Soomaali. Soomaalidu maaha dad ku
cusub aduunka iyo nabadiisa. Waxa Eebe ku abuuray degaan muhiim u ah isku
socodka dunida. Waxa Waynuhu dhaxal siiyay geyi leh khayraad badan oo waayada
qaarkiis ahaa waxa ugu qaalisan ee la heli karayey. Taas ayaa u ahayd fure
xidhiidhka qotoda dheer ee ay la lahaayeen dadyowgii dunida, kumanaan sano ka
hor, hadii aanay malaayiin sano ka hor ahayn.
Muhiimada Soomaalidu lahayd waxa
xudun u ahayd dhulka eegaya badda cas. Dhulkaas oo ka sokow inuu yahay marin
biyood isku xidha dunida, u ah iridda laga galo Afrikada Bari iyo badhtamaha
Afrika. Mar aanay jirin diyaarado hawada mara, badda ayaa ahayd marin ka keliya
ee qaaradaha la isaga gudbo. Sidaasdarteed, cidii ku socoto ilaa gudaha
Ethiopia waxa ku khasbanaayen inay maraan dhulka Soomaalida.
Dhoofka iyo gancsiga adoomaha ayaa
isna ahaa ganacsi xoogan oo muhiimada dhulka Soomaalida kor u qaaday.
Haseyeeshee, Soomaalidu may ahayn
dad sahlan oo si fudud looga fushan karo dano badan. May ahayn dad leh maamul
dhexe oo u wada taliya. Sidaasdarteed, dhibaatada soo wajihi jirtay cid kasta
oo doonta inay saamayn ku yeelato dhulkaas muhiimka ahi may ahayn mid yar.
Reer Yurub waxay kala kulmeen
Soomaalida dagaallo kulul iyo layn ba’an ka hor intaanay soo qabsan iyaga oo ku
soo dhuuntay heshiisyo ay la galeen beelaha. Heshiisyadii kala duwanaa ee
tusaale ahaan Ingiriisku la galay beelaha Somaliland may ahayn mid iska
dhacday. Tobonaan sano ayuu Ingiriisku imanayay dhulka Soomaliland si u
sahimiyo una ogaado siday u nool yihiin. Taasi waxay ugu kacday qiimo badan.
Dad badan ayaa lagaga laayay. Wuxuuna u yiqiin dhullkan meel ay degen yihiiin
dad adag oo aan si sahlan loo qabsan karin.
Badda Casi may ahayn meel si fudud
la isaga maro. Balse duulaanada ay Soomalidu ku qaadi jirtay mid socda ayuu
ahaa. Tani waxay ku xasuusinay waxa hadda loo yaqaan budhcad badeedka ee reer
Soomaliyi ka sameeyaan badaha Soomaalida.
Soomalidu waxay u ahayd welina u
tahay laf dhabar nabadda aduunka. Berigi hore awoowayaasheen taas way ogaayeen.
Inagu se maanta waxaynu isu aragnaa dad liita oo dunida aan qiimo badan ku
lahayn.
Dhulka Soomaalidu degen tahay wuxuu ugu
calaamad san yahay dunida meesha ugu muhiimsan. Soomaalidu waxay leedahay
taarikh dheer. Taariikhdaas raadkeeda quruumo badan ayaan jeclayn oo mafiiq
mariya si uu u tirtirmo. Dabcan buug badan ayuu ku xardhan yahay. Kuwo aynu
hayno iyo kuwo aynaan hayn ba.
Dadka aan jeclayn taariikhda
Soomalida ee tirtira waxa kow ka ah Carabta. Carabtu waxay la lahayd Soomalida
xidhiidh dheer oo ay sabab u ahay derisnimada. Soomaalida oo ku noolayd dhul
hodon ah waxay u arkaysay Carabta dad liita oo iyaga ka hooseeya. Balse markii
Diinta Islaamku ka soo baxday dhul Carbeed, Soomaalidu kamay san taagin sidii
Yuhuuda ee way aqbaleen Nebigii Carbeed (SCW).
Carabtu waxay dooneen inay si kale
uga faa’iidaystaan Diinta oo ay kor u qaadaan Carabnimada. Dalal badan ayay
taas kaga guulaysteen iyaga oo bedelay qoomiyado badan oo aan Carab ahay.
Tusaale ahaan Afrikada Woqooyi.
Soomaalida oo waxa Carabi tahay
tiqiin way sixi waayeen inay bedelaan. Qarniyo kadib waxay ku guulaysteen inay
bedelaan abtirisiitna Soomaalida oo ay ku arooriyaan Carab. Haa. Taas waa ku
guulaysteen. Ma wayna hadaad u eegtid dadyowga aan maanta luqadoodii ku hadal
ee la dhalan rogay. Mana yara hadaad eegtid sida dhalinyaradeenii maanta ugu
jaahwareersan yihiin abtirsiin aan ka badnayn kun sono oo ay ku abtirsadaan.
Waxay iswaydiinayaan waqtigaas ka hor maxaanu ahayn?
Qalinkaa
ila aaday meel kale e, waxan uga dan leeyahay Soomalida nabadda aduunka way uga
muhiimsan tahay dalal badan oo isu haysta inay qiimo wayn leeyihiin, balse
inagga ayaan taa garawosan. Soomaali waxan ula jeedaa inta ku hadasha afka
Soomaliga, ha joogaan Jibuuti, Ethiopia, Somaliland, Kenya ama Somalia.
Taariikhdaa hore Soomaalida Ethiopia, Jibuuti iyo ta Soomaaliland waxay
ahaayeen isla hal mid keliya. Gumaystaha se kala qoqobay. Yeelkeed maanta
midnimo durbaankeeda tumi mayno oo waxay dhasho soo aragnay. Waxaanse lama
huraan ah in taariikhdeena iyo qiimaheena aynu dhuuxno oo aynu aragno xooga
aynu leenahay.
No comments:
Post a Comment