Tuesday 22 August 2017

Xeerka Maxkamadda Distuuriga ah

Qodobka 101 ee Dastuurka Somaliland ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare tahay Maxkamadda Dastuurka. Shaqo ahaan way kala duwan yihin shaqada Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka. Dastuurku wax faah faahin ah kama bixinayo hab raaca loo marayo dacwadaha dastuuriga ah iyo sida ay u dhagaysanayso dacwadaha. Maadama oo dawladii hore ee Somalia ay ahayd dawlad keligii talis ah, waxaan sidoo kale jirin shuruuc hore ama dhaqan jiray oo arinkaas loo raaci karo. Sidaasdarteed, Maxkamadda Dastuuriga ah shaqadeeda iyo habraaceedu wuxuu noqday mid aan aqoon loo lahayn.

Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 24/2003, ayaa ah xeerka sida gaarka ah uga hadla garsoorka. Qodobka 6aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa ka hadla Maxkamadda Dastuuriga ah. Qodobku wuxuu si guud u sheegayaa waxyaabaha ay u xilsaaran tahay Maxkamaddu. Haseyeeshee waxaanu dejin hab raac u gaar ah oo loo maro dacwadaheeda. Taasina waxaay curyaamisay shaqada Maxkamadda Dastuuriga ah oo ku dhex milantay Maxkamadda Sare.

Maxkamadda Dastuuuriga ahi way ka duwan tahay ruux ahaan iyo ujeedo ahaanba maxkamadaha kale. Loomana raaci karo dacwadeheeda si la mid ah dacwadaha kale. Sidaasdarteed, waxa daruuri ahayd in la helo xeer u gaar ah Maxkamadda Dastuuriga ah. Nasiib darro Somaliland ma laha xeerkaas. Taasina waxaay jaah wareer ku riday qareenada, maxkamadda lafteeda, dadwaynaha iyo dawladda.

Maadama oo ay Somaliland tahay dal leh dastuur ah ka u sareeya dalka, waxa waajib ah in Xeer Dejintu ay samayso xeer u gaar ah Maxkamadda Dastuuriga ah. Xeerkaas oo faah-faahinaya hababka loogu soo gudbin karo dacwad, cidda u soo gudbin karta, qaabka ay u qaban karto ama u diidi karto, sida ay u go’aan qaadan karto iyo nooca uu yahay waxa ka soo baxaya Maxkamadda.
Hadii aad si dhow ugu fiirsato go’aanada ka soo baxay Maxkamadda tan iyo 2001 dii markii dastuurka la sameeyey, waa kuwo aan isku mid ahayn qaab ahaan iyo nuxur ahaan toona. Badiyaana way ka hooseeyeen halbeegga laga filan karo maxkamad caynkan oo kale ah. Sababaha qaaarkood waa aqoonta dastuur ee aad u hoosayso ee guud haaan bahda sharciga Somaliland ka haysta dastuurka iyo falsafadiisa oo aan la isku hawlin akhriskeeda iyo dersideeda iyo xaasaasiyadda siyaasadeed ee mar walba ku gadaaman dacwadaha caynkan ah, balse waxa rukun wayn u ah maqnaanshaha Xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah.


Sidaasdarteed, murashixiinta u tartamaysa madaxnimada Somaliland waa inay qorshaha ku darsadaan ina sameeyaan Xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah iyo in la helo qodob sharci oo ku waajibinaya guud ahaan garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah inay dhigtaan casharo si gaar ah loogu qaabeyey barashada falsafada iyo fiqiiga dastuurka iyada oo ay dawladdu u raadinayso ilo ka gacan siin kara oo fursadaas abuuri kara. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland oo ka hor dooday Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Maxkamadda Sare. 


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

No comments:

Post a Comment