Wednesday 31 July 2013

Ma taqaan cudurka halista ah ee Negative?


Waxa lagu sidaa gacamaha. Waxa walaandaynaya qaar qoyskiisa ka mid ah oo ay ugu horayso hooyadii oo murugadu bedeshay wejigeeda, dhawr habeen may seexan. Cabaar bay ku jireen kuyuuga si ay u sugaan inay arkaan dhakhtarkan oo loo amaanay. Ugu danbayntii waxay u galeen dhakhtarkii.

Wuu eegay bukaankii isagoo hadba meel ka saaray aalad uu sitay. Sidee loo helay buu waydiyay dadkii siday. Hooyadii baa u holatay, balse wax yar kolkay tidhi ayuu bilaabay dhakhtarki inuu wax qoro. Hooyadii oo hadlay buu u dhiibay oo yidhi qaad oo shaybaadhka gee.

Inkasta oo ay dan yar yihiin, hadan xoolo dirqi lama waayee, lacagtii la yidhi bixiya oo ku badnayd bay dhiibeen. Saacad iyo badh bay ku qaadatay in mar labaa lagu soo celiyo bukaanki dhakhtarka. Waxa loo keenay jawaabtii. Cabaar buu eegay, markaasuu la hadlay dadkii oo aad u dhursugaya waxa ka soo bixi afka ninkan ay bideen cilmiga. Waxay rajeeyeen in loo maaro helo cudurka haya inankooda.

“Dhigii laga qaaday waxa uu sheegay negative, kaadidiina waa negative, saxaradii negative, sawirkii negative”. In yar ka dibna waxa uu bilaabay inuu waraaq hortiil ku qoro far malmaluuqan oo aan dadku fahmi karin.

“hooyo markaa maxa laga helay” ayaay tidhi hooyadii.

“waa negative” ayuu ku jawaabay dhakhtarkii.

Farmasigii bay sii mareen oo lacag kale lagaga qaaday dawo lagu sheegay inay xumad jeibn tahay. Iyada oo loo sheegay inay iska dhigaan guriga oo uu caafimaadi doono.

Mudaa ka soo waaday, bukaankiina wuu ka sii daray. Dhakhtar kale ayaa loo geeyey. Rajadu waxay ahayd in wuxuun uu ku sheego bukaankan sakaraadka ah. Isna baadhitaaan dheer ka dib waxa jawaabtiisii noqotay negative.

Dhawr dhakhtar baa loo geeyey waxay isku raaceen weedha “negative”.

Horaa loo yidhi nin bukaba boqol u tali e waxa reerkii lagu la taliyay inay wadaadada kula daalaan. Iyana waa caadadood e dhir bay ka buuxiyeen. Wuuna ku naf waayay.

Akhriste, cudurka halisa ah ee negative waan ka waayay buugta iyo raadiska internet ka toona. Waana cudur aan dawo lahayn oo ku dhaca dadka Somaliland keliya, dunida inteeda kalena aanay la aqoon. Dad badan baa maalin walba lagu sheegaa.

Waa in culimda aduunka ee sayniska loo qaylo dirtaa si ay ugu maaro hesho cudurka negative, laguna daraa cudurkan cudurada halista ah ee aan weli loo helin daawada, lana aqoonsan waxa keena.

Guuleed Axmed Dafac

Hargeysa

No comments:

Post a Comment