Waxa ku dhintay Maraykanka janaraal caan ka ahaa
geyiga Soomaalida. Maxamed Cali Samatar wuxuu xilalkii u sareeyey dalka iyo
ciidamada ka soo qabtay dawladii keligii taliska ahayd ee uu hogaaminayay
askarigii macangaga ahaa ee qoriga caaradiisa ku af duubay taladii
Jamhuuiryadda Soomaalida sanadkii 1969.
Samatar wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen, taliyaha
ciidamada, wasiirka gaashaandhiga iyo raysal wasaare. Marka laga yimaado Siyaad
Barre, Samatar wuxuu ahaa ninka ugu cudada wayn dawladii keligii taliska ahayd
ee ka gaystay dhulkii ay xukumaysay xasuuqa, dembiyada dagaal iyo dembiyo ka
dhan ah banii adantinimada.
Xilka uu hayo darteed iyo shaqsiyadiisa oo ahayd mid
ay naxariistu ku yar tahay, Samatar wuxuu ahaa ninka bixiya amarada ciidanka
Soomaaliya ee uu u talin jiray.
Sanadkii 1988kii wuxuu sanadkii ugu dhiiga badnaa
islamarkaana ay sida baaxadda leh u furatay layn iyo xasuuq aan loo kala aabo
yeelin oo laga gaystay dhulka Somaliland. Samatar wuxuu ahaa hogaamiyihii
ciidamada waqtigaas. Wuxuuna ku qirtay waraysi uu bixiyay inuu amarkeeda lahaa
duqayntii Hargeysa lagu burburiyay 1988.
Dagaalka aynu ka hadlayno ee uu hor boodayay ee
taliyaha ka ahaa Samatar muu ahayn mid ay iska hor imanayeen ciidamo hubaysan,
balse wuxuu ahaa layn si toos ah loo bartilmaameedsaday dadka shacabka ah,
kufsi, jidh dil iyo dembi kasta oo ay geli karayeen. Waxa lagu laayay dhulka
Somaliland tobonaan kun oo qof oo shacab ah.
Waxa laga gaystay duqayn waqtigaas aan hore loo arag
baaxadeeda iyo dabeecadeeda toona.
Dibin daabyada iyo tiritirka uu qaybta ka ahaa Samatar
ee ay samaysay dawladii uu ka mid ahaa waa mid ay ka marag kaceen waqtigaas hay’adaha
caalamiga ah ee xuquuqal insaanka kuwooda ugu caansan.
Balse maragga u wayni wuxuu jooga guri kasta oo
Somaliland ah. Ma jiro guri aan dhibane u ahayn layntii dawladdii Siyaad Barre.
Maraggu wuxuu ka soo ifo baxaa marka roobku da’o dhulka iyada oo lafihii dadkii
isku xidh xidhnaa ee shacabka ahaa ee xabaalo wadareedka lagu riday ay ku yaalliin
magaalooyinka Somaliland.
Samatar wuxuu dhintay si la mid ah Gaani, Gabyow iyo
kuwa kale iyada oo aan maxkamad loo soo taagin wuxuu gaystay. Waxa se jira kuwo
nool oo iyana weli ku raaxaysanaya dunida iyaga oo aan la horgeyn maxkamad. Waa
in laga shaqeeyo sidii cadaaladda loo soo hortaagi lahaa dhamaan kuwii geystay
dembiyada.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin