Qodobka 101 ee Dastuurka Somaliland ayaa
sheegaya in Maxkamadda Sare tahay Maxkamadda Dastuurka. Shaqo ahaan way kala
duwan yihin shaqada Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka. Dastuurku wax
faah faahin ah kama bixinayo hab raaca loo marayo dacwadaha dastuuriga ah iyo
sida ay u dhagaysanayso dacwadaha. Maadama oo dawladii hore ee Somalia ay ahayd
dawlad keligii talis ah, waxaan sidoo kale jirin shuruuc hore ama dhaqan jiray
oo arinkaas loo raaci karo. Sidaasdarteed, Maxkamadda Dastuuriga ah shaqadeeda
iyo habraaceedu wuxuu noqday mid aan aqoon loo lahayn.
Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr.
24/2003, ayaa ah xeerka sida gaarka ah uga hadla garsoorka. Qodobka 6aad ee
Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa ka hadla Maxkamadda Dastuuriga ah. Qodobku wuxuu
si guud u sheegayaa waxyaabaha ay u xilsaaran tahay Maxkamaddu. Haseyeeshee
waxaanu dejin hab raac u gaar ah oo loo maro dacwadaheeda. Taasina waxaay
curyaamisay shaqada Maxkamadda Dastuuriga ah oo ku dhex milantay Maxkamadda
Sare.
Maxkamadda Dastuuuriga ahi way ka duwan
tahay ruux ahaan iyo ujeedo ahaanba maxkamadaha kale. Loomana raaci karo dacwadeheeda
si la mid ah dacwadaha kale. Sidaasdarteed, waxa daruuri ahayd in la helo xeer
u gaar ah Maxkamadda Dastuuriga ah. Nasiib darro Somaliland ma laha xeerkaas. Taasina
waxaay jaah wareer ku riday qareenada, maxkamadda lafteeda, dadwaynaha iyo
dawladda.
Maadama oo ay Somaliland tahay dal leh
dastuur ah ka u sareeya dalka, waxa waajib ah in Xeer Dejintu ay samayso xeer u
gaar ah Maxkamadda Dastuuriga ah. Xeerkaas oo faah-faahinaya hababka loogu soo
gudbin karo dacwad, cidda u soo gudbin karta, qaabka ay u qaban karto ama u
diidi karto, sida ay u go’aan qaadan karto iyo nooca uu yahay waxa ka soo
baxaya Maxkamadda.
Hadii aad si dhow ugu fiirsato go’aanada
ka soo baxay Maxkamadda tan iyo 2001 dii markii dastuurka la sameeyey, waa kuwo
aan isku mid ahayn qaab ahaan iyo nuxur ahaan toona. Badiyaana way ka
hooseeyeen halbeegga laga filan karo maxkamad caynkan oo kale ah. Sababaha
qaaarkood waa aqoonta dastuur ee aad u hoosayso ee guud haaan bahda sharciga
Somaliland ka haysta dastuurka iyo falsafadiisa oo aan la isku hawlin
akhriskeeda iyo dersideeda iyo xaasaasiyadda siyaasadeed ee mar walba ku
gadaaman dacwadaha caynkan ah, balse waxa rukun wayn u ah maqnaanshaha Xeerka
Maxkamadda Dastuuriga ah.
Sidaasdarteed, murashixiinta u
tartamaysa madaxnimada Somaliland waa inay qorshaha ku darsadaan ina sameeyaan
Xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah iyo in la helo qodob sharci oo ku waajibinaya
guud ahaan garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah inay dhigtaan casharo si
gaar ah loogu qaabeyey barashada falsafada iyo fiqiiga dastuurka iyada oo ay
dawladdu u raadinayso ilo ka gacan siin kara oo fursadaas abuuri kara.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland oo ka hor dooday Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamadda Sare.
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.