Caasimadda dalka dhibaataysan ee
Soomaliya waxay astaan u ahayd in kabadan labaatan sano dagaal iyo macaluul.
Cid walba oo Somaliya maqashaa waxa u sawirmaysa dhibaato. Balse cod bixintii todobaadkan
ka dhacday Xamar waxay ahayd tusaale ka duwan wixii lagu yiqiin caasimadda
colaadaha, Xamar.
In kasta oo ay ahayd wax aan
wanaagsanayn sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba qaabkii looga keenay soo
jeedinta codka kalsoonida in loo qaado raysal wasaaraha Soomaaliya, iyo sidoo
kale qaabkii fawdada ahaa ee taageerayaashiisu isku dayeen inay ku
horjoogsadaan, hadana waxa u baahan in dhacdooyinkaas si is-bar bar dhigis ah
loogu eego wixii ka dhacay isla ayaamahaas Hargeysa, caasimadda Somaliland.
Somaliland waa dal dimqoraadi ah oo madaxdiisa
ku xusha doorasho toos ah oo dadwaynuhu u codeeyaan hogaamiyaha ama sharci
dejiyaha ay doonayaan. Waxay leedahay dastuur lagu mahadiyay in qaabka uu u
qoran yahay iyo axkaamta ku jirtaa inay yihiin mid ka mid ah dastuurada aduunka
ugu wanaagsan. Xamar iyo xaalkeeda siyaasadeed waxan ku bilaabay qoraalkaygan.
Balse sharci ahaan, dadka hogaamiya waxa soo xulay odayo qabileed. Dastuurka
waxa u codeeyey dad aan la soo dooran oo tiro kooban ah, waana ku meel gaadh.
Dastuurkaasi ma dhigo mabaadi cad cad oo ku kala aroora labada hab maamul ee
maanta dunida ugu caansan midkood; habka baarlamaaniga iyo habka madaxtooyada.
Iyada oo waaqiciga labada dal uu
caykaas kala yahay, ayaa xeer-dejiyayaasha labada dal waxa bishii dhamaatay
khal khaliyey muran ku aroora xil ka qaadista raysal wasaraha (waa Xamar e) iyo
gudoomiyaha Golaha Wakiilada (waa Hargeysa e). Xalka labadaas khilaaf oo warka
war-baahinta af Soomaaliga wax ku tebisaa meel sare kaga jiray, waxa lagu
xalliyay laba hab oo kala duwan.
Hargeysa, waa dalkii dimqraadiga
ahaaye, way u suuroobi wayday inay sharciga ku kala baxan. Qof baa ku dhinta
lix kalena way ku dhaawacantay. Tiro dad ahina xorriyadooda ayay ku waayeen.
Markii laga baqay in muranka ka dhexeeya xubnaha Golahaasi inuu keeno dhibaato
amni, waa la dhex dhexaadiyay oo waxa lagu dhameeyey tanaasul.
Xamar, waa dalkii colaaduhu ka jireene,
ugu danbeeyntii xubnihii goluhu waxay isla garteen inay sharciga ku kala
baxaan. Iyaga oo aan weli ku qanacsanayn sida wax u dhaceen, hadana waxay
ogolaadeen natiijadii ka dhalatay go’aankii baarlamaanka. Ogaalkay cidina kuma
dhiman, kumana dhaawacmin, cid xoriyadeeda ku waydayna ma jirto.
Hadaba, dalkayga Somaliland oo dhawr
iyo toban sano dabada hayay dimqoraadiyad, muxuu garan waayay oo Xamar oo aan
dawlad helin dhawr iyo labaatan sanno ay garatay? Jawaabtu waxay tahay in (1)
Xamar khilaaafkeedii ku xalishay sharcigii u yiil (2) Hargeysi inay ku kala
bixi wayday sharcigii (3) Raysal wasaarihii Somaliya wuxuu doorbiday inuu sharciga
raaco halkii uu dabada gelin lahaa reerkiisa oo colaad qabiileed hurin laha (4)
gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland wuxuu door biday inuu fawdo kiciyo si
uu u ilaashado kursigiisa (5) madaxwaynaha Soomaliya wuxuu doorbiday inuu
ixtiraamo xasaanadda iyo sharafta xubnihii baarlamaanka ee ay is-hayeen (6)
madaxwayanaha Somalilanad wuxuu doorbiday inuu ku tunto sharafta iyo xasaanada
xubnaha baarlamaanka iyo aqalka laftiisaba. Waad xasuusataa in shan xildhibaan
la xidhay, ciidana lagu wareejiyay dhismaha Golaha Wakiilada.
Intaba way ku saxnayd Xamar, wayna ku
qaldanayd Hargeysi. Sidaasdarteed, Somaliland waa inay ka barataa Xamar in lagu
kala baxo sharciga ee aan la isku mashquulin tanaasul eel ka taga iyo in milil
dushii la dhayo maalin walba oo aan damaqiisu dhamaan.
Hadii dadka reer Somaliland aay maalin
walba khal-khal geliso codbixin ka dhex jirta aqalka hoose ee baarlamaanka,
su’aashu waxay tahay lamaaha dawladeed ee aynu dhisanay ma waxay u taagan
yihiin inay ina geliyaan rabshad mise inay noqdaan fagaare lagu doodo oo lagu
xalliyo khilaafka iyada oo la raacayo shuruucda u taal? Jawaabtu waa kugu adi,
hadaad reer Somaliland tahay, hadii kale ha isku mashquulin.
No comments:
Post a Comment