Monday, 23 February 2015

Waxan ahay muwaadin reer Somaliland ah oo hadana Soomaali ah

Eebe markuu i uumayay talo igama waydiin. Ra’yigayga ma ahayn halka aan ku dhashay, cidda aan ka dhashay iyo goorta aan dhashay tooni.  Waalidkay igalama tashan diinta ay tahay inaan qaato iyo sida ay tahay inaan Eebe u caabudo toona. Waxan ku dhashay qaaradda Afrika. Qaaradu way balaadhan tahay e Eebe wuxuu ku beeray waalidkay Geeska Afrika. Dadka Geeska degeni waa kala jaad e, wuxuu iga dhigay Soomaali. Soomaali badane waxaan ka dhashay reer Somaliland. Waalidkay Waa Muslimiin. Anna waxan ku barbaaray diinta Islaamka.
  Inaan ahay Soomaali oo hadana ahay Somalilander is diidi mayso. Haday se dadka qaar taasi ku adag tahay inaay fahmaan, in yar aan isku dayo inaan sharaxo. Soomaalidu dal maaha. Waa umad degan dalal badan. Soomaaliga Jibuuti joogaa waa Somali. Balse muwaadin ahaan waa reer Jibuuti. Kama codayn karo Gaarisa. Waxa sidaas la mid ah Soomaaliga reer Jigjiga ama Kismaayo oo aan xaq u lahayn in Soomaalinimadu u gayso inuu wasiir ka noqdo Jamhuuriyadda Jibuuti. Tani wax adag maaha sababta oo ah waxay ka dhigan tahay qofka carbeed ee u dhashay Qadar waa reer Qadar ee Sucuudi maaha, Yemani na maaha. Bal eeg oo u fiirso Afrika iyo qoomiyadaha sida Soomalida dalal badan degan.
Siilaanyo madaxwaynaha dadka Soomaaliyeed ma aha. Gudoomiyaha dhalinyarada Jibuuti, ma aha gudoomiyaha dhalinyarada Soomaaliyeed. Haa, xaalku sidaas Xamar waa ka duwan yahay. Gudoomiyaha xabaglayaasha jooga Xamar wuxuu yidhaahdaa waxan ahay gudoomiyaha xabaglayaasha Soomaaliyeed: Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu sheegtaa Madaxwayanaha Soomaalida: gudoomiyaha dadka laxaadka la’ ee xaafad Xamar ku taal joogaa wuxuu ku tiraabaa “waxan ahay gudoomiyaha curyaamiinta Soomaaliyeed”. Hadaba, reer Xamarku ma waaxanay aqoon Soomaali waxay tahay? Miyay kula tahay Xasan Shiikh Maxamuud laga bilaabo Jibuuti ilaa Gaarisa isagu inuu xukumo?
Qaybta afka Soomaaliga ku hadasha ee BBC da ayaa iyana u baahan in la faham siiyo cidda ay tahay Soomaalida ay la hadasho.
Jacaylka dadkaygu u qabo Soomaalinimada waxa calaamad u ah magaca dalka, Soomaaliland. Hada Puntland lama bixin, shakaroonland ma door bidin, sida Jibuutina Hargeysa lamaanu bixin. Soomaalinimada kamaanan cararin. Si sidaas la mid ah na cidna marti ugama nihin. 
Xamar dhulka ay u taliso waxa la yidhaahdaa Somalia. Dadka u dhashayna Somalian. Wixii intaas ka badan ee aad sheegataan waa deel qaaf, maag iyo Soomaali kala dilid. Dadka Soomaaliyeed way badan yihiin. Wixii ay iyaga oo heshiis ah isku darsadaan ama goostaan inay wadaagaan mooyee, wiixi kale cid waliba gaarkeed ha u haysato.
Ugu danbayntii, waxan ahay Somalilander u han wayn dalkiisa, kuna faraxsan umadda uu ka dhashay.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Thursday, 12 February 2015

Wacad jacayl iyo waayaha colaadeed

Sanqadha hubka culus oo baxaysa ayuu mar qudha ka booday sariirtii uu hurday. Wuxuu hore u maqlay oo uu arki iray maaha. Onkod maaha oo ka culus xilliguna gu iyo dary toona maaha. Riyo ayay ula eekoonaatay. Balse xaqiiqsay in ay dhab tahay. Dagaalka jabhaddu soo qaaday ma ahayn mid ay hore dadka magaalada degeni u sii ogaayeen. Sidaasdarteed, magaaladu way buuxday. Wuxuu haab haabto oo hal haleel u xidho dharkii, wuxuu u cararay qolaalka kale si uu hubiyo in reerka intiisa kale nooshahay. Waa la is tooyday. Abiihii, Warsame, isaga awelba horuu jabhadda u aaday oo war iyo wacaal looma hayn. Maxamed oo ka wayni se xaas buu lahaa oo waxa lagu ogaa gurigiisa oo ku yaal Goljano. Isgaadhsiin lagu war doonaa ma jirto. Canbaro si aan kala go’ lahayn bay ugu barooranaysaa inankeeda curad. Waxa hada u cadaatay in dhinaca koonfureed iyo galbeed dagaalka badankiisu ka socdo.
Mudo yar dabadeed waxay qaadan karayeen bay ula carareen dhinaca biyo shiine. Naftu orod bay kugu aamintaa. Guure isaga waxaas oo dhan waxa kaga wayn Ubax. Ubax waxay degen tahay Jameeco wayn. Waa xagga ciidamada dawladdu sida arxan darada ah ay uga soo afuuufayaan hubka noociisa kala duwan. Waa rasaas aan loo meel dayayn. Waa rasaas aan bar-tilmaameed ciidan lahayn. Ileyn shacabka laftiisa ayaa la soo shiishayaa.
Ciddii ku noolayd dhinaca koonfureed war lagama hayo. Dadkii ay u suurawday inay u soo cararaan xagga woqooyi war aan fiicnayn bay u wariyeen Guure oo qofkii uu arkabo waydiinaya waxay ku nooshahay Jameeco-wayn. Waa xeelad ciidan oo dawladdu waxay doonaysaa inay difaacato gegida diyaaradaha. Tan waxay qayba haan ugu baahan tahay si ay u sii sheegato inay iyada magaalada maamusho. Waxay sidoo kale ugu baahan tahay in diyaaradaha magaalada duqaynayaa ay helaan garoon ay ka haadaan.
Wuxuu jeclaan lahaa Guure in ciidanka jabhaddu hore u guulaysato oo uu soo ogaado waxay ku nooshahay Ubax. Waa se dagaal iyo caadadiiye, xabaddu way dami wayday. Laba habeen markay ku baryeen Biyo Shiine oo Maxamed iyo reerkiisiina la helay waxa la goostay in la sii qaxo. Canbaro waa qof wayn oo waxa u muuqatay inaan dagaalkani dhaqso u soo dabar go’ayn. Waxay isku canaanatay haday raaci lahayd dadkii sanad hortiiba ka huleelay guryohoodii ay jeclaayeen. Waa se goor aan canaan iyo is-hiif waxba tarayn. Guure isagu ma ogola in la guuro. Balse talo gacan uguma jirto. Hooyadii iyo walaalkii oo ka wayn bay ka go’daa.
Aroortaas iyada oo weli dagaalkii ka socdo magaaladii ayaa waxa dhinaca magaalada ka yimi Siciid oo ay inma adeer yihiin Warsame. Markuu Maxamed arkayba wuxuu ku taabtay warka naxdinta badan. Inkasta oo Hargeysa inteeda badani durba bur burtay dadka waxa dhintay aanay tiro lahayn, dhaawaca dhirta hoosteeda lagu dawaynayo ee aan loo hayn dawo lagu baanto iyo dhakhaatiir toonana aanay tiro lahayn, hadana in Maxamed loogu waramo in aabihii ku geeryooday dagaalkii u horeeyey ee magaalada lagu soo galay waxay ku ahayd tumaati waran oo wadnaha lagala eegtay. Aabahaa raac lahaydee, habeenkuu jabhadda u talaabayey jooji lahaydee. Maxamed talaa ku ciirtay. Durba qoyskii warku wada gaadh. Wax baroorta iyo wax ooyaba, hoos uun bay codka u dhigayeen. Taagga baas waxay ka xishoonayeen qoysaska deriskooda ah ee mid tan la mid ah ama mid ka daraniba haleeshay.
Canbarro iyadu canaan bay isla taagtay buulka yar ee ay geedka hoostiisa ka waabteen hortiisa. Waxay ku hiiftay inay aamusaan. Waxay si geesinimo leh ugu tiir-tiirsay in aabohood shihiiday oo uu u dhintay difaaca dadkiisa la xasuuqayo. “Uma qalmo inaad oydaan. Dhimashada wuu ku talo galay. Waa shihiid. Iga aamusa” ayay ugu goodisay caruurteedii.
Barqadaas ayuu go’aansaday Guure oo 17 jir ahi inuu ku noqdo magaalada oo dhinac ka noqdo dadaalka loogu jiro in magaaladii uu ku dhashay lagaga xoreeyo arxan laawayaasha. Weliigi qori inuu rido iska daaye ma qaadan. Kumaba hamiyin. Sanadka kowaad ee dugsiga Faarax Oomaar buu ahaa. Hamigiisu wuxuu ahaa inuu noqdo nin caan ah oo aqoontu biyo dhigtay.
Wuxu dood la galo hooyadii iyo walaalkiiba, ugu danbayntii wuxuu u dhaqaaqay xagii Hargeysa. Canbarro haday joojin karayso ma ogolaateen. Odaygeedii uun baa hada loo soo sheegay. Wiilkay ugu jeclayd inamada inuu ku noqdo isla goobtii la dhigay Warsame waa qiiro iyo arin naxdin leh. Waa se qof calool adag. Iyadaaba holanaysa inay dagaalka gasho. Maxayse ka yeelaysa todobada kale ee caruurta ah ee ay dhashay iyo labada inankeedu dhalay. Maxamedna kama danbayn Guure waxba. Iskumaysa arag faramaha balaadhay ee dagaalka.
Guure wuxuu dagaalka ka galay aagga ku beegan Idaacadda Hargeysa. Waa meeshuu ku dhashay ee uu kubadda ku cayaari jiray. Qori baad ka ridi weligii kama fekerin. Kuwo badan oo ka mid ah asxaabtiisii baa la mid ah oo iyana dagaalka ku jira.
Wixii maalintaas ka danbeeyey wuxuu noqday wiil geesi sooma jeeste ah oo hogaamiyayaasha jabhaddu tirsadaan. Goobo badan buu dagaalka ka galay. Jabhaddu sanadkaas dib bay uga noqotay Hargeysa oo hamigeedii guushu ma rumoobin. Balse Guure dibin qaniin iyo weji aan arxan lahayn baa ka soo hadhay. Waxaan maskaxdiisa ka bixin sidii loo galay magaaladii quruxda badnayd ee uu ku barbaaray. Weligeed tolay dib ma ugu noqonaysaa siday ahaan jirtay buu is waydiiyaa. Hadana waxa maskaxdiisa ku soo dhacda horta ma laga xorayn karaa faqashta qabsatay.
Ubax maskaxdiisa kama bixin. Xitaa dilka, dhiigga, dhaawaca, haraadka, gaajada iyo darxumada kale ee ku habsatay in yar oo mad madow ah kama gelin Guure sawirka quruxda badan ee ku jira maskaxdiisa. Mar kasta Ubax kama ag foga. Waa dhiirigeliyaha naftiisa tusa guul iyo farxad uu kula noolaado Ubax markuu dalka xoreeyo. Waa astaan niyad samida. Hadii shidaalku quudiyo injiinka gaadhiga, isaga waxa maankiisa quudsha quruxda Ubax.
Marbuu se hurdada saqda dhexe ka soo boodaa isaga oo qaylinaya. Wuxuu werwer ka qabaa in Ubax iyo qoyskeedii ka badbaadeen duqayntii Hargeysa. War uma hayo. Ma se niyad xuma.
Dagaalkii labaad ee lagu xoreeyey dalka, Guure wuxuu soo galay Hargeysa isaga oo wata hurin dhan. Markan waa kow iyo labaatan jir. Balse isagu wuxuu isu haystaa afartan jir. Eebe ku guulee. Hargeysa oo dunsan oo qubuure ummado hore lagu aasay u eeg buu ku soo noqday. Waa ba se faraxsanaa. Xoriyadaa kala macaanayd qurxda iyo daaraha dhadheer.
Wuxuu toydaba waxa loo sheegay in Ubax iyada badqabta ay ka baxday Hargeysa. Balse meel ay jaan iyo cidhib dhigtay cid uga waranta waa. Waa hadal iyo caadadiise, qofba wax u sheeg. Warkuse waa is dhaamaaye kii ugu wanaagsana wuxuu ahaa Cali Gaab oo ay deris ahaayeen Ubax. Wuxuu weriyay in Ubax iyo qoyskoodu xeryaha qaxoontiga Itoobiya gudeheeda ay iska dhibeen oo ay rajo ka qabeen inay u baxeen dalalka fog fog.
Guure wuxuu goostay inuu baadi doono Ubax. Wuxuu u huleelay xagaas iyo Dulcad oo halkii ugu danbaysay ee lagu sheego Ubax ahayd. Lacag uu gaadiid ku raaco muu haysane lug buu kaga baxay Hargeysa. Wuxuu dharaaro sii socdoba wuxuu ku gaadhay nabad.
Waxsan umay sheegin dadkii ku hadhay Dulcad ee uu ugu tegay. Jeclaan lahaayee in warkaasi beenoobo. Ubax iyo qoyskeedu waxay cago dhigteen dhul waynaha Maraykanka. Wax lagu xidhiidhiyo haatuf kaa wargeeyaana ma jiro. Allow yaa Ubax u sheega in hadii lug lagu tegi karo, inuu ugu iman lahaa Maraykanka. Beriguu se iskuulka dhigan jiray jiquraafiga ayuu ku bartay oo waa garawsan yahay intuu jiro.
Dib buu u soo huleelay oo tobiyihii horuu soo qaaday. Markii hore yuhuun buu lahaayoo wuu dheeraynayey. Iminksa waa caga jiid. Gabal baas baa u dumay.
Wuxu Hargeysa iska dhex lugeeyaa isaga oo aad moodo inuu waalan yahay. Maskaxdiisu se feker bay ku maqan tahay. Ubax ma ku soo dooni oo maruun ma ku soo raadin. Mise nolosha nabad qabta iyo barwaaqada Maraykan bay ku dhex dabaalaynaysaa oo dib kuu soo xusuusan maayso? Waa su’aalaha maskaxdiisu had iyo goor ku mashquulsan tahay. Codkii macaanaa iyo hadaladii rajada lahaa ee ay goor walba ugu balan qaadi jirtay inay weligeed la jirayso ayaan ka sal guurin maskaxdiisa.
Waa aduun iyo xaalkiiye goor galab ah oo maalintuna sabti tahay isaga oo maraya fooqa inma Cumar Xaashi agtiisa meel dunsan oo madfac hore u baabiiyey ayaa bambo lagu aasay oo ah kuwa dadka loo dhigo la qaraxday. Guure waxa ugu miyir danbaysay isaga oo si heedo daw ah ugu beedhay meesha dunsan iyo sanqadhii waynayd ee qaruxu sameeyey. Dhawr maalmood dabadood buu soo kacay isaga oo sariir jajaban dul jiifa oo hooyadii dul taagan tahay. Alle waa ka nabad kiciyay wuxuu se ku waayay lugta iyo gacanta midig. Halkaas buu ku laxaad waayay.
Si uu qutal daruuriga u helo Guure wuxuu bilaabay inuu noqdo tuur-ku-qaad. Waa qadaa ma dhergaan. Wixii Alle ka siiyo buu ka quutaa.  Sanooyin badan dabadeed mar dalkii hore u kacay oo kuwa Alle wax siiyay dib u dhiseen dalkii, isagu wuxuu sii watay inuu iska xoogsado. Dadku wax caaya iyo wax nabad geliyaba way isugu jiraan. Dalka wuxuu u soo galay in yar baa xasuusan. Isagu mar waa cadhoodaa, marna wuxuu isku qanciyaa waa makas e ha u joojin. Saw Hargeysi xor maahaa.
Guur iskama deyin. Waayo kama ba quusan Ubax. Inantii qurux badanba wuxuu u haystaa Ubax. Balse ka gadmi maysoo markuu indha kaga bogto waa gartaa inaanay ahayn. Rajo beel maaha. Sanaduhu se waa is gurayaan. Dadku waa ku canaantaan inuu guursado oo wax iska reebo. Isaga se wacad buu hore u galay. Inuu oofiyaa ka go’an.
Dharaar dharaaraha Eebe uuntay ka mid ah isaga oo dusha ku sita xoogga alaab ah oo ka samaysan calanka Somaliland ayaa koox dhawr qof ka koobani joojisay. “Hooyo calankan inoo iibi” baa mid yar oo toor ahi yidhi. Guure wuu soo hakayday. Ileyn waa nin gacan qudha lehe, wuu fadhiistay si uu alaabta dhulka u dhigto oo uu fursad ugu helo inuu kala guro. Kor uma eegin dadka dul taagan.
Waa afar qof. Hooyo, aabe iyo wiil iyo gabadh ay dhaleen. Hooyadii baa tidhi “maxaad ku falaysaa sawtuu guriga inoo yii calanka Maraykanku. Let’s go.” Hadalkaasi Guure waa ka cadhaysiiyey. Waa marka hore dhaqaale soo geli lahaa oo uu filanayay buu  iska hortaagay. Marka labaadna calankan wixii loo soo galay buu ogyahay oo hadalkaas oo kale meel Alle ogahay buu damqaa. Waa se nin waayuhu baray dulqaad oo jawaabtiisu degdeg maaha. Wuu sare kacay. Markaasuu eegay inantii hadalka tidhi. Mise waa quruxley Eebe u uumay si la yaab leh. Inkasta oo da’du wax ka bedeshay oo waagii ugu danbaysay ay ka soo wareegtay todoba iyo toban sano, hadana waa aqoonsaday. Waa Ubax oo car iyo beyl la. Af kala qaad bay ku noqotay. Hadal baa ka soo yeedhi waayay. “Hooyo ninka maxaa ku dhacay.” Kii yaraa baa ku hadaaqay. Ereyga “hooyo” ayaa wax walba kaga daran Guure. Hadii dhulku ka yeeli lahaa wuxuu jeclaan lahaa inuu la go’.
Ubax lafteedu waa garatay. Sidaas se ulama wayna Guure. “Sorry poor man. Maxaa kugu dhacay. Magacaagii horta muxuu ahaa?” Ayay tidhi. Arag in tuu u golongolay ee dad iyo bahalba uga tegay awgeed aanay la qabin waayaha. Garawsay in wacadka uu isaga keligii uun hayey. Wuxuu se isku hiifay sida uu uga daba dhacay hadaanu isu mashquuliyeen in maanta lugtiisa iyo gacantiisu u bad qabi lahaayeen. Sidaasna aanay ugu jees jeesteen. Yaa se celin kara sanadaha tegay?



 Guuleed Axmed Jaamac
Hargeisa Somaliland

Friday, 6 February 2015

Xuquuqda Aadanaha Vs Amniga Qaranka: Kee Mudan Hal Milyan iyo Qof Dembiile ah

Dawladdii Dhexe ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxay burburtay sannadkii 1991ki. Bulshadii Soomaaliyeed ee dalkeedu burburay dunida inteeda kale way ilawday. Qaarkood xilligaas waa isku tashadeen sida Somaliland, halka qaar kalena dagaalo ay ka sii curteen, sida Somalia.
Dunidu way ka aamustay ka dib markii uu guuldarraystay hawlgalkii Maraykanku hoggaaminayey ee Qaramada Midoobayna ku jirtay ee loogu magac daray “Soo Celinta Rajada”. Taasi waxay keentay in dunidu faraha ka qaado Somalia. Macaluul, colaado iyo falal dembiyeedyo abaabulan ayaa gudaha dalka ka socday laakiin dunidu dareen may siin. Kumanaan qof ayaa ku dhimanayey maalin walba dagaalo sokeeye, dumar badan ayaa la kufsanayey, kumanaan ciyaal ah ayaa la askaraynayey iyada oo dhammaan falalkaasi haddii ay ka dhici lahaayeen meel aan ahayn Somalia la samayn lahaa farogelin degdeg ah iyo in la maxkamadeeyo saraakiisha ku lugta leh sida dalal badan oo caalamka ah ka dhacday.
Waxaase indhaha caalamku u soo jeesteen Somalia markii duruufaha xasilooni darro ee gudaha ka jiray ay halis geliyeen amnigii caalamka sida budhcad badeed iyo kooxaha xagjirka ah. Labadaasiba waxay si weyn u taabteen amniga dunida iyo dhaqaalaha caalamka.
Haddaba jawaabta labadaas laga bixiyey waxay noqotay in lala dagaalamo oo keliya kooxaha ku lugta leh islamarkaana wadamada deriska ah loo ogolaado inay gudaha soo faro geliyaan. Nasiib darro wax xal ah taasi ma keenin. Sida ay baahisay hay’adda xuquuqal insaanka u dooda ee Human Rights Watch weli waxaa ka socda Somalia ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga haweenka oo xataa gaadhay in ciidamada nabad ilaalintu ay hab abaabulan uga ganacsadaan jidhka haweenka iyaga oo ka faa’iidaysanaya duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira.
Somaliland iyadu way ka badbaaday xasilooni darradaa Somalia ka jirta. Way la dagaalantay kooxaha dembiilayaasha abaabulan, waxay qaadatay nidaamka is xukun habka dimoqraadiga ah. Waxa la ansixiyay dastuur ilaaliya xuquuqda aadanaha, waxana la qabtay doorashooyin is-daba joog ah oo dadku fursad u heleen inay u codeeyaan cida xukumaysa. Laakiin dhammaan tallaabo kasta oo Somaliland u qaadday dhinaca dimoqraadiyadda iyo ilaalinta amniga gobolka jawaabteedu waxay noqotay in lagu abaal mariyo go’doomin caalami ah.
Kadib weeraradii dhacay sannadkii 2001 ee lagu bartilmaameedsaday daarihii ganacsiga dalka Maraykanka waxay dhalan-rogmay shuruucdii wadamada dunida ee muhiimadda siinayey xuquuqda aadanaha. Waxaana soo kor maray in mudnaanta la siiyo ammaanka. Taasi waxay keentay in la soo saaro shuruuc aan tixgelin badan siinayn nolosha dadka iyo xuquuqda aadanaha toonna laakiin ku foogan amniga guud. Taasina waa sababta keentay in bangiyadu ay aad uga baqaan nooc kasta oo lacag diris ah waayo waxaa ka dambeeya shuruuc faraysa inay aqoonsadaan cidda lacagta diraysa iyo cidda loo dirayo.
Haddaba Xawaaladuhu waxay noqdeen cidda samata bixisay dadkii Soomaaliyeed ee la illaaway. Sida dalalka kale ee Afrikaanka ah dadka qurba joogta ah ayaa lacag badan u soo dira qoysaskooda danyarta ah ee dalkooda ku nool. Nasiib darro xilligan waxaa la joojiyey xawaaladihii (dalka Maraykanka) taasina waxay halis gelinaysaa kumanaan qof. Waxaa malaayiin qof oo xawaaladaha ku tiirsan loo ciqaabayaa hal qof oo dembiile ah. Way dhacaysaa in qof ku dhex dhuunto laakiin kee xaq mudan malaayiin qof oo la dayacay oo aan haysan dawlad oo ku nool goobo colaado ka jiraan in loo ciqaabo qof dembiile ah?
Taasi miyaanay dhiirigelin u noqon karin cidda la leeyahay waa dembiilayaal ee awgood dadkan loo go’doomiyey in fikradooda dadka danyar ahi u dhega nuglaadaan? Waxaan beesha caalamka u soo jeedinaynaa inay tixgeliyaan xuquuqda dadka danyarta ah ee aan la siyaasadayn. Waxaan codsanaynaa in la taageero baaqii Senator Keth Elison ee xataa Madaxweyne Obama saxeexay ee ahaa in loo qiil dayo hannaanka lacag dirista Somalida gaar ahaan in la fududeeyo shuruucda la xidhiidha dhinaca lacag dirista.
Waxaan dunida leenahay meel cidlo ah ha kaga tegina dadka Soomaaliyeed ee ku eega indho naxariis leh, haddiise lagu guul darraysto in la dhawro xuquudooda aasaasiga ah ee ah inay nooladaan, waxay bulshada danyarta ah baraysaa inaan dunidu run ka sheegayn ilaalinta xuquuqda aadanaha, hase ahaatee ay tahay la jiifiyaana bannaan.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland