Madaxwaynaha dhowaan la doortay ee Maraykanka Donald
Trump intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu si xun oo ka baxsan anshaxa
uga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay xuquuqda dumarka iyo dadka laga
tiro badan yahay.
Trump waxa sidoo kale ka muuqatay aqoon darro wayn
oo uu u leeyahay siyaasadda, gaar ahaan siyaasadda arimaha debedda. Inkasta oo
uu dhinac maray madaxda xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga, hadana waxaan
shaki ku jirin inaan Trump ka wada tegi doonin siyaasadda udub dhexaadka u ah
Jamhuuriga.
Markii sanadkii 2008 uu doorashada ku guulaystay
Barack Obama oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga aad bay dadyowga madow u soo
dhoweeyeen. Dadkaas waxa ka mid ahaa shacabka Somaliland iyo dunida Muslimka
ah. Haseyeeshee, Obama wuxuu ka geystay dunida Islaamka layn badan, gaar ahaan
duqaynta loo adeegsado diyaaraha aan duuliyuhu wadin.
Dhinaca Somaliland, maamulka Obama wuxuu gadoomiyay
Somaliland isaga oo ka sii jeestay. Wuxuu soo af-jaray siyaasadii marinada
badnayd ee Maraykanku doonayay inuu kula dhaqmo dadka Soomaalida. Wuxuu si aan
kala hadh lahayn isu dabo taagay dawladda Muqdisho.
Falalka caynkaas ahi waxaay hoos u dhigeen meeqaamka
Somaliland ku lahayd dunida. Waxana midaas sii xoojiyay doorashadii 2010 ka
dhacday Somaliland oo ay ku guulaysatay dawlad cusub oo qaadatay siyaasad arimo
debedeed oo jaah-wareersan.
Maamulkii ka horeeyey Obama ee xisbiga Jamhuurigu
wuxuu la lahaa Somaliland cilaaqaad aad u fiican. Waxa Somaliland soo booqday
madax heer sare ah oo ay ka mid ahayd Jendayi Frazer oo ahayd ku xigeenka
Xogahaya Arimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika. Xogo marar badan soo
baxaay ayaa waagaas tibaaxay in wasaaraddii arimaha gaashaandhiga saraakiil ka
tirsani ay doonayeen inay ka shaqeeyaan in Somaliland la ictiraafo.
Nasiib darro, arimahaas waxa soo af jaray maamulka
Obama. Hada oo la doortay madaxwayne ka soo jeedaa Jamhuuriga, waxaan shaki ku
jirin in Somaliland ay u furantay fursad muhiim ah oo ay tahay inay ka faa’iidaysato.
Waxaayna u baahan tahay Somaliland inay la timaado istiraajiyad ay ku dersayso
hab dhaqanka Trump. Waxaana daruuri ah
in si dhow loo derso cidda uu u magacaabo Xoghayaha Arimaha Debedda iyo ku
xigeenada ka hoos shaqeeya kuway yihiin siiba kuwooda u qaabilsan Afrika.
Sidaas oo ay tahay waxaa iyana aan la dafiri karin
in Trump uu yahay shaqsi aan la saadalin karin oo wuxuu doono yeele ah, markaad
eegtid hab dhaqankiisa iyo hadalada qalafsan ee aan ka fiirsiga lahayn ee uu
hadh iyo habeen la soo taagnaa intuu tartanka ku jiray.
Guleid
Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin
No comments:
Post a Comment