Qofka caadiga ah ee sida hagaagsan u fekeraa wuxuu
isku eegaa waxa soo gala iyo wuxuu qarash ahaan bixiyo. Hadii uu bishii helo
boqol doolar, wuxuu u qorsheeyaa inaan qarashkiisu ka badan boqolkaas. Kuwa sii
ba caqliga fiicani waxaay maanka ku hayaan inay wax ka dhigtaan, haday
suurtagal tahay.
Si midhaas la mid ah qofka caadiga ahi xoogaga soo
galo si miyir qabta oo uu ka fekeray buu u isticmaala. Wuuxu iska ilaaliiyaa
inuu daa daadiyo. Qofka lacagta ku ciyaara Soomaalidu magac bay u bixisaa, waxna
uma dhigmaan noloshana meel kama gaadho.
Dawladaha waxa maamula dad. Dadka dawladaha maamulaa
qorshay dejistaan. Waxaay ka fekeraan waxa soo gala inaanay wax ka badan gelin.
Waxaay sidoo kale qorsheeyaan sida ugu haboon ee ay shilin walba u isticmaali
karaan. Kee bay tahay inuu galo waxbarasho, caafimaad, ciidan iwm. Keebay tahay
inuu galo gaadiid, biyo, cunto, shaqo abuur, iwm. Waxa loo eegaa baahida jirta
iyo sida ay u kala mudan tahay.
Dalka hayntiisu yar tahay (waa faqiire) waxa haboon
inuu u fekero sidii qof faqiir ah. Nasiib xumadu waxaay tahay- waaba masiibee-
marka qofku isaga oo faqiir ah uu doono inuu u noolaado sida taajirka. Doqon weeye.
Doqonimadaasi waxaay masiibo tahay marka hantidaas yar ay maamulayaan cidaan aanay
taabanayn faqrigaasi. Lagaba yaabee inuu isagu rabo inuu ka tanaado.
Bal hada u fiirso inta miisaaniyadda dawladda ku
baxda shidaal iyo gawaadhi aan faa’iido u lahayn danyarta iyagu bixiyay lacagta
la siiyay gaadiidkaas. Waa gaadiid raaxo oo uu ku tamashlaynayo qof.
Waxa cid lagu kalsoon yahay waa aan fogayn ii
sheegtay nin madax ah oo diiday gaadhigii loogu talo galay xafiiskii loo soo
magacaabay. Wuxuu yidhi anigu shaqsi ahaan waan ka sareeyaa inaan raaco gaadhi
noocan oo kale ah. Marka waa in loo dalbaa gaadhi tobanaan kun oo doolar
qiimihiisu yahay.
Dad badan baa marar aan yarayn is waydiiyay tirada
badan ee madaxda dawladda ee qarashka aan yarayni ku baxo. Shilimaadka dalka
soo galaa ma badna. Sida loo maamulaana maaha mid laga fekeray oo lagu saleeyey
nolosha dadka leh ee loogu talo galay in wax loogu qabto.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin