Laga yaabee inaad bilawga ga la yaabtid
cinwaanka qoraalkan. Haseyeeshee, waxaan jecelahay inaan isku dayo inaan si
kooban u fahamsiiyo qofka aan ahayn qareen, sababta qof loo xidhi karo, cidda
xidhi karta iyo hanaanka loo xidhi karo. Arimahaas oo aad fahantaa waxaay wax
wayn ka tari karaan inaad doonatid xaqaaga iyo inaad is garab taagtid qof
dulman.
Xorriyadda
(liberty)
Qofku wuxuu dhashaa isaga oo aan xidhnayn
oo xor ah. Xaq aasaasi ah oo aan la qaadi karin ayuu qofku u leeyahay inaanu
xabsi gelin. Sadexda xaq ee aadanuhu mudo dheer yiqiin, dad badanina aaminsan
yahay inay ka dheegemeen xuquuqaha kale ayuu ka mid yahay. Kuwaas oo kala ah:
1. Xaqa nolosha:
diimaha oo dhan iyo aragtiyaha dadku way isku raacsan yihiin inaan qofna xaq
darro loo dili karin. Diinta Islaamku aad bay u adkaysay. Wuxuu Eebe ku sheegay
Quraanka in qofka qof dilaa uu la mid yahay inuu aadanaha oo dhan dilay.
Qodobka 24(1) ee
Dastuurku wuxuu sheegayaa:
Nafta
aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay
noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku
caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Xaqa hanti-yeelashada:
in qofku hanti yeesho oo loo nabad geliyo hantidiisa iyo tasarufaadka la
xidhiidha waa xaq aasaasi ah. Qodobka 31aad ee Dastuurku wuxuu sheegayaa:
Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu si gaar
ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.
3. Xorriyada qofka:
inaan qof la xidhi karin oo aan xabsi la gelin karin oo aadanuhu dhashay isaga
oo xor ah, waa xuquuq aasaasi ah. Diinta Islaamka meelna kama soo gasho in qof
la xidho. Waa dhaqan aadanuhu bartay oo ay noloshu u keentay.
Xorriyadda inaan qof la xidhin waa asal
(principle). Markaa in la xidhaa waa wax ka soo hadhay (exceptional). Sidaasdarteed,
waa mamnuuc in qof laga qaado xorriyadiisa, hadii aanay jirin sababaha sharci
islamarkaana aan loo marin hanaanka ama marinka sharci. Waxaan jecelahay inaan
carabka ku adkeeyo in xorriyadda (inaan lagu xidhin) ay tahay midka asalka ah
ee ay tahay in la ilaaliyo.
Qodobka 25(1) ee Dastuurka Somaliland
wuxuu sheegayaa “qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.”
Waa side qaabka aan xeerka waafaqsanayn? Waxa sheegtay farqadda
2aad ee isla qodobkaas oo leh “ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la
xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo
sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.”
Qodobkani laba shardi ayuu dhigay in la helo ka hor intaan qof la
xidhin, la baadhin ama la xayirin:
- Inuu dembi faraha kula jiro: tusaale ahaan qofkii oo qof dilaya; ama lacag boobaya iwm. Waa qofkii oo faraha kula jira markaas dembiga (red handed). In tan la helaa way adag tahay sababta oo ah inta badan aadanuhu dembi kuma galo meel booliis ka dhow yahay ama booliiska oo arka ma galo. Waa doqonimo aan dembiilayaashu ku dhicin badiyaa.
- In garsoore awood u leh uu soo saaray amar qabsho oo sababaysan. Hada eeg, marka hore waa in garsooruhu awood u leeyahay oo uu yahay mid sharci ahaan qaadi kara dacwadan. Sidoo kale waa inuu ku sheegaa sabab cad waxa uu qofka u xidhayo. Xeerka Habka Ciqaabtu wuxuu sii waajibiyaa in cidda amarka garsooraha fulinaysaa ay u akhrido qofka la xidhayo amarka garsooraha.
Labadan sababood ee aadka u adag waxa sharcigu u dhigay si aan
qofka ciyaar ciyaar looga qaadin xorriyadda u Ilaahay siiyay.
Dastuurku intaas kagama
uu hadhin ee wuxuu sheegay in ciqaabi ka dhalan karto hadii qof loo xidho sifo ka
soo horjeedda mida ku dhigan qodobka aynu sare ku xusanay. Farqadda 3aad ee
qodobka 25aad ee Dasturka wuxuu u dhigan yahay sidan: “Dawladda ayaa
muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya
ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.”
Maxaa dembi ah
Sababta qofka loo
xidhayaa waa in lagu haysto inuu galay dembi. Marka garsooraha lagu qanciyo
inay jirto cadayn ku filan oo muuijnaysa in qofkaasi dembi galay, ayuu soo
saaraa amarka qabashada si loo xidho oo uu u wajaho caddaaladda. Hadaba maxaa
dembi ah? Ma waxa masuulku u arko dembi? Ma waxa ay garsooraha ula muuqato
dembi? Jawaabta su’aalaha waxa ka jawaabay qodobka 26(1) ee Dastuurka
Somaliland oo leh:
Ciqaab iyo dembi waa
wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo
hab aan xeerka waafaqsanayn.
Mabada’ ku dhigan
qodobkan waa rukun ka mid ah arkaanta uu ku taagan yahay xeerka ciqaabtu. Dembigu
waa inuu yahay mid ku qoran xeer hore loo sameeyey oo qofku og yahay inuu dembi
yahay. Xeerkaas oo uu sameeyey baarlamaanku sida ku cad qodobada 37 iyo 38aad
ee Dastuurka.
Dhaqankii Siyaad Barre
Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee ciidanka ahayd qasab iyo qori
caaradii ayay dadlka ku qabsatay. Sidaasdarteed si ay qof u xidho, u baadho, u
xayirto ama wax kale ugu samayso umay baahnayn inay sharci u marto. Dalkuba dastuur
ma lahayn. Taasi waxaay abuurtay dhaqan qalafsan oo dad badani ka barteen. Waxa
kolkaas la mooday in shaadhka aad xidhan tahay noociisa ama jagada aad ku
fadhidaa ay ku filan tahay inaad cid xidhi karto. Waa ta keentay in la isugu
hanjabo waan ku xidhayaa.
Halkaas waxa ka muuqda kala duruga iyo is diidka dhaqankii Siyaad
Barre iyo dastuurka umad aan xoog lagu haysan
Dacwad ciqaab ah iyo
dacwad madani ah
Arin kale oo u baahan in la isla fahmaa wuxuu yahay kala
duwananashaha fal celinta laga sameeyo qaladka dadku sameeyo. Qalad kasta oo
qofku sameeyo ma keeno xadhig. Tusaale ahaan hadii mid dayn kaa qaato oo
dabadeed ku meermeeriyo oo aad ka soo saari waydo xoogaagii aad ku lahayd,
sharcigu kuu xidhi maayo ee wadooyin madani ah oo aad waxaaga ku heli karto
ayuu abuuray. Waxa la mid ah hadii heshiis lagaaga baxo, hadii lagu caayo ama
si uun sharaftaada meel looga dhaco. Intaba waxa jira hanaan aad ku ilaashan
kartid ama ku doonan kartid xaqaaga ama kaga goosan kartid qofka ku dhibay,
adiga oo aan xidhin. Dhamaantood waa habab madani ah.
Ciqaabtu way ka duwan tahay. Ciqaabtu waa wax uu si cad dembi uga
dhigay xeerka dalku isaga oo daba dhigay ciqaabtiisa.
Gebo-gebo
Inaan lagu xidhin oo aad xorriyadaada suuqa ku marto waa xaq
aasaasi ah oo ay tahay in la ilaaliyo. Hadii xorriyadda lagaa qaadayo waa in
lagaaga qaado sifada ku cad dastuurka ee aynu sare ku xusnay. Hadii taas laga
baydho cidda ku xidhatay ayaa ku geftay sharciga oo ay tahay in ciqaabo.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland.
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin
No comments:
Post a Comment