Saturday 13 August 2016

Cafis madaxwayne


















Wasiirka War-faafinta ee Somaliland ayaa maanta u sheegay war-baahinta in Madaxwayne Siilaanyo uu cafis u fidiyay siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilka ka haya Somalia.

Hadalka wasiirku wuxuu ku soo beegmay mar siyaasiyiinta  u dhashay Somaliland ee Xamar jooga ay ka qayliyeen qaabka loo qaybiyo saamiyada kuraasta siyaasadeed ee dalkaas, gaar ahaan Aqalka Sare ee Barlamaan la rajaynayo in la sameeyo. Waxaay siyaasiyiintaasi ku andacoodeen inay ka yar tahay xilalka loo gartay kuwii lixdankii oo ay iyagana ku tilmaameen mid aan u qalmin.

Waa arin wanaagsan siyaasad ahaan in cafis loo fidiyo si loogu soo jiido inay dib ugu soo noqdaan Somaliland oo ay ka waantoobaan siyaasadda ay hada ku foogan yihiin. Balse sharci ahaan cafiska madaxwaynuhu wuxuu u baahan yahay in uu noqdo mid sharci ku dhisan oo aanu noqon wax la mid ah hadal siyaasadeed warbaahinta loo sheego.

Qaabka loo soo saarayo cafiska madaxwaynaa, mudada uu soconayo iyo saamayntiisu intay ku eegtahay, cidda cafisku qabanayo iyo cidda aanu qabanayn waa inay tahay mid cad oo ku tilmaaman qoraal uu saxeexay madaxwaynuhu laguna faafiyay Faafinta Rasmiga ah.


Cafiska madaxwaynuhu wuxuu la mid yahay xukunka maxkamahada oo kale. Waa go’aan ka dul qaadaya qof dembi ay ahayd in lagu maxkamadeeyo. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 

No comments:

Post a Comment