Wednesday 31 July 2013

Doorashadii Golaha deegaanka: dhib mise dheef


 

Hordhac
Qoraalkan waxan markii u horaysay daabacay January 2013.

Qoraalkani wuxuu si xeel dheer u eegayaa casharka laga baran karo doorashadii dhacday 28/11/12, iyo qaabka looga hortegi karo dhibtii dhacday mi la mid ahi inay soo noqoto. Waa qoraal aan ujeedo siyaasadeed ka danbayn. Doorashadani waxay kaga duwaneed doorashooyinkii ka horeeyey laba arimood. Kow, tirada ururada/xisbiyada tartamaya waxay ahaayeen kuwii ugu badnaa ee Somaliland soo mara. Laba, murashaxiinta tartamasay waxay ahaaayeen kuwii ugu badnaa ee loo codeeyo abid doorasho ka dhacda Somaliland. Waxa intaas dheeraa xaalado ay doorashadani kala mid ahayd doorashooyinkii hore (marka laga reebo 2010) taas oo ah inaanay jirin diiwaan-gelin codbixiye.

Codbixinta ka hor

In kasta oo tartamayaashu ku qanacsanaayeen qaabkii uu u socday ololaha doorashadu, hadana waxa cadaan ahayd in ay dhaceen xaalado saamayn ku yeeshay codbixita. Taas oo ahayd in murashixiinta iyo ururada/xisbiyadu ba ay codka ku raadsanayeen qaab beelaysan. Ololuhu wuxu ku jahaysnaa beelaha. Tani waxay ka soo horjeeday ruuxda doorashada oo ah in qof kastaa bixiyo codkiisa si xor ah. Tartamuhuna codka waydiisto codbixiyaha. Xornimadu maaha oo keliya in qofku ka madaxbanaanaado qori madaxa lagaga hayo ama hanjabaad, ee waxa sidoo kale ay tahay in qofku u xornoqod fekerkiisa oo aan cid kale u go’aamin qofka uu u codaynayo. Si taas ka soo horjeeda, hogaamiye qabiileedka ayaa ahaa ka ay gacanta ugu jritay cida beeshiisu u codaynay.

Iibsiga codbixiyaha, ama lacag bixinta ayaa ahayd dhibaato kale oo ka horeeysay dharaartii codbixita. Qaadka ayaa ahaa mid lagu cunayey xafiisyada ololaha ee tartamayaasha.

Waxa is furan loogu adeegsanayey warbaahinta olole beelaysan iyada oo beeluhu ka sheegayeen murashixiinta iyo ururada/xisbiada ay u codaynayaan.

Codbixiyayaasha ayaa loo qaadayey goob ay tahay inay ka soo codeeyaa. Taas oo bedelaysay tirade codaytna (demography). Waxaan jirin xeer xakamaynaya guridda dadka. Waxaanu sidoo kale xeerku dhigayn inta ay tahay inuu joogo codbixiyuhu degaanka uu ka codaynayo. Taasi waxay keentay in ururada/xisbiyadu guraan dad oo geeyaan goobahay ay aaminsan yihiin inaannay ku lahayn taageero xoogan.  

Qaybinta sanaaduuqda codbixinta ayaa iyana ku ahayd dadka caqabad wayn. Goobaha la geyanayo sanaaduuqda codbixnta waxa lagu salaynayeye codka ay bixiyaan tiro ahaan (inkasta oo aanay dalka k ajirin tirokoob). Taasi waxay caqab waayn ku noqotay degaanada dhul ahaan balaadhan oo ay dadka qaar u jirtay tobonaan kilo mitir goobta codbixintu. Mana aha wax la filan karo in reer guuraagu intay xoolahooda ka tagaan inay socdaan kiiloomitiro si ay u soo codeeyaan.

 

28/11/12, Maalintii codbixinta

Waxa la isla qaatay inuu jiray “qalad”. Heerka uu gaadhsiisnaa iyo saamaynta uu ku yeeshay natiijada codbixinta ayaan la isku raacsanayn.  Qaladka la isla qaatay waxa ka mid ah dhawr jeer codaynta. Taas oo dadka qaar u aaneeyeen diiwaan-gelin la’aanta, halka dadka qaarna ku tilmaameen fal ula kac ah (Ticraac: waraysi Faysal Cali Waraabe warbaahinta siiyay). Si kastaba ha noqotee waxa cadaan ahayd oo aan aniguba indhayayga ku arkay dad goob dhisan (qolaal) iyo goobo furan oo aan ka fogayn goobta codbixinta isakaga maydhaya khadkii farta loo geliyay. Waxa qof looga qaateen ahi ii cadeeyey inuu shan (5) jeer codeeyey. Booliiska ayaa u xilsaaran fulinta sharciga, sidsasdarteed, masuuliyad booliiska saaran bay ahayd inay ka hortagaan arinkaas. Ma ahayn qarsoodi in dadku iska maydhayeen khadka.

Gacan ka hadalka iyo hadidaada ka dhanka ah saraakiisha goobta codbixnta ee ka socday Gudida Doorashooyinka ayaa ka dhacday meelo badan. Hal dhacdo ayaan xog ogaal u ahay oo nin gacana ula tegay inan khadka farta u gelinaysay dadka codbixinayey. Iyada oo uu la dagaalamay markii ay doontay inay khadka faraha u geliso. (tixraac: waxa lagu xidhay saldhigga booliiska ee I. Koodbuur).

Waraaqaha codbixinta ayaa ka go’ay goobaha codbixinta iyada oo aanay dhamaan xiligii codayntu. Goob badan ayaa laga soo weriyay in ay ka go’een waraaqihii codbixintu. Tusaale ahaan hal sarkaaal oo gudooomiye u ahaa goob codbixineed ayaa ii sheegay in goobtiisa ay ka go’een waraaquhu, telefoonkii uu garaacay ee xaruntii Gudida Diiwaan-gelintana looga jawaabi waayay. Ururada qaar baa ku dooday intaasi ahayd ku talo gal in lagu hor-istaagayey taageerayaashooda. Balse dooda ka soo horjeeda aya ah inay ahayd dhibaato farsamo.

Tirinta codadka

Ururada/xisbiyada qaar ayaa ku dooday in lagu shubtay codadka (Xasan Ciise). Waxa sidoo kale cabasho ka soo bandhigay dhawr urur/xsibi (Xaqsoor, Umada, Ucid).  Ururka Xaqsoor ayaa soo bandigay waraaqo ay sheegeen in lagu codeeyey ka dibna la qubay (cid si madaxbaaan u xaqiijisay ma jirto). Bogga internet ka ee Hadhwanaag ayaa soo bandhigay sanaaduuq geed hoostii taal oo waraaqihisa la qaybinayo (waase dhacdo aan la xaqiijin karin).

Diiwaangelinta (record) codadka ayaa iyana qaladka ka yimi. Tusaale ahaan degmada Hargeysa goobo codbixin ka mid ah ayaa laba jeer la gelay diiwaanka (Farawayne). Taas oo markii danbe la sheegay in la saxay. Waxay tusaale u tahay werwerka laga qabo in dhacdooyin lamid ahi dhici karaan.

 

Natiijada ka dhalatay codbixinta

Codbixintaas waxa ka soo baxay:

1.      In dadku ku kala qaybsameen, iyada oo beelnimada xoogasytay. Taas oo sii socotay xitaa doorashadii gudoomiyayaasha iyo ku-xigeenada degmooyinka.

2.      In laga niyad jabay doorashada. Dadku waxay si wayn uga niyad jabeen codbixingta.

3.      Xalaalnimada hanaanka oo dadka qaar dood ka qabaan.

4.      Dad ayaa ku dhintay rabsashado ka dhashay doorashada (Boorama, Lughaya, Saylac)

Talo-bixin

1.      Waa in wax laga bedelaa xeerarka doorashada iyada oo laga duulayo galdalooloyina jira

2.      Waa in lagu daro Xeerka Doorashooyinka qodobo ciqaab ah oo ciqaabaya qofkii ku xadgudba, tasuaale ahaan dhawr jeer codeeya.

3.      Waa in la sameeyo diiwaan-gelin

4.      In hanaanka doorashada oo dhami noqdo mid daah-furan

5.      In sanaaduuqda codbixinta lagu saleeyo masaafada

6.      In la mamnuuca guridda dadka ka hor codeeynta mudo lix bilood ku siman

7.      In la mamnuuco ku ololaynta qabiilka iyo in su furan loogu ololeeyo qabiil

8.      In qorshe loo galo sidii loo samayn lahaa tirokoob dadwayne.

 

Guuleed Axmed Dafac (LL.B, PG Dip,)

Hargeisa Somaliland 4468227

 

 

No comments:

Post a Comment