Eebe markuu i
uumayay talo igama waydiin. Ra’yigayga ma ahayn halka aan ku dhashay, cidda aan
ka dhashay iyo goorta aan dhashay tooni. Waalidkay igalama tashan diinta ay tahay inaan
qaato iyo sida ay tahay inaan Eebe u caabudo toona. Waxan ku dhashay qaaradda
Afrika. Qaaradu way balaadhan tahay e Eebe wuxuu ku beeray waalidkay Geeska
Afrika. Dadka Geeska degeni waa kala jaad e, wuxuu iga dhigay Soomaali.
Soomaali badane waxaan ka dhashay reer Somaliland. Waalidkay Waa Muslimiin.
Anna waxan ku barbaaray diinta Islaamka.
Inaan ahay Soomaali oo hadana ahay
Somalilander is diidi mayso. Haday se dadka qaar taasi ku adag tahay inaay
fahmaan, in yar aan isku dayo inaan sharaxo. Soomaalidu dal maaha. Waa umad
degan dalal badan. Soomaaliga Jibuuti joogaa waa Somali. Balse muwaadin ahaan
waa reer Jibuuti. Kama codayn karo Gaarisa. Waxa sidaas la mid ah Soomaaliga
reer Jigjiga ama Kismaayo oo aan xaq u lahayn in Soomaalinimadu u gayso inuu wasiir
ka noqdo Jamhuuriyadda Jibuuti. Tani wax adag maaha sababta oo ah waxay ka
dhigan tahay qofka carbeed ee u dhashay Qadar waa reer Qadar ee Sucuudi maaha,
Yemani na maaha. Bal eeg oo u fiirso Afrika iyo qoomiyadaha sida Soomalida
dalal badan degan.
Siilaanyo
madaxwaynaha dadka Soomaaliyeed ma aha. Gudoomiyaha dhalinyarada Jibuuti, ma
aha gudoomiyaha dhalinyarada Soomaaliyeed. Haa, xaalku sidaas Xamar waa ka
duwan yahay. Gudoomiyaha xabaglayaasha jooga Xamar wuxuu yidhaahdaa waxan ahay
gudoomiyaha xabaglayaasha Soomaaliyeed: Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu sheegtaa
Madaxwayanaha Soomaalida: gudoomiyaha dadka laxaadka la’ ee xaafad Xamar ku
taal joogaa wuxuu ku tiraabaa “waxan ahay gudoomiyaha curyaamiinta
Soomaaliyeed”. Hadaba, reer Xamarku ma waaxanay aqoon Soomaali waxay tahay?
Miyay kula tahay Xasan Shiikh Maxamuud laga bilaabo Jibuuti ilaa Gaarisa isagu
inuu xukumo?
Qaybta afka
Soomaaliga ku hadasha ee BBC da ayaa iyana u baahan in la faham siiyo cidda ay
tahay Soomaalida ay la hadasho.
Jacaylka
dadkaygu u qabo Soomaalinimada waxa calaamad u ah magaca dalka, Soomaaliland.
Hada Puntland lama bixin, shakaroonland ma door bidin, sida Jibuutina Hargeysa
lamaanu bixin. Soomaalinimada kamaanan cararin. Si sidaas la mid ah na cidna
marti ugama nihin.
Xamar dhulka ay
u taliso waxa la yidhaahdaa Somalia. Dadka u dhashayna Somalian. Wixii intaas
ka badan ee aad sheegataan waa deel qaaf, maag iyo Soomaali kala dilid. Dadka
Soomaaliyeed way badan yihiin. Wixii ay iyaga oo heshiis ah isku darsadaan ama
goostaan inay wadaagaan mooyee, wiixi kale cid waliba gaarkeed ha u haysato.
Ugu danbayntii,
waxan ahay Somalilander u han wayn dalkiisa, kuna faraxsan umadda uu ka
dhashay.
Guleid
Ahmed Jama
Hargeisa
Somaliland
No comments:
Post a Comment