haynayo. Kaba soo qaad in duumo (malaria) ku hayso oo aad rabto
inaad dawayso. Dhakhtarkii aad u tagtay wuxuu kugu dal dalay xumad jebin badan.
Ma kula tahay in duumadii sidaas ku tagtayso?
In kasta oo loo badan yahay in afkana
laga dhaliilo qabyaaladda ficil ahaana lagu dhaqmo, hadana waxa jira dad ay
dhab ka tahay in qabyaaladda lala dagaalamo. Waxaan qabaa in isku day kasta oo
isku mashquuliya la dagaalanka qabyaaladda uu guuldaraysanyo oo uu yahay hal
bacaad lagu lisay ilaa xididada loo siibo qabiilka.
Waxaad is waydiin kartaa sida ay suurta gal
u tahay in qabiilka oo Eebe Quraanka ku sheegay jiritaankiisa loo tirtiri karo.
Qabiilka Soomaalida ee aynu halkan uga jeednaa waa wax kasta oo ka badan
abtirsiinta afraad. Marka laga bilaabo magacaaga inta laga gaadhayo odayga
afraad. Wixii intaas ka badani waa sheeko dheer iyo tirinta odayo lagu sheego
inay ku dhaleen balse xaqiiqdii ay u badan tahay inay yihiin been iyo magacyo
la samaystay ama ku aroora awoow la bar tilmaamaystay si loo xoojiyo is
gaashaan buursi waayuhu keenay abuurkiisa. Aqoonsiga abkaas dheer waxay keentaa
inay isku xidho oo ka dhigto dad wax isku ah umad balaadhan oo laga yaabo inay
deegaan, dan iyo duruufba ku kala duwan yihiin.
Afartaas qof oo dabacan xaqijintoodu
sahlan tahay lagana yaabo inay nolol isku soo gaadheen, waxaa loo adeegsan
karaa in lagu dhawr nasabka laguna qaybsado dhaxalka iwm. Marka laga guuro abka
fog ee tobonaanka oday socda, waxaay dadku isugu soo hadhayaan qoysas
(families), waxana ka baxaysa dareenka qabyaaladeed ee la isugu hiilinayo.
Qabyaaladdu waa dareen, aragti iyo dano
ay keentay isticmaalka magaca qabiil. Marka qofku isku sifeeyo inuu yahay reer
hebel wuxuu iska soocay ama gaar yeelay bulshada inteeda kale ee aan ahayn reer
hebel. Halkaas ayay ka bilaabantaa qabyaaladdu.
Dadku way kala cunsurisan yihiin oo waxa
jira dad hab dhaqanooda ay si wayn uga soo if baxday qabyaaladdu, dad umadda
cunsurinimo iyo uur xumo kula dhaqma. Waa na kuwaas colka dadka u ololeeya la
dagaalanka qabyaaladdu kuwa ay ku wajahan yihiin. Waa dadka qabyaaladda u
isticmaala inay dadka aan reerkooda ahayn inay dhibaan, leexiyaan ama ku
lunsada hanta, sameeya eex iyo qaraabo kiil.
Taasi waxtar maaha, faa’iidona kuma
jirto ololaha caynkaas ah. Waa talaabo uun ku lug leh in lala noolaado cudurka.
Balse qabyaaladdu maaha cudur aan daawo lahayn oo ay tahay in lala noolaado. Waa
calaamadda cudur la dabar goyn karo. Cudur kaas oo ah qabiilka.
Qabyaaladda, wadaniyadda iy dareenada
caynkaas ahi iskood isuma taagi karaan. Tusaale ahaan ma noqon kartid wadani (nationalist)
hadii aanad dal ba lahayn ama aanu jirin wax aan ku sifeeyo dalkayga. Anigu ma
noqon karo wadani ay madax martay Somaliland hadii aanan ka tirsanayn
Somaliland. Qabyaali na ma noqon karo hadii aanan qabiil ka tirsanayn.
Arin kale oo muhiimad wayn u leh tir tiridda
qabiilka iyo qabyaaladda waa xoojinta dawladnimo dadka ilaalisa (protection),
siisa caymis, daryeel, dayn iwm, islamarkaana qofku nabad gelyo ka raadin karo
marka belo soo wajahdo. Dawladnimo ku dhisan caddaalad iyo sinaan. Marka dawladda
caynkaas ah la helo waxa hoos u dhacaysa baahida iyo ku tiirsanaanta qofku u
qabo qabiilka. Ogowse qabiilku waa ku lid dabeecad ahaan (by nature) dawlad
caymadaas leh. Mar walba oo qabiilku xoogaysto waxa hoos u dhaca awoodda
dawladnimo. Mar kasta oo dawladnimadu xoogaysato na waxa hoos u dhacaysa
awoodda qabiilka.
Ugu danbayn, cidda ay run ka tahay la
dagaalanka qabyaaladdu waa inay la dirirta qabiilka oo ay colaadeeda ku
wajahdaa in meesha laga saaro waxaan ahay reer hebel oo kolkaas waxaannu wax
wadaagnaa cid kasta oo abtirsiintaas leh. Hadii kale waxa hugunka lagu darayaa
dad aan hubo inay afka ka caayaan qabyaaladda balse ku dhaqma hadh iyo habeen.
Guleid
Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment