Dhowaan
madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jibuuti wuxuu dhagax dhigay deked cusub oo ay
yeelanayso Jibuuti taas oo laga dhisayo duleedka xuduudka Somaliland. Sida ay
sheegtay dawladda Jibuuti, dekeda cusub waxa loo dhisayaa si looga dhoofiyo
xoolaha nool. Qoraalkan waxaynu kaga hadli doona khatarta amni iyo midda
dhaqaale ee ay Somaliland ku keeni doonto dekedaa cusub iyo waxa xalku noqon
karo.
Dawladda
Somaliland lacagta u badan ee miisaaniyada, qiyaastii 70%, waxay ka soo gashaa
cashuuraha dekeda Berbera. Kuwaas oo intooda badan laga qaado xoolaha nool.
Sidoo kale guud ahaan dhaqaalaha Somaliland waxa laf dhabar u ah dhoofinta
xoolaha nool. Dhibaato kasta oo ku timaada dhoofinta xoolaha nool waxay
Somaliland uga dhigan tahay in la jaray dhuuntii nolosha.
Xoolaha ka
dhoofa dekeda Berbera maaha dhamaantood xoola ka yimaada dhulka Somaliland.
Qayb badan oo ka mid ah xoolahaasi waxay ka yimaadaan dhul daaqsimeedka Hawd ka
ee dhaca gudaha xadka Ethiopia. Dhulkaas dadka degan waa xoolo dhaqato reer
Somaliland ah oo aan iyagu wax xuduud ah aqoonsanayn, balse xoolohooda ula
guura hadba meesha ay doonaan. Ethiopia oo ah dal aan lahayn bad waxay u
aragtaa in xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay yihiin xoolo ay leedahay
Ethiopia sidaasdarteed, waxay mudo dheer ku taamaysay inay hesho fursad ay
xoolo kaga dhoofiso Berbera. Arinkaas oo ay diiday Somaliland oo u aragta in
xoolahaasi yihiin xooleheeda.
Dekeda Jibuuti
maah deked awood u leh inay dhoofiso xoolo. Sidaasdarteed, Ethiopia may haysan
meel ay ka dhoofiso xoolo. Taasina waxay u ahayd Somaliland nefis.
Sida cad hada
waxa heshiis wada gaadhay Jibuuti iyo Ethiopia. Waxa laga dhisayaa deked gudaha
Jibuuti waxana la doonayaa in laga dhoofiyo xoolaha Somaliland. Xusuusnow,
Jibuuti ma laha xoolo ay dhoofiso. Waydiintu waxay tahay khatar intee leeg bay
ku tahay Somaliland dekedaas cusubi?
Khatar Dhaqaale
Sida aynu hore
u soo sheegnay dhoofka xooluhu waa dhuunta nolosha dhaqaale ee Somaliland.
Dhaqaalaha dalka waxa laf dhabar u ah xoolaha nool. Miisaaniyadda Somaliland na
waxay ku dhisan tahay xoolaha nool.
Xooluhu waa
waxa u badan ee Somaliland debeda u dhoofiso ee ay ka hesho lacagta adag. Hadii
ay istaagto dhoofinta xoolaha nool, waxaa meesha ka baxaya awooda dhoofinta ee
Somaliland leedahay.
Khatarta Amni
Hadii hoos u
dhacdo ku yimaado ama ay joogsato dhoofinta xoolaha nool, waxa meesha ka baxaysa
lacagta soo gasha dawladda Somaliland ee ay ku wado dalka. Taas oo ay ku bixiso
mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha.
Sidaasdarteed, way
kacay dawladda Somaliland mana yeelanay awood ay ku maamusho dalkeeda, kuna
ilaaliso jiritaankeeda. Waxa hubaal ah inaanu jiri karin dal aan dhaqaale
haysan.
Xalku Muxuu Yahay?
Dal waliba
wuxuu xaq u leeyahay inuu difaacdo danihiisa meel kasta oo ay ka gasho. Waa
taas sababta Masar ay ugu heelan tahay inay dagaal ka xigto biyo xidheenka
Ethiopia ka dhisanay gudaha dalkeeda. Waa taas sababta dawladina anay ugu
eekeen xuduudeheda marka jiritaankeedu khatar galo.
Sidaasawgeed,
waxa la gudboon Somaliland inay qaado talaabo adag si ay uga hortagto dhisida
dekedaas. Taaso ay ugu horayso inay si dipblomaasiyadeed ku wajahdo. Hadii se
taasi shaqayn waydo waxay Somaliland xaq
u leedahay, waajibna ku ah inay dagaal ka xigto dhisida dekedaas oo
khatar ku ah qaranimadeeda.
No comments:
Post a Comment